Friday, August 23, 2013

Xukuumadda Somaliya oo Golaha Amaanka ka Dalbatay in Xayiraadda laga qaado Ganacsade ku Eedeysan Argagixiso


Muqdisho(GNA)-Golaha Wasiiradda ee Somaliya ayaa kulankoodii Khamiista ee todobaadkan, Maanta kaga dooday Kiiska Ganacsade Axmed Jimcaale Nuur oo Golaha amaanku xayiraad ku soo rogeen laba sano ka hor dhaqdhaqaaqiisa, ka dib markii looga shakiyay inuu xidhiidh la leeyahay Kooxaha Argagixisada ah.




Kulanka Golaha wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Reysal-wasaaraha xukuumadda federaalka ah,loogana hadlay qodobo dhawr ah oo ay ka mid yihiin Kufsiga, Dilal Muqdisho ka dhacay iyo arinta Ganacsadahan, ayaa lagu go’aamiyay in Qaramada Midoobay Xayiraada ka qaado ganacsade Jimcaale oo ah Mulkilaha shirkadda Isgaadhsiinta ee Hormuud.




Sidaasina waxa sheegay Wasiirka Warfaafinta, Isgaadhsiinta iyo gaadiidka Somaliya Cabdullaahi Ciilmooge Xirsi, kaasoo xusay in Golaha Wasiiradu ay dhegeysteen warbixin ay soo bandhigeen guddi loo xil saaray inay soo baaraan eedaha sheegaya in ganacsade Axmad Nuur Jimcaale ee ah inuu  ku lug leeyahay falal argagixiso, taasoo sababtay in golaha ammaanku ay xayiraan dhaqdhaqaaqiisa.

Guddigan oo ka koobnaa saraakiil ka tirsan hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka ee dawladda Federaalka, khabiiro amni, iyo xubno ka tirsan ururada bulshada rayidka ah ayuu  inay in  muddo ah wadeen baadhista xogta la xadhiidha eedaha loo jeediyay ganacsade Axmad Nuur Jimcaale. Isaga oo tilmaamay in Howlwadeenada baarayay eedahan ay la xariireen dhamaan cid kasta oo ay xog ka heli kareen, ayna safaro ku tageen dalal dibadda ah.




Sidoo kalena ay wareysteen qeybaha bulshada, gaar ahaana Culimo, odayaal, ganacsato, iyo dad magac ku leh bulshada dhexdeeda.

Wasiirka Warfaafinta Ciilmooge ayaa ugu dambeyntii sheegay in golaha Wasiiradu dood dheer kadib, ay go’aamiyeen in Axmad Nuur Jimcaale laga qaado xayiraada, loona soo celiyo xorriyadiisa shaqsiyadeed, iyagoo isku raacay inaanu wax lug ah ku lahayn arimaha loo haysto.

“Dawladda Soomaaliyeed waxay beesha caalamka ugu baaqeysaa inay ku tixgeliso go’aankan” ayuu yidhi.




Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale  xusay in go’aakan ay ugu gudbin doonaan si deg deg ah golaha ammaanka ee Q/midoobay, wuxuuna dhanka kale xusay in go’aankani qeyb ka yahay dib u heshiisiinta Soomaaliyeed iyo in dawladda Soomaaliyeed ay taageerto illaalinta xaquuqda, sharafta iyo hantida Muwaadiniinta Soomaaliyeed.




Ganacsade Axmed Jimcaale ayaa horaantii sanadkii 2012-ka Golaha amaanku ku eedeyay inuu taageero Ururo amni daro ka wada somaliya iyo Geeska afrika, waxaana markaasi xayiraad lagu soo rogay dhaqdhaqaaqiisa iyo Hantida u taala Bangiyada Caalamka.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com