Saturday, August 31, 2013

Baarlamaanka UK oo qaadacay weerar lagu qaado Siiriya


London (GNA)Baarlamaanka dalka Ingiriiska oo xalay kalfadhi aan caadi ahayn isugu yimid ayaa cod u qaaday qorshaha Xukuumada Raysalwasaare David Cameron ee ku aadan duulaan lagu qaado dowlada Siiriya.




Baarlamaanka Ingiriiska ayaa si weyn ugu kala qeybsamay in UK ay ka qeyb qaadato duulaan lagu qaado Bashaar Al Assad, iyadoo codka intii badnaa uu raacay dhanka xildhibaanada kasoo horjeeda qorshihii militari ee Raysalwasaare Cameron.




272 Xildhibaan ayaa taageeray in UK ka qeyb qaadato dagaalka ka dhanka ah xukuumada Bahsaar Al Assad, halka 285 Xildhibaan ay qaadaceen in wax kaalin ah uu wadanka Ingiriiska ku yeesho dagaalka ka socda dalka Siiriya.
Arrintan ayaa waji gabax ku noqotay Raysalwasaaraha Ingiriiska David Cameron si weyn ugu ololeenayey in duulaan militari lagu qaado dalka Siiriya, kadib xasuuqii sunta Kimikalka.




David Cameron oo isagu codsaday in xildhibaanada kalfadhigan aan caadiga ahayn isugu yimaadaan, ayaa sheegay inuu ka xun yahay natiijada codbixintii Baarlamaanka oo uu sheegay inay meesha ka saarayso in dowlada Ingiriiska ay ka qeyb qaadato hawlgalada militari ee ka dhan ah xukuumada Siiriya.




Diyaariye;C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com