Friday, January 31, 2014

Musharrax Jamaal oo soo dhaweeyey in Dad Somaliland ka soo jeeda Xilal looga magacaabo Puntland


gaahHargeysa(GNA):- Musharraxa u taagan jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen, ayaa soo dhaweeyey in Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland dad dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda inuu Xukuumaddiisa xilal uga magacaabo




amaal Cali Xuseen waxa uu sidaa ku sheegay mar uu Maanta Warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa. “Puntland dhawaan waxay Magacowday  Wasiirro badan oo ka soo jeeda Somaliland, way fiican tahay inay Magacaabaan oo wax dhibaato ah anigu uma arko. Laakiin, waxaan ka dardaar-warinayaa in Madaxwaynaha cusub ee Puntland aanu wax carqalad ah ku keenin Somaliland.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.




 




Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen, waxa uu baaq u diray Madaxweynaha Maamul-goboleedka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, waxaanu yidhi; “Madaxwaynaha cusub-na waxaanu ka rejaynaynaa inuu nabad iyo wanaag kula noolaado, Somaliland-na aanad dagaal u horseedin.”




 




Jamaal Cali Xuseen waa Siyaasigii ugu horreeyey Siyaasiyiinta Somaliland ee si cad sidan oo kale shaaca uga qaada inay fiican tahay in Madaxweynaha cusub ee Maamulka Puntland Cabdiwali Gaas dad dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda uu ku soo daro Xukuumadda uu dorraad ku dhawaaqay




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/somaliland

Mac-had Lagu Barto Culuunta Saxaafada Oo Shahaado Sharaf Guddoonsiisay Wariye Nimco Samriye+Sawirro


Hargeysa(GNA) Ardayda wax ka barta kuliyada saxaafada ee California College ayaa maanta soo bandhigtay natiijada ra’yi ururin ay ka sameeyeen wariyada barnaamijyadeeda loogu jecel yahay somaliland,




bbbbbbbbb1-300x225




 




 




 




 




 




 




 




Iyadoo munaasibad lagu gudoonsiinayo wariye Nimco Samriye oo noqotay wariyada ra’yi ururintii ay sameeyeen Ardada wax ka barata kuliyada California ay wariyadii dadweynuhu barnaamijyadeeda ugu xiisaha badnaa. munaasibadaasi oo maanta lagu qabtay xarunta Kuliyada California College oo ku taala magaalada hargeysa .




 




ayaa waxa ka soo qayb galay Ardayda Kuliyada Saxaafada wax ka barata,Macalimiinta iyo marti sharaf kale, ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay Cali Saxafi oo ah Macalinka kuliyada saxaafada ee California College waxaanu Cali Saxafi halkaasi ka sheegay ahmiyada ay saxaafadu u leedahay shacabka iyo shaqada saxaafada,isla markaana waxa uu ku amaanay ardaydii soo ururisay ra’yi ururinta ay natiijadeedu noqotay in Wariye Nimco Samriye ay noqoto wariyaha shacabku barnaamijyadeeda aadka ugu xiisaha badan yahay




wariye Cali saxafina waxaa ka mid ahaa hadaladisii”maanta waxay noo tahay farxad oo waxaa halkan shahaado sharaf lagu gudoonsiinayaa wariyada sanadka oo noqotay wariye Nimco Samriye oo ka hawl gashay tv.ga caalamiga ah ee Horn Cable Tv, runtii ardaydii soo ururisay ra’yi ururintana waxay galeen dadaal dheeraad ah oo ay ku ogaanayeen heerka ay gaadhsiisan tahay sida ay bulshada reer somaliland u kala xiiseeyaan barnaamijyada iyo wararka ay soo daayaan wariyaayaashu.”




bbbb22-300x225




 



 




 




 




 




 




 




Ardayad ku hadlasay afka ardayda saxaafada oo lagu magacaabo Museyba ayaa faah faahin ka bixisay mudadii ay soo ururinayeen ra’yi ururintii ku saabsaneyn sida ay bulshadu u kala xiiseeyaan daawashada barnaamijyada iyo wararka, waxayna tilmaantay in ay ra’yi ururintaasi ku soo ogaadeen in wariye nimco samriye oo ka shaqeysa tv.ga caalamiga ah ee Horn Cable Tv ay noqotay wariyada sanadka ee hormuudka u ah wariyayaasha gaar ahaana hablaha,




rrrrr-300x225




 




 




 




 




 




 




waxay ku sifeysay wariye nimco in ay muujisay dadaal badan kaasi oo ay ku kabsatay in bulshadu daawato oo si weyn u xiiseyso barnaamijka wariye nimco samriye sidoo kale waxay sheegtay in ay ra’yi ururintani ka tujumayso sida ay buslahda somaliland u jeceshahay barnaamijka xiisaha badan ee wariye nimco samriye ka sii deyso tv.ga caalamiga ah ee Horn Cable Tv, waxayna Museyba ku hambalyeysay wariye nimco samriye guusha ay ka gaadhay ra’yi ururitii ay samaysay kuliyada california iyadoo nimco noqotay wariyada sanadka. waxa kale oo halkaasi ka hadlay




 




 




maamulaha guud ee kuliyadaha California Ismaaciil Cabdi Ibraahim oo sharaxaad ka bixiyey kuliyadaha California waxaanu sheegay in kuliyadaha kala duwan ee california ay badan yihiin waxaana ka mid ah ayuu yidhi isagoo ka hadlaya”kuliyadaha waxaa ka mid ah kuliyada saxaafada oo maanta inoo soo bandhigtay ra’yi ururin ay ardayda wax ka barataa ay soo sameeyeen taasi oo shaaca ka qaaday in wariye nimco samriye ay tahay wariyada sanadka,




 




 




 




 




waxa runtii wax lagu farxo ah kol hadii maantaba ardaydii kuliyada saxaafadu shaqadoodii toos ay u bilaabeen oo ay markii ugu horeysay oo bandhigeen ra’yi ururintan,kuliyada california waxay ku soo kordhisay saaxada wax barashada waxbarasho casri ah iyadoo tusaale ahaan ardayda wax ka barata oo ay u keeneen idaacad casri ah oo ay wax ka bartaan kuna soo bandhigaan barnaamijyada,wararka iyo macluumaadka kale ee ku tacaluqa saxaafada,sidoo kale waxaanu u keenay tv aanu ugu talo galnay in ay ku qaataan pratikal-ka, kuliyadani waxaanu ugu magacdarnay It journalism oo aanu doonayno in aanu soo saarno suxufiyiin dhinac kasta ka dhisan,kuliyadaha kale waxaa ka mid ah kuliyada barshada computer-ka,luuqadaha kala duwan iyo bussiness administration-ka, maantana halkan waxaan shahaado sharaf ku gudoonsiineynaa wariye nimco samriye oo noqorta wariyaha sanadka.




rrrrr-300x225




 




 




 




 




 




 




ugu danbeyn waxaa munaasibadaasi ka hadashay wariye Nimco Samriye oo sheegtay in ay farxad weyn u tahay ra’yi ururinta ay soo sameeyeen ardayda wax ka barata kuliyada saxaafadu,aad ayaan idiinku mahad celinayaa ayay tidhi wariye nimco samriye, waxa kale oo ay sheegtay in ra’yi ururintu ay tahay qayb ka mid ah shaqada saxaafada taasina maanta ayaad sameyseen ayay wariye nimco samriye tidhi,waxa kale oo ay sheegtay in ay uga dhigan tahay shahaado sharaftan maanta la gudoonsiiyey in ay dadaalka halkaasi ka sii wado.




pppppppp-300x225




 




 




 




 




 




 




 




waa markii ugu horeysay ee kuliyada saxaafada ee california college ay sameeyaan ra’yi ururin noocan oo kale ah, tanina waxay tahay daraasad ay ku soo ogaadeen wariyaha sanadka in ay tahay wariye nimco samriye oo ka hawl gashay tv.ga caalamiga ah ee Horn Cable Tv, wariye nimco samriye ayaa si weyn barnaamijyada ay ka sii deyso Horn Cable tv dadweynahu aad u jecel yihiin oo habeenka jimcaha ayaa aad loo sugaa barnaamijkaasi oo murti iyo madadaalo ku jirto.




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaliland

Thursday, January 30, 2014

Koonfurta Sudan oo sii deysay siyaasiyin lagu eedeyey afganbi


download (8)Juba(GNA)Koonfurta Sudan oo sii deysay siyaasiyin lagu eedeyey afganbi ay dowlada dalkaasi la damacsanayen.




Dowlada Koonfurta Sudan ayaa xabsiyadeda ka siideysay 7siyaassiyiin oo qeyb ka ah 11-siyaasi oo loo qabtay inay ka danbeyen isku day afganbi oo la sheegay inay la damacsanayeen dowlada dalkaasi.




 




 




 




 




 




 




Arintaani ayaa waxa ay qeyb ka tahay heshiiskii lagu gaaray magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia.




 




Gobanimonews-Desk




juba/south sudan

Madaxweyne Xasan Sheekh “Awood darrida ciidamadeena waxaa sabab u ah cuna qabataynta hubka ee willi na saaran”


Adis-Ababa (GNA) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh, Max’ud oo magaaladda Addis-Ababa ugu waramay




IMG_05701-500x333




 




 




 




 




wakaaladda wararka Reuters ayaa mar uu hadlayay arrimaha ciidamada waxaa uu sheegay in agabka ciidamada oo dawlada ku yar awgiis ay keentay in ciidamadu ay ku filnaan waayaan mararka qaar amaanka magaalooyinka laga qabsado Xarakadda Al-Shabab.




Madaxweynuhu waxaa uu sheegay in caqabadu ka haysato cuna qabataynta hubka oo aan Soomaaliya si rasmi ah looga qaadin taasoo keentay buu yiri in ciidamada ay ku yaraadaan saanadda ay adeegsanayaan.




Golaha amaanka ee Q,M ayuu weydiistay M/weynuhu inay si buuxda cuna qabataynta hubka dawlada uga qaadaan waxaana uu intaa ku daray haddii ay taasi dhacdo in ciidamadu awood buuxda u yeelan doonaan sugida amaanka dalka oo dhan.




“Qof walba oo Soomaali ah iyo saaxiibadeena beesha caalamku ha ogaadaan inay jiraan magaalooyin aysan dawladu maamulin oo gacanta Al-Shabab iyo Al-Qacida ku jira marka haddii aysan ciidamadeenu garab helin argagixisadu waa ay sii joogayaan” ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh, Max’ud.




Sidoo kale Madaxweynaha waxaa uu hadalkiisa ku sheegay in haddii ciidamadu agab ku filan helaan ay dalka oo dhan isku fidiyaan oo ay Al-Shabab jabin karaan.




Mar wax laga weydiiyay xilliga ay dawladu ku duulayso gobolada gacanta Al-Shabab ku jira ayaa waxaa uu ku gaabsaday “Ma aha xilli fog”.




 




Madaxweyne Xasan Shiikh waxaa uu waraysigiisa oo dhinacyo badan taabanayay waxa uu kaga hadlay arrimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha, dib u dhiska wadanka iyo garsoorka. Golaha amaanka ee Q,M ayaa horey qeyb ahaan qaaday cuna qabataynta hubka ee Soomaaliya saarneyd tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe




Gobanimonews-Desk




Addis-Ababa/Ethoipia

QOFKAAD TAHAY KA GARO INDHAHAAGA


indho-300x192Indhaha qaxwaha ah waxay muujiyaan qurux iyo bilic hayeeshee dadka indhahan lihi waa kuwo dhirif dhow cuqdadse ma yaqaanan.




 




Indhaha buluuga ah waxay ku tusaan jacayl heer sare ah oo aragtida koowaad ka bilowda way adag tahay dadka indhahoodu buluuga yihiin in la akhriyo ama la ogaado fikradahooda waa dad dood jecel.




 




Kuwa indhaha cagaaran waa kuwo dabacsan run badan aamin ah kuse adag go’aankooda.




 




Indhaha hurdiga ah waxay ku tusaan shaki iyo qiyaas badan waxay dadka indhahooda hurdiga yihiin awoodaan ineey ogaadaan ama akhriyaan fikrada dadka waa hal abuurayaal, fanaaniin iyo laxamiistayaal.




 




 




Diyaariye;C/qaadir Askar 




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com




 




 




 




 

Dumarka Xanaaqa Badan Ee kulkulul Oo Halis Ugu Jira In Uu Ku Dhaco stroke


strokeRagga cadha badan ayaa waxay halis u yihiin in uu ku dhaco xanuunka la yidhaado “stroke” dhiig furanka maskaxda. Dhinaca kale dumarka xanaaqa badan ee kulkulul ayaa wax ku dhaca cimri deg deg. Arintana waxa lagu soo bandhigay cilmi baadhid ku saabsan xanuunka “Stroke”




Istaroogu waa marka dhigga maskaxda ku socda uu ka xidhmo. Arrintani waxay dhacdaa marka xinjiro dhiig ahi xidhaan xididada dhiigu maro ama marka ay qarxaan xididada dhiiga ee maskaxdu.




Marka xididada dhiiga ee qaada hawada ogsijiinka (oxygen) iyo nafaqada ay gaadh siinwaayaan maskaxda, iyada oo ay gufeeyeen xinjiro dhiig ahi, ayaa waxaa dhinta unugyada maskaxda. Daqiiqado gudahood ka dibna waxa dhaca Istaroog. Sidaas darteed ay muhiim u tahay in si deg deg loo daweeyo qofka. Daaweyn la’aan, waxaa sii socda dhimashaa unugyada maskaxda.




Daraasadan cilmi baadhida ahi waxa kale oo ay sheegtay in ragga cadhada badani 10% in ka badan ay khatar ku jiraan marka la barbardhigu ragga aan cadhada badnayn in uu ku dhaco waxa la yidhaahda Ateriyaal Fibrilayshan afka qalaadna lagu yidhaahdo (Atrial fibrilation) oo ah wadanaha oo isku dhex yaaca, waxayna kordhisaa khatarta Istarooga.




Ragga dab shidka ah ee colaada huriya ee isla markaana xaqira dadka kale 30% waxaa laga yaaba in uu ku dhaco Ateriyal Fibrilayshan marka loo eego ragga deggen ee nabada jecel.




 




Sababta ragga cadhada badani ay halis ugu yihiin Ateeriyal Fibrilayshan ayaa waxay tahay, in qaybaha sare ee wadnaha oo aan sidii la rabay uu saarin dhiigga , taas darteed ayaa wadnaha waxaa ka buuxsamaa dhiig, kaas oo sababi kara in ay samaysmaan xinjiro gufeeya xididadii dhiigu maraayey, ka dibna keena Istaroog.




Ragga waxa ku jira kuwo ka xanaaqa wax aan macno lahayn ama sabab la’aan u xanaaqa. Waxa kale oo waliba ku jira ragga kuwa ka xanaaqa wax aanay waxba ka qaban karin. Waxa kale oo waliba ku sii jira kuwa aan ogayn waxa ay samaynayaan marka ay xanaaqaan.




Hadaba waxba kuma jabna in qofka uu xanaaqo, laakiin waxa xun marka qofka aanu ogayn waxaa uu samaynaayo. Qofka waa in uu ka fikiraa khasaaraha iyo faa´iidada ka iman kara xanaaqiisa. Waxaa la yidhi “Ka fiirso inta aadan falin”




Waxa jira buugaag la akhristo oo sheegaya sida loo yareeyo cadhada. Waxaa kale oo la helaa khubarro ku takhasusay habka loo maamulo cadhada (anger management).




Anigu waxaan qabaa shakhsiyan in qofku marka uu cadhoodo uu xaga diinta u kaco oo quraanka kariimka ah akhristo.




 




Diyaarintii:C/qaadir Askar 




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.xom




 

Somaliland:Maamulka Degmada Duruqsi oo lagu eedeeyay Maamul xumo iyo Musuq


Duruqsi(GNA)-Wax-garadka Degmada Duruqsi ee Gobolka Togdheer, ayaa baaq ay soo saareen ku sheegay in maamul xumo ragaadisay Degmadaasi.




Qoraal ay soo saareen Odeyaasha iyo waxgaradka deegaankaasi, ayaa lagu sheegay in boob aan xad lahayn lagu hayo Dhulka danta guud ee deegaanka, ka dib markii bulshada halkaasi ku dhaqani dib uga soo laabteen xuduudka Itoobiya oo ay deegaan wadaag leeyihiin.




Qoraalka oo uu ku saxeexanyahay Afhayeenka Bulshada Degmadu oo nuqul ka mid la soo gaadhsiiyay xafiiska Gobanimonews ee Burco, ayaa u dhignaa sidan:




haddii aanu  nahay cuqaasha odayaasha wax-garadka aqoon yahayka culimo awdiinka dhalinyaradd haweenka qorbo jooga iyo dhamaanba daneyaysha degmada  duruqsi,waxanu kan baaq qaylo dhaan ah ugu diraynaa wasiirka wasaarda arimaha gudaha mude cali maxamed warcade iyo madax waynaha jumhuyadda somaliland ahmed maxamed maxamuud siilaanyo.




 waxanu ka codsanaynaa in ay soo faro galiyaan waxna ka qabtaan arimaha ka taagan degmada  iyo maamul xumida aafaysay ama ragaadis degmadaas,taasoo  moodo sbadalkii kumiye inaanu ka dhicin degmadaas oo maamulka  hada joogaa yahay kii dawladii maxamed siyaad bare ka degay degma duruqsi.




  kaaso ku fashilmay wax-ka qabasha iyo maaraynta dhibaatooyinka jira  iyo horumarka degmada.taasna waxaa daliil u ha  dhaman agabkii iyo shaqdii degmadu waxay dusha u  saaran tahay  shaambadii degmadu gaadhi uu wato guddoomiye Axhmed Cabdilahi Cabdi (gaabyoome)




taas waxa ka sii daran xogaha ma kii sharciga ee u diiwaangasha  wasaarada waayo




xog-hayihii hore ee deg waxaa uu ahaa ahmed nuur ahmed cali xitaa wasaardu bal ha hubiso saxeesa xog- hore ee tahriibay.




Hadaba waxanu mar labad codsanyana in ay dawaldu wax ka qabato arimaha ka taagan degmada iyo musuqmaasuqa hadheyey.




Allaa Mahad leh




Af- hayeenka gudida degmada




kayse Cabdi Dayr

Caynabo: Nin Ganacsade caan ah ku dilay Oog todobaad ka hor Oo la soo qabtay


Caynabo(GNA)-Nin dhawaan Degmada Oog ee Gobolka Saraar ku dilay Ganacsade si weyn looga yaqaanay deegaankaasi, ayaa maanta gacanta lagu soo dhigay.



Ninkan ayaa dilay todobaadkii hore Oday Cabdi Aadan Garas oo ahaa Ganacsade ka mida dadka nabadda ka shaqeeya ee Gobolka Saraar, ka dib markii sida la sheegay uu muran dhul dhex maray, ka dibna uu goor gelin dambe ah Arbacadii todobaadkii hore xabad ku dhuftay Marxuumka.



Gacan ku dhiigleha ayaa baxsaday, iyadoo dadka deegaankuna Hay’adaha amaanka ku dhaliileen inay ka gaabiyeen in la soo qabto ninkaasi iyo kuwo kale ooh ore dilal u geystay.



Dadka mida bulshada Gobolka Saraar, ayaa Gobanimonews u xaqiijiyay in Ninkaasi maanta gelinkii dambe  lagu soo qabtay Buuraha Bariga Somaliland ee Goliska, halkaasoo uu baxsasho ku sii marayay.



Xubin ka mida Odeyaasha Gobolka Saraar ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha ay soo qabteen Ciidan ka daba tegay oo beesha uu la soo jeeddo ah.



Warku wuxuu intaasi ku darayaa in si weyn looga soo dhaweeyay talaabadan Deegaanka Oog, isla markaana la keenayo gacan ku dhiiglaha deegaanka uu dhagarta ku galay.



Dilal kala duwan ayaa lixdii bilood ee ugu dambeeyay ka dhacay deegaamada Gobolka Saraar iyo soohdinta ay wadaagaan Goboladda Sool iyo Sanaaag.



Gobanimonews



Burco Office



Email: editor@gobanimonews.com



 

Sool: Cabsi bulshada kala soo deristay Ciidan aan la aqoonsan oo Shaki laga muujiyay


Laascaanood (GNA)- Dadweynaha ku dhaqan tuulooyinka Xidhxidh iyo Gocondhaale oo ka tirsan deegaanada hoos yimaada magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa walaac xoog leh ka muujiyay dhaqdhaaqa maleeyishaad hubaysan iyo fadhiisimo hor leh oo laga yagleeelay halkaas, isla markaana lagu tababarayo ciidamo aan la aqoonsan haybtooda iyo ujeedada ka dambaysa.




Deegaamada Xidhxidh iyo Gocondhaale oo dhinaca koonfureed kaga beegan magaalada Laascaanood qiyaas ahaan masaafo dhan todobaatan kiiloo mitir ayaa xaaladan ka soo cusboonaatay waxa ay dadka rayidka ah ee ku dhaqan ay ku abuurtay cabsi iyo tuhun la xidhiidha in goobahani ay hoy u noqon karaan firxadka kooxaha xagjirka ah ee ka dagaalama inta badan Koonfurta Soomaaliiya.




Qaar ka mid waxgaradka ku dhaqan deegaanadan oo la soo xidhiidhay wargeyska Dawan ayaa xaqiijiyay jiritaanka dhacdan oo ay sheegeen in ay abuuri karto xasilooni darro iyo xiisad hor leh oo ka curate deegaanadaas, waxaanay ka digeen fadhiisimo ciidan oo maleeshiyaadkaasi aan la aqoonsani ay ku yeeshaan Tuulooyinkan, waxaanay xukuumada Somaliland u soo jeediyeen in ay indhaha ku hayso halista ka soo fool yeelan karta isku dayga hawlgalada noocan ah ee ujeedadooda  madmadowga badani ku jiro.




Sidoo kale, waxgaradka Tuulada Xidhxidh iyo Gocondhaale ee la soo xidhiidhay wargeyska Dawan waxa ay sheegeen in muddooyinkii u dambeeyay deegaanadaasi lagu arkay gaadiid ay wateen kooxo hubaysay oo ka gudbaya jiidaasi, kuwaasii oo aanay garanaynin halka ay ka yimaadeen iyo halka ay hayaanka ugu jireen midna,  balse waxa ay tilmaameen in maleeshiyada geediga ahi ay dareen galisay shacabka ku dhaqan deegaanadaas, isla markaana ay tuhunsan yihiin in kooxdan socotada ahi ay ku jahaysnaayeen Buuralayda Galgala ee Puntland si ay u xoojiyaan ama ay uga mid noqdaan dagaalyahanada kooxda xagjirka ah ee ku sugan halkaas.




Sida laga warqabo, deegaanka Buuralayda ah ee Galgala oo ka tirsan ismaamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland ayaa fadhiisin u ah garab ka mid ah dagaalyanada kooxda Al-shabaab oo muddooyinkii ugu dambeeyay halkaasi isku urursanayay, isla markaana dagaalo fool ka fool ah la galay ciidamada Puntland.




Maalinimadi Sabtidii aynu soo dhaafnay ee todobaadkii hore ayaa Ciidammada maamul goboleedka Puntland iyo dagaal-yahannada Al-shabaab uu dagaal ku dhex maray deegaanka buuralayda Galgala. Wasiir ku-xigeenka amniga maamulkaas Cabdijamaal Cismaan Maxamed ayaa ka hadlay dagaalkii Sabtidii dhacay waxaanu sheegay in ay ciidamadoodu weerarka ku qaadeen Tuulada Galgala, isla markaana ay Bar-tilmaameed sanayeen warshad yar oo uu sheegay in lagu farsameeyo walxaha qarxa ee ay adeegsadaan kooxaha xagjirka ahi.

Burco: Wariye lagu dhaawacay Xafiiska Gobolka hortiisa


Burco(GNA)wariye Axmed Muuse Maxamed (Sakaaro) ayaa Saaka isagoo ku jira hawl maalmeedkiisa shaqo isla markaana ku sugan kadinka hore ee xafiiska Badhasaabka Gobolka Togdheer,waxaa weerar kusoo qaaday nin shicib ah isla markaana ah dadka dawlada siilaanyo sida cunsiruyada ah u taageera/




Wariyahan ayaa laba cisho ka hor ay handidaad u geysteen askar  milateri ah oo isku dayay inay xabsiga dhigaan.




Wariye Sakaaro ayaa  dhaawac  ka soo gaadhsiiyay daanka kadib markii uu maagitaan iyo dagaal gacan ka hadal ah isu xigsiiyay ninka shacbiga ah ee weerar.




Ninkaasi ayaan la qaban markii dhaawaca wariyaha gaadhsiiyay iyadoo ay ilaalada badhasaabku halkaas ku sugnayd in kasta oo aanu Badhasaabka cusbi  xafiiskiisa ku sugnayn.




lama garanayo sababta uu Ninkani weerarka ugu soo qaaday iyadoo uu wariyuhu ku suganyahay xarun dawladeed.




Waa markii labaad ee lasoo weeraro wariyaha todobaadkan waxaana isla maalintii doraad faras magaalaha Burco ku soo weeraray koox saraakiil milatari ah oo dhawaan dhul danta Guud ah dhisanaysay.




iyadoo uu badhasaabku xigeenkuna suuqa dexdiisa ugu hanjabay nuu xidhayo.




Wariyaha iyo warbaahinta Gobolka ayaa maalmaan danbe qorayay dhul boob baahsan oo danta guud ah oo beryihii ugu danbeeyay ka socday Gobolka togdheer tan iyo intii uu madaxwayne siilaanyo Xilka qabtay, taas oo waxba waxba kama jiraan ka dhigatay Digreetadii uu Madaxwayne siilaanyo ku mamnuucay dhulka danta Guud inaan la dhisan karin lana dhalan gadiyi karin.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Badhasaabka cusub ee Togdheer oo loo diiday aqalkii Xamarje


Burco(GNA)-Badhasaabka Cusub Ee Gobolka Togdheer Oo Loo Diiday Inuu Dego Gurigii Hore Ee Badhasaabkii  Xamarji Deganaa Una Hooyday Hotel Caawa.Burco(-) badhasabka cusub ee gobolka togdheer Mudane. Maxamed muuse Diiriye Ayaa caawa magaalada Burco u hooyday hotel ku yaala badhtamaha faras magaalada kadib markii loo diiday Inuu galo gurigii badhasaabkii hore Xamarji ka deganaa magaalo madaxda gobolka togdheer ee burco ,warka ayaa intaa ku daryaa in dad shacabka oo degan guryaha dawlada ee gobolka ay sababtay in Muran iyo buuq galiyaan guriga badhasaabka gobolka.




Guriga ka soo hor jeeda badhasaabka gurigiisa ayaa waxaa ku jira Guleed samatar oo dhawaan dawladu Jeelka u taxaabtay kadib markii uu khalkhal galiyay amaanka gobolka Iyo magaalada Burco.Hore waxaa gurigaa ku jirijiray badhasaabkii hore ee Iska casilay gobolka togdheer Xamarji oo ay saxiib ahaayeen Guleed samatar oo isagu ahaan jiray dawladii Riyaale badhasaab ku xigeenka gobolka togdheer.
Arinkan ayaa dhacay kadib markii badhasaabka cusub Xilka lagu wareejiyay shalay oo magaalada Burco luugu sameeyay Munaasibadii xil kala Wareejinta badhasaabka cusub Iyo Kii hore.
Ilaa hada wax wari Kama soo baxin badhasaabka cusub waxaanu Isku daynay inaanu la xidhiidhno oo wax ka waydiino Arintan sababtay in gurigii badhasaabka uu dibad Wareeg ka ahaado loona diido Inuu fooda soo galiyo, Guryaha dawlada ayaa waxaa xoog ku degan dadka Iyo masuuliyiin Xilal ka soo hayn jirtay dawlada ilaa hadana wax lagama qaban waxaanu keeni karaa dhibaato aad u wayn hadaan laga saarin dadka Shacbka ah ee degan Guryaha hantida dawlada ee ka dhaxaysa dadka oo dhan.




Burco




somaliland




 

Jaamac C/lahi Biin: kala qaybsanaanta reer Burco waxa ka masuul ah Cuqaasha”Dhegeyso


vlcsnap-2014-01-29-21h39m08s254Burco(GNA)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Togdheer Xukuumaddii Rayaale, ayaa si weyn u dhaliilay kala qaybsanaanta Bulsho ee ku soo korodhay  Gobolka oo saameyn weyn ku yeelatay isdhex-galka iyo samaan ku wada noolaanshiyaha dadweynaha, xanuun badana ku haysta dadka Indheer garadka ah.




Jaamac Cabdilaahi Warsame (Biin), ayaa Gobolka Togdheer badhasaab ka ahaa labadii sanadood ee ugu dambeeyay muddo xileedkii Xukuumaddii Rayaale, xiligaasoo Gobolku ahaa deegaamada ugu xaasaasisan ee xumadii siyaasaddu xiligaasi haysay. Xisbiga kulmiyena taageerada ugu balaadhan ku lahaa.




Isagoo shalay ka hadlayay saddex sanadood ka dib goobtii uu xilka ku wareejiyay oo ay ka dhacday Munaasibad uu xilka kula wareegayay Badhasaabkii afaraad ee Gobolka Togdheer mudadii ay xukuumadda Kulmiye talada haysay, waxa uu canaan culus u soo jeediyay Madaxdhaqameedka iyo dadka waayeelka ah ee Gobolka oo uu sheegay inay ka masuul yihiin mushkiladaha qabyaaladu ku hayso reer Burco.




“kala qaybsanaanta iyo qabyaalada waxa keenay Odayaasha waaweyn ee Warbaahinta la soo taagan hadii aanu Reer Burco nahay oo reer Hebel ka sii nahay , waxaasaa nalagu sameeyay ama Odayga weyn ee odhanaya inankaygiibaa shaqada lagaga soo eryay qabyaalad”ayuu yidhi.




Guddoomiye Biin ayaa sidoo kale, sheegay in Cuqaashu safka hore kaga jiraan dadka caadaystay dhaqanka noocan ah ee laga dhaxlay kala qob-qobnaanta iyo qabyaalada “cuqaashu kowbay ka yihiin dadka noocaas ah, waxaanan ku talin lahaa in caaqilka dambe ee hadal noocaasa warbaahinta la yimaada xasaanada laga qaado”.




“halkan maalintii aan xilka ku wareejiyay ayaa Mikirifoon aan ku hadlo iigu dambeysay”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Jaamac Cabdilaahi Biin, ayaa ugu dambeyn dadweynaha Reer Burco kula dardaarmay inay la shaqeeyaan maamulka cusub ee loo soo magacaabay “reer Burco waxaan ka codsanayaa inay Badhasaabka cusub ula shaqeeyaan sidii ay iila shaqayn jireen, hadii saddexdii ka horeeyay wax tawdeen”.




Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/BIIN.mp3"][/audio]




Wariye: Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com 

Burco: Darawaliinta Bajaajta iyo Baabuurta waaweyn oo Dagaal joogto ahi isku haya.Dhegeyso


Hoos ka dhegeyso, waraysi xiiso badan oo aanu la yeelanay Darawaliinta  Bajaajta oo ka waramay qaabka ay u shaqeeyaan iyo Cashuur xad-dhaaf ah oo lagu soo rogay..




Burco(GNA)-Baabuurtu waa gaadiid ku lamaan Nolosha bino-aadamka Magaalooyinka ku dhaqan.




 Waxa uu  ka mid yahay adeegyada lagama maarmaanka u ah isu socodka bulshada ku kala nool Dhulyowga kala fog iyo kuwa isku dhow, iyadoo uu mar walba qayb ka yahay laf-dhabarta Dhaqaalaha bulshada gaadiidku.




Isticmaalka Somalida ee  Birta Mishiinka iyo Shidaalka ku shaqaysaa, waa wakhti dhow, hase ahaatee waa arrin si fudu loola qabatimay, maadaama ay nolosha qayb ka tahay.




“hadii berri awr lagu Guuri jiray ama gaadiid laga dhigan jiray, maanta ninkaan gaadhi lahayni waa Inan gumeed”sidan waxa ku maahmaaha  in badan oo ka mida ah Mujtamaca Somalida ee xiligan.




Gadiidka ayaa u kala baxa laba nooc. Waa mid qof leeyahay oo uu muraadkiisa khaaska ah ku qabsado  iyo noocyo tiro badan oo bulshada ka dhex shaqaysta, kuwaasoo isaga goosha Magaalooyinka dhexdooda iyo Gobollada dalka.




Gaadiidka noocan ah ayaa Ganacsigoodu yahay suuq furan oo aan xakameyn lahayn, inkasta oo lagu ilaaliyo nidaamka iyo kala dambeyta shaqada si aanay isaga hor iman xoogsadeyaashu.




Sidaasoo ay tahay, marka kasta oo tartan Ganacsi yimaado, waxa muuqata in suuqa la kala riixanayo, khilaafna iman karo.




Burco




vlcsnap-2014-01-29-21h25m44s216 Halkani waa badhtamaha Magaalada Burco, waana Barxadda loo yaqaano Zero-ga, waxaana ka rakaabsanaya Tobaneeyo ka mida Gaadiidka Bajaajta loo yaqaano, kaasoo qayb ka ah Gaadiidka isaga goosha gudaha Magaalada ee Xaafadaha iyo Suuqa loogu muraad doonto.




“waxaanu khaati ka joognaa Gawaadhida waaweyn oo noogu xoog sheegta waddooyinka, iyagoo moodaya inaanay waxan yari gaadhiba ahayn, qaarkoodna kaba xunyihiin inaanu ka shaqaysano waddooyinka, sida basaska oo kale oo dagaal caadiya nagu haya”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Maxamed Xasan oo ka mida waddeyaasha Bajaajta.




Waxaanu intaasi ku daray “waxaa dhacda inay mararka qaarkood annagoo wadda dhinaceeda taagan baabuurta waaweyn kuwa wataa iska kaaya jiidhaan,sida marar badan dhacday”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Raacista Bajaajtu Magaalada Burco waa adeeg aad u daruuriya, waayo waxay dadka u qaadaa xaafado badan oo ka baxsan suuqa, kuwaasoo aan badankoodu lahayn waddooyin Laami ah.




Laakiinse waxa dagaal aan qarsoonayn oo halistiisa leh ka dhexeeyaa Gawaadhida kale ee dadweynaha, sida Basaska iyo Tagaasida, kuwaasoo inta badan xaafadaha Laamigu maro loo gaar yeelay marka laga yimaado meelo cayiman oo todobaadkii maalin Bajaajtu ka shaqeyso.




 “waxaanu ka shaqaynaa xaafadaha Magaalada oo dhan, waxa kale oo jirta marar qof Ingaydh doonayaa aanu qaadno oo meel geyno, laakiinse inta badan xaafadaha laamiga kama shaqaysan karno oo basaska ayaa ka shaqeeya”ayuu hadalkiisa raaciyay.




Ninka ku shaqaysta Mootada saddexda Taayir leh, ayaa sheegay inay cadaalad daro u arkaan nidaamka ay dawladda hoose u qorsheysay Gaadiidka dadweynaha, kaasoo loo kala qaybiyay  goobaha shaqada.




“waxyaabaha aanu la yaabnay ee Cadaalad darada aanu u aragno waxa ka mida dawladda hoose meel allaale meeshii Laamiga ahayd waxay siisay Basaska iyo Tagaasida,annagana waxay nalugu khasbay inaanu xaafadaha rafka ah u rakaabsano.




“dee waa arrin aad u layaab badan in waxan yar saddexda Taayir la yidhaahdo rafka ka shaqee, kuwii waaweynaa ee afarta taayir ku socdayna Laamiga loo xidho. Tobankii maalmoodba maalin ayaa naloo ogolyahay inaanu laamida dheer qaadno. Inta kale waxaanu ka shaqaynaa xaafadaha rafka”.




Gaadiidka Bajaajta ayaa Magaalada ku leh ilaa saddex istaan oo mashquula, kuwaasoo ay uga rakaabsadaan Xaafadaha Iskuulka Jarmalka, Plaza, qasabka iyo kuwo kale oo rabac u jira suuqa, sida Gaha iyo Sayladda xoolaha.




Siciid Cabdilaahi Yuusuf, waa mid ka mida Mulkileyaasha Gaadiidka Bajaajta ee ka rakaabsada wajahada Xanaanada dhexe ee  Badhtamaha Magaalada Burco.




Waxa uu sheegay in cashuur dheeraad ah lagu soo rogay, taasoo aanay qaadi Karin ama aanay iska bixin Karin.




“waxaa nalugu soo rogay cashuurtii gaadiidka waaweyn laga qaadi jiray. 105000,Shls (Boqol iyo Shan kun oo Shilin”ayaa nalugu yidhi bixiya, markii horena waxa nalaga qaadi jiray 350,000 Shilin, waxa aanu wadanaana waa waxaa yar ee shanta qof qaada, 7500 ayaanu lawdhkii ku baxnaa.




Markaa waxaanu ka codsanaynaa qolada maamulka in cashuurtaa nalaga dhimo”ayuu yidhi




Waxa kale oo aanu ka cabanaynaa laba waddo oo aanu ka shaqaynaynay oo kala ah waddada hodan qaylo iyo Gaha, ayaa mid la siiyay Tagaasida yar yar ee Kabta Buudhka ah la yidhaahdo(Taxi)”ayuu hadalkiisa raaciyay Siciid Cabdilaahi.




Siciid Cabdilaahi ayaa sidoo kale, sheegay inay lacag dhexdooda isaga uruuriyeen, si ay uga qayb qaataan Dhismaha waddo halbowle u ah xoogsigooda, taasoo u baxda   Xaafadda Hodan qaylo.




“waxaanu iska uruurinay oo aanu iminka haynaa lacag gaadhaysa dhawr kun oo dollar oo aanu doonayno inaanu kaga qayb-qaadano dhismaha wadada Hodan qaylo, taasoo aanu iminka doonayno inaanu ku wareejino   qolada maamulka, si ay iyaguna qaybtooda ugu daraan”ayuu yidhi Siciid.




Inkasta oo Bajaajleyaashu sida ay sheegeen samaysteen Iskhaato ka shaqaysa wada shaqayntooda iyo kala dambeynta Istaamada ay ka rakaabsadaan, hadana waxa jirta cabasho gudahooda ah oo ay qaarkood tirsanayaan “Istaanka dhexdiisa waxaanu kala kulanaa Guddoomiyaha iyo nimankan kale ee  iskaashatadu had iyo jeer inay na baadaan ama  lacag naga qaataan markay fursada noo kala qorayaan, baad ama si kale ah”sidaasi waxa yidhi  Cawil Faysal Cabdi oo ah wiil Dhalinyaro ah oo muddo shan bilooda Gaadhi Bajaaj ah kaga shaqaysanayay Magaalada Burco.




Cawil ayaa intaasi ku daray “annagu dhexdayada waanu istaakulaynaa oo hadaba wixii soo kordha, waanu iska caawinaa”.




Cawil Faysal Cabdi, ayaa isagoo ka waramaya Dagaalka ka dhexeeya Gaadiidka kale ee Magaalada ka shaqeeya yidhi “annagoo laamida marayna hadii ay nagu arkaan basasku way nala dagaalamaan, marbay caadi noo jiidhaanba, ama dhalinyaro ayay nagu diraan oo lafahayaga ayaanu uga baqnaa.




Iminka Maalin dhaweyd waxaanu tagnay Sayladda, dabadeed waanu isugu nimi dagaal ayay nagu bilaabeen”.




Is-qab-qabsiga iyo muranka ka dhexeeya Gaadiidleyada Magaalada Burco, ayaa saameyn ku keena mararka qaar isu socodka iyo adeega ay bulshada u hayaan, taasoo muujinaysa inay suurto gal tahay inay sababto xaalad uu adeegoodu istaago wakhti dheer ama waxyeelo inta dhacda ka badani ay soo kala gaadho.




vlcsnap-2014-01-29-21h25m34s97




 



Halkan ka dhegeyso, Waddeyaasha iyo Mulkileyaasha Bajaajta oo ka waramaya waayaha nololeed iyo waxyaabo badan oo ay ka cabanayaan.[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/Burco-iyo-BajaajtaM2U00198.mp3"][/audio]




Wariye: Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com 




 




 




 




 




 

Obama oo soo jeediyey Khudbadiisii Sanadlaha ee Golayaasha Maraykanka


USA (GNA)Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xalay soo jeediyey khudbada uu sanad walba ka hor akhriyo labada gole ee Baarlamaanka wadankaasi Maraykanka.




obama-300x162




 




 




 




 




 




Barack Obama ayaa khudbada sanadkan diirada ku saaray wax qabadka xukumadiisa isagoo muddo 1 saacad ku dhaw ka hadlayey siyaasadiisa arrimaha gudaha dhanka dhaqaalaha iyo waliba horumarinta. Halka uu 15 daqiiqo wakhti ku dhaw uu ka hadlayey arrimaha Siyaasada Dibada.




Obama ayaa arrimaha uu xooga saaray waxaa kamid ah badbaadinta dhaqaalaha dalka Maraykanka iyo siduu uga soo kaban lahaa burburkii dhaqaale ee ku yimid, wuxuu kaloo ka hadlay siyaasadihiisa ku aadan horumarinta caafimaadka, ganacsiga iyo arrimaha la xariira dadka soogalootiga ah.




Arrimaha Dibada ayaa waxaa kamid ahaa wadamadii uu ka hadlay dalalka Afghanistaan iyo Ciraaq oo uu sheegay in uu ciidamada Maraykanka kasoo saaray, wuxuu kaloo wax ka taabtay arrimaha wadanka Iran iyo wadahadalka u socda.




Barack Obama ayaa ka hadlay dib u soo nooleynta waan waantii nabadeed ee Bariga dhexe gaar ahaan wadahadalkii u socday Falastiin iyo Isra’iil, isagoo sidoo kale ka hadlay xaalada ka jirta wadanka Siiriya.




Barack Obama ayaa sheegay in sanadkan 2014 uu noqon doono sanadka Maraykanka uu xiro xabsiga Guwantanamo bay, isagoo Baarlamaanka ka codsaday inay arrintan gacan kasiiyaan.




Arrimaha Al Qaida iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka hadlay ayaa sheegay in kooxdaasi ay khatar ku hayaan wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Yemen. Obama ayaa sheegay in qorshihiisa uu yahay in laga shaqeeyo horumarinta Qaarada Afrika si looga hortago saboolnimada iyo kooxaha xag-jirka ah.




Obama ayaa sheegay in isbedalo badan oo uu la damacsanaa wadanka Maraykanka uu horjoogsaday Golaha Kongareeska oo ay ku badan yihiin xisbiga kasoo horjeeda ee Jamhuuriga.




Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu hareer mari doono Baarlamaanka hadii uu caqabado ku noqdo qorshayaahiisa isla markaana adeegsan doono awoodiisa Dastuuriga ah.




Barack Obama ayaa sheegay inuu xooga saari doono sidii sare loogu soo qaadi lahaa awooda dhaqaale ee dadka dabaqada dhexe ee wadankaasi Maraykanka. Khudbada Obama ayaa u muuqatay mid xisbigiisa isugu diyaarinayo doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka




Madaxweynaha Maraykanka Barack Obama ayaa xalay soo jeediyey khudbada uu sanad walba ka hor akhriyo labada gole ee Baarlamaanka wadankaasi Maraykanka.




Barack Obama ayaa khudbada sanadkan diirada ku saaray wax qabadka xukumadiisa isagoo muddo 1 saac ku dhaw ka hadlayey siyaasadiisa arrimaha gudaha dhanka dhaqaalaha iyo waliba horumarinta. Halka uu 15 daqiiqo wakhti ku dhaw uu ka hadlayey arrimaha Siyaasada Dibada.




Obama ayaa arrimaha uu xooga saaray waxaa kamid ah badbaadinta dhaqaalaha dalka Maraykanka iyo siduu uga soo kaban lahaa burburkii dhaqaale ee ku yimid, wuxuu kaloo ka hadlay siyaasadihiisa ku aadan horumarinta caafimaadka, ganacsiga iyo arrimaha la xariira dadka soogalootiga ah.




Arrimaha Dibada ayaa waxaa kamid ahaa wadamadii uu ka hadlay dalalka Afghanistaan iyo Ciraaq oo uu sheegay in uu ciidamada Maraykanka kasoo saaray, wuxuu kaloo wax ka taabtay arrimaha wadanka Iran iyo wadahadalka u socda.




Barack Obama ayaa ka hadlay dib u soo nooleynta waan waantii nabadeed ee Bariga dhexe gaar ahaan wadahadalkii u socday Falastiin iyo Isra’iil, isagoo sidoo kale ka hadlay xaalada ka jirta wadanka Siiriya.




Barack Obama ayaa sheegay in sanadkan 2014 uu noqon doono sanadka Maraykanka uu xiro xabsiga Guwantanamo bay, isagoo Baarlamaanka ka codsaday inay arrintan gacan kasiiyaan.




Arrimaha Al Qaida iyo la dagaalanka argagaxisada oo uu ka hadlay ayaa sheegay in kooxdaasi ay khatar ku hayaan wadamo ay kamid yihiin Soomaaliya iyo Yemen.




Obama ayaa sheegay in qorshihiisa uu yahay in laga shaqeeyo horumarinta Qaarada Afrika si looga hortago saboolnimada iyo kooxaha xag-jirka ah.




Obama ayaa sheegay in isbedalo badan oo uu la damacsanaa wadanka Maraykanka uu horjoogsaday Golaha Kongareeska oo ay ku badan yihiin xisbiga kasoo horjeeda ee Jamhuuriga.




Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay inuu hareer mari doono Baarlamaanka hadii uu caqabado ku noqdo qorshayaahiisa isla markaana adeegsan doono awoodiisa Dastuuriga ah.




Barack Obama ayaa sheegay inuu xooga saari doono sidii sare loogu soo qaadi lahaa awooda dhaqaale ee dadka dabaqada dhexe ee wadankaasi Maraykanka. Khudbada Obama ayaa u muuqatay mid xisbigiisa isugu diyaarinayo doorashooyinka soo socda ee Baarlamaanka

Wednesday, January 29, 2014

Wafti Uu Hogaaminayo Wasiirka Gaashaandhigga Oo U Kicitimay G/Sanaag Iyo Dareenada Ku Gadaaman


images (12)Hargeysa(GNA)Wefti uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shalay u kicitimay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.




Wefti uu hogaaminayo wasiirka gaashaandhigga Somaliland Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa shalay u kicitimay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.




Waftigan oo ay wasiirka gaashaandhiga ku weheliyeen wasiiru dawlayaasha maaliyada iyo waxbarashada ayaa la sheegay in ujeedada socdaalkoodu ay salka ku hayso maleeshiyo beeleedyo lagu qaramaynayo ciidamada qaranka oo ku sugan deegaanada Fiqi-fuliye ee gobolka Sanaag ee safarkoodu daaran yahay.




Waxaanay ilo wareedyo u dhuun-daloola socdaalka waftigaasi sheegeen in waftigaasi uu ku biiri doono wasiirka Biyaha oo isagu hore ugu sii sugnaa magaalada Ceerigaabo, taas oo tibaaxuhu intaa ku darayaan in ciidan beeleedka la qaramaynayaa ay ka soo jeedaan beesha uu ka soo jeedo wasiirka Biyaha.




Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed oo ka hadlay xaalad ka taagan deegaamada bariga sanaag iyo wasiradda cusub ee Puntland




Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed oo ka hadlay xaalad ka taagan deegaamada bariga sanaag iyo wasiradda cusub ee Puntland




Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed, ayaa ka hadlay xaalad ka taagan deegaamada bariga sanaagm halkaas oo ay ku bexeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga.




"Ciidanku way iska jirtaa oo in ciidanka qorshihii hore ee uu ku shaqayn jiray laga in laga bedelo oo diidanaana way jireen , ciidan in la ruqseeyana way jiraan, markaa wax weyn oo saamayn leh oo arrintaas ahi ma jiraan"




Wasiir Buureed waxa uu sidoo kale ka hadlay sida uu u arko wasiirrada cusub ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland Cabdiweli gaas. "Puntland waa la magacaabi jiray intii ay jirtay oo aniga ayaaba mar ka mid ahaan jiray laakiin waxa ay ku xidhan tahay sida deegaankaas oo si dawladda iyo siyaasadeedda looga hir geliyo halkaas ayey ku xidhan tahay"




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaliland

Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed oo ka hadlay xaalad ka taagan deegaamada bariga sanaag iyo wasiradda cusub ee Puntland


Wasiirka kaluumeysigaHargeysa (GNA) Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed oo ka hadlay xaalad ka taagan deegaamada bariga sanaag iyo wasiradda cusub ee Puntland




Wasiirka Kalluumaysiga Somaliland Cali Buureed, ayaa ka hadlay xaalad ka taagan deegaamada bariga sanaagm halkaas oo ay ku bexeen wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo uu ka mid yahay wasiirka wasaaradda gaashaandhigga.




"Ciidanku way iska jirtaa oo in ciidanka qorshihii hore ee uu ku shaqayn jiray laga in laga bedelo oo diidanaana way jireen , ciidan in la ruqseeyana way jiraan, markaa wax weyn oo saamayn leh oo arrintaas ahi ma jiraan"




Wasiir Buureed waxa uu sidoo kale ka hadlay sida uu u arko wasiirrada cusub ee uu magacaabay madaxweynaha Puntland Cabdiweli gaas. "Puntland waa la magacaabi jiray intii ay jirtay oo aniga ayaaba mar ka mid ahaan jiray laakiin waxa ay ku xidhan tahay sida deegaankaas oo si dawladda iyo siyaasadeedda looga hir geliyo halkaas ayey ku xidhan tahay"




 




Gobanimonews-Desk




Hargeysa/Somaliland




 

Morsi oo lagu eedeeyey inuu xabsiga ka baxsaday


Qahira(GNA) Madaxweynihii Masar e militariga afgemiyeen Maxamed Morsi ayaa shalay (Salaasa) la horkeenay maxkamada Qaahira,




MaxamedMOrsi_Maxkamad2-300x152




 




 




 




hogaamiyihii hore ayaa diyaarad helikobter ah lagaga soo qaaday Xabsi ku yaal magaalada Alexandariya.




Waxaa maxkamada sidoo kale la keenay 130 -eedaysane oo danbiyo kala gedisan lagu soo eedeeyey. Maxamed Morsi ayaa dacwada hada lagu soo oogay la xadhiidhaa, inuu ka baxsaday xabsiga ku yaal magaalada Qaahira sanadkii 2011 xili uu socday kacdoonkii xukunka looga tuuray Xusni Mubarik.




Morsi iyo xubno kale oo kamid ah Ikhwaan Muslimiinka ayey dowladii mubarik ku xidhay xabsiyada xiligii uu kacdoonka socday 2011-kii, balse 20.000 oo maxbuus oo uu ku jiro Maxamed Morsi ayaa markii danbe ka baxsaday xabsiyada.




Maxamed Morsi ayey xeer illaalinta ku eedaysay inuu la shaqeenayey kooxda falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Kooxda saldhigoodu yahay Lubnaan ee Xisbu-allah.




Waa markii labaad oo maxkamada la horkeeno Maxamed Morsi tan iyo intii ay inqilaabeen Militariga, waxaana hore loo baajiyey maxkamadeyntiisa horaantii bishan arrimo la xadhiidha dhanka amaanka.




Maxamed Morsi ayaa markii maxkamada la horkeenay qabay dharka maxaabiista, wuxuuna isagoo ku qeylinaya Xaakimka maxkamada ku dhawaaqayey :”…Maxaa tahay Adigu…Aniga ma I taqaanaa….”.




Maxkamada Maxamed Morsi ayaa dib loo dhigay illaa iyo 22-ka bisha Feberaayo.




Maxkamadeyntan ayaa lagu soo beegay xili militariga Masar uu u fasaxay Gen.Cabdifatax Al Siisi, Wasiirka Gaashaandhiga inuu isu sharaxi karo xilka Madaxweynaha doorashada lagu wado in ay ka dhacdo dalkaasi bilaha soo socda




 




Gobanimonews-Desk




Qahira/Masar

Ciidamada Midowga Yurub oo loo fasaxay inay awood u isticmaalaan Afrikada Dhexe


midoga-300x198Centeral Africa (GNA) Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa ansixiyey qaraar ogolaanaya in ciidamada Midowga Yurub ee tagi doona Jamhuuriyada Afrika Dhexe in ay isticmaali karaan awood militari si ay amniga u sugaan.




Midowga Yurub ayaa lagu wadaa in 500 oo askari ku xoojiyaan ciidamada ka socda Faransiiska iyo Midowga Afrika ee imika ku sugan wadankaasi.




Ciidamadan ayaa qorshahoodu yahay inay hubka ka dhigaan maleeshiyaadka muslimiinta ah iyo kuwa kirishtaanka ah oo uu dagaalo ku dhexmarayey wadankaasi Afrika Dhexe, tan iyo intii xukunka laga tuuray xukuumadii wadankaasi 10 bilood kahor.




Dagaalada ka socday Afrika Dhexe ayey ku baro kaceen kumanaan kun oo shacab rayid ah kuwaasi oo isugu jira Muslimiin iyo kirishtaan




 




Gobanimo-Desk




Hargeysa/Somaliland

Isra’iil oo xidhay nin u basaasayey Iran


Yitzhak BergelTalvev (GNA) Maxkamada Isra’iil ayaa afar sannadood  iyo badh ku xukuntay nin Yuhuud ah oo la sheegay inuu u basaasayey dowlada Iran.




Ninkan oo lagu magacaabo Yitzhak Bergel ayaa la sheegay inuu xidhiidh la sameeyey safaaradda Iran ee ku taal magaalada Berlin ee dalka Germany, halkaasi oo uu kula kulmay xubno ka socda sirdoonka Iran, sida lagu sheegay dacwada maxkamada.




Ninkan la xidhay ayaa ka tirsan kooxda Neturei Karta oo ah koox yar oo ka tirsan Yuhuuda mayilka adag, kuwaasi oo kasoo horjeeda diin ahaan dhismaha maamulka Isra’iil. Hore ayey xubno kamid ah kooxdaasi xidhiidh ulla sameysteen dowlada Iran.




Ninkan ayaa qirtay inuu xidhiidh la sameeyey dowlada Iran, wuxuuna sheegay in uu arrintan u sameeyey maadaama uu kasoo horjeedo xukuumada Isra’iil iyo waliba sababo la xadhiidha dhaqaale loo balan qaaday.




Maamulka Isra’iil ayaa sheegay in aaney  jirin dhaawac soo gaadhay sirta militariga Isra’iil oo ay ka hortageen ninkan wax basaasayey.




Wadanka Isra’iil ayaa ah dalka kaliya ee heysta hubka Nukliyeerka oo aan la shaacin, wuxuuna dalkaasi imika walaac weyn ka qabaa Barnaamijka Nukliyerka ee wadanka Iran wado.

Kulan Dhex-Maray Wasiirka Caafimaadka Somaliland Iyo Raysal-Wasaare Ku Xigeenka Finland


wwww39Hargaysa(GNA) Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed (Xagla-Toosiye) oo Maalmahanba Booqasho ku Joogey dalka Finland, gaar Ahaan Magaalada Caasimadda ah ee Helsinki ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu la kulmay madax kala duwan oo ka tirsan xukuumadda Finland




Wasiirku intii uu ku guda jiray booqashadiisa waxaa uu la kulmay soo dhowayn aad u heersaraysa oo ay u fidiyeen qaar ka mid ah madaxda wadanka Finland. Madaxdii uu Wasiirku la kulmay intii uu joogay wadanka Finland waxaa ka mid ahaa Ra’iisal Wasaare ku xigeenka wadanka Finland ahna Wasiirka Maaliyadda ee dalka Finland Mrs. Juttta Urpilainen iyo Wasiirka Wasaaradda Waxbarashadda Mrs. Kirsta Kiuru iyo xubno kale oo ka trisan Baarlamaanka Finland.




Kulanka Wasiirka Caafimaadka JSl iyo qaar ka mid ah Wasiiradda Finland.Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xagla-Toosiye iyo madaxda wadanka Finland ee wada kulmeen waxay iska xog-waraysteen qadiyadda JSL.




Wasiirku waxaa uu warbxin kooban ka siiyey madaxda dalka Finland qadiyadda JSL iyo houmarka dhinac kasta ee ay ku talaabsatay Somaliland intii ay xoriyadadeeda dib ula soo noqotay 1991.




Wasiirka iyo Wasiirradii dalka Finland iyo madaxdii kaleba waxay isla garteen in casuumad loo fidiyo Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ee Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xagla-Toosiye Somalialnd oo uu dib ugu soo noqdo wadanka Finland si uu madaxda Finland uga hadlo arrimo khuseeya Wasaaradda Caafimaadka Somaliland.




 




Kulankaa Wasiirka waxaa ku weheliyey dhinaca Somalialnd Gudoomiyhii hore ee Wakaaladda Qurbajoogta Somaliland(SDA) Mudane Suleiman Maxamed Faarax oo isagu ah shakhsiga keliya ee suurageliya aalaaaba kulamadda madaxda JSL ay la qaataan madaxda sarsare ee wadanka Finland kulamadaas oo ah kulamo heer wasiireed ah.




 




 




 




Sidoo kale Wasiirka caafimaadku waxaa lagu qaabilay xaflad ballaadhan oo Casho Sharaf ah, oo isugu jirtey maamuus iyo soo dhaweyn, Xafaladdaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey oo la isku arkay, ayna soo qaban qaabiyeen masuuliyiin ay ka mid ahaayeen Dr. Siciid Guuleed oo ka tirsan hawl wadeenada Hay’adda IOM ee dalka Finland iyo Guddoomiyihii Hore Ee Wakaaladda Qorba-Joogta JSL Md. Saleebaan Maxamed Faarax, Xafladdaas oo ahayd mid si heer sare ah loo soo agaasimey, ayaa waxaa ka soo qayb galay, waxgarad, madax dhaqameedka, Aqoon Yahanno, Fannaaniin, Haween Weyhana Reer Somaliland Iyo Bulshada Qaybaheeda kala duwan Ee bulshada reer Somaliland ee ku dhaqan Magaalada Helsinki Ee Xarunta Dalka Finland iyo magaalooyinka kale ee ku hareeraysan Magaalada Helsinki, waxaana halkaas khudbad ka Jeediyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ee Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xagla-Toosiye oo si qoto dheer uga xog waramay xaaladda guud ee dalkii hooyo iyo horumarka baaxadda leh ee ay Wasaaraddiisu ku tallaabsatay tan iyo intii uu xilka hayey iyo waxa u qorshaysan in ay wax ka qabtaan 5 (shanta) sanno ee soo socota.




Xafaladan casho sharafta waxaa daadihinayey Cabdillahi Maxamud Ali (Ayax) oo ahaa xidhiidhiyaha kulanka casho sharafta loo sameeyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Ee Somaliland Md. Saleebaan Ciise Axmed Kaar Xagla-Toosiye sidoo kalena ah xubin firfircoon oo ka tirsan Xisbiga taladda haya ee Kulmiye laantiisa Finland.




Waxaa sidoo kale ka hadlay xafladda Casho sharafta dad fara badan oo ka mid ah waxgaradka iyo aqoonyahaniinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshadda Somaliland ee Finland waxaana ka mid ahaa dadkii halkaa ka hadlay Sheikh Muuse Aadan, Oday Abdillahi Hassan, Abdilqadir Faarax Cabdiqani (Hangool), Oday Faaarax Jees, Oday Yuusuf Muuse (Dhegadayl), Anab Goox, Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye laantiisa Finland Maxamed Cabdillaahi Axmed, Suleiman Mxamed Faarax (Gudoomiyhii hore Ee Wakaaladda Qurba-Joogta JSL), Jaamac Xasan Sugaal, Oday Saleebaan Xuseen Ciise (Gafaydhe) iyo Hobaladda caanka ee reer Finland Marwo Tufaax Darajo.




Xafaladda waxaa kaloo joog ka ahaa wariyaha Universal Tv Md. Maxamed Musse Seeraar iyo weriyaha kale caanka oo ahna tafatiraha Website-ka Somaliland24 Md. Jaamac Maxamed Maxamuud oo ku magaac dheer Aar Jaberti iyo Freelance Jourlanist Mustafe Yusuf Ali. Kulamadaasi dhamaantood waxaay ku soo dhamaadeen jawi wanaagsan.




 




 




Freelance Joourlanist




Mustafe Yusuf Ali, Helsinki, Finland.




 




 

Maxkamadda Gobalka Maroodi Jeex Oo Hay’adda UNICEF Ku Xukuntay Inay Bixiso Lacag Ka Badan Lix Boqol Oo Kun Oo Dollar


images (11)Hargeysa(GNA) – Maxkamadda gobalka Hargeysa ayaa hay’adda UNICEF ee Qaramada Midoobay ku amartay inay 10 maalmood gudahood ku bixiso lacag dhan ($ 633,916,) Lix boqol sadex iyo sodon kun  iyo sagaal boqol iyo lix iyo tobon  Doolar, oo ah lacag ay leeyihiin 17 muwaadin oo ka mid ahaa shaqaalihii hore ee hay’addaas UNICEF.




 




Garsoore Faysal C/laahi Ismaaciil oo ah Gudoomiyha Maxakamada gobolka Hargaysa, ayaa qoraal digniin ah oo uu soo saaray 1/22/2014, wuxuu hay’adda ku amray inay lacagtaas ku bixiso tobanka maalmood ee loo qabtay isagoo uga digay inay dib uga dhacaan inay lacagta ku soo bixiyaan wakhtiga loo qabtay, markaas oo haddii ay ka baaqsadaan wakhtigaasna laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan.




 




Qoraalka maxkamadda gobalka Hargeysa ee khuseeya hay’adda UNICEF ayaa u qornaa sidan:  “Guddoomiyaha maxkamadda gobalka Maroodi-jeex markuu arkay galka dacwadda fulinta ah ee sumadiisu tahay MGH/DFL246/2013 ee ka dhexeeya dhinacyada magacyadoodu sare ku xusan yihiin. Markay aragtay arjiga codsiga fulinta go’aan idaari ee xuquuq shaqaale ee dhaqan gal ah eek u taariikhaysan 22/11/2013 ee ay maxkamadda u soo gudbiyeen qareenada lagu fuliyayaasha kala ah qareen Barkhad Jaamac Aare iyo Siciid Faarax Axmed, markay aragtay (16) ka go’aan guddi ee ka soo baxay xafiiska xidhiidhka shaqo xalinta khilaafaadka shaqaalaha ee ay ka soo saareen go’aan dacwad dhex martay loo fuliyayaasha iyo lagu fuliyayaasha islamarkaana ugu xukuntay loo fuliyayaasha ka koobabn 17 loo fuliye lacagta dhan ($ 633,916,) Lix boqol sadex iyo sodon kun  iyo sagaal boqol iyo lix iyo tobon  Doolar, markay aragtay qodobada kala ah 318, 343, 272, X,H,M markay aragtay asbaabaha sare ku xusan oo dhan awgeed, maxkamadu waxay soo saartay amarka digniinta:




 




Digniin  Maxakamadeed oo 10 cisho ah




 




Maxakamada  gobolka M/Jeex Hargeysa Waxay idiinku amraysaa Haayadda UNICEF in aad mudo dhan 10 cish  gudahood ah  ku soo bixisaan Lacagta  la idinku xukumay  ee dhan 633,916,Lix boqol sadex iyo sodon kun  iyo sagaal boqol iyo lix iyo tobon  Doolar, lacagtaas oo ay leeyihiin 17 loo fuliye oo ah shaqaalihiinii hore,  Haddii ay ku soo bixinwaayaan waa Hayada UNCEF   waxay Maxakamadu idiinka qaadi doonta talaabo sharciga waafaqswasan oo la xidhidha Arintiina arintiina”




 




 




Geesta kale shaqaalahan ayaa muddo dheer maxkamadda ay iskula jireen hay’adda UNICEF iyagoo shaqaaluhu ku dacwoonayay inay hay’adu xaqoodii duudsiday.




 




Xigasho: Geeska Afrika

Wariyihii Idaacada BBC-da Ee Magaaladda Nairobi Oo Maanta Geeriyootay


images (6)Nairbi (GNA) Anne Waithera oo ka mid ahayd Wariyayaasha idaacadda BBC-da ayaa xalay ku geeriyootay cisbitaal ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.




 




Anne ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay u jiiftay cudurka kansar-ka oo muddo hayey, waxayna ku geeriyootay 39 sano jir.




 




Anne Waithera, ayaa idaacadda BBC-da  ku biirtay sanadkii 2009, waxaana ay idaacadda uga soo warrami jirtay wadanka Kenya.




 




Anne, Waxay ahayd weriyihii ugu horreeyay ee laba luuqadood ku soo warrama ee ay BBC-da u dirsatay Magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya




Geerida Anne ayaa ku soo beegmaysa maalmo yar ka dib markii uu BBC-da ka geeriyooday weriyihii caanka ahaa ee Komla Dumor, oo ku dhintay Magaalada London




 




Gobanimonews-Desk




Nairobi/kenya

Maayaradda Magaalooyinka Somaliland Oo Ceerigaabo Kulan Uuga Furmayo


download (3)Hargeysa (GNA):-Magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, ayaa markii u horreysay muddada 23-ka sanno ah ee ay Somaliland jirto, waxa lagu qabanayaa shir ay isugu imanayaan maayarrada degmooyinka dalka iyo hay’ado caalami ah.




maayaro




Shirkan oo qayb ah kulan-sannadeed ay isugu yimaaddaan Maayarrada magaalooyinka dalka, ayaa sannadkan loo qorsheeyey inuu ku qabsoomo magaalada Ceerigaabo ee xarunta Gobolka Sanaag, waxaana ka qayb-gali doono hay’ado caalami ah oo dawladaha hoose ee magaalooyinka dalka kala shaqeeya mashaariicda Horumarinta.




Kulankan oo la sheegay inuu socon doono muddo afar maalmood ah, ayaa laga hadli doonaa arrimo khuseeya dhinaca horumarinta mashaariicda ay fuliyaan dawladaha hoose ee magaalooyinka dalku, sida uu sheegay maayarka magaalada Boorama oo shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Boorama wakhti uu u diyaar-garoobayay safar uu ugu baxayo magaalada Ceerigaabo.




“Waxaan u baxayaa safar dheer oo dhinaca Ceerigaabo ah, waxa halkaasi isugu iman doona maayirada degmooyinka dalka iyo hay’ado caalami ah, waxaana uu qaadan doonaa muddo afar maalmood ah, waxaana lagaga wada hadli doonaa arrimo khuseeya dhinaca hormarka degmooyinka,” ayuu yidhi maayarka magaalada Boorama.




Magaalada Ceerigaabo oo dalka intiisa kaga go’doonsan waddo xumo haysata awgeed, ayaa fursaddani u noqonaysaa markii u horreysay ee lagu qabto shir heerkaas gaadhsiisan, waxaanu qorshahani ka mid yahay mid magaalooyinka waaweyn ee dalka sannadkiiba mid lagu qabto shir-sannadeed ay isugu yimaaddaan maayarrada Caasimadaha gobollada dalku.




 




Gobanimonews-Desk




Ceerigaabo/Somaliland

Maamulka Dawlada Hoose Ee Gabilay Iyo Wafti Kasocda Wadamada Qaadhaan Bixiyayasha Oo Soo kormeerey mashaariicda Horumarineed ee ka socda Gudaha magaalada gabiley


20140128042708Gabiley{GN} Maamulka Dawlada Hoose Ee Dagmada Gabilay Iyo Wafti Kasocda Wadamada Deeq Bixiyayasha Ee Midawga Yurub Swedhen Norway , Sweland, Denmark Ayaa Maanta Kormeer Kusoo Maray Mashariicdii Jblgga Iyo Dawlada Hoose Iska Kaashaaden Iyo Mashari Kale Oo Gara Oo Ay Dawlada Hoose Hirgalisay Iyagoo Ugu Horayn Kormerka Ku Bilaabay Sarimada Sare Ee Gabilal Oo Kamida Mashaaricda Jblg Waxna Halkasi Ka Hadlay Mayarka Dagmada Gabilay Shucayb Maxamed Muuse Madaxa Kominitiga Maxamed Muxumed Laanloobar Madaxa Deeqbixiyayasha Waxana Hadaladoodii Kamida Ahaa.
Inta Kadib Waxa Kale Kormerkodasi Aykusoo Mareen Wadoyin Dhawra Oo Kamida Isla Masharicdasi Jblgga Waxana Ka Hadlay Wufudi Deqbixiyayasha Iyagoo Sheegay In Ay Gabilay Ay Kalinta Kobad Kaga Jirto Habka Ay Umaamushay Mashruca Jblg Kuwasi Oo Uu Ku Tilmamay In Ay Hormood Unoqon Doonto Gobolada Somaliland Ee Mashrucani JBLG Ga Oo Ay Iska Kaashadeen Dawlada Hoose Ee Degmada Gabiley Iyo Haayadaha Qaramada Midoobay .
Maayarka Oo Halkasi Ka Hadlay Ayaa Aad Usoo Dhaweeyay Wufuudan Kuna Balan Qaaday Sidaa Iyo Si Kafican In Ay Umaamuli Doonaan Mashaaricda Danbe Si Gabilay Marlbad Ay Kaalinta Kobad Ugasho
Wufudan Deeqbixyasha Ah Ayaa Sheegay In Gabilay Aynoqondoonta Xarunta Marti Galindoonta Tababarada Iyo Mashariicda Kala Duwan Jblg Ee Dhamaan Dalka Somaliland Iyagoo Siwayn Ugu Istarexay Maamulka Dawlada Hoose Iyo Waxqabadka Ay Hirgalisa




Gobanimo news




Gabilay office

Tuesday, January 28, 2014

Wafdi Madaxdhaqmeedyo Reer Awdal Ah Oo Socdaal Ku Tagay Kilinka Shanaad iyo Suldaan Samatar Oo ka Xogwaramay Kulamo ay Layeesheen Madaxda Dawlad Deegaanka iyo Madaxdhaqmeedka Beelaha Absame


Suldaan-Ibraahi-J_-Samatar-300x225Borama(GNA) Wafti madaxdhaqameedyo iyo culimaa’udiin iskugu jira oo ay hor socdeen suldaadiinta guud ee gobolada Gabilay, Awdal iyo Selel suldaan Ibraahim Jaamac Samatar iyo Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal ayaa shalay lagu soo dhaweeyay magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka killilka shanaad ee Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo ka qaybgalay aaska Garaadkii beelaha Absame garaad Maxamuud Garaad Dool Garaad Xirsi oo todobaadkan horaantiisii ku geeriyooday magaalada Diridhaba oo shalay lagu aasay magaalada Jigjiga, taas oo waftiga madaxdhaqameedyada awdal iyo salal ay kulamo kula yeesheen magaalada jigjiga masuuliyiinta maamul deegaanka Kililka shanaad iyo madaxdhaqameedyada beelaha deegaanadaasi.




Waftiga madaxdhaqameedyada Awdal iyo salal oo kala ahaa Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan C/raxmaan Jaamac Dhawal,iyo Sul Nuur dheere iyo Sul Maxamed Cabdi ,Xaaji Axmed Miisaan ,Caaqil Saalax Cilmi Jaar iyo waliba Sheekh Baladka Boorama Sheekh Cabdilaahi Sh Cali Jawhar iyo Oday dhaqameedyo kale ayaa shalay subax ka amba baxay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal oo xalay ka soo laabtay safarkoodii Jigjiga ayaa Suldaan Ibraahin Jaamac Samatar oo maanta saxaafada uga waramay ujeedada socdaalka waftigoodu ku tagay Jigjiga ayaa waxa uu yidhi “Waftigayaga Somaliland ka tagay oo ka koobnaa Salaadiin, Culimaa’udiin waxaanu JIgjiga u tagnay ka qaybgalka aaska garaadka beelaha Absame Garaad Maxamuud Garaad Doon Garaad Xirsi oo shalay lagu aasay Jigjiga iyo caleemo saarka Garaadka cusub ee loo boqray beelaha Absame oo ah wiil uu adeer u yahay Garaad Kulmiye Garaad maxamed xirsi.




Run ahaantii si weyn baa naloogu soo dhaweeyay Jigjiga, waxa kale oo aanu kulano la yeelanay masuuliyiinta maamulka kililka shanaad oo uu ugu horeeyo madaxweyne ku xigeenka oo hada ah ku simaha madaxweynaha oo aanu ka wada hadlnay danaha labada wadan ee Somaliland iyo kililka shanaad ee Itoobiya”




Suldaan Ibraahin oo hadalkiisii wata ayaa waxa uu yidhi “shalay galinkii danbe ayaan waxaanu la kulanay madaxdhaqmeedka beelaha Absame oo runtii si walaaltinimo ku jirto noogu soo dhaweeyay magaalada jigjiga waxaana ka wada hadalnay sidii wanaaga iyo wada jirka looga wada shaqayn lahaa loona xoojin lahaa xidhiidhka madaxdhaqmeedyada labada dhinac somaliland iyo dawlad degaanka itoobiya.




Sikastaba ha ahaatee kulankan madax dhaqmeedka awdal iyo dhigooda kilinka shanaad ayaa miradhalkiisii uu noqday kulan mar labaad ku dhexmari doona magaalada jigjiga ee xarunta dawlad deegaanka soomailda itoobiya kaa soo la filaayo inuu wax badan ka tari doona carqabado badan ka haystay shacabka ku dagan dawlad deegaanka itoobiya ee ka soo jeeda beelaha gadabuursi.




Gobanimo news




Mustafe caraale




Borama office




 

Liiska Golaha Wasiiradda Maamul Goboleedka Puntland Oo Lagu Dhawaaqay iyo Hogaamiyihii Qaatumo oo ka dhexmuuqda


deeqaGaroowe (GNA) Golaha Xukuumadda Puntland ee Dolwadda Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas ayaa maanta saxaafadda loo soo bandhigey. Magacyada Wasiirada waxaa saxaafadda u akhriyey Agaasimaha Guud ee madaxtooyada Puntland Dr Deeq Suleymaan Yusuf, waxaana ay wasiiradu gaarayaan 47 Wasiir. 18 Wasiir 19 Wasiir ku xigeen iyo 9 Wasiiru Dowle, Waxaan la sheegin magaca Wasiirka Warfaafinta.




 




 




GOALAHA WASIIRADA




 




Ismaaciil Maxamed Warsame Wasiirka Wasaaradda Caddaladda arimaha diinta




Axmwed Cilmi Cismaan (Karaash) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo dowladaha hoose




Xasan Cismaan Maxamuud Alloore Wasiirka Wasaaradda  Amniga




Shire Xaaji Faarax Wasiirka Wasaaradda  Maaliyadda




Sahra Siciid Nuur Wasiirka Wasaaradda  Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimoqraadiyadda




Cali Axmed Faatax Wasiirka Wasaaradda  Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah




Cabdullaahi Cali Ducaale Wasiirka Wasaaradda  Xaanada xoolaha




Cali Xaaji Warsame Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada




Dr.Saadiq Eenow Wasiirka Wasaaradda Caaafimaadka




Cabdirashiid Maxamed Xirsi Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud




Xasan Xaaji Siciid Xasan Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada & Garoomada




Cabdi Ismaaciil Boos Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka




Cabdullaahi Jaamac Saalax Wasiirka Dekadaha iyo gaadiidka




Anisa Cabdulqaadir Xaaji Muumin Wasiirka Haweenka iyo arrimaha qoyska




abdinuur Cilmi Maxamuud (Biindhe) Wasiirka kaluumeysiga iyo kehyraadka badda




Guuleed Saalax barre Wasiirka Deegaanka dalxiiska iyo duurjoogta




Maxamed Xasan Soocadde Wasiirka ganacsiga iyo wershadaha




Cabdiraxmaan Shiikh Axmed Cabdulle Wasiirka Shaqada. Shaqaalaha Dhalinyarada




GOLAHA KU-XIGEENADA




 




Maxamesd Faarax aadan Wasiir ku xigeen Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta




Cabdullaahi Xaashi Warsame Wasiir ku xigeenka Arrimaha gudaha iyo Dowladaha hoose




Cabdicasiis Maxamed Adam Wasiir ku xigeenka Amniga




Axmed Yaasiin Saalax Wasiir kuxigeenka Maaliyadda




Cabdiraxmaan Cabdi Ismaaciil Wasiir kuixgeen Dastuurka iyo Arrimaha federaalka




Siciid Faarax Maxamuud Wasiir ku xigeenka Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga ah




Cabdiweli Seed Cilmi Wasiir ku xigeenka Xanaanada Xoolaha




Prof. Maxamed Cali Faarax Wasiir ku xigeenka Waxbarashada




Aamina maxamed Cabdullaahi Wasiir ku xigeenka caafimaadka




Nuur Axmed Yuasuf Wasiir kuixgeen Warfaafinta




Liibaan Beddel Maxamuud Wasiir ku xigeenka Hawlaha guud




Cabdullaahi Jaamac Aruurshe Wasiir kuixgeenka Duulistan & Garoomada




Siciido Xuseen Cali Gees Wasiir ku xigeenka Beera iyo Waraabka




Maxamuud Maxamed Cali Wasiir kuxigeenka kaluumeysiga iyo kheyraadka badda




Cabdirashiid Gaani Cali Wasiir kuxigeenka Dekadaha iyo gaadiidka badda




Cabdirisaaq Shire Ismaaciil Wasiir kuxigeenka Shaqada Shaqaalaha iyo Dhalinyarada




Farxiya Yusuf Xirsi Wasiir kuxigeen Haweenka iyo Arrimaha qoyska




Faarax Cali Cabdi Wasiir kuxigeen deegaanka Dalxiiska iyo duurjoogta




Cabdirisaaq Nuur Cumar Wasiir kuxigeenka ganacsiga iyo wershadaha




WASIIRU DOWLAYAAL




 




Axmed Siciid Cabdiraxmaan Wasiiru Dowlaha ganacsiga iyo wershadaha




Cabdiraxmaan Jaamac Kulmiye Wasiir dowlaha jkaluumeysiga & kehyraadka badda




Cali Yusuf Jaamac Wasiiru dowladaha arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose




Bashiir Cabdiraxmaan Xaaji Gurxan Wasiiru dwolaha madaxtooyada iyo xiriirka gobolada




Dr.Maxamed Cabbaas Cumar, Wasiiru dowlaha madaxtooyada iyo xiriirka caalamiga ah




Cabdiqani Geele Maxamuud Wasiiru Dowlaha duulista hawada & garoomada




Cabdullaahi Jaamac Casli Wasiiru Dowladaha caafimaadka




Axmed Ibraahim Cawaale Wasiiru Dowladaha Qorsheynta & Xiriirka Caalamiga




Maxamuud Beeldaaje Faarax Wasiiru dowlaha Amniga




gaas_ma-348x180




 




 




 




 




Gonanimonews-Desk




Garoowe/puntland




 

Cali-daacuun iyo Sooyaalka Siyaasadda Somalia.qaybtii8-aad


CALI DAACUUN: SOOYAALKII  SIYAASADEED  EE  SOO  DHEXMARAY  MADAXWEYNIHII  HORRE  SHEEKH  SHARIIF+  FARMAAJO +  SHARIIF XASAN + CABDIWELI + FAROOLE + KAMPALA   ACCORD + MAHIGA




 




QEYBTII 8-AAD




Umadda Soomaaliyeed, waxay u qeyb-san tahay XOOLALEY IYO BEERALEEY, mana laha taariikh siyaasadeed ama SOOYAAL, maxaa yeelay WAA UMMAD ORAAH ama HADAL wax isugu gudbisa, arrintaas waxay meesha ka saartay, in la yeesho TAARIIKH aan muran laheyn, xusuustuna way ku yar tahay Soomaalida, waxaana u sabab ah, sida aan kor ku soo sheegay.




Haddii ay jiri laheyd taariikh lagu xisaabtamo, waxaa meesha iman lahaa SHALAY muxuu qabtay wasiirkani ama mudanahani.




Bal eeg Mudanayaasha Baarlamaanka Soo galay, intooda badani waxay soo galeen Shirkii Carta, qaarkood 1960-kii ayey soo galeen baarlamaanka, waxayna maanta xubin ka yihiin baarlamaanka jooga, haddii ay jiri laheyd taariikh lagula xisaabtamayo mudanaha ama wasiirka, Muxuu qabtay? waxaa dhici laheyd, mid dhaama in uu kursiga ku fariisan lahaa, waxaana muuqan lahaa tartan iyo wax-qabad, waxaana iman laheyd in qof waliba dadaalo, oo uu wax u qabto dalka iyo dadka, dhowrana dastuurka maadaama uu ku dhaartay. 




Lama arag taariikhda noolaha, nin ka yimi maamul goboleedka Punt-land oo dowladda dhexe ka noqday Madaxweyne ama Ra’iisul-wasaare, markii uu fashilmayna dib ugu noqday deegaankiisii oo iska soo sharaxay, noqdayna Madaxweynaha Punt-land waa Cabdi-weli Cali Gaas, hortiis ma dhicin.




Waa Arrin ugub ku ah Taariikhda, waxaana keenay Taariikh la’aanta aan la qorayn iyo in qofka la yiraahdo Shalay ayaanu wax kuu dhiibanay, maanta waxba kuu dhiiban meyno, maxaa yeelay waanu soo tijaabinay wax-qabadkaagii iyo Wadaniyadaadii.




Umadda Soomaaliyeed waxay ku jirtaa Mugdi Siyaasadeed, sida ay uga baxdaana way adag tahay, maxaa wacay, waxaa meesha ka maqan wadaniyad, xisaabtan, daacadnimo iyo qofka oo lagula xisaabtamo wax-qabadkiisa.




Waxaa kaloo meesha soo galay, wax la yiraahdo QABIIL, oo ka xoog roonaaday wadaniyaddii iyo diintii. waa la hubaa in aan qabiil meel lagu gaareyn, waxaa taas ka sii daran, Madax dhaqameedyadii oo inaga xumaaday intoodii badneyd, kuna milmay siyaasadda, una kala eexday dadkii ay u ahaayeen Madax-dhaqameedka, taasina waxay keentay in qabiil waliba sameysto oday u taliya, waayo kii la isku raacsanaa ayaa noqday SULDAAN DANEYSTE AH, qaadanaayana nolol-maalmeed ama laaluush.




Dhibaatada Soomaaliya qeyb weyn waxaa ka ah, madax-dhaqameedyada, intooda badan, waxayna noqdeen IS-BAARO DADBAN, oo aan laheyn qori AK47, waana tan sahashay in baarlamaanku noqdo waxaan tayo laheyn, oo aan ilaalineyn dastuurkii uu ku dhaartay.




FAROOLE iyo Cabdi-weli Cali Gaas, oo hadda kala tirsaday xilkii Punt-land, waxay qeyb weyn ka qaateen sidii loo soo xereeyay madax dhaqameedyadii soo xulay baarlamaankan hadda jira, waxaan garanayaa rag aan madax dhaqameed aheyn oo ay xereeyeen, waxayna kala lahaayeen labo ujeeddo, Cabdi-weli ujeedadiisu waxay aheyd Odaygu mudanaha uu soo xulo ha ku siiyo codka, maadaama aad tahay Murashax Madaxweyne, intoodii badneyd mudanayaashu way ku ballan fureen Cabdi-weli, waxayna codkii siiyeen Murashaxiin kale, Faroole ujeedadiisu waxay aheyd la dagaalan Maamul Goboleedka Khaatumo State, wuxuuna keenay qaar aan madax dhaqameedba aheyn, balse uu ku doodayo waa reer punt-land.




 




LA SOCO QEYBTA 9-AAD ………………………..




  

Warsaxaafadeed:Solja oo weerartay Sonsaf


Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA, isagoo  ka duulaya masuuliyada iyo waajibaadka uu u hayo Hay’adaha Warbaahinta iyo Suxufiyiinta Somaliland, waxaa uu si kulul u cambaareynayaa faro-gelinta qaawan ee  Ururka la baxay  Jilayaasha aan Dawliga ahayn ee ka hawl-gala Dalalka aan dawladaha lahayn {Somaliland Non-State Actors Forum}  uu ku samaynayo  Xoriyada iyo xuquuqda uu u damaanad qaaday Dastuurka Qaranku Warbaahinta.




Sidaa darteed Ururka SONSAF isagoo u adeegaya  shakhsiyaad caan ku ah qalalaasaha iyo qulub-gelinta Saxaafada Somaliland, kuwaasoo shaqo maalmeed ka dhigta iska horkeenka iyo isku dhufashada Saxaafada Maxaliga ah, iyagoo ka dhex raadinaya derajooyin ama dhaqaale lagu siiyo, Ururka SONSAF waxa uu Saxaafada Somaliland ugu baaqay shir qarsoodi ah, kaasoo ay ku damacsan yihiin inay ku aasaan madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo xoriyada hadalka, iyagoo food saaro ka dhiganaya inuu jiro khilaaf u dhaxeeya Warbaahinta Maxaliga ah iyo Hay’adaha  Dawlada (Xukuumada, Goleyaasha Sharci Dejinta iyo Garsoorka). Hase-yeeshee kulankaas ula jeedadiisu tahay in lagu abuuro Xeer Saxafadeed cusub oo lagu cabudhinayo Madax-banaanida Saxaafada Somaliland iyo Xoriyada ra’yi dhiibashada  ee bulshada, balse suurtogalnimadiisa lagu qurxiyay ajendihiisa waxyaabo aan jirin oo lagu sheegay Is waraysi, Wadahadal Iyo Lafo-gur lala yeelanayo Saxaafada.




 Ururka SONSAF oo sida magaciisa ku cad ah ka mid ah Ururada dalalka  reer galbeedku u abuuraan inay danahooda uga fuliyaan Wadamada aanay Dawladi ka jirin, sida; Koonfurta Soomaaliya, Afgaanistaan, Ciraaq iyo Kosovo, waxa uu dhaqaale quusan waa ah xakamaynta Saxaafada kaga soo qaatay Hay’ada Safer World, oo iyaduna dhaqaaalahaa kasoo dheegatay Ururka  Midawga Yurub (EU)




Haddaba ururka SOLJA isagoo si cad u qeexaya aragtidiisa ku aadan Shirqoolkaas iyo mawqifka uu ka taagan yahay Shirkaasi waxa uu yahay;.




In aanu marnaba aqbali doonin go’aamada iyo natiijada kasoo baxda, sidoo kalena waxa uu shirkaa u arkaa shirqool dhagaraysan oo Warbaahinta ka dhan ah.




Waxaa uu ku boorinayaa Hay’adahs Warbaahinta Somaliland iyo Suxufiyiinta in aanay ku dagmin shir ku sheegaa lagu xabaalayo madax-banaanida Saxaafada iyo xoriyada hadalka




Ururka SOLJA waxa uu ugu baaqaya Ururka SONSAF inay dib uga laabtaan shirkaa, hadiise ay ka dhego adaygaan fariintan waxay dusha ku  qaadi doonaan cawaaqibka arintaa ka dhasha 




Ururku digniin culus u dirayaa guud ahaan hay’adaha Samofalka Caalimaga ah in aan dhaqaalahoodu noqon mid lagu curyaamiyo xuquuqal insaanka iyo xoriyatul-qawlka Somaliland, kana digtoonaadaan in mashaariicda ku saabsan Saxaafada inay soo mariyaan Hay’ado iyo NGO aanay khusaynin.




waxaa ururka SOLJA u dirayaa  hay’adaha maxaliga ee inay ka waantoobaan caadaysiga fadhataysigs Mashaariicda Warbaahinta, balse haddii ay iska dhego-tiraan fariintan ay ku talo galaan jawaabta ku haboon ee Warbaahintu ka bixin doonto.




ALLA MAHAD LEH




Maxamed Cabdi Guuleed




Gudoomiye Kuxigeenka SOLJA




 




Maxamed Rashiid Muxumed Farax




Xoghayaha SOLJA




 




 




 

Burco: Badhasaabka cusub oo Xilkii la wareegay iyo Khudbadihii Munaasibada. Dhegeyso


 vlcsnap-2014-01-28-15h13m41s86Burco(GNA)-Badhasaabka cusub ee Gobolka Togdheer, ayaa xilkii kala wareegay Guddoomiyihii hore ee shaqada iska casilay Maanta.




Munaasibadda ay labada masuul xilka kula kala wareegeen oo ka dhacday Xafiiska Badhasaabka, waxa ka qayb-galay Wasiir ku-xigeenka  arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe, Maayirrada Degmooyinka Burco iyo Berbera, xubno ka mid ah Guddoomiyeyaashii Gobolka Togdheer soo maray, Madaxdhaqameedyo, isuduweyaasha Wasaaradaha dawladda ee Gobolka, xildhibaano iyo marti sharaf kale.




Badhasaabkii hore Gobolka Axmed Cumar Xaaji Cabdillaahi, oo munaasibadaasi ka hadlay, ayaa ka waramay waxyaabihii u qabsoomay mudadii sanadka ahayd ee  uu xilka hayay oo ahayd, waxaanu sheegay in mashaariic badan Gobolka laga fuliyay, kuwaasoo isugu jira kuwo dawladdu maal-gelisay iyo kuwo Hay’addo Caalami ahi taageero ka geysteen fulintooda.




“waxaan Gobolkan badhasaab ka ahaa muddo sanad ah, sanadkii afar maalmoodbaa ka dhiman, intii aan xilka hayay waxyaabo badan ayaa noo qabsoomay, waxaanan aad ugu mahad naqayaa Golaha deegaanka Degmada Burco oo aanu wada shaqayn balaadhan naga dhaxaysay”ayuu yidhi Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi.




vlcsnap-2014-01-28-15h12m26s247




 



Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/xamaje-00406.mp3"][/audio]




Dhinaca kale, waxa xafladaasi ka hadlay Guddoomiyaha                cusub ee Gobolka Togdheer Maxamed Muuse  Diiriye, kaasoo ka mahad celiyay sida diiran ee loogu soo dhaweeyay Gobolka “Reer Burco iskuma cusbin, inkasta oo aan xil ka soo qaban, hadana meelo badan kolay waanu iska aragnay, Burco waa hooyadii Somaliland oo waa halkii Somaliland lagu aasaasay”ayuu yidhi Maxamed Muuse Diiriye.




vlcsnap-2014-01-28-15h13m09s241




 



Halkan ka dhegeyso:[audio mp3="http://www.gobanimonews.com/wp-content/uploads/diiriye.mp3"][/audio]




Wasiir ku-arrimaha Gudaha Cismaan Garaad Soofe oo xafladaasi ka hadlay, ayaa dar-daraan iyo talooyin u soo jeediyay labada Masuul ee xilka isku wareejiyay, isagoo amaan balaadhan u jeediyay Badhasaabkii hore, kan cusubna ku soo dhaweeyay wada shaqayn iyo gacmo furan.




Cismaan Garaad Soofe ayaa sidoo kale dadweynaha Reer Burco u soo jeediyay inay soo dhaweeyaan Masuulka cusub ee Gobolka loo soo magacaabay, isla markaana la shaqeeyaan.




Wasiir Soofe, ayaa sidoo kale dadweynaha ugu baaqay inay ka waantoobaan qabyaalada iyo kala qaybsanaanta “reer Burco waxaan u soo jeedinayaa inay soo dhaweeyaan Masuulka cusub, kii horena si wanaagsan u sagootiyaan, anniga laftaydu reer burco ayaan ahaye, dhamaanteen waxa laynooga baahanyahay inaynu isku duubnaan muujino, oo aynaan kala qaybsanaan laynagu arkin”.




Waxa sidoo kale, Munaasibadaasi ka hadlay xubno isugu jira cuqaal, Siyaasiyiin , Xildhibaano, iyo Maayiradda Berbera iyo Burco, kuwaasoo Badhasaabka cusub ugu duceeyay inuu Ilaahay xilka u fududeeyo, kii horena ku bogaadiyay hawl-karnimadiisii shaqo iyo hufnaan Maamul.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Burco Office

Horta Yaa Mujaahid Ah? W/Q Fouad Abdisalam


Salaamu laahi Caleykum




Malaha Kaligey kuma ihiye Waxa is weydiiyey misena aan ku dawakhey micnaha iyo qeexitaanka dhabta ah ee uu huwan yahey qof loola baxey ama isugu isku bixiyey mujaahid, Ereyga mujaahid waa erey af carabi ah oo ka soo dhanbalmey ereyga kale ee JIHAAD, oo ah marka luqad ahaan loo qeexayo lagu qeexo in lala dagaalamo cadowga ilaahey iyo ka umadda muslimiinta ah , ama in la xoreeyo taago dhulka islaamka ka mid ah oo cadowga allah heysto ama in wax kasta ood awoodo ugu gargaarto ood ku dagaal gash af iyo adinba cida markaas dagaal kula jirta cadowga allah culimadu markey soo koobeen waxey ku fasixeen jihad i9n uu yahey ka dar ilaahey loo galey.




Jihaadka allah soo dajiyey wuu kala duwan yahey oo uu leeyahey maraatiib kala sareysa, waxaa uu caalimka ibnu qayim tilmaamey in Jihaadku afar nooc yahey oo kala ah , Jihaadka Nafta , Jihaadka sheydaanka , Jihaadka Gaalada iyo jihaadka Munaafiqiinta.




Hadaba inagoo ka duuleyna macnaha iyo jihaadka dhabta ah ee allah quraankiisa iyo xadiista rasuulkiisa Maxamed (N.N.K.H.) Inoo sheegey waxaa inooga soo dhex baxeysa micnaha saxda ah ee uu leeyahey qofka jihaadey ee loogu wan qalayo magaca mujaahid kaas oo macnihiisu noqonayo in qofku u dagaalamo diinta allah sidii ay u sareyn laheyd taas oo ay hoos imaneyso nolosha wanaagsan iyo akhlaaqiyaadka diinteenu ku dhisan tahey. Qofka mujaahidka ahina haduu uu isagoo ku sugan jihaadka allah uu dartiis ugu dhinto waxaa uu abaal marin u helayaa shahiidnimo oo ah shey qaali ah ilaahey cida uu siiyaana ay liibaantey fadli iyo xasanaad badana u sugnaatey daarta danbe ee aakhiro.




Ereyga shahiid waxaa luqad ahaan lagu macneeyaa in ay tahey in qofku wax goob joog u ahaado, se marka loo eegayo tan dagaalka qofka shahidey waxaa laydhaa qofka u dhintey dar ilaahey isagoo u dagaalamaya, isagoo ka dooneynin mansab iyo magac aduunyo se u heelinaya diinta allah kuna taagan sifaha iyo akhlaaqda jihaadku leeyahey.




Somali ahaan waxaan bulshadeena ku dhex faaftey ama aad in badan maqleysaa qof loogu magac dhabey Mujaahid hebel oo loo nisbeynayo dagaal uu cid isaga cadow ah ama beeshiisa cadow ah uu la galey, taas oo kharibtey macnihii dhabta ahaana  lumiseyna qiimaha cida mujaahidka ah iyo cida lala jihaadayaba, waxeyna ina dhaxal siisey in meel lagaga dhaco qiimaha uu jihaadka allah leeyahey, iyo sharafta mujaahidku huwan yahey.




Dagaalo kala duwan oo dalal badan oo muslimiin ah maanta ka socda ayaa salka ku haya arrimo siyaasadeed iyo fidno ayaa loo isticmaalaa in ay yihiin qaar jihad ah iyagoo aaney meelna ka soo galin sifaha jihaadka sharciga ah ee allah jideeyey iyadoo umad badan oo shacab iyo maati ah lagu gumaado inta dagaalameysana ay mujaahidiin isku magac dhabaan kooga ka dhintana shahiid hebel u bixiyaan. Somali ahaan laga soo bilaabo qaskii iyo qalaasihii guud ahaan somalida hadheeyey intii ka danbeysey burburkii dowladii somaliya iyo intii waliba lagu jirey kacdoonkii dowladaas lagu ridey waxaa caan baxey in loo nisbeeyo dagaalo badan oo dhacey in ay ahaayeen jihaad wallow dadka dagaalameyey labada dhinacba ay umad muslimiin ah oo ashahaadaneysa ahaayeen , waxaa marag ma doon ah dulmi iyo tacadi badan oo dhacey oo somalidu dhexdeeda iska geysatey hadana dooda jihaadka iyo mujaahidiinta waxey u baahantahey in loo nisbeeyo axkaamta sharciga iyo diinteena suuban sidey u sifeysey. Wallahu Aclam .




 




Wabilahi Tawfiiq




 




Fouad Abdisalam Hassan Haji




Qalbi005@gmail.com