Dr. Martin Luther King wax uu ahaa Geesi u kacay dadka Madaw ee Maraykanka ah, Dr. King waxa uu ku dhashay magaalada Atlanta ee gobolka Georgia sanadku markuu ahaa 1929kii.
Waxa uu noqday wadaad diinta Masiixiga ah oo maamula kaniisad la yidhaahdo Dexter Avenue Church oo ku taalay Montgomery ee gobolka Alabama ka dib markii uu dhamaystay Kuliyadda Moorehouse halkaas oo uu ka qaatay shahaado jaamacadeed sanadkii 1948. Sidaas oo kale aabihii iyo awowgiis waxay ahaayeen hogaamiyeyaal diimeed kuna xeel dheeraa diinta Masiixiga.
Dr. Martin oo ahaa nin waxbarashada aad u jecel aaminsanaa in ay maalin maalmaha ka mid ah waxbarashadiisu anfici doonta ayaa waxbarashadiisii ka sii watay kuliyad diineed la odhan jiray Crozer Theological Seminary halkaas oo lagu abaalmariyey shahaadada kuliyadaas sanadkii 1951kii. Dr. King kuma joogsan halkaas ee wuxuu sii watay waxbarashadiisii, wuxuuna ka qalin jabiyey Jaamacadda Boston sanadkii 1955tii, halkaas oo uu ka qaatay shahaadada qiimaha leh ee loo yaqaano Ph.D.
Sanadkii 1954 ayaa dacwad ay qaaday Maxkamadda sare ee Maraykanku ayiday ama aqbashay cabasho uu soo gudbiyey Mr. Brown oo ahaa nin madow ah isla markaana ka soo horjeestay sharciyada Koonfurta ee kala soocayey arday cadaanka ah iyo kuwa madowga. Go’aankaasi waxay maxkamaddu sheegtay in kala sooca ardaydu uu ka soo horjeedo dastuurka dalka Maraykanka, isla markaana ay sharci daro tahay in ardayda la kala sooco. Arintani waxay keentay arimo aad u badan; waa mide, waxay rajo gelisay dadka madowga ahaa, waa mida labaade, waxay ka xanaajisay dadkii cadaanka ahaa ee ka faani jiray in ay dhexgalaan dadka madawga ah ee yasi jiray . Arintani waxay rajo ku abuurtay Dr. King.
Sanadkii 1955, qof dumar ah oo la odhan jiray Rosa Parks ayaa diiday in ay kursi Bus uga kacdo nin cadaan ah, waxayna arintani dhalisay dhaqdhaqaaq xoriyad raadis ah oo ay bilaabeen dadkii la adoonsan jiray. Arintan oo aad u xiiso badnayd ayaa Dr. King loo doortay qaadacaad lagu sameynayey basaska magaalada Montgomery.
Qaadacaadu waxay jiitameysay mudo hal sano ah inkasta oo qaadacaadu ahayd mid nabad ah oo aan wax dagaal ah la galin. Qaadacaadani waxay ku qasabtay maamulka magaalada ay in ay wax ka bedelaan qaabkii basaska ayna ku dhawaaqaan in dadku dhamaan u siman yahay basaska isla markaana aysan jirin cid gooni wax loogu ogolaanayo.
Arintan oo gebi ahaanba u dhacday si nabad ah ayaa Dr. King u soo jiiday in uu magac weyn ka kasbado dadka doonayey in ay ka xoroobaan midab-takoorka. Dr. King wuxuu qaadacaas uga hadlay buugiisii la odhan jiray u halganka xoriyadda (strive toward freedom) kaas oo uu ku soo bandhigay fikradiisii ahayd in mudaharaad nabad ah lagu gaadhi karo xoriyad buuxda. Dr. King wuxuu aaminsanaa in aan gacan ka hadal waxba lagu xalin karin, balse mudaharaad nabad ah uu yahay wadada isbedel lagu sameyn karo.
Dr. King wuxuu dib ugu laabtay magaaladaAtlanta sanadkii 1959, ka dib markuu ku guuleystay qaadacaadii basaska ee Montgomery. Dr. King markii uu ku laabtay Atlanta, waxaa loo doortay inuu hogaamiyo urur la odhan jiray Southern Christian Leadership Conference oo laba sano ka hor laga aasaasay New Orleans, waxaa kale oo loo doortay in uu aabihiis oo markaas ahaa madaxa kaniisadda Ebenezer Baptist Church ku xigeen u noqdo.
Bilowgii 1960-kii, Dr. King wuxuu qabanqaabiyey mudaharaadyo aad u badnaa oo hadheeyey Koonfurta Maraykanka. Mudaharaadyadani waxay ahaayeen kuwa nabad ah una badnaa fadhi dadku ay fadhiisanayaan meel fagaare ah isla markaana aamusayaan. Sanadkii 1963, waxaa dhacday in Police-ka magaalada Birmingham ee Gobolka Alabama ay go’aansadeen in ay mudaharaad xoog ku kala kaxeeyaan iyagoo isticmaalaya Ay (dogs),
booyadaha dabka damiya oo biyo aad xoog badan tuuraya iyo budhadh. Dhacdadan ka dib, Dr. King wuxuu doonay in xabsiga loo taxaabo si arintu u sii weynaato. Dr. King xabsiga ayaa loo taxaabay. Intii uu xidhnaa, wuxuu qoray waraaq ka koobnayd 20 bog looguna magac daray « Warqad ka timid Xabsiga Birmingham (a letter from Birmingham Jail ).
Mudaharaadkii Birmingham ka dib, August 28, 1963 Dr. King wuxuu hogaamiyey mudaharaadkii weynaa ee Washington kaas oo ay ka qayb galeen dad ka badan 20,000 isla markaana dalbanayey shaqo iyo xoriyad. Halkaan ayey ahayd halkii Dr. MLK uu ka akhriyey qudbaddiisii caanka ahayd ee la magac baxday waxaan ku riyoonayaa “I have a dream” iyo ugu dambeyn xor ah (free at last) taas oo noqotay mid kicisay dhiigga dadka xoriyad-doonka ahaa.
Sanadkii 1964, Dr. Waxaa la gudoonsiiyey bilad sharafta loo yaqaan Noble Peace Prize. Isla sanadkaas, waxaa la mamnuucay midab-takoorka iyo kala-sooca dadka. Arintani aad ayey u qancisay Dr. King, wuxuu qabanqaabiyey mudaharaadkii Selma (Alabama), St. Augustana (Florida) iyo socodkii dheeraa laga soo bilaabay Selma laguna yimid Montgomery sanadkii 1963dii.
Bilowgii 1966, wuxuu u soo wareegay dhinaca Waqooyiga Maraykanka isaga oo ka bilaabay meelaha dadka madow degenaayeen ee magaalada Chicago. Sanadkii xigay, wuxuu ka hadlay isu soo bax ka dhacay New York kaas oo uu ku diidanaa dagaalkii Vietnam iyo in aanay banaanayn in Maraykanku lug ku lahaado dagaalkaas. Halkaas waxa ka bilaabmay dhaqdhaqaaqii gacan-ka-hadalka ahaa ee madowga (black power movement).
Dhaqdhaqaaqan ayaa xal u arkay in ay haboon tahay in dagaal iyo gacan ka hadal la bilaabo, taas oo keentay iska hor imaad ka dhacay magaalooyin badan oo ay ka mid yihiin Detroit, Chicago, Cincinnati, iyo Newark.
Hadaba si uu uga hortago gacan-ka-hadalka, sanadkii 1968 Dr. King wuxuu bilaabay olole cusub la magac baxay Ololihii Dadka Saboolka ah (Poor People’s Campaign), taasoo uu ku muujinayey in halgankiisu ku saleysan yahay mudaharaad nabad ah ee aanu gacan-ka-hadal shaqo ku lahayn. Xiligii gu’ga ee isla sanadkan, Dr.King waxaa lagu
casuumay in uu ka hadlo mudaharaad ay qabanqaabiyeen shaqaalaha nadaafadda ee Tennessee.
Halkaas ayaa lagu dilay Dr. King iyada oo xabad lala beegsaday isaga oo taagan hoteelkii uu degenaa ee magaalada Memphis. Aaskiisii oo dhacay 4tii Abriil 1968, waxaa ka soo qayb galay dad ka badan 60,000 oo murugo aad u ba’ani wejigooda ka muuqato. Dr. King, waxaa lagu aasay Atlanta (Georgia).
Sanadkii 1973, ayaa Gobolka Illinois bilaabay u dabaaldegga dhalashadii Dr. King. Gobolo badan ayaa ku dayday Illinois. Toban sano, ka dib, madaxweynihii Mareykanka ee la odhan jiray Ronald Reagan ayaa saxiixay in dhamaan dalka looga debaaldeggo dhalashadii Dr. King, oo loo aqoonsaday maalintaas in ay tahay Fasax Federaal ah.
Laga soo bilaabo Janaayo 20, 1986 waxaa dalka Maraykanka looga debaaldeggaa dhalashada Dr. King.
Taariikhda iyo Noloshii Dr. King, halkan laguma soo koobi karo, balse waxaan filayaa in dad badani ka faa'iidaystaan fikrad-na ka helaan taariikhdii Dr. King.