Boorama(GNA)-Ciidanka Bilayska Somaliland ee loo RRU-da, ayaa Magaalada Boorama ka qab-qabtay ugu yaraan shan qof oo isugu jira Mawaadiniin Reer Somalliland iyo kuwo u dhashay Koonfurta somaliya, labadii maalmood ee ugu dambeeyay.
Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiisha Amaanka Gobolka Awdal, Laba ka mid ah dadkan oo kala ah Nin iyo Qof Dumar ah oo reer Borama ah, ayaa Habeen hore laga soo qabtay Guri ku yaala magaalada, kuwaasoo laga helay Walxo nooca Qaraxyada loo adeegsado ah, gaar ahaan Budada ka samaysan Sunta Kimikadda loo isticmaalo,waxaana labadaa qof loo soo dhaaciyay dhanka Hargeysa.