Thursday, August 29, 2013

Madaxwayne siilaanyo oo ka qaybgalay xaflada qalinjabinta dufcadii 12aad ee ka qalinjabisa jaamacada camuud+sawiro


Borama(GNA)-Madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland md:axmed maxamed maxamuud siilanyo iyo wafti balaadhan uu hogaaminayo ayaa maanta subaxnimadii kasoo baqoolay dhinacaa iyo caasimada Somaliland ee hargaysa madaxwayne siilaanyo iyo waftigiisa ayaa intuuna soo gaadhin magaalada borama ee xarunta gobalka awdal si uu uga qaybgalo xaflada qalinjabinta dufcadii 12aad ee ka baxda jaamacada amoud  ayaa waxa uu ku hakadeen madaxwaynaha iyo waftigiisu degmada dila ee gobalka awdal halkaasi oo si diiran ay ugu soo  dhaweeyaya gudoomiyaha gobalka awdal cabdoo Axmed aayar,maayirka degamada borama,xildhibaano ka tirsan golaha deegaanka degmada borama  qaar kamida salaadiinta gobolada awdal iyo salal iyo shacabwaynaha ku dhaqan degmadaasi,




maayirka degmada dila ibraahin cabdi x.tubeec oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa madaxwaynha kusoo dhaweeyay gobalka awdal gaar ahaan degmada dila isagoo sheegay inay aad uga faraxsanyihiin booqashada madaxwaynaha waxana uu sheegay inay aad ugu faraxsantihiin horumarka ay xukuumadiisu ka qabatay gobalka waxa kale oo uu intaasi ku daray  madaxwaynahana ku amaanay dhamaystirka wadada isku xidha degmada dila iyo magaalada boarama{ mudane madaxwayne ku soo dhawoow gobalka awdal kusoo dhawoow degmada dila ku soo dhawoow gacmo furan. Md: madaxwayne aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay booqashadaada waana kuugu hanbalyaynaynaa}sidaasina waxa yidhi maayirka degmada dila




suldan saleban oo kamida salaadiinta gobalada awdal iyo salal  ayaa isaguna sidoo kale si balaadhan u soo dhaweeyay madaxwaynaha iyo waftiga uu hogaaminayay




Intaasi kadib Madaxwaynah jamhuuriyada Somaliland  oo hadal kooban goobtaasi ka jeediyay ayaa ugu horayn uga mahad celiyay shacabka degmada dila sida fiican ee ay usoo dhaweeyeen(dadwaynaha reer dila waxan aad iyo aad uga mahad celinayaa sida sharafta iyo qiimaha le ee aad noosoo dhawayseen taasi oo caada inii ahayd}




Madaxwayne siilaanyo oo hadalka sii wata ayaa waxa uu intaasi ku daray(dadka iyo dalka caam ahaanba wixii itaalakayaga inaan wax uqabano hurumarkiisa iyo waxqabadkiisa diyaar ayaan unahay)Kadib markii uu soo ajmeermay kulakaasi gaaban ee uu madaxwayne siilaanyo uu la qaatay shacabka degmada dila  ayaa madaxwaynaha, marwada koobaad ee dalka aamina waris axmed jirde iyo raxan wasiira oo ka tirsan xuukamadiisa oo ay kamid ahaayeen




Wasiirada Arimaha dibada,Madaxtooyada,Gaashaandhiga,Waxbarashada, Beeraha,Shaqada iyo arimaha bulshada,Warfaafinta,Xidhiidhka goloyaasha,Wasiir ku xigeenka caafimaadka,wasiir ku xigeenka qorshaynta iyo qaar kamida xildhibaanada labada gole




isla markaan ku wehelinayay socdaalkiisa ay usoo dhaqaaqeen dhinacaa iyo magaalada boarama si uu madaxwaynuhu uga qayb galo xaflada qalinjabinta dufcadii 12aad ee ka baxda jaamacada camuud




Hadaba abaaro saacadu markay ahayd 11:30 duhurnimo ayaa madaxwaynaha Somaliland iyo waftigiisu soo gaadheen madasha ay ka soconaysay munaasibada qalinjabinta dufcadii 12aad ee jaamacada camuud




Madaxwaynaha Somaliland oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ku amaanay maamulka jaamacada camuud dadaalka ay uhureen sidii ay ay usoo saari lahaayen dhalinyaro mutacalimiina waxana uu hoosta ka xariiqay inuu la garabjoogo hii iyo hoolba wixii ay xukuumadu la qabankarto jaamacada camuud gaar ahaan dhinacyada baahiyaha gaarka ah ee jaamacada camuud isagoo madaxwaynuhu ugu dabayntii ku tilmaamaya hormuudka jaamacadaha Somaliland




Sidoo kale waxa goobtaasi ka hadashay wasiirka waxbarashada Somaliland marwo sam sam ayaa iyaduna ay dhankeeda ka hadashay dareenkeeda ku aadan xaflada qalinjabinta waxayna balanqaaday inay sidii ay shaqo ku heli lahaayeen ku garab galayso ardayda maanta ka qalinjabisay jaamacada camuud




Wasiirka wasaarada arimaha dibada Somaliland Axmed biixi yoonis oo isaguna goobtaasi ka hadlay ayaa carabka ku dhuftay munaasibadan iyo dareenka  farxadeed ee ay ku abuurtay wuxuuna daaha ka rigay inay camuud tahay dugsigii uu wax ku bartay yaraantiisa islamarkaana u hanbalyeeyay ardayda maanta qalinjabisay oo uu sheegay in bulshada ay sugayso inay uga faa,ideeyaan wixii ay soo barteen mustaqbalkana u horsiidi doonaan horumar laxaad le




Badhasaabka gobalka awdal cabdoo axmed aayar ayaa uga xog waramay madaxwaynaha xaalada nabad galyo iyo horumar ee ka jirta gobalka iyo waxyaabaha u qorshaysan ee u baahan inay gacan ka gaysato xukuumadu ee ay ka maamul ahaan hiigsanayaan




Gudoomiyaha degmada borama saleebaan xasan xadi oo isna madashaasi ka hadlay ayaa isagu ku amaanay madaxwayne siilaanyo fulinta xeerkii ogalaashaha inay dhalinyaradu ka qaybqaataan siyasada dalka taaso uu sheegay ay dhamaan golyaasha deegaanka gobalada Somaliland ka soo baxeen intooda badani dhalinyaro aqoonyahana oo wax ka badali kara horumarka iyo waxqabadka dalka taasoo bulshada reer Somaliland hada ka hor u heelnayd




Ugu danbayntii madaxwaynaha jaamacada camuud pro:saleebaan Axmed guuleed ayaa oo isna goobtaasi hadal aad udheer ka jeediyay waxa uu si qoto dheer uga warbixiyay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo martay jaamacada camuud waxana uu madaxwaynaha Somaliland uga warbixiyay ardayda ka qalinjabinaysa qaybaha kala duwan ee ay soo barteen oo uu sheegay inay tiradoodu dhantahay 416Arday oo isugu jira 10  kuliyadood oo ka farcamay isla jaamacad camuud  waxana uu intaasi raaciyay pro:saleebaan axmed guuleed inay jiraan baahiyo looqabo dhinaca horumarka jaamacada taasoo oo ayna uga maarmayn xukuumada madaxwayne siilaanyo oo uu ku amaanay hada ka hor taageerada balaadhan ee ay horay uga gaysteen madaxwaynaha iyo xukuumadiisu. Pro faseerka ayaa sidoo kale ka dhawaajisay in markii ugu horaysay ay ka baxeen ardayda baratay dhinacyada suuxista iyo ilkaha ugu danbayntii waxa uu kula dardaarmay ardayda maanta ka qalinjabinaysay jaamacada inay ku fikiraan sidii ay gacan iga gaysan lahaayeen horumarka dalkooda




guntii iyo gabagabadii munaasibada ayaa madaxwaynaha Somaliland waxa shahaadada qalinjabinta gudoonsiiyay qaar kamida ardayda maanta qalinjabinaysay iyadoo geesta kale goobtaasina madaxwaynaha  Somaliland lagu gudoonsiiyay kitaabka quraanka kariimka oo uu gudoonsiiyay sheekhul baladka gobalka awdal sh.c/laahi sh.cali jawhar ka diba ayaa waftiga madaxwaynuhu waxa ay usoo gudbeen dhinaca iyo guriga martida haalkaasi oo uu




madaxwaynuhu xadhiga ka jaray  guriga martida oo dib uhabayn lagu sameeyay sikastaba ha ahaatee waftiga madaxwaynaha ayaa sida aan wararka ku hayno waxay tibaaxayaan inay isaga iyo waftigiisu joogi donaan mudo dhawr maalmooda balse ilaa hada aan la ogayn talaabada tan xigta ee uu madaxwaynaha iyo waftigiisu qaadi doonaan




  Wariye:mustafe caraale




Caraale_143@hotmail.com




Office borama