Friday, August 30, 2013

Muqdisho: Dagaal Laysku Adeegsaday Madaafiic oo si lama filaan ah uga qarxay iyo Meelaha la wareeray


Muqdisho(GNA)-Iska hor imaadyo culus ayaa xalay  fiidkii ka bilowday xaafado ka tirsan degmada Huriwaa, halkaasoo fariisimo ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM la wareeray, iyadoo la maqlayay rasaas ka dhaceysa xaafado badan oo ka tirsan degmadaas.





Sida ay sheegayaan wararka iska hor imaadyada ayaa bilowday qadar yar ka hor salaadii maqrib, iyadoo laga war helay dhawaq xoogan iyo rasaas ay adeegsanayeen xoogaga hubeysan ee weeraray fariisimaha ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Iska hor imaadyada ayaa muddo si goos goos ah uga socday min Isgoyska SOS, Shineemadii cabdi waayeel, iyo Warshadii Barafuunka iyo Warshadii Baastada oo fariisimo ay ku kala leeyihiin ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Suuqa Xoolaha ayaa u sheegay Warbaahinta  in mar qura ka war heleen rasaas culus iyo qoriga baasuukayaasha oo la isu adeegsanayo iska hor imaadka socda.

Wararka ayaa sheegaya in iska hor imaadku dhacay degmada Huriwaa uu ka duwan yahay kuwo si goos goos ah uga dhacay halkaas, iyadoo mar qura weeraro qorsheysan lagu qaaday fariisimaha ay ku leeyihiin ciidamada dowladda iyo AMISOM.

Ma Cada qasaaraha uu geystay iska hor imaadka soconaya, hase ahaatee waxaa jira rasaas gaaray goobaha iska hor imaadyada ka dhaceen oo dad rayid degan yihiin, inkastoo dadka ku dhaqan xaafadaha Huriwaa ay xaroodaan salaada maqrib ka hor