Friday, August 30, 2013

Madaxwaynaha Somaliland oo Xadhiga ka jaray Mashaariic Horumarineed oo ka qabsoomay magaalada Borama+sawiro


Gobanimo news{borama} Kadib markii maalintii shalay ahayd uu soo gaadhay gudaha magaalada borama madaxwaynaha jamhuuriyada Somaliland axmed maxamed maxamuud siilaanyo isla markaana ka qayb galay xaflada qalinjabinta dufcdaii 12aad ee ka baxda jaamacada camuud taasi oo gundhig u ahayd safarka madaxwaynaha ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu  madaxwayne siilaanyo ku hoyday magaalada borama hadaba maanta ayuu Madaxwayaha Jamhuuriyada Somaliland Dr. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo xadhiga ka jaray mashaariic dhawr ah oo dhinaca hormarinta kana qabsoomay magaalada Boorama, waxana ku wehelinay xadhig ka jarkaasi wafdi balaadhan oo ay ka qayb ahaayeen wasiiro tiro badan, marwada koowaad iyo maamulka gobolka iyo kan dagmada Boorama.


Ugu horayn waxa uu madaxwaynuhu xadhiga ka jaray dhismayaal lagu kordhiyay kuliyadaha Caafimaadka ee Jaamacadda Camuud, kuwaas oo imika yeelan doona xarun aad u balaadhan.


Dr. Rooda Ibraahim Rijaal oo madaxwaynaha warbixin kooban siinaysay ayaa tidhi "Madaxwayne waxa noo sharaf ah inaad xadhiga ka jarto dhismayaashan kulmin doona kuliyadaha caafimaadka ee Jaamacada Camuud ee kala ah Qaliinka Guud, Ilkaha, iyo Neeraska iyo Pharmasiiyada, waxa aan rajaynaynaa inuu noqdo albaabkii hore ee hormarka caafimaadka iyo warbaxrashada waana noo farxad ka soo qayb galkaagu.


Madaxwaynaha ayaa waxa kale oo intii uu ku sugnaa halkan soo indha indheeyay dhismayaasha xaruntan caafimaadka ee uu xadhiga ka jaray.


Sidoo kale waxa uu madaxwaynhuhu xadhiga ka jaray wadada Eng. Galde ee badhtamaha Boorama ee isku xidhaysa, Jaamacadda Camuud iyo Garoonka diyaaradaha ee Boorama taasi oo dhererkedu dhan yahay 2km iyo badh.


Badhasaabka Awdal Cabdoo Axmed Aayar ayaa warbixn halkaasi ku siiyay Madaxwaynhaha waxana uu yidhi "Madaxwayne wadadani waa  halbawlahii Boorama waxana ay isku xidhaa Jaamacadda iyo Garoonka Diyaaradaha, waxana ay qayb ka tahay dhismayaasha dhinaca wadooyinka ah ee ay xukuumadu hirgalisay ee sanadkan ka qabsoomay Boorama”



Intaasi ka dib madaxwaynaha iyo waftigii uu horkacayay ayaa usoo anbabaxay dhinacaa iyo caasimada hargaysa ee Somaliland iyadoo ay sii galbiyeen maaulka gobalka iyo kan degmada borama






Wariye:Mustafe caraale



Caraale_143@hotmail.com



Borama office