Burco(GNA)-Wefti ka socda Xukuumada Somaliland iyo Ergooyin nabadeed oo ku baxay daminta shaqaaqooyin ka dhacay deegaanka Gowso-weyne ayaa gaadhay halkaasi, waxaanay soo kormeereen xaalada deegaanka dhibto ka dhacday ee God-hareerin.
Goob-joogayaal ku sugan Deegaankaasi, ayaa Gobanimonews u sheegay in weftigani kulamo la yeesheen dhinacyadii gacan ka hadalka Khasaaraha sababay dhex maray, kulamadaasoo ay ugu kala dab-qaadayaan sidii laysugu soo dhaweyn lahaa xal nabadeedna looga gaadhi lahaa xudunta waxyaabaha laysku haysto.
Geesta kalena waxa Magaalada caasimada ah ee Hargeysa ku soo laabtay wufuud aad u tiro badan oo ka mid ahayd Ergooyinkii shalay ku baxay shaqaaqadaasi iyo kuwo hore ugu sugnaa Magaalada Burco oo gaadhay deegaanka, kuwaasoo Maanta ka soo ambabaxay Magaalada Oog oo sal-dhig u ah Ergooyinka nabada.
Wufuudda ku soo laabatay Caasimada Hargeysa, waxa ka mid ah Koox Wasiirro ah oo uu hogaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, kana mid yihiin Wasiirada Xanaanada Xoolaha, Caafimaadka iyo Maareeyaha Madbacadda Qaranka.
Saraakiil kale oo uu ka mid yahay Agaasimaha guud ee Wasaaaradda Warfaafinta iyo Wacyi-gelinta ayaa iyaguna ka mid ahaa xubnaha dib ugu soo laabtay Hargeysa, sida ay Gobanimonews wararka ku helayso.
Dhinaca kale, weftiga Gaadhay deegaanka Gowso-weyne, waxa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo hogaaminay Wefti balaadhan oo ay xubno ka yihiin Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi iyo madaxdhaqameedyo mudo laba maalmood ah halkaasi ku sugnaa.
Dedaalada lagu daminayo collaada laba maalmood ka hor ka qaraxday deegaanka God-hareerin, ayaa ah mid si xawli ah ku socota, waxaana jira Gurmad tiro oo isugu jira madaxdhaqameed iyo Masuuliyiin dawlada ka socda oo kaga baxay Goboladda deegaankani Soohdintooda kulaalo, ee Sool, Sanaag, Saraar iyo Togdheer.
Gobanimonews
Burco Office
Email: editor@gobanimonews.com