Saturday, August 24, 2013

Dubai: Bangi Carbeed oo Xayiray Malaayiin Hanti ah ay Dhigteen 13 Qof oo ay Hogaamiyeyaasha Al-shabaab ku jiraan


Dubai(GNA)-Bangiga dhexe ee dalka isku taga Imaaraatka Carabta ayaa soo saaray liis ay ku qoran yihiin magacyada 13 ruux oo Soomaali iyo Ajaaniib isugu jira oo la xanibay hantidii u taalay bangiga kadib markii lagu eedeeyay inay taageero siiyaan Xarakadda Al-Shabab.





War ka soo baxay bangiga ayaa lagu sheegay in hantida u taala bangiga shaqsiyaadkan oo ay  qaarkood haystaan baasabooro dalal kale iyo xubno ajaaninb ah oo Shabab ka tirsan ka tirsan, la xayiray ilaa mudo aan cayimayn, taasoo noqonaysa talaabadii ugu horsay ee Bangi Carbeed ku xayiro Hanti dad ka tirsan Al-shaabab tan iyo markii Ururkaasi xoogaystay sanado ka hor.




Dadka Liiskan ku qoran ee Hantidooda la xayiray waxa ka mid ah Hogaamiyaha Ururka Al-shabaabAxmed Cabdi Goddane, waxaanay kala yihiin magacyadoodu sidan:-




 Axmed Cabdi Godane oo ah hogaamiyaha Al-Shabab, Sh. Fu’aad Max’ed Khalaf, Xasan C/llaahi Xirsi oo Xasan Turki loo yaqaan, Sh. Xasan Daahir Aweys oo dhawaan Al-Shabab kasoo goostay, haatana gacanta dawlada Soomaaliya ku jira, nin magaciisa lagu sheegay Max’ed Saciid Bashiir, Max’ed Max’ud, Xasan Mahad Cumar, oo la sheegay inuu haysto baasaboor Ethiopian ah nin kale oo magaciisa lagu sheegay Yaasiin Cali Baynax oo isna haysta dhalashada dalka Sweden, ganacsade Axmed Nuur Jimcaale,  Cumar Xamaami oo sidoo kalena loo yaqaan Abuu Mansuur Al-Amriki, Cabuud Roogo oo horey Kenya loogu dilay, iyo Abuu Bakar shariif.




Bangigu waxa uu sheegay inuu go’aankan u qaatay si uu  fuliyo  go’aan ka soo baxay golaha amaanka ee Q,M oo tirsigiisu ahaa 1844 (2008) kaasoo dhigayay in la xanibo hantida shaqsiyaadka iyo shirkadaha loo arko inay Shabaab taageeraan.




Liiskan  dadka ku jira waxa ka mid ah  Sh, Xasan Daahir Aweys oo dhawan dawlada Somalia isu soo dhiibay iyo ganacsade Axmed Nuur Jimcaale oo ay golaha wasiiradda  ee Somaliya Khamiistii todobaadkii hore Qaramada Midoobay  ka dalbadeen in xanibaada laga qaado.




Qaramada Midoobay ayaa hore u xayiray dhaqdhaqaaqa shakshsi iyo Ganacsi ee dadka lala xidhiidhanayo inay ku jiraan Ururadda Al-qaacida gacan saarka la leh.




Dawlada Maraykanka ayaa iyaduna hore u Xanibaad ugu soo rogtay Hogaamiyeyaasha ururka Al-shabaab, kuwaasoo ay madaxyadooda lacago adag dul-dhigtay, waxaanu go’aanka Bangigan carbeed noqonayaa talaabadii ugu dambeysay ee lagu liciifinayo Awoodda dhaqaale Ururka Al-shabaab oo aan Milateri ahaan xiligan habaysnayn.




Gobanimonews




London Office




Email: Editor@gobanimonews.com