Tuesday, August 27, 2013

Somaliland, Puntland iyo Khaatumo oo isku haysta Imaanshiyaha C/samad C. Shirre ee Taleex iyo Doodadda kulul ee dhex-taala


Taleex(GNA)-Maamuladda Somaliland, Puntland iyo Khaatumo ayaa isku haysta sheegada Maamulka Khaatumo, xili uu halkaasi ku suganyahay Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdi Samad Cali Shirre iyo wefti uu hogaaminayo.




Wasiirka Arrimaha gudaha ee Jamhuuriyada Somaliland Cali Maxamed Waran-cadde oo ku sugan degmada Oog ee Gobolka Saraar,ayaa ka digay Imaanshiyaha Gen Cabdi samad Cali Shirre ee degmada Taleex, taasoo uu Wasiirku sheegay inay abuurayso fowdo iyo amaan daro hor leh oo ka dhex curata labada Maamul oo ay hore dagaalo ugu dhex mareen deegaamada gobolka Sool.




Wasiir Cali Maxamed Waran-cadde ayaa intaasi ku daray in Degmada Taleex ka tirsantahay dhulka Somaliland ee Xuduudkii Ingiriiskii la jeexay, sidaasi darteed imaanshiyaha Madaxweyne ku-xigeenka Garoowe faro gelin siyaasadeed ku tahay Somaliland, isagoo caalamkana ugu baaqay inay u dhug yeeshaan Gar-darada Maamulka Puntland ku soo galay dhulka Somaliland.




Laakiinse Eedeynta Cali Waran-cadde, waxa si kulul uga jawaabay Afhayeen u hadlay weftiga Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo uu ku sheegay mid aan waxba ka bedelayn ujeedada Imaanshiyahooda Gobolka Sool, waxaanu sheegay in xuduudka Somaliland iyo Puntland maro meel wax yar u jirta Degmada Caynabo ee gobolka saraar,isla markaana Somaliland hore ugu soo xad-gudubtay Gobolka Sool.




Afhayeenka ayaa intaasi ku daray in weftiga uu ka tirsanyahay joogayaan Taleex, imana doonaan marar kale oo badan, jirina cid iska hortaagi kartaa, ujeedada ay u yimaadeena ay tahay sidii ay dadka iyo deegaanka noloshooda xogogaal ugu noqon lahaayeen.




Dhinaca kale Cabdi fataax Cismaan Dhalac oo sheegay inuu yahay Wasiirka Arrimaha Bulsahda ee Maamulka Khaatumo oo Degmada Taleex lagu aasaasay sanadkii 2011-kii, isla markaana mudo dheer xarun u ahayd Maamulkaasi , ayaa BBC-da u sheegay in safarka Madaxweyne Cabdisamad Cali Shirre ay ka war hayaan Maamul ahaan, looguna sheegay inuu ka qayb-qaadanayo xalinta xiisad ka dhex aloosan laba beelood oo deegaanka wada degan oo mid ka mid ah uu ka soo jeedo.




Wasiirka u hadlay Khaatumo, ayaa sheegay in Garaadka degaanka Taleex ka codsaday maamulkooda in loo ogolaado Cabdi cali shirre inuu ka qayb-qaato xalinta colaada labada beelood ee deeganka wada degen, sidaana uu ku yimi, halka dhanka Somaliland ee sheegada Taleex-na uu ku tilmaamay mid afka laga yidhi.




Dooddada dhex taala Somaliland iyo labada Maamul ee kale ayaa ah mid 24 sacadood ee la soo dhaafay soo kordhaysa, hase  ahaatee ma jiro dhinac ilaa hada wax talaabo ah qaaday.




Degmada Taleex ayaa ka tirsan Gobolka Sool oo ay ku suganyihiin tirada ugu badan ee Ciidanka qaranka Somaliland oo halkaasi fadhigoodu ahaa tan iyo markii ay Magaalada laascaanood ka qabsadeen Puntland sanadkii 2007-kii,kuwaasoo saldhigyo ku leh jiida Gambadha iyo deegaamo kale oo Gobolka ka tirsan.




Hase ahaatee Degmada taleex wax Ciidamo ah kama joogaan Somaliland, waxaana sanadkii hore lagaga afduubay wefti ka socday Dawlada oo booqasho halkaasi ku tegay, kuwaasoo uu ka mid ahaa Xildhibaan Saleban Cali Koore oo ka mid ah Mudaneyaasha Golaha Wakiiladda Somaliland ee laga soo doortay Degmooyinka Gobolka Sool.




Weftiga Xildhibaan Koore ayaa qaar ka mid ah dadkii la socday Maamulka Puntland mudo dhawr bilood ah ku hayay Xabsiyo ku yaala Magaalada Garoowe, halka ay jireen xubno ku dhaawacmay Gaadhi weftiga ka mid ahaa oo Qalimay, ka dib markii Dablay Puntland Daacad u ahaa Rasaas ku fureen iyagoo ku sii jeeda Magaalada taleex.




Tan iyo markii weerarka laga horyimi weftiga reer Somaliland ee degmadaasi u socday ,waxa cad inay lumisay saamayn kasta oo ay ku lahayd gudaha degmada, waxaana jiray Ciidamo hore looga qarameeyay Bulshada deegaanka oo mudo ka dib ay xukuumadda Somaliland ka goysay Gunadii la siin jiray, kuwaasoo mudo dheer ka cabanayay Gunada laga jaray, markii dambena Rayidka degmada ku biiray.




Degmada Taleex ayaa ka mid ah Deegaamada ugu Taariikhda balaadhan Geeska Afrika, waxaanay mudo dheer xarun u ahayd Sheikh Sayid Maxamed Cabdille Xasan oo ahaa hogaamiyihii Ciidamadii daraawiishta oo dagaal qadhaadh la galay Maxbiyadii Ingiriiska ee Dhulka Somaliland.




Waxaana wali ka dhisan qalcado ka mid ah dhismayaashii Sayidka xarunta u ahaa oo Gaboobay iyo waxyaabo kale oo qadiimiya oo xiligiisi laga hir-geliyay.




Gobanimonews




Laascaanood Office




Email: editor@gobanimonews.com