Wednesday, August 28, 2013

Madaxweyne Siilaanyo Oo Shahaadooyin Guddoon siiyay 415 Arday Ka qalin-jabiyay Camuud Waxakale Oo Uu Xadhiga Ka Jaray Guriga Martida Ee Magaalada Boorame.


Borame (GNA)- Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa maanta shahaadooyin gudoon siiyay 415 arday oo ah ducfadii 12-aad ee ka qalin-jabisa jaamacadda Cammuud ee Magaaladda Boorame.




Xafladii qalin-jabinta oo lagu qabtay xarunta jaamacaddaasi waxa kale oo ka qeyb galay Wasiirro, siyaasiyiin iyo Xildhibaano ka tirsan goleyaasha Baarlamaanka iyo marti-sharaf tiro badan.




Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof. Saleebaan Axmed Guulleed oo xafladaasi ka hadlay ayaa ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee jaamacadda Camuud soo martay tan iyo sanadkii 1998-kii markii la aasaasay Jaamacadaasi oo ahayd tii u horeysay ee Somaliland laga furay markii dalku madax-banaanidiisii kala soo noqday Soomaaliya.




 




Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud waxa uu Madaxweynaha Somaliland uga mahad celiyay sida uu mar walba uga soo qeyb galo xafladaha qalin-jabinta ah, waxaanu tilmaamay inay ka qeyb galkiisu niyad dhis u tahay ardayda qalin jabinaysa.




Prof. Saleebaan Axmed Guuleed waxa uu tilmaamay in 415-ka arday ee maanta qalin jabiyay ay ka kala aflaxeen toban kuliyadood oo kala duwan oo jaamacadaasi lagu dhigto,kuwaasi oo ay ka mid yihiin maamulka iyo maareynta, ganacsiga, sharciga, beeraha iyo kuwo kaleba.




Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo khudbad ka jeediyay xafladaasi ayaa dhambaal hambalyo ah u diray ardayda qalin-jabisay iyo maamulka jaamacadda Camuud oo uu ku majeertay inay horumarinta waxbarashadda sare ee dalka kaga jiraan kaalin wax ku ool ah.
Madaxweynuhu waxa uu ardaydii ugu saraysay kuliyaddaha kala duwan uu gudoon siiyay Abaalmarintii loogu tallo galay, ayaa isna wax la gudoonsiiyey shahaado sharaf aad u qaali ah oo uu u soo diyaariyey Sheekhal beledka Gobolka Awdal Sheekh Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar oo madaxweynaha ugu tallo galay shahaadadaasi qiimaha badan oo muuqaalkeedu yahay Xaramka.








 




 




 




 




 




 




 




 












 




 




 




Waxa kale oo iyaguna halkaasi ka hadlay Wasiirka waxbarashadda Sam-sam Cabdi Aadan iyo Wasiirka Arrimaha dibadda Md. Maxamed Biixi Yoonis, waxaanay ka hadleen qiimaha waxbarashadu u leedahay bulshadda. Waxa kale oo ay bogaadiyeeen ardayda qalin-jabisay, maamulka iyo macalimiinta Jaamacadda Camuud
Waxa kale oo madaxweynuhu uu xadhiga ka jaray xafladaasi ka dib Guriga martida ee Magaaladda Boorame oo la dhamaystiray qeybihiisa kala duwan isla markaana la qalabeeyay.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com