Labo gool oo ay dhaliyeen qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa Bayern Munich ku hogaamisay guul ay ka gaareen Bavarian derbu, iyadoo Bundesliga ay u dabaaldageyso sannadguuradii 50aad ee markii la aasaasay.
Goolal ay kala dhaliyeen Franck Ribery iyo Arjen Robben 20kii daqiiqo ee ciyaarta u danbeysay ayaa ka saaciday inay Bayern 2-0 kaga talaabsato kooxda Fc Nurnberg.
Seddexda dhibcood ee ay heelen ayaa ka dhigeysa in rikoorka Bayern ee xilli ciyaareedkaan inuu yahay boqolkiiba boqol, waxaana guushaan ay ka dhigan tahay markii labaad oo ay shabaqa ilaashadeen.
Bayern ayaa ciyaarta inteeda badan iska koontarooleysay, iyagoo kubada heystay boqolkiiba 81, halka 90 boqolkiiba ay baasaskooda ahaayeen kuwa dhameystiran, waxaana ay goolka Nurnberg la beegteen 20 darbo.
Pep Guardiola ayaa kulankiisii ugu horeysay ee Bundesliga ee Bayern Munich ciyaarsiiyay Mario Gotze.
Waxaana qeybtii hore ee ciyaarta rigoore ka qasaariyay David Alaba oo goolhayaha Nurnberg uu ka duubay gool ku laad markii horeba uu ahaa mid si qaldan loo dhigay.
Bayer Leverkusen ayaa iyadana gaartay guusheedii 3aad ee isku xigta Bundesliga ka dib markii ay 4-2 kaga talaabsadeen kooxda Borussia Monchengladbach.
Hannover ayaa gaartay guusheedii labaad ee seddex kulan ay ciyaartay Bundesliga xilli ciyaareedkan markii ciyaar adag ay 2-1 kaga badiyeen Schalke oo uu xaalka ku xun yahay kuwaasoo weli aan wax guul ah gaarin.
Seddex kaar casaan ah ayaa la bixiyay intii ay ciyaartaan socotay, iyadoo Schalke ay labo ka mid ah qaadatay.
Hoffenheim iyo Freibug ayaa iyagana ciyaar waali ah ka dib ku kala baxay barbaro 3-3 ah, iyadoo garsooraha ciyaartaas isna uu bixiyay seddex kaas casaan ah, oo labo ka mid ah ay qaadatay kooxda Freiburg.
Mainz 05 ayaa guul 2-0 ka gaartay kooxda Wolfsburg, oo ciyaaryahankeeda cusub Luiz Gustavo uu casaan ka qaatay.
Waxaana maanta kaliya kulamadii dhacay Bundesliga la bixiyay 7 casaan iyadoo horyaalka uu u dabaaldegayo sannadguuradiisii 50aad.