Sunday, August 25, 2013

SLN:Shir lagu Gorfeynayo Horumarnta Wershadaha iyo Caqabadaha ku Xeeran oo Hargeysa uga Furmay, Xukuumadda, Ganacsato iyo Wakiilo Caalamiya


Hargeysa(GNA)-Shir lagaga hadlayo Kobcinta wax soosaarka iyo Maal-gashiga wershadaha Somaliland ayaa ka furmay Maanta Magaalada Hargeysa, kaasoo ay ka soo qayb-galeen wakiillo ka kala socda Wasaaraddaha dawlada, Ururka Wershadlayda, Mulkileyaasha Wershadaha yar-yar ee waddanka ku yaala, wakiilo ka socda Shirkaddo ajaanib ah, hay’ado Caalamiya iyo Barmaamujka horumarinta ee Baanka aduunka.




Shirkan oo socod doona mudo laba maalmood, ayaa diiradda lagu saarayaa dhawr qodob oo ay ka mid yihiin Horumarinta Wershadaha, Maal-gashigooda iyo sidii xal looga gaadhi lahaa cabaqadaha ka horyimaada Wershadaha, sida uu Gobanimonews u sheegay Agaasimaha Waaxda Badbaadinta iyo fayo-dhawrka Warshadaha ee wasaaradda Warshadaha Somaliland Dhuux oo ka mid ah saraakiisha ka qayb-galay shirkaasi.




Wasiirka Wershadaha xukuumadda Somaliland Abiib Nuur Diiriye, ayaa shirkaasi furay, waxaanu sheegay isagoo ka waramay ujeedada looga gol-leeyahay in lagu gorfeeyo sidii Maal-gashi iyo horumarin loogu samayn lahaa Wershadaha, isla markaana loo dhegeysan cabashada wershedleyda Maxaliga ah ee Somaliland.




Mulkileyaasha Wershadaha iyo dadka ku foogan horumarintooda , ayaa ku dooday inay jiraan duruufo badan oo  caqabad ku ah wax soo saarkooda, kuwaasoo ay ku tilmaameen Suuq la’aan ka haysta dhoofinta waxay soo saaraan, iyo Taageero la’aan, taasoo ay u dheeryihiin bulshada oo ay kala kulmaan handidaad iyo inaanay qiimeyn  waxa waddankooda lagu warshadeeyo.




Dhanka kale, Hay’ada Dawlada ee ka shaqeeya Ilaalinta Deegaanka, Xoolaha, Caafimaadka Bulshada, amaanka iyo adeegyada kale ee daruuriga ah, ayaa shirkaasi ku soo bandhigay doorka kaga aadan horumarinta wax soo saarka waddanka, waxaanay dhamaantood isku waafaqeen in kor u qaadista tayadda iyo tamarta warshadaha ay wax badan ka tarayso Dhaqaalaha waddanka iyo shaqo la’aanta.




Dadka Martida ku ah shirkan ee ajaanibka ah iyo kuwa ka socda Hay’adaha Caalamiga ah ee ka shaqeeya horumarinta wershadaha iyo dhaqaalaha, ayaa soo dhaweeyay kulankan, waxaanay ka soo qayb-gelayaasha ku booriyeen dhamaadkiisa laga soo saaro qorshe iyo qaab lagu kabayo siyaasadda horumarinta Mashaariicda ku taxaluqa Wershadaha.




Shirkan ayaa ah kii ugu horeeyay ee noociisa ah ee loo qabto dhinacyada wershadleyda, dawlada iyo Hay’adaha Taageerada dhaqaale siiya Somaliland, waxaana ka soo qayb-galay wakiilo ka socda tobanaan wershadood oo ku yaala Somaliland, kuwaasoo wax soo saarkoodu u badan yahay dhanka Biyaha Sifeysan, Sharaabka Soodhaha leh iyo ka qalalan ee dalka lagu sameeyo, waxaanu soo gabagaboobayaa Maalinta Berri ah oo la filayo in natiijooyinka ka soo baxay lagu dhawaaqo.




Tirada Wershadaha yar yar ee wax soo saarkoodu koobanyahay iyo kuwo Caalamiga ah ee Somaliland ka jira ayaa soo kordhayay shan iyo tobankii sanadood ee ugu dambeeyay, waxaase cad inay warshadahaasi yihiin kuwo la daalaa dhacaya duruufo kala duwan, haba ugu darnaato arinta suuq la’aanta oo ah ta saamayn ugu balaadhan ku haysa koboca dhaqaalahooda  iyo wax-soosaarkooda.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com