Tuesday, August 27, 2013

Muraayada casri ah oo kuu sheegaysa dharka Aad ku qurux badantahay,


(GNA) Haweenka iyo ragga badana khaatiyaanka ka taagnaa doorashada dharka, ayaa loo soo saaray muraayad marka uu isku eego u sheegaysa dharka uu ku soo baxaayo iyo noocay u eeg yihiin, taas oo ku shaqaynaysa qalabka dabka (Electronic).




Muraayadan marka aad isku eegto waxay ku tusaysaa dhar tusaale ah, taas oo aad ka dhex arkayso muuqaalkaaga amma humaagaaga oo xidhan dhar aad kugu soo baxaya.




Muuraayad oo ku shaqaynaysa qalab tiknoolajiya oo la yidhaa 3D, waxaanay muraayad qofka tusaysaa dharka u jecel yahay, iyada oo la shaqaynaysa dareemadiisa.




Muuraayadan oo lagu soo bandhigaayo xarunta Trafford ee magaalada Manchester, taas oo ay maanta isugu iman doonaa kumanaan qof oo ka mid ah dadweynaha labisaada jecel si ay uga iibsadaan halkaas.




Mr. Kelly Da Silva Fernandes oo 26 jir ah, ahna maareeyaha suuqa Manchester, , ayaa xusay in muraayadan dadka u fududayn doonto inay helaan dharkay ku soo baxayaan.




“Waa dariiq heer sare ah oo waqtiga badbaadinaya, waxaanay ku saamaxaysa inaad hesho dhar si fiican kuu leeg, waxaanay aad ugu sii wanaagsan tahay hablaha dhallinyarada ah.”




Muraayadan mala-awaalka ah, waxa soo saaray Adam Vahed oo ah maareeyaha hawlgalinta suuqa Apache, waxaannu sharraxaad ka bixiyey tiknoolajiyadan cusub, isaga oo yidhi; “Dherarkeedu waa 58 indh oo u eeg shaashada TV-ga, waxaana ku xidhan kamarado la shaqaynaaya dareemada qofka, si fiican bay run ahaantii u shaqaynaysaa, waxaana ku labisan doona haweenka, waxaanannu u diyaarinay sidoo kale qalabkan carruurta iyo dadka kaleba.




Mr. Carlonine Aikman oo ah maareeyaha suuqa Trafford Centre, ayaa sheegay; “Tani waa hubkayaga sirta ah ee aannu ku wajihi doono xarumaha sii badanaya ee dukaamaysiga internet-ka, kamana heli kartid noocan dukaamada internetka.”




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com