About us

Hordhac
Wakaalada Wararka ee Gobanimo waa Hay’ad Warbaahineed madaxbanaan oo idiin soo gudbin doonta Wararka iyo dhacdooyinka Caalamka guudkiisa ka dhaca iyo Mucluumaad kale oo muhiim ah oo Qoraal, Maqal iyo Muuqaal isugu jira.
Gobanimonews, waxa la aasaasay bishii February  sanadkii 2013-kii, waxaana aasaasay Xirfadleyaal aqoon iyo waayo-aragnimo dheerna u leh mihnada Saxaafadda.
Ujeedada GNA
Ujeedada ugu weyn ee Gobanimonews loo abuuray, waa inay Bulshada Somalida iyo kuwa kale ee dunida ku kala nool u soo gudbiso dhacdooyinka gudaha iyo kuwa caalamiga ah ee taabanaya qof kasta oo ka mida Akhristayaashayada.
Maaha oo kaliya hadafkayagu inaanu warar amase dhacdooyin maalinle ah idiin soo gudbino, balse waxa naga go’an inaanu idiin soo gudbino Macluumaad kala duwan oo ku saabsan arrimaha Diinta, dhaqanka, Cilmiga Maadiga ah, Taariikhda Dunida, Suugaan, Arrimaha Bulshada, sida Waxbarashada, Caafimaadka, Ganacsiga, shuruucda Caalamiga ah iyo kuwa Maxaliga ah, iyo wax kasta oo aanu u aragno inay kobcinayaan Bulshada nagu xidhan.
Xarunta guud ee Gobanimo News Agency waxay ku taala Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland , waxaanay wakiilo ku leedahay, wadamo badan oo kamid ah shanta qaaradood ee aduunka.
Higsi
Warbaahinta Gobanimonews waxay higsanaysaa inay Mustaqbalka noqoto Il-wareed kulmisa Mujtamaca Soomaaliyeed iyo dadyowga kale, taasoo lagu majeerto dhexdhexaadnimo, dhigaal wanaag, dhiiri-gelin, dhowrsanaan iyo dhacdooyin tafaftiran oo joogto ah, kuwaasoo ku soo bixi doona Luuqado kala jaad-jaad ah, sida Somali, Ingiriisi, Carabi iyo Sawaxili.
Hiraal
Si loo gaadho higsiga horumarinta Saxaafad dhamaystiran oo Bulshada wada gaadha, Aragtida fog ee Warbaahinta Gobanimo waxa kamid ah inaanu soo kordhino noocyo kale oo warbaahin ah, sida  Telefishan, Wargeys, Mejeladdo iyo dariiqyo kale oo aanu Bulshada u marin doono xogta iyo xiisaha dhacdooyinka.
 
Gobanimo News Agency
Saleban Cabdi Cali, Editor in Chief
editor@gobanimonews.com
+252 63 4229772