Friday, August 30, 2013

Burco: Ubad Dhegoolayaal ah oo Mucaawimo ka helay Qurbo Jooga Reer Uk


Burco(GNA)-Qaar ka mid ah Qurba jooga Somaliland ee Dalka ingiirka degan ayaa deeq lacageed  soo gaadhsiiyay Shan caruur ah oo dhegoolayaal ah, isla markaana aan Aabo iyo Hooyo toona lahayn.




deeqdan lacagta ah oo dhamayd 1184$ (kun iyo iyo boqol iyo sedeetan iyo afar doolar), ayaa qayb ka ah mucaawimooyin Berayahan ugu danbeeyay  caruurtaas  ay dadka soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida u soo dirayeen.




 waxaana loo dhisay Guri Nus baloodh ah oo ay u hoydaan, waxaana lacagtan shalay gudoonsiiyay ehelka Caruurtan Sheekh Yuusuf Cabdi Cawed oo ka mid ah Culimada Waawayn ee Gobolka,waxaanu sheekhu Bulshada islaamka ugu baaqay inay Caruurtan yihiin kuwa ugu haboon in la caawiyo maadama ay yihiin kuwo aan lahayn wax waalid ah isla markaana ay u simanyihiin Bulshada islaamka ah




waxaanu sheekh Yuusuf yidhi “waxaan maanta halkan ku wareejinayaa lacag dhan 1184 caruurtan Agoonta iyo rajada ah lacagtaasi oo ay soo direen Hablo reer Togdheer ah oo degan dalka ingiriiska,lacagtaas waxa lagu soo qoray oo dumarkaas ka wakiil ahayd Sahra Baqarde,Caruurtan hada waxaa loodhisay  gurigan Nus baloodhka ah waxana looga soo dhisay lacagtii loo soo dirayay,hada iskuulna waa lagu daray oo way dhigtaan,waxaan leeyahay hala soo caawiyo oo yaan laga daalin,waa caruur laxaadkoodii la,inagana laxaadkeenii inoo dhamaystiray,illaahayna waa awoodaa  in ciduu doono wuxuu doono ayuu siiyaa cidii uu doonana waa ka qaadaa”.





Yaasiin Xasan oo  lacagtan lagu wareejiyay ayaa isna dhiniica u mahadnaqay  qurba jooga lacagtan soo diray,isla markaana aad ugu duceeyay ilaahayna ug baryay,in wax ka khayr badan illaahay ugu bedelo.waxaanu ka codsayday dadwayanaha kale inay soo caawiyaan.




Axmed Muuse




Gobanimonews




Burco Office