Thursday, August 29, 2013

Mataanno Wadaaga Jidh Kali Ah Oo Doontay Leesankii Wadida Gaadiidka iyo Doodii Kadhalatay


  (GNA) Mataanahan waxa ay dhasheen 1990 . patty Hensal waa hooyada dhashay hablahaa mataana ah ayaa tidhi markii aan dhalayay  waxaan u haystay in aan dhalayo ilmo qudha lkn markii aan ummulay ayay shook igu noqotay taa oo aan lahaa ma badbaadayaan imika da,doodu waa 23-jir caafimaad qaba.




Abby iyo Brittany Hensel waa laba hablood oo ah mataanihii isku yaallay ee inta la og yahay dunida ka badbaaday in ay saqiiraan ama geeriyoodaan xilli yar uun dhalashada kadib, waxay dhasheen iyaga oo leh jidh isku yaal, balse leh laba madax, laba wadne, laba lugood iyo laba gacmood. Waxaana ay hawl-wadeenada caafimaadku sheegeen in 30 kii milyan ee ah mataanaha noocan oo kale ah, uu mid uun ka badbaado dhimasho ku timaada wakhti kooban oo ah dhalashada dabadeed.




Waa arin cibro qaadasho ugu filan bani aadamka, qof walba oo la kulmana maskaxdiisa ku reebaysa su’aalo ku arooraya sida ilaahay u abuuray hablahaas. Waxay ku nool yihiin dalka Mareykanka, iyada oo ay xilligan da’doodu kor u dhaaftay da’dii qaangaadhka.




 




Arimihii ugu xiisaha badnaa ee su’aashu ka timi waxay ahayd markii hablahaa mataanaha ahi ay damceen in ay qaataan liisanka wadida gaadiidka, isla markaana laga dooday in laga qaado laba imtixaan maadaama ay leeyiihiin laba madax oo mid waliba garashadiisa iyo fikradiisa gaarka ah leeyahay. Mar ay mataanahaaasi ka waramayeen dhibaatada ka haysata isla qaadashada ficilka ama hawsha ay qabanayaan, waxay mid waliba tidhi waxa aan jecellahay in waxa maankayga ku jira uu ku dhaqaaqo jidhkayagu.




Mataanahan waxa ay dhasheen 1990 . patty Hensal waa hooyada dhashay hablahaa mataana ah ayaa tidhi markii aan dhalayay  waxaan u haystay in aan dhalayo ilmo qudha lkn markii aan ummulay ayay shook igu noqotay taa oo aan lahaa ma badbaadayaan imika da,doodu waa 23-jir caafimaad qaba.




Abby iyo Brittany Hensel waa laba hablood oo ah mataanihii isku yaallay ee inta la og yahay dunida ka badbaaday in ay saqiiraan ama geeriyoodaan xilli yar uun dhalashada kadib, waxay dhasheen iyaga oo leh jidh isku yaal, balse leh laba madax, laba wadne, laba lugood iyo laba gacmood. Waxaana ay hawl-wadeenada caafimaadku sheegeen in 30 kii milyan ee ah mataanaha noocan oo kale ah, uu mid uun ka badbaado dhimasho ku timaada wakhti kooban oo ah dhalashada dabadeed.




Waa arin cibro qaadasho ugu filan bani aadamka, qof walba oo la kulmana maskaxdiisa ku reebaysa su’aalo ku arooraya sida ilaahay u abuuray hablahaas. Waxay ku nool yihiin dalka Mareykanka, iyada oo ay xilligan da’doodu kor u dhaaftay da’dii qaangaadhka.




 




Arimihii ugu xiisaha badnaa ee su’aashu ka timi waxay ahayd markii hablahaa mataanaha ahi ay damceen in ay qaataan liisanka wadida gaadiidka, isla markaana laga dooday in laga qaado laba imtixaan maadaama ay leeyiihiin laba madax oo mid waliba garashadiisa iyo fikradiisa gaarka ah leeyahay. Mar ay mataanahaaasi ka waramayeen dhibaatada ka haysata isla qaadashada ficilka ama hawsha ay qabanayaan, waxay mid waliba tidhi waxa aan jecellahay in waxa maankayga ku jira uu ku dhaqaaqo jidhkayagu.




 




 




 




 




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com