Friday, August 30, 2013

Baarlamanka Britain oo ka horyimid qorshaha Milateri ee ka dhanka ah Suuriya.


Baarlamaanka Britain ayaa cod qayaxan ku diiday in dowladda Britain ka qeyb qaadato fara gelinta milateri ee la doonayo in lagu sameeyo Suuriya, kadib markii lagu eedeeyay inay adeegsatay Hubka Kiimikada.

Hindise uu Ra'iisul Wasaaraha Britain David Cameron hordhigay Baarlamaanka oo ah in tallaabooyinka ku haboon laga qaato Suuriya in weeraro milateri lagu qaado, taasoo uu fashil kala kulmay.

Fadhiga Baarlamaanka Britain oo shalay galab oo Khamiis aheyd dhacay ayaa waxaa uu ka hor yimid fara gelinta milateri, iyadoo mudanayaasha ay aragti ka bixiyeen fara gelintii lagu sameeyay Ciraaq iyo waxyaabihii ka dhashay.

Dowladaha reer Galbeedka ayaa u bir tumanaya Suuriya inay weerar duqeyn ah ku qaadaan, iyadoo Mareykanka uu sheegay in hadii xataa Britain kala qeyb qaadan weydo uu iskiis go'aanka u qadanayo.

Faransiiska ayaa loo maleeyaa inuu Mareykanka kala qeyb qaato howl galka milateri ee Suuriya la doonayo in lagu qaado, waxaana soo baxaya digniino dowladaha saaxibada la ah Suuriya ka bixinayaan.

Ruushka ayaa ka soo horjeestay qaraar qabyo ahaa oo la horgeeyay Golaha ammaanka, kaasoo ka dhan ahaa Suuriya, iyadoo afhayeen u hadlay Mareykanka uu cambaareeyay tallaabada Ruushka uu isku hor taagay.

Dowladda Suuriya ayaa dhowr jeer beenisay inay adeegsatay hubka kiimikada 21-kii bishan, iyadoo khubaro ka socota Qaramada Midoobey ay baadhayaan, kuwaasoo la filayo in dhowaan war ka soo baxo.