Wednesday, August 28, 2013

Madaxweyne Siilaanyo oo Berri tegaya Boorama iyo Odayaal u xidhan Dilalkii Xariirad oo in la sii daayo Shuruud lagaga dhigay Waan-waan Guurtidu wado


Boorama(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa Maalinta Berri ah ku safraya Magaalada Boorama ee Xarunta Gobolka Awdal, halkaasoo uu u tegayo Ujeedooyin ka duwan, balse ay ugu muhiimsantahay ka qayb-galka Munaasibad qalin jabin ah oo ka dhacaysa xarunta Jaamacadda Camuud ee Magaaladaasi.




Ma jiro war ka soo baxay Madaxtooyada oo lagu shaacinayo booqashada Madaxweynaha ee Boorama, hase ahaatee sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Ilo-wareedyo u dhuun daloola aqalka Madaxtooyada ayaa sheegay in madaxweynuhu ka qayb-gelayo xaflada qalin jabin ah oo loo samaynayo Arday waxbarasho Jaamacadeed ka dhamaystay Jaamacadda Camuud.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Madaxweynuhu inta uu ku suganyahay Boorama uu kulamo kala duwan la yeelan doono madaxdhaqameedka Gobolka Awdal oo ay ka wada hadli doonaan arimo ku saabsan nabadeynta shaqaaqada ka taagan degmada xariirad iyo arimo kale oo aan wali si rasmiya dibada ugu soo bixin.




Madaxweynaha oo ay weftigiisa ku wehelin doonaan masuuliyiin sar sare oo xukuumadda iyo golayaasha kale ka tirsan, ayaa booqashadiisa Boorama ku soo beegmaysaa maalin ka dib markii lagu heshiiyay in xabsiga magaaladaasi laga sii daayo  sagaal xubnood oo ka mid ah waxgaradka degmada Xariirad ee Gobolka Awdal, kuwaasoo u xidhnaa dil dhawaan ka dhacay Magaalada Xariirad oo sida la aaminsanyahay dibada socday Aano ka dhalatay dil doorashadii Golaayasha deegaamada ka dhacday Xariirad.




Sagaalkan Oday ayaa lagu sii daynayaa  dhexdhexaadin qorshe nabadeed ah oo ay maalmahanba ku hawlanaayeen Xubno ka mid ah golaha Guurtida, kuwaasoo kulamo ay la yeesheen labada Beelood ee xariitad wada degan ka dib dhinaca Beesha Odayaashu ka xidhanyihiin ee dilka loo haysto shuruud kaga dhigeen ka wada hadalka arinta dilka in Odayaasha ka xidhan loo soo daayo.




Sida ay sheegayaan Wararka  soo gaadhaya Xafiiska wararka ee gobanimonews ee magaalada Boorama, odayaashan ayaa la filayaa in maalmaha soo socda xoriyadooda loo soo celiyo mudo bil ka badan oo ay xidhnaayeen ka dib.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in sii deynta Odayaashan ay dalbadeen beeshoodu, shuruudna kaga dhigeen in labada beelood la wada hadashiiyo, xiisadda ka aloosan si loo damiyo.




Inkasta oo ay xubnaha Guurtida ah ee hawshan wadaa rejo wanaagsan ka muujinayaan halka ay wax u marayaan iyo sida ay hawshu ugu socoto, hadana arinta ayaa dadka u dhuunta daloola sheegayaan inay ku socoto dariiq la mid ah kii lagu sii daayay Odayaashii beesha Ciise laga xidhay markii dilkii hore ee Doorashada dabadeed xariirad ka dhacay, kaasoo xalintii xukuumaddu doonaysay inay ku dhamayso shuruud looga dhigay sii deynta odayaal xiligaa laga soo xidhay dhanka Beesha Saylac.




Si kastaba ha ahaatee Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa safarkiisan boorama aanay ka madhnayn inuu faro-gelin ku sameeyo colaada xariirad taala oo daba dheeraatay, inkasta oo ay hada jiraan khilaafyo kale oo ka culays badan oo dalka ka taagan,sida shaqaaqada kale Gowso-weyne loo fadhiyo iyo muranka sahaminta Shidaalka ee Togdheer iyo kuwo kale oo wali huursan.




Gobanimonews




Boorama Office




Email: editor@gobanimonews.com