Saturday, August 31, 2013

SLN: Garsoorayaasha Maxkamadduhu Khatarbay kala kulmaan Kiisaska Argagixisadda iyo Budhcad-badeeda, waxaanay u Baahanyihiin Askar Ilaalisa"


Hargeysa(GNA)-Kaaliyaha sare ee Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Gobolka Marood-jeex Xasan Aadan ayaa sheegay in dadka ka shaqeeya arimaha Garsoorka, gaar ahaan dacwad oogayaasha Xeer-ilaalintu khatar amni kala kulmaan hawshooda, taasoo kaga timaada Kiisaska Xaasaasiga ah ee ay gacanta ku hayaan.




Xasan Aadan, ayaa intaasi ku daray in baylahda amni ee haysata ka sekow, aanay haysan waxyaabo badan oo daruuri u ah fulinta shaqada Garsoorka iyo adeegyada Cadaaladda.




“Xafiiska xeer ilaaliyaha gobolku shaqada uu ummada u qabtaa waa mid ballaadhan. Runtii waxaan odhan karaa waa shaqada ugu xasaasisan ee qof bani-aadam ahi ka shaqayn karo. Mararka qaarkood xeer ilaaliyaha kiiska aanu u dhiibnay isaga dhibaato ayaa ka hortimaada, isaga laftigiisa ayay dhibaato ku tahay. Xeer ilaaliyihii kiiska loo igmaday ciidan ilaaliya ma laha, argagixiso ayaa loo keenayaa, halis ayuu ku gelayaa. Argagixisadii uu galay hadhow sida uu kaga lug baxayaa? isagu waa kaligii, cid ilaalinaysa iyo cid ay dawladdu ugu talo gashay ma jirto. Ma jirto gaadiid ay dawladdu ugu talo gashay oo ay ku rawaxaan shaqaaluhu. Dhibaatooyin badan oo aan la soo koobi Karin weeye dhibaatooyinka uu xafiiskani ku qabo shaqada uu hayo.”




Kaaliye Sare Xasan Aadan waxa kale oo uu intaa ku daray “kiisaska ugu badan ee wakhtiyadan danbe dalka ka dhacaa waa kufsiga, waxa aynu ka tagnay caqiidadii,Diinteenii, dhaqankeenii iyo hidihii wanaagsanaa ee ay soo mareen awoowayaasheen.”




Xasan Aadan waxa kale oo uu yidhi “Xeer illaaliyaha iyo garsooruhu  iyagaa ka musuul ah kiiska ama dacwadaha ay qaadayaan waa shaqadoodii oo iyagaa laga rabaa markaa hadii uu kiiskaa wax madmadow ahi ka soo baxo waa uu  joojinayaa  garsoorahu oo waxa uu uu odhanayaa xeer ilaalintay waad ku fashilantay dacwadaa, kiiskaasi hadii uu sax noqdana sidaas ayaa lagu qaadayaa”. “Sideedaba bahada cadaaladdu iyagay dawladu u dhiibatay oo ay wakiil ugu dhigatay fulinta waxa alaale iyo wixii kiis iyo dacwadba ka dhaca dalka inay qaadaan Garsoorahuna  ma baqi karo Xeer Illaalintuna ma baqi karto shaqadooda.”ayuu yidhi.




Waxaanu sheegay isagoo Kiisaska ka waramaya “Runtii sidaad la socotaan waxa jira kiisas badan oo  xaas xaasi ah kuwaas oo  khatar ku ah nolosha garsoorka ama Xeer ilaaliyaha qaadaya dacwadahaasi isla-markaasina u baahan in si gaar ah looga warhayo ammaankooda iyo nabad galyadooda marka ay qaadayaan noocyada kiisaska kala ah sida, Al Shabaabka, Alqaacidada,Argagixisada iyo Budhcad badeeda  kuwaas oo runtii ah kiisaska ugu badan ee ay qaadaan ama ay fuliyaan Maxkamadaha wadankeenu.” Ayuu yidhi Kaaliyaha sare ee xeer ilaaliyaha Gobolka Maroodi-jeex.




 waxaanu intaa ku daray “markaa waxa loo baahanyahay  garsoorka ama Xeer ilaaliyaha dacwadaasi qaadaya inay ciidamadda amaanka ka helaan ilaalin dheeraad ah si loo sugo amnigooda,maxaa yeelay?, marka ay xukumaan qaar ka mid ah xubnahaasi aynu soo sheegnay waxa dhacda in saaxiibadii kale ee qoladii la xumumay marka ay maqlaan in la xidhay ay hanjabaad iyo hadidaad kala duwan ay la kulmaan  garsoorihii ama xeer ilaaliyihii,fuliyey xukunka kuwaas oo loo soo mariyo fariimo kale duwan,sida,Messages,Email.ka,Fax ka Mobileka ama mid si dhaba loo soo abaaraba.




 “Waxaas oo dhibaato ah ee haysta hadana bahada cadaaladu maaha kuwo u habranaya hanjabaadaha iyo caga juglaynta lagu hayo oo waxa ka wayn danta uu ummadda iyo cadaaladooda u hayo oo ku kalifay inuu wax kasta u adkaysto”.




Xeer Ilaaliyahan oo u Waramay Wargeyska Dawlada Todobaadkii tegay, waxa uu soo jeediyay in laga saacido ilaalinta amaankooda dadka ku foogan hawlaha Garsoorka “ hadaba inta wasiirrada iyo Agaasimayaal aan gar qaadin loo dirayo Ciidanka, waxaan qabaa in Garsoorku yahay cida kaliya ee mudan ama xaq u leh in loo sameeyo askar illaalo ah, halka aad arkayso agaasime iyo wasiir intaas oo askari ay ilaalinayaan, markaa maxaa u diiday dawladdu in ay kuwan u samayso askar ilaalisa?”.




Axmed Macalin




Wargeyska Dawan.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com