Thursday, August 29, 2013

Dharaaro xusuustood:Qormadii 6aad,Maxamed sacid Gees


Richard Burton, dalmare Ingiriis ah oo Qarnigii 19aad booqasho ku yimid Soomaaliland oo socdaal ku maray Saylac ilaa Harar ilaa Berbera,isaga oo sheeganaya Sheekh Cabdulla ayaa  Berbera lagu dhaawacay markii la ogaaday inuu gaal yahay ee aanu muslin ahayn. Af Carabiga ayuu aad u yiqiin oo waxa uu Afka Ingiriiska u tarjumay sheekooyinka Carabiga ahaa ee Kun Habeen Iyo Habeen,taas ayaa u suurtagelisay inuu Sheekh Cabdalla sheegto. Waxay sheeko aan la hubinin tiraahdaa , nin sheekh ah oo indhoole ah ayuu Berbera ku gacan qaaday ,Sheekhii ayaa yidhi waar gacantani mid Muslim ma aha ee ha la baadho . Sidaas ayaa lagu ogaaday oo deeto la doonay in la dilo ,waase ka badbaaday isaga oo dhaawac ah.




Waxa uu qoray Buugga uu u bixiyey ” First Footsteps in East Africa”, kaas oo uu kaga sheekaynayo wixii uu socdaalkiisa Carriga Soomaalida kala kulmay. Waxa aan ka soo qaadanayaa laba arrimood oo ku sheegay Soomaalida kuwaas oo kala ah: In Soomaalidu tahay dad isqabad iyo muran badan , oo weliba  baryo badan oo Carabtu dalkood u bixisay Bilaad Wax-isii.Labadii arrimoodba weli waa wadanaa.




Hadda beryahan waxa lagu muransan yahay wadahadlkii Soomaaliland iyo Soomaalia ee dhawrka jeer lagu kulmay marar kala duwan wadamada Boqortooyada Midawday , Turkiga , Iyo Isutagga Imaaraadka Carabta.Muruq laba suule ,ninba si ku ah ayey Soomaalidu tidhaahdaa.Labada dhinc (waa Soomaaliland iyo Soomaaliya )midba si ayey ugu fasirtaa dadweynaheeda inkasta heshiisyada la soo wada saaray uu yahay mid qudha . Qolada Soomaliya waxay tidhaahdaa waa soo wadnaa Soomaaliland inay ku soo noqoto midawgii. Qolada Soomaalilandna waxay tidhaahdaa waan soo dhicinaynaa aqoonsigii gooni-isu-taagga Soomaaliland.Cajab ninbaa yidhi  ma aniga ayaa waalan mise cadan ayaa laga heesayaa , markuu maqlay Soomaali Cadan-weyn ka botarinaysa.Arrintaas oo uu liqi kariwaayey .




Bishii Abriil 24keedii ,Sanadkii 2002 ,markii Marxuun Cigaal loo qaaday Wadanka Koonfur Afrika ayaa diyaaradii nala sii fadhiisatay magaalada Daarasalaam ee caasimada dalka Tansaaniya,si ay shidaal uga qaadato . Haddaba intii diyaaradda shidaalka lagu shubayey ayaanu  yara fadhiisanay Qolkii VIPdii oo qaboojiye ku jiray ,maagaalada oo xeeb ahayd  oo kululayd awgeed. Waxa gidaarka sudhnaa sawirkii Neereeri kas oo ahaa Madaxweynihii ugu horeeyey ee  dalkaasi markuu  gobanimada qaatay .Marxuun Cigaal oo ay is yiqiineen ayaa qoslay oo farta ku fiiqay oo yidhi habaarqabe. Waxa uu markaas ka sheekeeyey arrin soo kala dhexmartay. Waxa uu yidhi waxa uu noo qaqbtay shir wadahadal aniga oo markaas ahaa Raiisalwasaaraha  Jamhuuriyadii Soomaaliyeed iyo Madaxweynihii Keeniya ee markaasi  Joomo Keeniyaata (waa madaxweynaha Keeniya ee hadda Uhuru Keeniyaata aabihii, inagu  Cigaal inankiisa maynaan dooran!!) ,deeto intuu iskaaya horfadhiisiyey ayuu yidhi waakaase wada hadal  . Waa isku qaadqaadnay ,cid na kala qabtaana ma jirin oo Neereeri waa noo aamusay. Waxba islama aan gaadhin ilaayn  cidi nama dhexdhexaadinayn eh.




Sida aan dad ka maqlay labda wefdi ee Soomaliland iyo Soomaaliya marka ay kulmaan waa la isaga tagaa deeto waa isku qaadqaadaan oo cidina ma dhexdhexaadiso. Sidaas ayey arrintu ku dhamaataa. Arrinta wadahadalka labada dhinac waxay ka soo yeedhay shirkii Landhan ,warqad murtiyeedii ka soo baxday ,hase yeeshee mar qudha ayey Dawladda Baqortooyadav Midawday martigelisay wada hadalka ,ka dibna faryaro bidix ayey ka baxday . Faryaro bidix waxa laga soo qaatay marka Jiniga qofka laga furdaaminayo ee qiiqa  lagu shido ee neeftu qabato ayuu jinigu yiraahdaa waa ka baxayaa , xagee ayaa la dhehaa? , waxa uu yiraahdaa faryaro bidix. Tolow maxa ay u doorteen faryarada bidix? Waxba ma qabto ayaan u maleeyey.




Waxa la wareegay sheekadii Dawladda Turkiga , waxa soo dhexgashay haddana  dawladda Imaraadka carabta hal mar keliya .Haddana Turkiga ayaa dib ugu soo laabtay .Saddexdaa Dawladood yaa ka codsaday in la wada hadalsiiyo labada dhinac, oo codsigu ka yimid . Ma Soomaaliland mise Soomaaliya? Qolna inooma sheegin . Hase yeeshee haddii aan soo dheegto xog ogaalnimo hore  mar aan ahaa Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliland sanaddadii (2002-2003).Ayaa martiqaad waxa noo fidisay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Koonfur Afrika( Mrs Zuma oo hadda ah ,Xoghayaha Midawga Afrika, oo  marna ahayd Marwadii Madaxweynaha Konfur Afrika ee hadda Mr Zuma.) . Waqtigaas  xidhiidh xoogan ayaa   Soomaaliland la waday Konfurta Afrika . Waxay marwo Zuma noo sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya oo waqtigaas ahaa Yuusf Dheeg uu ka codsaday in Dawladda Konfur Afrika wada hadalsiiso Soomaaliland. Dawladaha , Boqortooyada Midawday , Turkiga , Imaaraadka Carabtab intaba waxa la xiriiratay Dawladii Shariif Axmed ee Soomaaliya oo ku beerlaxawsatay inay Soomaalilaand u soo xerageliyaan .Dawladdan  cusubina   halkii ayey ka sii waday.Haddii ay sidaasi tahay oo codsigu ka yimid dhinacaas ,marka dawladahaasi oo dhami waxay ku taageerayaan( maadaam ay ictiraafsan yihiin Dawladda Soomaaliya) Soomaaliya sidii Soomaaliland loogu qanci lahaa ku soo noqoshada midawgii Soomaaliya.Marka ujeeddada qabashada wadahadalka sida dawladda Soomaaliya sheegaynayso ayaa u eg mid u dhaw oo ay ka warhayaan dawladaha martigeliyaa. Garoonka kubadda lagu ciyaaro qoloba garoonkooga ayaa mar lagu ciyaaraa,ee ma haysanaa garoon aynu leenahay oo dheesha aan mar keeno.?




Wadahadalku ma xuma oo dadku hadalka ayey xayawaanka dheer yihiin. Waxa la sheegay in laba dadyaw waqti hore ay ku kulmeen Dhulwaynaha Yurub. Kuwa Afrika ka tegay iyo kuwa Yurub joogay . Waxa la ogaaday in kuwii Yurub loogu tegay ay dabar go’een. Kuwii Afrika ka tegay ayaa adkaaday oo dadka yurub hadda ku nooli ka soo  tafiirmeen. Waxa sababta loo aaneeyey ,in kuwa Afrika ka tegay ay wada hadli jireen ,kuwa Yurub loogu tegay aanay hadalka ama af la isku afgarto aanay lahayn oo sidaas darted lagaga adkaaday noloshii oo ay galbadeen.




Yuhuudii iyo Falasdiiniyiintii ayaa wada hadlaya , labadii Kuuriya ayaa wada hadlayaa , sidaa darted Soomaaliya iyo Soomaalilandna waa wada hadli karaan.Waxa uun ka maqan cid itaal leh oo hogaaminaysa wadahadalka oo dan ka leh Mandaqadan. Konfurta Soodaan waxay ku timid wadahadal ay dabdda ka riixayeen Dawladaha reer Galbeedka ee Kiristaanka ah kuwaas oo ka hiiliyey Soodaanta Muslinka ah. Inagu wada Muslin ayaan nahay. Dawladaha Muslinka ihi laguma yaqaan u kalmaynta xuquuqaha aadamiga ah ,. Waxay hadal kuugu soo horaysiinayaan wada jooga muslinka quwadiisa ha qaybinina waa hadda meel lagu hoobtay oo mar hore goraygii ka hadaafay lagu kala tegay .Marka horena waxba kama qabtaan dhibaatada. Haddaba Tuki oo dadka Kurdiyiinta ah xuquudooda u diiday  una hanjabay haddii Kudiga Ciraaq Dawalad madaxbanaan ku dhawaaqaan inuu qabsanayo oo aanu oglayn ;maxay soo waddaa oo wadahadalka ku kordinaysaa. ? Dee waxba..Eriteriya iyo Itoobiya waa isfahmay labadii Jabhadood ee Dawladdii Mengisto ka adkaaday ,deeto  waxay isla ogolaaday inay iska kala faataxaystaan oo iska kala tagaan,. Ma dhici kartaa labadii jabhadood  SNM IYO USC ee Dawladii  Siyaad Bare ka adkaaday inay sidaas oo kale isu afgartaan iyada oo waddan saddexaad loo baahan ? Ma suurtageli kartaa in qolada Ayuha Naastu inay u yara faqdayso,layn ood jiidis iyo qaadis waa isla gurigeyn eh? Waa su’aalo furan. Waxa loo baahan yahay in la raadiyo dal Ayaa-Ka tashiga , iyo xuquuqda adaamiga rumaysan oo dano siyaasadeed ka lahayn Soomalida, inay ina dhexdhexaadiyaan . Waxa laga heli karaa dalalka Waqooyiga Yurub ee lagu magcaabo Dalalka Iskandaniifiya ( Sweden, Norway,Denmark,Finland).




 




Maxamed Saciid Gees




Hargeysa-Somaliland