Monday, August 26, 2013

Muqdisho: 20 Curyaan Dahab-shiil ku Wareejisay Mootooyin Dheereeya iyo Orodka ay kaga soo Xanfaray Xafladii ay Gur-guurasho ku yimaadeen






 



Muqdisho(GNA)-Shirkadda xawaalada iyo Bangiga Dahabshiil ayaa maanta koox curyaamiin Soomaaliyeed ah ugu qeybisay magaalada Muqdisho mootooyin casri ah oo loogu talo galo galay dadka lixaadkoodu dhiman yahay ee aan ku socon Karin bacaadka iyo dhiiqada xiliga Qoyaanku jiro.




Curyaamiinta ka faa’iideystay deeqdan oo gaaraya illaa 20 qofood oo rag iyo dumar isugu jiray ayaa ka koobnaa macalimiinta dugsiyada Quraanka iyo kuwa jaamacadaha qaarkood iyo horjoogayaasha xeryaha barakacayaasha waxaana maanta munaasabad ka dhacday magaalada Muqdisho lagu gudoonsiiyey illaa 20 mooto oo shirkadda Dahabshiil ay ugu deeqday.




 Munaasibadda lagu guddoonsiiyay Gaadiidkan Waxa ku sugnaa Khabiir ku taqaqusay mootooyinkan oo curyaamiinta si fudud u fahamsiiyey qaabka loo kaxeeyo, iyadoo la arkayey gebagebadii munaasabadaas curyaamintii goobta yimid iyagoo garguuranaya oo ku yaacay magaalada iyagoo mootooyinkooda ku socda.




Madaxa Shirkadda ee koonfurta iyo bartamaha Somaliya C/raxmaan Cali Xaaji Xasan oo wareejinta deeqdaas ka hadlay ayaa sheegay in mootooyinkan ay yihiin kuwo casri ah oo shirkadu ay ka soo iibisay dalka dibediisa ayna ugu talo galeen iney ku socdaan curyaamiin Soomaaliyed oo gaaraya illaa 20 xubnood si ay ugu adeegsadaan howl maalmeedkooda caadiga ah.




“Waxaan kula dardaarmayaa curyaamiinta nasiibka u helay in la siiyo mootooyinkan iney xanaaneystaan, aysana iska iibinin si markaas ay bulshada wax ula qeybsadaan” ayuu intaa ku daray C/raxmaan Cali Xaaji Xasan oo xusay in shirkadu ay sii wadi doonto kaalmooyinka ay ku taageereyso bulshada qeybaheeda taagta daran, isagoo ugu baaqay ganacsatada iyo hantiilayaasha iney walaalahood danyarta ah kaalmeeyaan.




Curyaamintii nasiibka u helay iney helaan deeqdaasi mootooyinka ah oo wejiyadooda ay ka muuqatay farxad ayaa u mahadceliyey shirkada Dahabshiil, iyagoo sheegay iney si aad ah ugu baahnaayeen mootooyinkan ayna ka nasanayaan dhibaato badan oo ay ku qabeen socodka jidadka iyo raacida gaadiidka dadweynaha.




“Waxaan arki jirnay curyaamiin nala mid ah oo mootooyin magaalada ku maraya, nasiib wanaag anagana maanta ayaan la mid noqonay, mootooyina helnay, waxaana ILAAHAY ka sokow mahadaas iska leh shirkadda Dahabshiil oo noogu deeqday” sidaas waxaa yidhi Macalin C/llaahi Ibraahim Isaaq oo Macalin ka ah dugsi Quraan ay ka bartaan 250 arday kana mid ahaa curyaamintii ka faaiideysatay deeqdaasi.




Dhowaan ayey aheyd markii shirkadda Dahabshiil ay dib howlgelisay 22 sano ka dib qeybta dhimirka ee Isbitaalka Laasareeti oo ku yaala degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho kaasoo ay ku wareejisay dowlada Somalia, iyadoo ay jireen mashaariic ka horeysay oo shirkaddu ay sanadihii u dambeeyey ka fulisay Muqdisho iyo gobolada dalka ee Somaliya.




Dadka ku xadfan Gar-gaarka dadka Tabaaleysan, ayaa talaabooyinka shirkaddu taageeradda ugu fidinayso dadka jilicsan ku tilmaamay arin ku dayasho mudan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com