Thursday, August 29, 2013

Wakiilka Qaramada Midoobay oo soo dhoweysay heshiiskii dowlada Federalka iyo maamulka Jubba.


Danjiraha Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya Nicklos Key ayaa si weyn u soo dhaweeyay heshiiskii Dowlada Soomaaliya iyo Maamulka KMG ah ee Jubba ay ku kala saxiixdeen Magaalada Adis-ababa ee dalka Ethiopia.

“Tani waa talaabo muhiim ah oo loo waado dhankaa iyo dib u soo celinta nabada Soomaaliya,dhisida dowlada Federaal ah iyo baahinta maamul Goboleedyada iyo amaanka caalamiga ah,”ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan.

Danjire Key ayaa ku tilmaamay heshiiskaan mid u ah furitaan wanaagsan mustaqbalka Soomaaliya.

Nicklos Key ayaa ugu baaqay dhinacyada heshiiska gaaray inay u dhaqangeliyaan sida ugu wanaagsan oo daacadnimo ay ku dheehan tahay,wuxuuna beesha caalamka ugu baaqay inay ka qeyb qaataan dib u dhiska Soomaaliya iyo nabad ku soo celinta.

Sidoo kale Arintaan Heshiiska ah waxaa soo dhaweeyay Dowlada Ethiopia,wasiirka arimaha dibada Ethiopia Tedros Adhoman,oo ka hadlay goobta ay ka dhaceysay xaflada heshiis saxiixa ahayd,ayaa shaaca ka qaaday in arintaan dhabaha ay u xaareyso in si fudud dowlada Soomaaliya u hirgiliso Maamul goboleedyada si federal ah.

Shalay ayaa Magaalada Adis-ababa waxaa lagu soo gabagabeeyay wada hadalkii halkaasi mudada uga soconayay dowlada Soomaaliya iyo Axmed Madoobe iyadoona arimaha looga hadlayay ay ahaayeen aayaha Jubbooyinka.

Gobanimo News Agency




muqdisho office