Friday, August 30, 2013

Obama: Waa in Fariin Adag Loo Diro Bashaar Al Assad


(GNA)Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama ayaa markii ugu horeysay si toos ah uga hadlay qorshaha duulaanka Siiriya, xili uu wareysi uu bixiyey telefishinka laga siidaayey.




Obama ayaa sheegay in Maraykanka uusan dooneyn inuu dagaal wakhti dheer socda uu la galo dowlada Siiriya ama uu faraha la galo dagaalka ka socda Siiriya, balse xukuumadiisa dooneyso inay weeraro xadidan la beegsato xukuumada Bashaar Al Assad, si buu yiri aan mar danbe loo adeegsan hubka Kiimikalka, isla markaana fariin adag loogu diro xukuumada Siirriya.




Hadalada Barack Obama ayaa ah mid ku socda shacabka Maraykanka oo intooda badan diidan in Maraykanka markale faraha la galo dagaalo lamid ah kuwii Afghanistaan iyo Ciraaq.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com