Thursday, August 29, 2013

Tokiyo:Nooca Cusub Oo Waxlagu Xayeysiinayo Jidhka Bini Aadmiga


(GNA) Qaar ka mid ah hablaha ku dhaqan Magaalada Tokiyo ee wadanka jaban ayaa bilaabay hindise cusub. Waxay u oggolaadeen shirkadaha in Bawdaddoodu ay xayeysiin ku daabacaan tatoo ahaan taatoogu waa jirka oolagu tumo khad aan go,aan  ama midab la iska masixikaro marka loobaahdo .




hadaba magaalada Tokiyo ee caasimada japaan ayaa shariikaduhu waxa ay kireysanayaan jidhka hablaha qeyb ka mida oo ah bawdada ama inta jilibka kasareysa mushtamacan dhagaxa caabuda ama kirstanka ah ayaa waxa ay ogaadeen halka raga aan muslimka aheyni in ay indhaha la raacayaan bawdada gabadhaa qaawan sidaa calaa, ajligeed ayeey ugu soo xardheen qalabka ay shariikadu soo saareen.




Tokiyo waxay caan ku tahay xayeysinta meel kasta kaaga soo hor imanayaan  oo noocyo walba leh, boodhadha tira badan oo ay qaar ku shaqeynayaan Leedhka  arintan layaabka lehna waxay ka dhigeysaa in dumarka jidhkooda loo soo jeesto ka dib markii la waayey meelo kale oo indhaha soo jiidan kara.




mid uhadlay shariikadaha bilaabay in ay kireystaan jidhka hablaha ayaa waxa uu yidhi




"Waa meesha ugu haboon ee aan xayeysiin ku sameyn karno" Hidenori Atsumi, oo ah nin ka socda shirkad xayeysiineed oo WIT lagu magacaabo ayaa warbaahinta hadlakaa u soo ban dhigay. "Waa raga meesha ay indhaooda badanaa qabtaa, dumarkana wa u diyaar in ay arintaa nagu saacidaan" ayuu hadalkiisii ku daray.




 




Dumarka da,da yar ee wadanka Jaban waxa ay jecel yihiin in ay had iyo jeer ku lebistaan dharka gaagaaban ama haafaf gaagaaban ee bawdadeeda la arkaayo, waana taas sababta kaliftey in shirkadaha xayeysiinta damac ka galo in ay fursadaa bawdada banaanka yaal xayeysiin ahaan uga faaideystaan.








Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com