Tuesday, August 27, 2013

Laascaanood: Madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo Socdaal Nolosha iyo Isdhex-galka Bulshada loogu magacdaray ku maraya Sool+ soo dhaweyntii Taleex






 



Taleex(GNA)-Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa Socdaal ku maraya Deegaamo ka tirsan Gobolka Sool, waxaaanu maanta soo gaadhay Magaalada Taleex ee xarunta Degmada taleex oo bilihii ugu dambeeyay xarun u ahayd Maamulka Khaatumo oo ka soo horjeeda Siyaasadda Puntland.




Weftiga madaxweyne ku-xigeenka Puntland oo ay ku weheliyaan Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Maamulka Puntland, ayaa si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka taleex,iyadoo  Dadweyne aad u fara badan ay kaga hortageen meel magaalada ka baxsan iyagoo ruxaya Caleemo qoyan iyo Sawirrada Madxweynaha iyo Madaxweyne kuxigeenka Puntland.




Markii weftigu soo gaadhay Magaalada, Gen, Cabdsamad Cali Shire iyo madaxda ku wehelinaysa safarkiisu waxay dadka kala hadleen goob fagaare ah, iyagoo ka dhegestay baahiyahooda, ugana waramay ujeedka socdaalkooda.




Guddoomiyaha Degmada Taleex Maxamuud Cali Warsame (Waraabe) ayaa weftiga uga waramay Baahiyaha ka jiraa degmada, waxaanu sheegay inay u baahanyihiin in wax lagala qabto adeegyada Bulshada, sida Caafimaadka, Biyaha iyo Waxbarashada.




Madaxweyne ku-xigeenka Puntland Gen. Cali Shire oo isaguna fagarahaasi ka hadlay ayaa  uga mahadceliyey dadweynaha reer Taleex soo dhoweyntii diirran ee ay u sameeyeen, waxaanu tilmaamay in Maamulkiisu wax ka qaban doono dhamaan Baahiyaha ay sheegteen Bulshada deegaanku .




“waxaanu joognaa Degmada Taleex, waxaanan u nimi dadkayagii iyo dalkayagii, waxaanu socdaalkayagu qayb ka yahay mid aanu ku mari doono dhamaan deegaamada Gobolka Sool, waxaanan doonaynaa inaanu ku qiimeyno baahiyaha aad qabtaan iyo wixii aad waxtar bulshadu u baahantahay”ayuu yidhi Cabdi Cali shire.




Waxaanu intaasi ku daray “Socdaalkan waxaa kale aanu uga danleenahay isu soo dhaweynta Dawlada iyo shacbiga, waxaanan ugu magac daray “Socdaalka isdhexgalka iyo Nabadaynta”.ayuu hadalkiisa raaciyay.




Degmada Taleex ayaa ka mid ah Degmooyinka Somaliland siyaasad ahaan sheegato ee Gobolka Sool, waxaanay labadii sanadood ee ugu dambeeyay saldhig u ahayd Maamulka la baxay Khaatumo State oo halkaasi lagu aasaasay, waana deegaan Taariikh dheer ku leh Gobolka, isla markaana deegaan ahaan uu ka soo jeedo Madaxweyne ku-xigeenka Puntland.




Ma jiro Wax war ah oo ka soo baxay Khaatumo State oo aan siyaasad ahaan taageersanayn Puntland, isla markaana horseed ka ahaa dadkii ka soo horjeestay Doorashadii Deegaanada ee Puntland.




Dhanka kale ma jirto wax talaabo ah oo ay qaaday Somaliland oo dhinaca Laascaanood ka kulaalaysa Degmada, hase ahaatee maalmaha soo socda ayaa la eegi doonaa jawaabta ay dhinacyadani ka bixiyaan Joogitaanka Shire ee Taleex.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com