Thursday, August 29, 2013

Shirkadda Kalluunka Ee Pontus Marine LTD Oo Mar Kale Xafiis Ka Furatay Berbera, Una Soo Bandhigay Dadweynaha Fursadaha Saamiga Shirkadaasi Inay Ka Faa’iidaystaan


Berbera (GNA)-Shirkamadda Casriga ah ee kalluunka Pontus Marine LTD, ayaa maanta xarun ka furatay magaalo xeebeeda Berbera ee xarunta Gobolka Saaxil, munaasibadii furitaanka oo ahayd mid si qurux badan loo soodiyaariyay o oo ay manta ku qabteen horel Barqaaqo mgaalada Berbera, waxa ka soo qay galay.





 Maareeyaha Shirkaddan, Afhayeenka Madasha Wada tashiga Ibraahin dhega wayne, Salaadiiniyo iyo xubno kamida ganacsatada Berbera, ayaa waxa ay kagag hadleen qaabka ay shirkadda Pontus Marine doonayso inay uga hawl gasho Somaliland iyo qaabka looga gelikaro sheerarka oo ay tilmaameen inay Umadda reer Somaliland u furan tahay.




Agaasimaha shirkadda Pontus Marine LTD Axmed Abokor oo ugu horrayn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay shirkaddani noqon doonto mid ka hawl geli doonta Somaliland oo ay xarumeheedu noqon doonaan magaalooyinka Maydh iyo Berebra, isla markaana ay sheerer ku yeelan karaan dadweynaha reer Somaliland, iyada oo sheerka ugu yare e laga geli karaa uu yahay $500 Dollar oo dalka dadka jooga ah halka ay dadka dibedda joogaan ku geli karaan sheerka lacagta ugu yar $1000 Dollar.




Agaasimaha shirkaddan, ayaa waxa kale oo uu sheegay inay hadda hayaan intii badnayd lacagtaasi oo laga doonayo in la helo lacag ka badan 5milan oo Dolar, waxaanuu xusay inay dhowaan si weyn u daah furi doonaan dhamaan dalka oo dhan shirkaddan oo dalka debaddiisa u iib geyn doonta Kalluunka Somaliland oo ay  la tartansiin doonaan kalluunka dinuda, isla markaana ay sayladaha caalamka u iib gayn doonaan, waxaana shirkadda hogaaminaya sida uu sheegay Axmed Abokor Khabiirro reer Yurub ah.




Suldaan Maxamuud Axmed Sheekh, oo isaguna ka hadlay munaasibadaasi xafiiska kaga furanaysay  shirkamadda Pontus Marine LTD, ayaa waxa uu ku bogaadiyey muwaadiniin hindisay qorshahan ee umaddooda u soo bandhigay, waxaanu ugu baaqay dadweynaha reer Somaliland inay jaaniskaas ka faa’iidaystaan.




 




Dhinaca kale dadweynaha reer Somaliland ayaa ka faa’iidaysanaya jaaniska saamiga ay ku yeeshaan shirkadda Pontus Marine, iyadoo oo ilaa hadda is diiwaan geliyey dad ka badan boqol qof oo dalka gudihiisa ku sugan.