Thursday, August 29, 2013

Kenya oo Adkaysay Amniga Magaalo Xeebeedka Mombasa


(GNA) Saraaakiisha ciidamada amniga Kenya ayaa sheegay in la xoojiyay ammniga magaalada Mombasa, kadib markii sida ay sheegeen ka warheleen qaraxyo weeraro la damacsan yahay in halkaa laga fuliyo.




Waxaa ay saraakiisha nabad-galyada dalka Kenya sheegeen in ay heleen warar sheegaya in ay socdaan abaabul ay wadaan kooxo uu ku tilmaamay in ay argagixiso yihiin kuwaas oo sida uu sheegay qorsheynaya weeraro ay ka geystaan magaalo xeebeedka Mombasa.




Waxaa ay ugu baaqeen bulshada ku dhaqan dalka Kenya Mombasa in ay ka feejignaadaan weerarada ay maleegayaan kooxaha argagixisada ah ee sida uu sheegay doonaya in ay dhibaato ka geystaan gudaha  dalkaas.




“Waxaan heynaa warar sheegaya  in rag xidhiidh la leh Al-shabaab ay ku jiraan gudaha magaalada Mombasa, kuwaa oo loo soo dirray in ay weeraro ka geystaan magaalada,” ayeey sheegeen saraakiisha ammniga.




Maanta ayeey  ku astaysan tahay  markii sanad ka hor  bartamaha magaalada Mombasa lagu toogtay Wadaadkii  caanka  ahaa ee Axmed Aboud Roggo Maxamed  oo taageersanaa fikirka Al-shabaab, dilka wadaadkaas ayaa waxaa ka dhashay rabshado hadheeyey magaalada Mombasa kuwaas oo dad badan ay naftooda ku waayeen.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com