Sunday, August 25, 2013

Oog:Iska hor-imaad Dhex maray 2 Maleeshiyo ka tirsan Beelihii Dagaaalamay,Ciidanka Amniga oo kala Eryay, badhna xidh-xidhay iyo Xabad-joojin lagu Heshiinayo


Oog(GNA)-Wararka naga soo gaadhaya Magaalada Oog ee fadhiga u ah Dedaalo nabadeed oo lagu daminyo iska hor-imaad laba beelood dhex maray oo Khasaate dhimasho iyo dhaawac isugu jira sababay laba maalmood ka hor, ayaa sheegaya in galabta mar kale israsaaseyn koobani ku dhex martay meel wax yar u jirta degmada Oog laba Maleeshiyo oo ka soo kala jeeda labada dhinac ee halkaasi ku dagaalamay Arbacadii la soo dhaafay.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Goob-joogeyaal ku sugnaa meesha iska hor-imaadku ka dhacay, israsaaseyntan oo aan wax khasaare ahi ka soo gaadhin labada dhinac, si dhakhso ahna ciidamada amaanka ee deegaamadaasi la geeyay iyo kuwa milaterigu ugu dhex dhaceen, ayaa dambeysay, ka dib markii Koox Hubaysan oo ka soo jeeda mid ka mid ah labada beelood oo ka caraabay Magaalada Oog, ay ka daba tageen Maleeshiyo kale oo beesha kale ah, kuwaasoo ku gaadhay deegaan lagu magacaabo fadhiy-yar oo Oog u dhaw, ka dibna rasaas ku bilaabeen Nimankii Caraabada ahaa oo tiradooda lagu sheegay ilaa 8 Nin.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in wakhti yar ka dib markii Rasaastu socotay ay soo gaadheen halkaasi Ciidamo ka tirsan Bilayska gaarka u tababaran iyo Kolanyo Milateri ah, kuwaasoo kala Eryay labada dhinac, iyadoo aan la xaqiijin oo aanu helnayna ay tibaaxayaan in Ciidamadu  soo qab-qabteen tiro ka mid ah Maleeshiyadii Weerarka lahayd iyo laba gaadhi oo ay wateen.




Dhacdadan galabta ayaa  timi, saacado kooban ka dib markii mid ka mid ah labada Beelood (H.J Biciido) oo shalay ku gacansaydhay inay Xabad joojin qaataan, ku dhawaaqday inay qaadanayaan Xabad-joojinta, halka beesha kalena shalay ka aqbashay Ergooyinka in xabad-joojin la sameeyo.




Wariyaha Gobolka Saraar ee Gobanimonews, ayaa sheegay in Beesha Biciido ayiday Ergo ay maanta ugu tageen Madaxdhaqameedyo iyo Nabaddoono kale oo ka soo jeeda Ardaaya Gobolku, kuwaasoo  ka dalbaday inay xabad-joojinta aqbalaan, si wixii kale ee dhacay wax ka qabashadooda loo waajaho, taasoo ay si buuxda u aqbaleen Wax-garadka iyo Madaxdhaqameedka Beeshu.




Wararka laga helayo Dedaalada socda iyo Ergooyinka u kala dab-qaadaya labada dhan, ayaa sheegaya in maalinta Beri ah loo balansanaa in labada beelood  min konton Oday laga dhaariyo inay xabada joojiyaan, ka dib halkaasi looga sii ambo-qaado Geedi socodka xalinta Mushkiladaasi oo  Khasaare badan keentay, gurmad badanina ku baxay, wallow laga cabsi qabo in dhacdadan galabtu saameyn ku yeelato wixii hore loo qabtay, balanqaadkii labada beelood sameeyeen.




Wararka Caawa naga soo gaadhaya Magaalada Oog, ayaa iyaguna seheegaya inay halkaasi ku soo xeroodeen dhamaan Weftigii dawlada ka socday ee hawsha nabadeynta halkaasi u joogay, kuwaasoo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde, xubnona ay ka yihiin Wasiirka Duulista Hawada oo deegaamada gobolka Saraar ka soo jeeda, Wasiir u dawlaha Maaliyada oo Gobolka Sanaag ah iyo xubno kale oo Wasiiro iyo saraakiil dawlada u shaqeeya kala ah.




Amaanka Deegaamada Xidhiidhiya ilaa meesha shaqaaqadu ka dhacday ee God-hareerin (Gowso-weyne), ayaa warku intaasi ku darayaa in caawa si aad ah loo adkeeyay, ciidamo Bilays ah iyo kuwo milateriya oo badana la geeyay gelinkii dambe ee Maanta.




Si kastaba ha ahaatee shaqaaqadan labada beelood dhex martay oo bulshada Reer Somaliland si weyn uga xumaatay, ayaa qorshaha dadka nabadda ka shaqeeya ee u gurmaday yahay inay sida ugu dhakhsaha badan u so oaf-jaraan, waxaanay taasi meesha ka saaraysaa saamayn dhinaca Ganacsiga iyo isu fur-furnaanta Bulshada ah oo tan iyo markii dhibtu dhacday Gobolka Saraar ka taagnayd iyo in dhiig dambe Daato.




Gobanimonews




Burco Office




Email: editor@gobanimonews.com