Friday, August 30, 2013

Faransiiska oo heegan geliyey ciidamada ka jooga Jabuuti & Imaaraadka


(GNA) Madaxweynaha dalka Faransiiska François Hollande ayaa shaaca ka qaaday in dowladiisa ay ka qeyb qaadan doonto ciqaabida cidii ka danbeysay adeegsiga hubka Kimikalka iyo xasuuqii ka dhacay magaalada Dimishiq.




 




François Hollande ayaa sheegay in dowlada Siiriya ay u badan tahay in falkaasi ka danbeysay, wuxuuna sheegay inuu heegan geliyey ciidamada dalka Faransiiska ee ku sugan nawaaxiga Bariga Dhexe. Madaxweynaha Faransiiska ayaa shalay isugu yeeray Safiirada wadankaasi caalamka u kala jooga.




 




Maanta oo Arbaca ah ayaa lagu wadaa in dowlada Faransiiska guddigeeda amniga ay ka wada xaajoodaan sida ay uga qeyb qaadan karaan tilaabo militari oo laga qaado xukuumada Bashaar Al Assad ee dalkaasi Siiriya. Madaxweynaha Faransiiska ayaa sidoo kale sheegay in uu sare u qaaday taageerada militari uu siin doono mucaaridka hubeysan ee dalkaasi Siiriya.




 




Dowlada Faransiiska ayaa heegan gelisay Ciidamadeeda Cirka ee ku sugan dalka Jabuuti iyo magaalada Abu Dhabi ee dalka Imaaraadka Carabta kuwaasi oo si fudud duqeymo uga geysan kara dalka Siiriya hadii Faransiiska go’aan ku gaaro inuu ka qeyb qaato la dagaalanka xukuumada Bashaar Al assad.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com