Wednesday, August 28, 2013

Faysal c. Waraabe: Dawlada kuma jiro Nin Xil-sare haya oo u Jawaaabi kara M/weyne ku-xigeenka Puntland”.


Hargeysa(GNA)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo Meesha ka saartay hanaankii saami-qaybsiga Kuraasta waddanka ugu saraysay ee Beelaha ku dhisnaa, taasina ay shiiqisay taageerada Bulshooyinka goboladda bari u hayaan Somaliland.




Faysal Cali Waraabe oo Maanta warbaahinta la hadlay, ayaa sheegay in tabashada Beelaha Sool, Sanaag iyo Buuhoodle salka ku hayso ka maqnaanshiyaha Kuraasta sare ee siyaasadda, ilaa taa wax laga bedelana ay adagtahay sida ay ugu qancaan gooni-isutaaga Somaliland.




“Dawladu waxaan qabaa inay Dayacday inay dalka midayso oo Beelaha Darafyada Kuraasta sar-sare ee waddanka wax ka siiso, markaa waxaan soo jeedinaaya waar hadaynaan inaagu gudaheena hagaajin oo aan kuraasta sare sare si fiican loo qaybsan waxba inoo hagaagi maayaan, waana sababta aanu shirka wada tashiga qaran u samaynayno ee aanu u leenahay waar saamigii beelaha sidoodii halagu soo celiyo”ayuu yidhi.




Isagoo Hadalkiisa sii wata guddoomiyaha xisbiga UCID waxa uu sheegay “ sidaa waxaan u leeyahay maxaa loo waayay nin qudha oo Maanta u jawaaba Ninka madaxweyne ku-xigeenka ka ah Puntland oo deegaamadaa ka soo jeeda oo xil sare haya, dee ma jiro, markaa waxaan u aragnaa in Beelaha Barigu ka maqanyihiin Kuraasta sar-sare ee dalka oo ay wax badan tabanayaan”.




Guddoomiyaha Xisbiga Ucid, waxa kale oo Weftiga Reer Puntland ee Degmada Taleex ku eedeeyay inay qas iyo xiisad ka abuurayaan Gobolka, waxaanu ugu baaqay inay joojiyaan faro-gelinta colaada iyo dhibta abuuraya.




Hadalka ka soo yeedhay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, ayaa ka mid ah dhaliilo xad dhaaf ah oo uu maalmahan Xukuumadda u soo jeedinayay, kuwaasoo aqalka madaxtooyaduna maanta jawaab ka bixiyeen.




Hase ahaatee doodad Faysal ee ku salaysan dhinaca Saami qaybsiga ayaa ah mid dadka arimaha siyaasadda ku foogani soo dhaweynayaan, maadaama sida la wada ogyahay tabashooyinka Beelaha Bariga ee Sanaag, Sool iyo Buuhoodle inta badan ka maqanyihiin Saddex Kursi ee dalka ugu sareeya, sida Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, labada Guddoomiye Baarlaman iyo Madaxweynaha.




Saddexdaa kursi oo xiligii Beelaha wax lagu qaybsan jiray mid ka mid ah ay heli jireen Bulshada goboladaasi ka soo jeedaa, hadase laba ka mid ah ay isku hayso Beesha Madaxweynuhu ka soo jeedo.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com