Sunday, August 25, 2013

“Xaasha ee nin libin kaa xistiyay xumihii waayaab!!!” Baaq Dhalinyarada Ururka Xaqsoor


Hargeysa(GNA)-Annagoo ah garabka dhalinyarada ururkii XAQSOOR waxaanu aad uga yaabnahay maqaal aan u ku aragnay saxaafada oo ay qoreen niman dhalinyaro ahi oo ku dhici waayay inay magacyadooda sheegan. Taasoo tilmaamaysa inaanay dhalinyaro ahayn ee ay ahayd niman iska sheegtay dhalinyarta.




Maqaalkaasoo gundhigiisu ahaa waxaan ka digaynaa cid aan ahayn hogaanka xaqsoor ku mahadli karto  magaca XAQSOOR.




Hadaba tuduc gabaya ayaa waxay tiraahda XAASHA’E NIN LIBIN KA XISTIYAY XUMIHII WAA YAAB!!!,Waxaanu leenahay goorma la gasheegtay ururka XAQSOOR aasaasayaashii iyo bud-dhigayaashii ururka;




-MaxamudX.Xassan (Tulux) ,




-Eng: AbdiqadirImanWarsame




-Ahmed-Nour Aw AbdiShacir.




Hadaba isagoo ururka XAQSOOR  ka mid ahaa ururadii u tartamay doorashadii golaha deganka ee sanadkii hore ka qabsoontaydalka , kana mid noqday ururadii ku hadhay doorashadaas, waxa markii hore gudoomiye ka ahaa Ahmed-Nour Aw Abdi, waxaanu Ahmed-Nour iyo xubnahan kor ku xusani ururka keeneen urur u tartami kara doorashada,Markaas hogaankan imika la gudh olol ayaa wuxu joogay oo uu ka tirsanaa ururkii UDHIS dabadeed waxa u yeedhayAbdiqadir Iman iyoTulux oo yidhi kaalay oo ururkan hogaami, tiibaanu ku yimid.




Marka miyaanay xaaraan ahayn in nimankiimaalkooda ,fikirkooda iyo maskaxdooda u huray ururka maanta looga digo inay magaca ururka sheegtaan.




Si kastaba xaalku ha ahaadee waxa cad in nimankani ururka iskalahaayeen, anaguna waanu ka markhaati kacaynaa hadaanu nahay garabkii dhalinyarta eeururka, waxaanan leenahay nimankan maanta hadlay ee sheegtay magaca dhalinyarta  MEE HOGAANKII URURKII XAQSOOR??.




Waa mide hogaanka ururku wuxu ku kala biiray xukuumadda oo ay labadii gudoomiye ku xigeen wasiiro ka noqdeen, gudoomiyihina wuxu ku biiray wax magacooda la yidhaahdo MADASHA AMA GOGOSHA, sidaas darted hadii ay jirto cid soo hadhay waxa soo hadhay aasaasayaashii ururka, oo ah nimankii ku casuumay hogaankaaad sheegaysaan ee imika danaystay.




Hadaba hadaanu nahay garabka dhalinyarta ee ururkii XAQSOOR waxaanu uga digaynaa in aanay cid aan ahayn garabka dhalinyarta eeururkii XAQSOOR ku hadli Karin magaca dhalinyarta, waxaanan ogeysiinaynaa dhamaan taageerayaashii ururkii XAQSOOR inay hoo iyo hiilba islagarab taagaan odayaasha magacyadoodu kor ku xusanyihiin, oo maalkoodii iyo naftoodiiba u huray ururka.




WABILAAHI TAWFIIQ.




MAGACYADA GARABKA DHALINYARTA EE URURKII XAQSOOR EE BAAQAN SOO SAARAY:-




1.     Hassan Kosar Hussein




2.     AbdilahiCumar Hassan




3.     AbdilahiDa’ud Ali




4.     FatxiyaCumarAbdilahi




5.     ShucaybCumar Hassan




6.     Suhuur Hassan Wacays




7.     A/rahman Ali Cumar




8.     Sharmarke Hussein Ali




9.     Filsan Hassan Ali




10.                        AbdiwahabMaxamed Hassan.