Tuesday, August 27, 2013

New York oo loo Coddeeyey inuu Yahay Gobolka Dalka Maraykanka ugu Akhlaaqda Xun, Uguna Cuntada Fiican


(GNA) New York oo loo Coddeeyey inuu Yahay Gobolka Dalka Maraykanka ugu Akhlaaqda Xun, Uguna Cuntada Fiican




Xog-ururintan waxa qof kasta lagu waydiinaayey inuu u coddeeyo gobol kasta waxa uu ku door biday iyo wuxuu ku diiday




Codbixin dhawaan laga qaaday dadka Maraykanka ayaa muujisay in New York tahay Gobolka shacabkiisugu ugu akhlaaqda xun yihiin, uguna kibirka badan yihiin, balse waxa uu noqday goobta ugu cuntada fiican dalkaas.




Cod-bixintan oo ay qaadeen xarun la yidhaa Business Insider/Survey Monkey ayaa waxa ka qaybgalay 1,603 (Kun, lix boqol iyo saddex) qof oo Maraykan ah, kaasoo la waydiiyey dareenkay ka haystaan gobollada dalkooda.




Xog-ururintan waxa qof kasta lagu waydiinaayey inuu u coddeeyo gobol kasta waxa uu ku door biday iyo wuxuu ku diiday, waxaanay cod-bixiyayaashu sheegeen in California tahay meesha ugu quruxda badan, halka Colorado noqotay meesha dhismayaasheedu ugu soo jiidashada badan yihiin, Massachusetts waxay noqotay goobta ugu lah-jadda wanaagsan ee sida fiican dadkeeda loo fahmo, balse Gobolka Texas qof cod siiyey muu jirin, waxaanay sheegeen inay dalkaba ka saari lahaayeen, halka Louisiana noqtay goobta dadkeedu ugu sakhrada badan yihiin.




Xog-ururintu waxa kale oo ay muujisay in magaalada Buffalo iyo New York yihiin goobaha dadkoodu ugu akhlaaqda xun yihiin.




Waxa xogta sidoo kale lagu bixinaayey faalooyin lagu qoraayey mareegta Twitter-ka ee internetka.




Diyaariye:C/qaadir Askar




askars4@hotmail.com




Gobanimonews.com