Thursday, August 29, 2013

Qaramada Midoobay oo ku baaqay in aan lagu deg degin duulaanka Siiriya


(GNA) Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki Moon ayaa sheegay in la wado baadhitaanka hubkii Kimikalka ee loo adeegsaday shacabka Siiriya, isagoo sheegay in guddiga khubarada ah ee ku sugan Siiriya u baahan yihiin 4 maalmood oo ay kusoo dhameystiraan baadhitaanka.




 




Ban Ki Moon ayaa sheegay in wakhti qaadan doonto in lasoo saaro natiijada baadhitaanka, wuxuuna intaasi raaciyey in wakhti lasiiyo in xal nabad ah la gaadho, xili ay wadamada reer Galbeedka isu diyaarinayaa weerar ay ku qaadaan xukuumada Bashaar Al Assad.




 




Dhinaca kale Lakhdra Brahimi oo ah ergayga u qaabilsan UN-ka dalka Siiriya ayaa sheegay in Golaha Amaanka oo kaliya bixin karo sharciyan in weerar lagu qaado dalka Siiriya, wixii arrintaasi ka baxsana aaney sharci ahayn.




 




Hadalada kasoo yeeraya mas’uuliyiinta Qaramada Midoobay ayaa u muuqda kuwo lagu xakameenayo qorshayaasha ay wadaan wadamada Maraykanka, Faransiiska iyo Ingiriiska oo hada ka fiirsanaya duulaan dhanka cirka ah oo ay ku qaadaan dalka Siiriya.