Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiiladda Somaliland, ayaa Maanta soo gabagabeeyay kulamo albaabadu u xidhnaayeen oo u socday labadii Maalmood ee la soo dhaafay, sida laga soo xigtay Mudaneyaal ka tirsan Golaha.
Fadhiyadii shalay iyo Maanta ee Golaha ayaa ahaa kuwo ay saxaafaddu dibada ka joogtay oo gaar u ahaa Mudaneyaasha iyo Shaqaalaha Golaha.
Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay kulamadaasi Golaha, hase yeeshee warar madaxbanaan oo Gobanimonews ka heshay, ayaa sheegaya inay mudaneyaashu kaga wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa hawlaha Golaha, isla markaana meesha looga saari lahaa habacsanaanta shaqo Beryahan dambe lagu dhaliilayo Golayaasha Baarlamanka.
Xubnaha Shir-guddoonka Golaha Wakiiladda ayaa u dhamaa kulamadan, isla markaana waxa shir-guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro.
Sida ay Gobanimonews wararka ku helayso maalinta Berri ayaa la filayaa inuu Goluhu soo bandhigo qodobada ay ku lafo-gureen labadan kulan ee Albaabada laysu xidhay, waxaanay sidoo kale u balansanyihiin Ansixinta Xubno ka mid ah Golaha Wasiiradda ee cusub.
Geesta shirarkan gaarka ah ee Golaha Wakiiladdu wuxuu ku soo aaday iyadoo la hadal hayay maalmahan, inuu socdo qorshe xilka lagaga qaadayo Guddoomiyaha Golahaasi oo ah guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani, kaasoo Warbaahinta qaarkeed sheegtay inay Mudaneyaal Golaha ka tirsani diyaarinayaan Mooshin xilka lagaga qaadayo.
Xubno ka mid ah Golaha oo Gobanimonews wax ka waydiisay arintaasi iyo in lagu soo qaaday labadan kulan ee Albaabada laysu xidhay, ayaa sheegay inaan arintaasi waxba layska waydiin jirina, ilaa hada wax xil ka qaadis ah oo Guddoomiye Cirro loo diyaarinayaa intay ka warqabaan.
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com