Sunday, June 30, 2013

LA-TALIYAHA MADAXWEYNAHA EE DHAQAALAHA AXMED CARWO OO HANBALYO IYO BOGAADIN U DIRAYAA XILDHIBAAN MAXAMUUD JAAMAC WARFAA




 



 



Waxaan aad ugu farxay in kaalintii uu ka baxay Alle ha u naxariistee xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir ( Axmed Weyne), uu buuxiyo saaxiibkay XILDHIBAAN MAXAMUUD JAAMAC WARFAA. Kolka ruux geeriyoodo meesha uu ka baxo waa la buuxiyaa, waxay noqotaa meel qofka yimaada la yidhaahdo walee wuu ku habboon yahay iyo mid laga naxo oo loo arko qof aan u qalmin. Waa marag ma doon in Maxamuud Jaamac, aan ugu daro naaneesta aanan la jecleyn bal se ay in badani ku garan doonto Xildhibaan Wedka, inuu kaalintaas buuxin doono oo uu noqon doono intayadii Axmed Weyne ka dhintay nin ay ku qancan fikir, karti,mabda iyo degaan ahaanba.



 



Waa ruug caddaa muddo dheer siyaasi soo ahaa golaha sharcedejinta, maamulkii SNM, nabadeentii, Golaha Wasiirada, iyo kaalinta kowaad ee uu kaga jiray xisbiga KULMIYE ayaa u marag ah. Waa nin ay u dhantay aqoon siyaasi iyo waayo-aragnimo noloasha Soomaliland dhan walba.







Waxuu ku samray mabda’iisa. Marna, nolol kasta oo adag oo soo martay muu noqon  nin hoos u dhiga fikirkiisa xorta ah. Maanta waxuu helay midhihii samirkiisa. Waana mid daris u ah rag badan oo dabayshu kolba dhan u kaxayso, dhaawac weyna u geesta geedi socodka dimuquraadiyadda. Inaynu helno xukuumad iyo shacbi ku naalooda nidaamka dimuquraadiyadda xisbiyada badani waxay u baahantay rag iyo dumar ku adkeysta xisbinimada oo dhidibka u taaga dimuquraadiyadda.



 



Shacbigu waxay xaq u leeyihiin inay kala doortaan xisbiyada, ooy kolba key kheyr u arkaan doortaan, haddii se ay walaaq noqoto oon cidba loogu imanayn xisbiyada, ma garan karaan cidda ay doortaan.



Hanbalyo ayaan leeyahay saaxiibkey XILDHIBAAN MAXAMUUD JAAMAC WARFAA., halkaas ka wad oo hayso mabd’aad ku caano maashay, golaha kaga shaqee siyaasadii caddayd ee KULMIYE leynagu doortay ilaa haddana aad ahyd inta yare e dabo socoto. Maxamuud Jaamac waa Guddoomiye Xigeenka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye.



 



 



Axamed Xasan Carwo



La-taliyaha Madaxweynaha ee Dhaqaalah



 





 


samotalis@gmail.com




YAAB : Nin si badheedh ah iskaga jaray xubintiisa Taranka ( Maxaa Sababay Akhriso)


Hargeysa (GNA)              Sida ila wareedyo lagu kalsoonyahay ay qorayaan Nin si badheedh ah iskaga jaray xubintiisa taranka waqti aan lagaranayn,ayaa si aad ah uga ya-yixiyey dhamaanba dadka ku nool caalamka.




Ilaa iyo haatan si rasmi ah looma oga sababta ka dambaysay inuu ninkani ku dhiirrado jarida xubintaas muhiimka ah.




  




Warbaahinta Dalkaas ayaa Ilo-wareedyo ku sugan Michigan kaso xigatay in Boolisku ay heleen Digniin la xidhiidha inuu Tuug ku jiro Iskuul ku yaala halkaas dabadeedna ay Goobtii Gurmad ahaan ugu baxeen.




Booliska ayaa Goor ay Habeen badhkii tahay waxay heleen Ninkan oo 41 jir ah kanasoo jeeda 8Gobalka Ohio, kaas oo isagoo Qaawan barooranayay Dhiig badanna uu ka hoorayay qaybta hoose ee Jidhkiisa.




 




 




Jiof Fox oo Booliska ka tirsan ayaa sheegay in Ninku aanu ahayn mid wax badan Hadlaya, balse kaliya uu inta badan Waqtiga baroor iyo Qaylo uun hayay.




“ Warkiisu ma ahayn mid Caqli gal ah” ayuu sii raaciyay Sarkaalkan oo Ninka ay arrintani ku dhacday ka sheekeeynayay. Wuxuuna xaqiijiyay in Boolisku ay u suurtagali wayday inay Ninkan la xidhiidhaan ama ay Wadal Hadal wax tar leh la yeeshaan.




Ninka ayaa jabiyay Daaqadda Iskuulka, halkaas ayuuna gudaha u galay, inkastoo aanu wax Alaab ama waxyaabihii kale ee Iskuulka yiilay ahi qaadan.




Wuxuu Gacanta ku heystay Qayb Xubinitiisa Taranka ka mid ah oo sida muuqatay uu isagu iska gooyay, waxaana lagu guuleystay in Isbitaalka loo kaxeeyo ka dib markuu halis u galay inuu dhinto.




 

Saraakiil ka tirsan Sirdoonka reer galbeedka oo Ku qulqulaya Magaalada Muqdisho si ay su’aalo u waydiiyaan Xasan Daahir Aways


Wararkii u dambeeyey  naga soo gaadhaya xarunta dhexe ee taliska ciidanka nabad sugida Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Xasan Daahir oo ka tirsanaa Al-shabaab, xalayna yimid Muqdisho halkaasi lagu xidhay, iyadoo lagaga baxay ballan hore oo ahayd inaan wax dhibaato ah loo gaysanayn oo uu xorriyadiisa helayo.




Balse markii uu sheekhu ka degey Garoonka Diyaaradaha ee magaalada M       uqdisho, waxa loola dhaqmay waji ka duwan kii uu sugayey, waxana lagula wareegay si xoog ah.




Xubno ka tirsan hyadda nabad sugida dowlada Somalia oo magacooda ka gaabsaday ayaa  qaar ka mid ah warbaahinta u xaqiijiyey in Xasan Daahir lagu hayo xarunta nabad sugida Habar Khadiijo oo ku taalla degmada Shibis ee gobolka Banaadir.




 




Saraakiil caddaan ah oo ka tirsana wadamada reer galbeedka ayey wararku sheegayaan iney xaruntaas ku qulqulayeen xalay illaa saaka iyagoo Sheekh Xasan Daahir la leh kulamo ay su’aalo ku weydiinayaan.




Heyaddaha sirdoonka reer galbeedka ayaa la sheegay iney dusha ka maamulaan heyadda nabad sugida dowlada Somalia iyagoo bixiya mushaharka iyo tas’ hiilaadka kale ee ay ciidankaas ku shaqeeyaan.




Amaanka xarunta nabad sugida ee habar Khadiija ayaa si weyn loo xoojiyey saaka iyadoo dhaxgaan waaweyn oo shub ka sameysan lagu gooyey wadooyinka gala, ciidamo fara badan oo kuwa nabad sugida ka tirsana si ka duwan sidii hore ayaa loogu arkayaa hareeraha xaruntaas kuwaasoo aad u feejigan, dibna u celinaya dadka socotada ah iyo gaadiidka ku soo dhowaada.




Dowlada Somalia ayaan illaa hadda war ka soo saarin xadhiga Sheekh Daahir Aweys oo xalay la keenay Muqdisho ka dib markii isagoo diidan ay sidaas ku qanciyeen odayaal iyo saraakiil ay isku heyb yihiin oo markii ay ka soo dejiyeen garoonka Aadan cadde xoog lagaga kaxaystay Sheekha iyagiina la iskugu daray xadhig iyo jidhdil.

Wasiirka xilka wareejinaya ee Hawlaha Guud oo dhaqangeliyey liisanka cusub ee waddo-marista somaliland


Hargeysa (GNA)Wasiirka  wareejinaya xilkka wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta Axmed Cabdi Xaabsade, ayaa maanta xadhiga ka jaray Liisamada Cusub ee Waddo-marista oo lagaga dhaqmi doono Guud ahaanba carriga Somaliland.




Munaasibad si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay xarunta wasaaradda Hawlaha Guud, Guryeynta iyo Gaadiidka Somaliland, islamarkaana ay ka soo qaybgaleen madaxda wasaaraddaas, hogaanka sare ee shirkadda Masuulka ka ah samaynta liisamada cusub, qurbo-joog, cuqaal, waxgarad, dad diyaar u ahaa inay liisanka cusub qaataan iyo marti  sharaf kale oo aad u tiro badan, ayaa lagu iclaamiyey dhaqangalka liisanka cusub.




Ugu horrayn wasiirkii hore ee wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka Iyo Guryeynta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu liisankani yahay mid dalka qiimo qeyn u leh oo baahi weyn loo qabay in qaadashadiisa la hirgeliyo,  “Maadaama arrinta liisanku ay tahay mid aad xaasaasi u ah waxanu islagaranay inaan hawshan la fududaysan oo xil dheeri ah la  iska saaro, tababar buuxa ayaanu bixinaynaa, kooxdanna waxanu maanta farta ka saaraynaa liisamadoodii , waxana aanu Go’aan ku gaadhnay in wacyigelin badan la siiyo dadka darawaliinta ah ee Gaadiidka wata si  aynu ula jaanqaadno habka ay dunidu maanta ku dhaqanto ee liisamada lgu bixiyo.” Ayuu yidhi wasiirkii hore ee Wasaaaradda Hawlaha Guud Gaadiidka iyo Guryeyntu.




Sidoo kale waxa uu xaabsade  tilmaamay  in liisanka cusubi yahay  mid macluumaad badan xambaarsan oo wax badan ka caawin kara ciidanka nabadgelyada waddooyinka oo haatan dhibaato badan ku qaba liisamada gaboobay ee dalka Somaliland laga isticmaalo, waxana uu yidhi, “Liisankani waa mid casri ah oo la mid ah kuwa adduunka laga isticmaalo, waana  mid koobsaday macluumaad aad u muhiim ah oo dhamaanba ciidanka ilaalada Nabadgelyada waddooyinka ka caawinaya inay shaqadooda si hawl yar u gutaan oo aanay u dhibtoon sidii ay ugu dhibtoon jireen liisamadii qadiimiga ahaa ee dalkeena laga istimaali jirey, waana Electronic macluumaad badan huwan oo aan la foojargarayn Karin, dalkana faa’iido badan ayuu u leh.”




Wasaaradda Hawlaha Guud, Gaadiidka iyo Guryeynta, ayaa in badan ku soo hawllanayd inay dalka ka hirgeliso liisankan cusub ee casriga ah, kaas oo lagu kantarooli doono hab (Database ah), iyadoo Askariga Taraafiga ahi haddii uu u baahdo macluumaad qof leeyahay uu si fudud ula soo hadli doono xafiiska liisamada, waxana si fudud macluumaadka qofkaas  oo (Database ah).




Waxyaabaha kale ee liisankan ka dhex muuqan doona nooca dhiigga qofka oo muhiim u ah in la ogaado marka uu darawalku shil galo, si ay dhakhtarka ugu fududaato inuu u gurmado darawalka dhiigbaxay.




Liisankan cusub  oo ah mid casri ah, islamarkaana la jaanqaadaya kuwa dunida casriga ah laga isticmaalo, ayaa waxa uu wax weyn ka tari doonaa baahidii shacabku u qabeen inay helaan liisan tayo sare leh iyo jaahwareerkii ay ciidamada ilaalada           Nabadeglyada waddooyinku ku  qabeen liisamada Gaboobay oo si fudud loo foojargayn jirey.




Ugu dambayntii qaar ka mid ah Qurbo-joogga reer Somaliland oo madashaasi ka hadlay, ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin liisankan cusub ee Somaliland ka qaateen, waxana ay ka marag kaceen inuu la mid yahay kuwa caalamka laga qaato.

Wasiirkii Arrimaha Gudaha Ee Xukuumadii Daahir Rayale Oo Ka Hadlay Sida Uu Arko Xilka Daakhiliga Ee Uu Madaxweyne Siilaanyo U Magacaabay Warancade


(GNA)-Wasiirkii arrimaha gudaha ee xukuumadii UDUB Md. Cabdillaahi Ismaacil Cali (Cirro), ayaa soo dhaweeyay go’aanka uu Madaxweyne Silaanyo wasiirka arrimaha gudaha ugu magacaabay Cali Maxamed Warancade.




Cabdillaahi-Cirro, oo aan muddooyinkan dambe ka hadal arrimaha siyaasadda, ayuu Geeska Afrika weydiiyay bal sida uu u arko magacaabista wasiirul daakhiliga ee Cali Warancade iyo weliba wasiirka arrimaha dibadda. “Waxaan ku bogaadinayaa madaxweynaha wasiirka daakhiliga ee uu Warancade u magacaabay iyo Maxamed Yoonis Biixi oo uu isna u magacaabay wasiirka arrimaha dibadda iyo weliba Cali Sandule oo isna uu u dhiibay wasiirul dawlaha nabadaynta gobalada bari. Waxaanan u arkaa saddex nin oo hawshaas ka soo bixi kara.”




Isagoo Cabdillaahi-cirro, ka hadlaya Cali Warancade iyo xilka loo magacaabay, wuxuu yidhi  ‘Muddo dheer ayaanu wada shaqaynay oo waa nin aan aqaano aqoontiisa iyo hawlkarnimadiisa. Waxaanan aad ugu kalsoonahay inuu yahay nin ku munaasib ah xilka loo magacaabay, waxaanan isleeyahay maanta Somaliland ma joogo qof kale oo shaqadaas kaga habooni.”




Mar uu ka hadlayay Maxamed Yoonis Biixi, oo isna ah wasiirka arrimaha dibadda, wuxuu yidhi “Maxamed Yoonis waa nin xidhiidho  caalami ah leh oo dunida la jaanqaadi kara, isagana waxaan rajaynayaa inuu Somaliland u horseedi doono jiho cusub iyo aqoonsi.”




Cali Sandule, oo ah wasiirul dawlaha nabadaynta ee gobalada bari, wuxuu isna ka yidhi “Cali Sandule, sidoo kale waa nin aanu wada shaqaynay nin kaga haboon oo gobaladaas bari loo magacaabi lahaa ma arko.”




Mar la weydiiyay bal talooyinka uu u jeedin lahaa Cali Warancade, maadaama oo uu wasiir ka soo noqday wasaaradda wakhtigan loo magacaabay ee arrimaha gudaha, wuxuu Cabdillaahi-Cirro, yidhi “Cali waxaan waxaan u arkaa inuu yahay nin had iyo jeer kalsooni isku qaba oo la tashan doona cid kasta oo nabadgelyada aqoon u leh. Waxaan filayaa inuu yahay nin ku haboon oo aan cuqdad ka qabin inuu dadka la tashado, waxaanan aaminsanahay inuu yaay nin isku kalsoon oo cid kasta talada weydiin kara. Allena waxaan ka baryayaa inuu u fududeeyo.”




 




Xigasho:wargeyska Geeska




 

Munaasabad Hadhimo Sharafeeda Oo Ay Soo Agaasintay Beesha Koonfurta Hargeysa Loona Sameeyay Golihii Cusbaa Ee Wasiirada Somaliland Ayaa Ka Dhacday Hotel..+SAWIRR


(GNA) Xaflad ballaadhan oo hadhimo sharafeed ahayd, laguna soo dhaweynaayay Wasiirada cusub ee dhawaan Madaxweynaha Somaliland Axmed Silaanyo xilka u magacaabay, kuwaas oo uu hoggaaminaayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Warfaafinta iyo Wacyigalinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa  lagu qabtay Magaaladda Hargaysa. Xafladan oo ay soo qaban qaabiyeen Beesha Koonfurta Hargaysa.




Xaflad Aan Noocedu Hore U Dhicin oo Ay Beesha Koonfurta Hargaysa Ku Qabileen Wasiirada Cusub Oo U Hoggaaminaayo Wasiirka Warfaafinta Somaliland.




Ugu horreyn Suldaanka guud ee Beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo munaasibadas ka hadlay, ayaa sheegay in degaanka uu  Suldaanka  u yahay ay soo dhaweynayaan Magaacibsta Madaxweynaha, sidoo kale wuxuu bulshada kula dar daarmay in aanay Xukuumadda uun waxba ka sugin maadaama oo  dhaqaalaheenu kooban yahay. “Waan soo dhaweynaynaa labada Wasiir ee Madaxweynuhu magacaabay, waxaanan leenahay sadkana hanaloo kordhiyo.” Sidaa ayuu yidhi Suldaan Maxamed Cabdiqaadir.








 




Waxaa iyaguna Munaasibaas ka hadlay, Wasiiro tirobadan oo ay kamid ahayeen. Wasiiradda Wasaaradaha, Cadaalada, Caafimaadka, Shaqada iyo Shaqaalah, Madaxtooyadda, Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Warfaafinta iyo Wacygalinta.




Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland  Xirisi Cali Xaji Xasan oo hadal kooban oo kaftan ah halkaas ka jeediyay, ayaa yidh. “Runtii  waxay cadayeen beesha Degaankani inay yihiin Boqortooyaddii, waxaan leeyahay  Wasiir Cali Warancadde iyo Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi idinkana waa laydinka fadhiyaa”.




Dhinaca kale Waxaa isna halkaas ka hadlay Guddoomiyaha  Xisbiga Muxaaifka ah ee Kulmiye Muj: Muuse Biixi Cabdi, oo u mahad naqay odayaashii xafladaas soo agaasimay sidoo kale wuxuu soo dhaweeyay Wasiirada cusub iyo  kuwa laysku badalayba.








 




 




 




 




 




 




Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Wacyigalinta Hidaha iyo dhaqanka oo munasibaad soo afmeeray ayaa u mahadnaqay duqaydii soo abaabushay xafladaas. Isagoo sidoo kale ka codsaday bulshada inay xilka ugu duceeyaan.




Xafladan ayaa marka la eego wajiyaasha ay kulmisay waxay ahayd mid aan nooceeda hore loo arag.




 

Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama oo booqasho ku tagay xabsigii uu ku xidhnaa Mandela ee dalkasi South Africa


(GNA) Madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama ayaa booqasho ku tagey dalka South Africa safarkiisaan ayaa ah saddex safar uu ku tagi saddex dal oo ka dhisan qarada Africa, waxaana lagu wadaa in uu halkaasi kula kulmo madaxweynaha South Africa Jacob Zuma.




Obama booqashadan uu ku yimid dalka South  Africa ayaa ku soo beegmaysa,xili saddex todobaad ka hor la dhigay isbitaal ku yaala magaalada Pretoria  Nelson Mandela oo ahaa madaxweynihii hore ee South Africa oo xaaladiisa caafimaad laga deyrinayo.




Madaxweyne Obama ayaa sheegay in uusan booqanayn isbitaalka uu ku jiro Mandela,islamarkaana uusan dooneyn inuu culeys saaro qoyska Mandela.




Obama ayaana maanta booqasho ku tagay xabsiga uu ku xirnaa hogaamiyihhii hore ee dalka South Africa Nelson Mandela oo haatan isagu ku jiro marxalad adag.




Mr.Obama ayaa ku tilmaamay Mandela in uu yahay geysi adduunka ku faanto.




Waxa uu horey u booqday Obama dalka Senegal,waxa uu sidoo kale booqanayaa dalka Tanzania ee geeska Africa.




Booqashadan ayaa ah mid uu Obama ku hormarinaayo xiriirka ka dhexeeya Mareykanka iyo Qaaradda Africa dhinaca ganacsiga iy horumarinta mustaqbalada dhow.




 




 

15 ruux ayaa ku dhimatay halka 25 ay ku dhaawacmeen qarax xoogan oo ka dhacay gobolka Peshawar ee dalka Pakistan


(GNA) Qarax loo adeegsaday gaari lagasoo buuxiyay walxaha qarxa oo lala damacsanaa Kolonyo gawaari ay wateen  ciidamada dalka Pakistan oo iyagu howl galo ka waday gudaha gobolka Peshawar ayaa waxaa waxa ku dhmatay ugu yaraan 15 ruux halka 25 kalena ay ku dhaawacmeen.




Qaraxaan ayaa imaanaya xili Ra’isul Wasaaraha dalka Britain David Cameeron uu booqashao ku joogo caasimada dalka Pakistan Islamabad.




Afhayeen ciidamada Gobolka Peshawar Jamil Shah oo isagu uwaramayay wakaalada Wararka AFP ayaa u xaqiijiyay tirada ku dhimatay qaraxa uu ku sheegay iney tiro ahaan gaarayaan 15 ruux halka dhaawacuna uu gaarayo 25 ruux oo isugu jira kuwo dhaawac halis ah iyo kuwo fudud oo dhamaantooda la dhigay Isbitaalka dowladda ee ku yaalla gobolka Peshawar.




 

Maxamuud-wadka oo Xildhibaanimo loo Dhaariyay todoba sanadood oo uu Suge ahaa ka dib






Hargeysa(GNA)- Maxkamadda Sare ee Somaliland ayaa 25-kii bishan Mudane Baarlamaan u dhaarisay  oo Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa, oo buuxiyay xubinimadii ALLE ha u naxariistee Xildhibaan Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo dhawaan geeriyooday.




Xildhibaan. Maxamuud Jaamac Warfaa, oo xiligan ku jiray kaydka koowaad ee Murashaxiintii doorashadii Wakiiladda ee xisbiga KULMIYE gobolka Maroodi-jeex, ayaa ka hadlay xubinimada baarlamaanka ee uu buuxiyay sida sharciga xeerka doorashooyinku dhigayo.
“Anigu waxaan ahaa kayd sugaha saddexaad xisbiga KULMIYE ee gobolka Maroodi-Jeex, waxaa iga horeeyay Alle ha u naxariisto’e C/laahi Mahdi oo geeriyooday, waxa ku xigay C/laahi Balaki oo bedalay C/casiis Maxamed Samaale oo laga dhigay Wasiirka Maaliyadda. waxaan markaa noqdey kayd sugihii koowaad, markaa waxaan buuxiyay xubinimadii uu Baneeyay ILAAHAY ha u naxariistee Marxuum Axmed-weyne, Bishan 25keedii ayaa maxkamadda sare ii dhaarisay inaan ka mid noqdo Xildhibaan ka tirsan Golaha Wakiilada, komishanku ayaana markii hore ii soo gudbiyay ka dib markii ay dib-u-eegis ku sameeyeen ee ay hubiyeen liiskii xildhibaanadii kaydka ahaa,”ayuu yidhi Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa oo xalay u waramayay wargeyska DAWAN.




Xildhibaanku waxa uu tacsi u diray qoyskii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariistee Marxuum-Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo uu tilmaamay inay saaxiib ahaayeen isla markaana ka wada tirsanaayeen muddo dheer xisbiga tallada haya ee KULMIYE. Xildhibaan. Maxamuud Jaamac Warfaa, waxa uu sheegay inaanay isku mid ahayn habka laysku bedalo labada Gole baarlamanka Wakiilada iyo Guurtida waxaanu tilmaamay.




Golaha wakiilada laysku badalo nidaam xisbi iyo doorasho halka . Golaha Guurtida laysku bedalo oo loo kala dhaxlo hanaan beeleed. Xildhibaan. Maxamuud Jaamac Warfaa,oo  la waydiiyay aragtidiisa isku shaadhaynta Madaxwaynuhu ku sameeyay Golaha Wasiirrada, waxa uu ku jawaabay “Madaxwaynuhu isagaa xaq-u-leh inuu isku bedalo Golahiisa Wasiirrada, mar walbana marxalad gaara ayaa lagu jiraa markaa cidii uu u arko inay marxalad ka gudbin karta oo hawlahaa la qab karta ayuu diranayaa.” Xildhibaanku waxa uu intaasi ku daray “Wasiirrada cusub dhamaan waan hambalyaynayaa waaanan soo dhaweynayaa waxaan lee yahay ummadu waxay idiinka fadhidaa wax qabad, madaxwaynaha inaad hawsha iyo waxqabadka uu idiin diray ku raali galisaan ayaa la idinka filayaa.”




Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa waa Guddoomiye Ku xigeenka Golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE. Waxa kale oo uu hore u soo qabtay xilka Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta xiligaasi oo laga qaaday 2003-dii ka dibna waxa uu ku biiray xisbiga talladda haya ee KULMIYE. Waana siyaasi degan oo dad la socod leh.




Kursiga Golaha wakiiladda ayuu ka dhaxlay Marxuum Axmed Ibraahim Daahir (Axmed-weyne) oo ay Xisbiga kulmiye ka wada tartameen Sanadkii  2005-tii markii Doorashooyinka Baarlamanka la qabtay.




Wuxuu noqonayaa Xildhibaankii labaad ee sanadkan gudihiisa fursada mudane hela, waxaana hore Golaha ugu soo biiray Xildhibaan cabdilaahi Blacki oo galay xubinimadii Wasiirka Maaliyadda.




Gobanimonews




Hargeysa Office

Kismaayo oo Xero-dhiig Noqotay, Kenyaatiga oo Qoys dhan ku Xasuuqay maanta iyo Dawlada oo Aweys ku Mashquulsan


Kismaayo(GNA)-Ciidamada kenya ee sugan magaalada kismaayo ayaa maanta rasaas ku furey dad rayid ah, waxaana halkaasna ku qudhbaxay  hooyo iyo dhawr caruur ah oo ay dhashay, kuwaasoo ku dhintay Rasaas Ciidamada Kenya rideen, ka dib qarax lala eegtay oo Askar badani kaga dhimatay.




Goob-joogayaal, ayaa ku soo waramaya in Qoyskaasi oo aan tiradooda la cayimin ay guud ahaanba ku qudh-baxeen Rasaas Daran-dooriya oo ay mariyeen Ciidanku, waxaanu warku intaasi ku darayaa in Odaygii Qoyska lahaa oo Guriga ka maqnaa uun falkaasi ka uu ka badbaaday.




Dilkan oo ay shacbiga Magaaladu ku tilmaameen Xasuuq aan loo aabo yeelayn oo lagu bartilmaameedsanayo shacbiga Magaalada, ayaa walaac weyn ku abuuray Bulshada, waxaanay ka muujiyeen Argagax xoogan iyo naxdin fara badan.




Dhinaca kale wararka ka imanaya Magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in Qaraxyo gooni gooni ah oo Khasaare badan geystay lala beegsaday maanta Kolanyooyin ka mid ah Ciidamada AMISOM ee Magaaladaasi ku sugan, kuwaasoo sida la sheegay la arkayay iyagoo Maydad badan iyo askar ka dhaawacantay meelaha qaarkood ka guraya.




Qaraxyadan ayaa ku soo beegmaya xili ay Magaalada  ka taaganyihiin saansaan colaadeed,magaalada gudaheedana laga maqlayo daryanka rasaas aan la ogayn cida isku rideysa oo ay ridayaan Kooxaha isdiidaan ee Magaaladaasi ka arimiyaa.




Dhinaca kale, Dhinacyada ku Dagaalamaya Magaaladaasi ayaa labadooduba guulo ka sheeganayaan Dagaalkii dhex maray maalmihii la soo dhaafay, waxaanay Xoogaga Raaskaambooni iyo kuwa Barre Hiraaleba sheegayaan inay iyagu gacanta ku hayaan inta badan qaybaha Magalada.




Dadka ka faalooda arrimaha amaanka ayaa qaraxyadan u sibir-saaraya inay ka dambeeyaan Kooxda Alshabaab oo ka faa’idaysanaya Xiisada siyaasadeed ee halkaasi ka oogan, kuwaasoo xili horeba mar ay colaadani taagnayd Weeraro hubaysan ku soo qaaday Madaarka Diyaaradaha ee Magaalada iyo meelo kale oo Muhiim ah.




Dawlada federaalka somaliya ayaa xiligan u muuqata inay xalinta mushkiladda Kismaayo kaga mashquushay soo dhaweynta Waddaadka ka soo baxsaday Als-shabaab ee xasan Daahir Aweys.




Waayo, dawladu ma soo faro-gelin ilaa hada Dagaalo foolka fool ah oo afar iyo labaatankii saacadood ee la soo dhaafay ka socday Magaalada Kismaayo, kuwaasoo intii ay socdeen Ciidamada Kenya Af-duubeen Sarkaalkii ugu sareeyay Ciidamada Xooga Dalka Somaliya ee Goboladda Jubbooyinka.




Si kstaba ha ahaatee waxa la eegi doonaa halka ay ku dambeyso Xaalada amni ee ka soo daraysa ee Magaalo Xeebeedka Kismaayo oo iminka u muuqata inay noqotay Xero-dhiig Ciidamada AMISOM ee Kenya iyo Kooxaha ku hirdamaya sheegada Maamulka Jubaland Birta iskaga aslaan.




Gobanimonews




Muqdisho Office

Saturday, June 29, 2013

Xasan Daahir Aweys wuxuu gacanta ugu jiraa Ciidamadda Dawlada Somaliya, walina go’aan lagama gaadhin






Muqdisho(GNA)-Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Wasiirka Gaashaandhiga oo ku sugan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa halkaas kulan kula leh Sheekh Xasan Dahir Aweys iyo wafdigii ka keenay Cadaado oo uu ku jiro Madaxweynaha maamulka Ximin iyo Xeeb.

Sida ay sheegayaan waraka laga helayo Garoonka Magaalada Muqdisho Wasiirka Arrimaha gudaha C/kariin Xuseen Guuleed iyo Wasiirka Gaashaandhiga C/xakiin Fiqi oo markii hore ku lug lahaa wada hadalada Xasan Dahir lagu keenayay Muqdisho ayaa hada kulan toos ah la leh wadaadka.

Sheekh Xasan Dahir ayaa wali ku sugan garoonka oo aan laga bixin, sidoo kale qaar ka mid ah xubnihii ka keenay Cadaado ayaa iyana garoonka jooga, waxayna wada hadalada socda ay yihiin kuwo saddex geesood ah oo looga arinsanayo xaalada Xasan Dahir.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in kulankan hada ka socda Garoonka uu qeyb ka yahay kulamo ammaanka looga hadlayay oo ay goor dhoweyd yeesheen Hey'adaha ammaanka dowladda, kaasoo ku saabsanaa sida laga yeelayo Wadaadka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in laga wada hadlayo dhaqan gelinta heshiis la sheegay inuu ahaa midka Xasan Dahir lagu keenay Muqdisho, kaasoo ay la soo galeen Xubnaha tagay Cadaado ee isugu jiray Xildhibaanada, Odayaasha dhaqanka iyo saraakiisha.

Heshiiska ayaa qodob ka mid ah dhigayay in Xasan Dahir aanan saxaafada la tusin marka uu ka soo degayo garoonka, iyadoo muuqaalo laga soo qaaday garoonka Cadaado markii uu ka soo baxayay la arkayay wadaadka oo khamiis xirnaa oo wajiga ay camaamad ugu duubneyd, iskana qarinayay saxaafada.

Xasan Dahir lagama hayo inuu isa soo dhiibay, inuu ka tanaasulay fikirkiisa iyo inuu dowladda ku soo biira doona, sidoo kale lama oga halka ay ku dambeyn doonto mustaqbalkiisa.

Hase ahaatee waxaa kaliya muuqata in ciidamada ammaanka Soomaaliya ay gacanta ku hayaan, isla markaana uu ku sugan yahay mid ka mid ah goobaha sida aadka ah loo ilaaliyo.

Waxaa xusid mudan in markii Sheekh Xasan Dahir ka soo degayay garoonka Muqdisho aanay madaarka ku sugneyn Ciidamada AMISOM, waxa kaliya ee goobta joogay ay ahaayeen ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee loo yaqaano Gaashaan.

Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha ayaa waxaa ka dhacay kulan gaar ahaa, oo ay ka qeyb galeen taliyeyaasha ammaanka, kaasoo looga arinsanayay sidii Xasan Dahir ammaankiisa loo adkeyn lahaa.

Xaalada magaalada ayaa ka duan sidii hore, iyadoo aad looga hadal haayo Xasan Dahir oo caawa fiidkiia y diyaarad keentay, waxaana ammaanka magaalada uu yahay mid si aad ah loo adkeeyay.




Imaanshiyihiisa Muqdisho, ayaa ka dambeeyay mudo saddex maalmood ah oo uu magan-gelyo ku joogay Magaalada Cadaaddo, halkaasoo uu fakad ku yimi todobaadkii hore dhamaadkiisii.




Laga bilaabo Imaanshiyiihsa Muqdisho, wuxuu gacanta ugu jiraa Dawlada Somaliya oo uu ka mid ahaa Dagaal-oogayaashii Xabadda la hortaagnaa, waxaanu ku jiraa liiska Dadka ay qaramada Midoobay iyo Maraykanku u aqoonsanyihiin Argagixisadda.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Kala soco wixii war ka soo kordha

Somaliland: On The Path To Economic Growth. By:A/rashid A. Guled






Introduction:




Somaliland declared independence from the rest of Somalia in May 1991, thereby restoring the colonial borders of the former British Somaliland. Somaliland organized independence and endorsed its own constitution. Somaliland transformed itself into a democratic state and had organized several presidential, parliamentary and municipal elections. Somaliland has demonstrated that a small African country can succeed in the management of its own affairs without sustained and strong support from external sources. Somaliland has become a model for conflict resolution and peace building. On the other hand, Somaliland is still struggling to convince the international community in order to secure diplomatic recognition.
Somaliland economy can now be characterized as purely capitalistic.




Many private enterprises thrived over the years and a small percentage of the society has amassed wealth while the great majority of the population is in absolute poverty. The role of the state is very small compared to the private enterprises. The government budget is around 100 million dollars.




This relatively small budget is hardly enough for covering the salaries of the civil servants and the security institutions. Government expenditure on infrastructure is almost negligible, not to mention any social security benefits. The government runs some electricity and water supply services, but these are very limited and do not cover more that 20% of the demand.
Economic Development Models
Three different economic models are there to choose from. These are as stated below:
Capitalist Model. This model is followed by the western liberal democracies. The basic theory of this model states that “the economic activities of the nation shall be left to the demand and supply forces of the free market and the government shall have no role in the system except in the levying of taxes and the management of government expenditure that is financed through the tax revenues”. Under this theory, the production of needed goods and services must be absolutely left to private business firms that are operating under the market forces of supply and demand. This economic model is applicable in economies where there are perfect enabling environments like in North America and Western Europe. Even though, there is nothing un-Islamic about this model, it is not suitable for the least developed economies like that of Somaliland.
Marxist Model. This model is followed by former Marxist nations that used to prohibit private ownership of property. The theory of this model advocates for the full management of factors of production by the state agents. The state determines who is employed where and who manages what. All goods and services are produced and managed by the state-owned enterprises. This model runs counter to the basic tenets of the Islamic religion and hence, not applicable to Somaliland.
Mixed Model. This model allows for parallel production systems. The private firms are allowed to operate to the maximum of their capacities and to engage in any sector of the economy that they want given their capacities. Under this model, the state can also engage in the production of goods and services.




This model is applicable to the developing nations like Somaliland. The aim objective of this model is to speed up economic development so that poverty can be eliminated within the shortest time possible. This model is not against the Islamic Sharia.
The model that best suits Somaliland is the mixed economy model. In Somaliland, the government does not have access to abundant financial resources. On the other hand, the government needs to increase revenues in order to enhance its expenditure on social services development. Similarly, the government has to exercise a certain degree of allocative power, meaning that the government should protect the economic interests of Somaliland. At the moment, the economic interests of the Somaliland nation are severely at a disadvantage. Every basic commodity (except meat) is imported into the country. This puts the country at a comparative disadvantage. Basically, any sovereign country shall produce some of its basic consumption goods. When we analyze the Somaliland import-export situation, we can conclude that there is fundamental problem and the situation must not continue as it is. Immediate steps must be taken in order to establish a semblance of fairness in the system. Why on earth do we need to import cement when we have the cement factory established in 1985 by the Siad Barre Regime, when this factory does not need much capital to re-open it? Similarly, why do we need to import tuna fish from Thailand when we have one of the best fish varieties in our national sea waters? Why do we need to import milk from Yemen and Saudi Arabia when we are basically a pastoralist country with large livestock resources? The problem does not have anything to do with financial capital; our traders are importing these goods anyway. The problem has a lot to do with our sense of nationalism. Every Somaliland trader knows that if he/she transforms his/her business from importing to local production, he/she would benefit his/her country in terms of increased employment. If the 30 major Somaliland importers invest their capital by establishing international standard factories in this country, the Somaliland youth would be saved from migrating abroad through the Libyan Desert since their only motive is to get employment in Europe and other countries.
Developing Somaliland Industrialization Strategy: Public Private Partnership
The government is advised to assign its economists to immediately devise Public-Private Partnership Policy and Strategy (PPPS). First the policy has to be passed through the national parliament, then the strategic document shall be prepared for at least 10 year period. This strategy shall clearly define the particular industries that are suitable for the PPP. It should also define the terms of the PPP under each industry. The priority industries are cement, food production, fishing, agro-industry, diary, and livestock production.
As soon as the PPPS is defined and passed through the parliament, business plans (BP) shall be developed. The BP documents must be prepared in a comprehensive way so that they are sellable and can be accepted by the donors.
The government shall mobilize funds from the international community and invest these funds in the abovementioned industries in partnership with the Somaliland investors. By implementing this strategy, Somaliland will be put on the road to economic prosperity and its youth can be saved.




Abdirashid Ahmed Guled
abdirashidaa@gmail.com




 

Ma Dhabbaa In Wasiir Kii Hore Ee Arimaha Dibadu Iska Casilayo Wasaaradda Loo Bedelay?


 W/Q:-Kamaal Sh Ismail




Wasiirkii hore ee wasarada arimaha dibada  ee somaliland Md maxamed c/lahi cumar oo mudadii uu xilka hayay la daaladhacayay wasaarada arimaha dibada lana daadagay intii uu ku sugnaa wasaarada, gaadhsiiyaynay meeshii ugu hoosaysay ee abid ay gaadho wasaaradaasi  ayaa wiigii hore xilka uu ka qaaday madaxwayne axmed maxamed maxamuud siilaanyo una wareejiyay wasaarad kale taas oo u cuntamiwayday wasiir maxamed c/laahi cumar.Haddaba iyada oo ay wasaaradan arimaha dibadu ay soo mareen tiro wasiiro ah oo aqoon iyo karti badan lahaa  xiliyadii dawladihii kala danbeeyay ayaa waxaa mid waliba uu kasii hambo qaadi jiray halka ay taagnayd xiligaa waxna kusii biirin jira, intii ay dhalatay xukuumada axmed siilaanyo ayaa waxaa kamid ahaa wax yaabihii ay ku fashilantay in wasaarada arimaha dibada loo magacaabo qof karti iyo aqoon buuxda u leh arimaha caalamka iyo geeskaba waxaa wasiir maxamed c/laahi arinkiisu dhaafi waayay waxaa lanagu soo dhaweeyay meeqaam sare iyo wax lamid ah oo dadka u cuntami waayay, laakiinse imika ayuu siilaanyo asiibay wasiirka arimaha dibada ee uu magacaabay qofkii u qalmayay. haddii aan dib u milicsano wasaarada loo badalay wasiirkii hore ee arimaha dibada ayaa waxay kamid tahay wasarada ugu liita ee wax alla wax ay qabato aan la aqoon waxayna kamid tahay wasaaradaha loo yaqaano ‘waraabo taaga’ haddaba wasiir maxamed c/laahi ayaa waxay warku sheegayaa in uu ka biyo diiday meesha uu u badalay madaxwaynuhu oo uu wasiirku ku andacoonayo in uu iska casili doono xilkan uuna sii wadi doonin waxaa intaa uu warku ku darayaa in aan loo sheegin markii hore meesha loo badalayo iyo in wasaaradan xilkeeda laga qaadayo taas oo keentay in uu wasiirku ka xaanaqay wasaaradan bilaa dhacdhaca iyo bilaa caanaha ah ee loo badalay ee anay waxba kasoo galayn waxaa kaloo iyana isasoo taraysa in loo diray ergo ku qancisa in uu aqblo wasaarada  loo wareejiyay oo aanu ka diidin madaxwaynaha si aanu fashil uu imin, wasiirka ayaa ku dooday in uu aqbali doono oo kaliya wasaarad kale oo dhaanta wasaaradan haddii kalena inta aan aqbalo ayaa hadhawna iska casili doonaa .shacabka somaliland ayaa iyaguna ka war sugaya bal sida ay u aqbali doonaa rag badan oo is kala hami waynaa wasiir iyo wax lamid aha taana bal waynu ka dhawr sugi doonaa inta ka hadhay.




E-mail: shihaab25@hotmail.com




Kamaal Sh Ismail Adem




Freelance Journalist




Somaliland/Hargaysa




 

Somaliland Saddex Gobol miyaa iyo Saaxil oo Qudha? Q.m.s. siciid


Waxaan habeen dhowayd ka qaybgalay xuska 26 June oo lagu qabtay xarunta madaxtooyada Somaliland, waxaan aad u dhegaystay ereyo qiiro lahaa oo uu madasha ka jeediyey ruug caddaaga siyaasiga ah ahna Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo oo isagu waaya arag u ahaa taariikhda uu ka sheekaynayey, wuxuu goobta ka sheegay in arrimaha Somaliland ku dhaliyey inay koonfur wax la wadaagi waayaan ay ka mid ahayd, ka dib markii xilalkii muhiimka ahaa ay isku taxday Koonfuri, sida Madaxweynihii, Raiisalwasaarihii, Taliyayaashii ciidamada iyo xilalkii kale ee muhiimka ahaa isla markaana loo diiday reer woqooyigii xornimadooda halkaas geeyey inay wax ka helaan kuraastii dalka ugu sarraysay, ereyadaas markii madaxweynuhu ka sheekaynayey waxaa maskaxdayda ku jirtay maahmaah soomaaliyeed oo tidhaahda “Rag caddaalad waayay sidii cawsha kala yaac”.




Haddiiba ay Somaliland cadaalad darro dhinaca hoggaaminta ah uga soo goosatay Somalia, ka waran haddaba haddii caddaalad darro taas la mid ahi ay iminka ka dhex jirto isla dawladdan Somaliland u dhisan, haddii aan is idhaahdo ereyo ku cabbir laga yaabee inaynaan ku heshiinin laakiin aan idin taabsiiyo tusaalayaal koobkooban.




Somaliland waxay ka kooban tahay inta sharciyaysan lix gobol oo waaweyn, baaxad ahaan dhulka Somaliland wuxuu u qaybsamaa Gobollada Galbeedka iyo Gobollada Bariga, Tusaale ahaan Gobolka Sanaag oo keli ahi wuxuu baaxadda dhulka Somaliland ku fadhiyaa 38%, halka gobolka Sool isna aanu ka yarayn 13%, sidaas awgeed labada gobo lee Sool iyo Sanaag waxay baaxadda dhulka Somaliland ku fadhiyaa 50%, taas macneheedu waxaa weeye gobollada Bariga Somaliland gaar ahaan Sool iyo Sanaag waa kala badh dalka, halka gobollada Galbeedka oo is huwan sida Togdheer, Saaxil, Hargeisa iyo Awdal ay yihiin 50%.




Dadka ku nool Sool iyo Sanaag haddaba waxya isweydiinayaan tolow arrimahan hoos ku qoran maad u qalantaan mise xuquuqdiinaa la idin duudsiyayaa, waxaana u gar dhiganaynaa shacabka Somaliland haddii aanu u qalano iyo haddii kale:




1.       Golaha wasiiradu waa 46, labadan gobol oo 50% baaxadda Somaliland ku fadhiyaa waxay ku leeyihiin 11 wasiir halka 35 wasiir ay leeyihiin gobollada kale oo ku fadhiya 50%, taasi ma cadaalad baa mise wax kalaa jira?




2.       22 sano maxaa loo arki waayay madaxweyne ama ku xigeen ka soo jeeda labadan gobol, ama xattaa murashax madaweyne ama ku xigeen oo tartamaya mise labadan gobol kuraastaas uma qalmaan?




3.       Saddex Xisbi Qaran ayaa dalka ka jira, saddexdaba labadan gobol midna hoggaankiisa sare waxba kuma laha, markaa sidee la doonayaa inaan saaxadda siyaasadda uga mid noqono?




4.       Dalka taladiisa ka sokow madaxweynaha iyo golihiisa wasiirada waxaa iska leh, hay’ado kala duwan, sida Baanka dhexe, Auditinkga, Hay’adda Shaqaalaha, Guddoomiyaha Maxkamadda Sare, Guddoomiyayaasha Guurtida iyo Wakiillada, iwm. Dhammaan hay’adahan marka baanka dhexe laga saaro inta kale gobolka Sanaag midna ma hayo.




5.       Cududda milateri ama ciidan ee dalka ayaa iyana ah awood muhiim ah, tusaale ahaan, Taliyayaasha Ciidamada Milateriga, Booliska, Sirdoonka, Asluubta, Badda iyo Socdaalka, dhammaan ciidamadan marka laga reebo Taliyaha Asluubta inta kale labadan gobol waxba kuma laha markaa sidee la doonayaa in wax loo wada yeesho.




6.       Guddiyada madaxabanaan ee dalka ka jira waxaa iyana madaxa u rita gobollada galbeed ee Somaliland, tusaale ahaan Guddida Doorashooyinka, Guddida Diiwaangelinta, Guddida Xuquuqal Insaanka Qaranka iwm. Dhammaan guddiyadan iyo kuwo kale oo tiro badan gobolladani waxba kuma laha.




7.       Ururadii bulshada rayidka ahaa ee ay habboonayd in dalku iska wada dhex arko iyana labadan gobol kuma jiraan, tusaale ahaan Dalladda Dhalinyarada Somaliland SONYO, SONSAF, NEGAAD, NOW, SOLJA, SOLLA iwm. Waa ururo ay leeyihiin bulshada reer Somaliland hase ahaatee mid keliya oo cid labadan gobol ka soo jeedaa ay horjooge ka tahay ma jiro.




Maanta waan garnaqsanayaa oo saddex qolaan la garnaqsanayaa, Xukuumadda mid baan leeyahay, sidan ma xal baad moodeen mise waa idinka garasho, ogaada wixii dhib ah ee ka dhasha haddii dadkayagii la dhegaysan waayay inay xukuumaddu cidla dhigtay, Shacabka Somaliland mid baan leeyahoo, Labadan gobol ma siday u qalmaan? Shacabka gobolladaas ku dhaqanna waxaan leeyahay codkiina oo kala tafaraaruqsan ayaa cidladan idin dhigee midooba oo meel uga soo wada jeesta arrintan.




Maalintii dhowayd markii Madaxweyne Siilaanyo isku shaandhaynta sameeyey runtii dadku waxay aad ugu bogeen rag miisaan culus leh oo uu keenay sida Wasiirka Arrimaha Debedda Maxamed Biixi Yoonis iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Warancadde, hase ahaatee kaftan ayaa ka soo baxay liiskaas cusub, waxaa la yidhi reeraha kuraasta loo kordhiyey waa kuwa ugu mucaaradada kululaa xukuumadda, shakhsiyaadka kuraasta la siiyeyna waa kuwii ugu cayda kululaa. Nin aanu asxaab nahay ayaa aad u caayay madaxweynaha iyo xubno wasiiradiisa ka mida markii aan ku idhi maxaad sidaas ugu caayaysaa ayuu intuu qoslay iigu jawaabay “xil doon ayaan ahay” markaan ku idhi oo haddaa sowdiga caytamaya wuxuu iigu jawaabay “iminka ninka madaxweynaha aad u caaya ayaa wasiir noqda, markaa haddii caydaydu gaadho kolba wasiir ku xigeen wax ka yar waayi maayo” waxaan iminka leeyahay reer Sanaag iyo Sool way fahmi la’yihiine ma caydaa wax lagu helayaa illeyn sidii gobta naloo dhegaysan waaye.




Maxamed Saalax siciid

Chelsea Oo Lagu Waramayo Inay Heshiis Shaqsi Ah La Gaartay Edinson Cavani.


Mediaset ayaa sheeganeysa in Edinson Cavani uu ogolaaday heshiis 7.2 milyan ginni uu ku qaadanayo mushahar ahaan uu la gaaray Chelsea, laakiin haatan ay tahay kooxda Blues inay ka dhaadhiciso Napoli inay hoos u dhigaan qiimaha ay duldhigeen ciyaaryahanka.




Weeraryahanka ayaa weli ku sugan Brazil isagoo la maqan xulkiisa Uruguay waa kulan kaalinta 3aad loogu tartamayo berrito la ciyaaraya Italy.




Sida ay sheegeyso SportMediaset, wakiilada Cavani ayaa heshiis shaqsi ah la gaaray Chelsea, oo ay ku jirto heshiis uu shan sanno ku saxiixayo islamarkaana uu xilli ciyaareedkii ku qaadanayo 8.5 milyan euro oo u dhiganta ku dhawaad 7.2 milyan ginni.




Si kastaba, kooxda Stamford Bridge ka dhisan ayaan dooneynin inay bixiyaan lacagta Napoli ay dooneyso ee ah 63 milyan euro, lacagtaasoo ah lacagta qandaraaska xiddiga reer Uruguay lagu burburin karo.




Cavani ayaa sheegay isbuucaan inuu wadahadalo waji ka waji ah la yeelan doono madaxweynaha Napoli Aurelio De Laurentiis sida ugu dhaqsiyaha badan.




 




 




Milkiilaha Napoli ayaase ku jawaabay inaysan muhim aheyn inay kulmaan, isagoo sheegay inay weeraryahanka ku fasixi doonaan kaliya hadii koox ay la imaado lacagta qandaraaskiisa lagu burburin karo.




Waxaa la rumeysan yahay in Man City ay isaga baxday tartanka Cavani, halka Real Madrid ay u jeesanayaan Luis Suarez.

Xiddiga Cusub Ee Madrid Isco Oo Sharaxaad Ka Bixiyay Sababta Uu Eeygiisa Ugu Magacdaray Messi.


Saxiixa cusub ee Real Madrid Isco ayaa sharaxaad ka bixiyay sababta uu eeygiisa ugu bixiyay Lionel Messi, isagoo ku tilmaamay inay tahay jaceyl uu u qabo xiddiga Barcelona.




Kubadsameeyahan ayaan kaliya dareensaneyn in xiddiga Argentina uu yahay xiddig kaligiis taagan, laakiin waxa uu sidoo kale ugu magacdaray eeygiisa xiddiga afarta jeer ku guuleystay Ballon d’Or.




“Eeygeyga waxaan ugu magacdaray ‘Messi’ sababtoo ah Messi waa ciyaaryahanka adduunka uguu fiican, eeygeygana waa kan adduunka ugu fiican” ayuu Isco kaga jawaabay markii la weydiiyay sababta ka danbeysa magacaan qariibka ah.




21 jirkaan ayaa hada ka hor bogaga hore soo koray ka dib markii wareysi hore uu bixiyay uu isku tilmaamay inuu yahay anti-Madridista markaasoo uu joogay Valencia, isagoo ku sababeeyay in Madrid ay tahay koox isla weyn.




 




 




Isco ayaa heshiis shan sanno ah u saxiixaya Real Madrid marka uu dhameysto tijaabada caafimaadka 3da bisha July markaasoo saxaafada loo soo bandhigi doono, markaasoo uu su’aalo la xiriira hadalkiisii hore ee ku aadanaa anti-Madrista wax badan laga weydiin doono.

Patrice Evra Oo ka Careysan Hishiiska United Ku Dooneyso Leighton Baines.


Waxaa muuqaneysa in aayaha daafaca reer France ee Man United Evra uusan wanaagsaneyn xagaagaan iyadoo uu sheegay in uu doonayo in kooxda uu ka heleelo.




Wargeyska The Sun ayaa sheegaya in xiddigaan 32-sano jirka ah uu ka careysan yahay qorshayaasha tababare David Moyes uu ku doonayo in kooxda uu ku keeno xiddga Everton ee Leighton Baines.




David Moyes ayay ka go`an tahay in kooxda xagaagaan ku soo jiido kooxda United iyaga oo dalab rasmi ah ula tagay kooxda Everton.




Sida waergeyskaas uu sheegayo Evra ayaa hishiiskaas United ku dooneyso Leighton Baines u arka mid isaga lagu bahdilayo , waxaana la xusayaa in uu doonayo in kooxdiisii hore ee Monaco uu dib ugu laabto.




United ayaa Everton ula tagtay dalab qiimihiisa gaarayo 12-milyan oo gini si saxixiixa 20-sano jirkaas u helaan balse waxaa la sheegayaa in Everton ay diideen arintaas.

Somaliland oo Badhan ka Xoraysay Puntland iyo Saraakiil laga Eryay Dhahar






Badhan(GNA)-Dawlada Somaliland ayaa markii labaad Degmada Dhahar, shalay dib uga caydhisay Saraakiil ka socda Xafiiska Doorashooyinka Maamul Goboleedka Puntland ee Garoowe oo halkaasi u yimi inay tababaro siiyaan shaqaale loogu talo-galay inay ka shaqeeyaan Doorashooyinka Golayaasha deeganka Puntland oo Maamulka Faroole Doonayay inuu ka hirgeliyo deegaanada Bariga Sanaag ee Somaliland.




Ciidanka Amniga oo kaashanaya Milateriga Aaga Gobolka Badhan, ayaa  Magaalada Dhahar ka cadhiyay Saraakiishaasi oo laba maalmood ka horna sidan oo kale looga hor-istaagay Degmada Badhan ee xarunta Gobolka Badhan, sida ay Saraakkiisha Milateriga ee Aagaasi Gobanimonews u xaqiijiyeen.




Saraakiil ka tirsan Ciidanka Amniga Gobolka ayaa Wargeyska Dawan u xaqiijiyay inay degmada Dhahar ka baacsadeen Koox ka tirsan Guddida Doorashooyinka Puntland oo u socday hawlaha Doorashada Maamulka Garowe oo Dadka Deegaanka la doonayo in lagu khasbo.




Dhinaca kale, Wasiir ku-xigeenka Macdanta iyo biyaha Xukuumadda Somaliland Cabdisalaan Maxamed Xasan, oo ka mid ah siyaasiyiinta Deegaankaasi ka soo jeeda, ayaa sheegay in Ciidamada Qaranka iyo kuwa Bilayska Gobolku Hawl-gal ay qaadeen labadii maalmood ee u dambeeyay  Magaalooyinka  Badhan iyo Dhahar  ay kaga eryeen Saraakiil ka yimi Garowe oo ka socda Komishanka Doorashooyinka Puntland, kuwaasoo ujeedka Socdaalkoodu ahaa inay fuliyaan hawlo la xidhiidha Doorashooyinka Maamulkaasi qabsanayo.




Cabdisalaan Maxamed Xasan, ayaa sheegay in Ciidanka Amniga Somaliland  damcay inay xidh-xidhaan kooxda laga cadhiyay Badhan maalmo ka hor, balse Maslaxad iyo waan-waan ay Odayaasha Degmadu sameeyeen lagaga saaray magaalada.




“Magaalada Dhahar Maanta (Shalay) waxa ka dhacay Saraakiil ka socda Xafiiska Doorashooyinka Puntland ayaa yimi oo doonayay inay hawlo doorashadooda khuseeya ka fuliyaan, ka dibna Ciidanka Qaranka ee aagaas iyo kuwa amniga ayaa talaabo ka qaaday, kana eryay magaalada”sidaasi waxa  Dawan u sheegay Wasiir Cabdisalaan Maxamed oo xalay khadka Telefoonka ugu waramay.




“arintan Maanta (shalay) dhacday uun maahee, laba maalmood ka horna Ciidanka amnig waxay ka hortageen oo magaalada badhan ka cadhiyeen koox kale oo iyaguna arintaa Doorashada puntland u socda, kuwaasoo Ciidanku hawl-gal hudheelka ay degenaayeen uu ku qaaday oo la doonayay in lagu soo xidh-xidho,  laakiinse ay Odayaasha Deegaanku soo dhex galeen oo ay Ciidanka ka maslaxeen, iyagana ku yidhaahdeen iska baxa”ayuu mar kale Sheegay Cabdisalaan.




Wasiirka ayaa arimahan ku tilmaamay faro gelin iyo Xiisad abuuris ka imanaysa dhinaca Puntland oo lagu khal-khal gelinayo amaanka Gobolka, taasoo uu soo jeediyay Maamulka faroole inuu joojiyo, hadii kale ay dawlad ahaan talaabo adag qaadayaa wixii hada ka dambeeya.




“Maamulka Puntland wuxuu doonayaa inay Doorasho ka hirgeliyaan Deegaamadan Gobolka ee Somaliland, taasina wax suurto geliya maah, horena waanu ugu sheegnay, dadkuna waxay ogolyihiin maaha dawladuna waxay ogoshahay maaha, markaa waxaan leeyahay Maamulkaasi naga daaya faro gelinta, hadii kale wixii hada ka dambeeya annana talaabo adag ayaanu qaadi doonaa”.ayuu yidhi.




Ma jiro war wax ah oo ka soo dhinacca Maamul Goboleedka puntland oo ku saabsan joojinta Somaliland ka joojisay Deegaamada Gobolka Badhan.




Gobanimonews




Ceerigaabo Office

Berbera: Biyo la’aan Baahsan oo soo foodsaartay Magaaladda, Dadka oo Dhanqalan ah Maanta iyo Kulaylka oo Saayid ah






Berbera(GNA)-Dadweynaha ku Nool Magaalada Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil, ayaa maanta biyo la’aani soo foodsaartay, ka dib markii 12 saacadood ee la soo dhaafay qayb ka mid ah Magaalada wax biyo ah Qasabaddaha laga waayay, Taangiyadii Biyaha lagu kaydsan jirayna Faaruqeen.




Biyo la’aanta, ayaa sababtay Haraad iyo Dhanqalan, waxaanay dadku si weyn uga walaacsanyihiin suurto galnimada in lagu sii jiro Xaaladan Biyo la’aanta ah oo khatar ku ah Nolosha Caadiga ah.




Qaar ka mid ah Hudheeladda waaweyn ee la seexdo iyo Goobaha Ganacsiga ayaa laga dareemayaa Biyo la’aantaasi.




“waa markii ugu horaysay ee ay Biyo la’aan noocan ahi nagu dhacdo intii aanu ku ganacsanaynay magaalada, hadii ay sidan noqotana waaba laga qaxayaa magaalada”sidaasi waxa gobanimonews u sheegay mid ka mid ah Mulkilayaasha Goobaha Ganacsiga ee Magaalada Berbera  oo ka waramay Xaalada Biyo la’aanta ah ee a jirta Magaalada.




“Dadku maanta waxay iweydiinayaan sida loogu sii noolaan karo Berbera Maanta, Xaaladuna waa xaalad qalafsan, waxaanu eegaynaa sida arintu ku dambeyso”sidaana waxa yidhi mid ka mid Odayaasha Magaalada oo Gobanimo la hadlay.




Warar aanu helayno ayaa sheegay in saaka qayb ka mid ah magaalada uu ka dhacay  mudaharaad lagaga cabanayo Biyo la’aanta hase ahaatee Xaaladda ayaa ah mid aad u qalafsan oo halis ku ah Nolosha dadka iyo Duuniyada ku dhaqan Magaalada.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Wakaaladda Biyaha ee Magaalada iyo Maamulka Gobolka toona oo la xidhiidha sababta dhalisay Biyo la’aantan,balse waxa jira warar sheegaya inay xumaadeen qaar ka mid Mishiinadda biyaha soo tuura ee Ceelasha Biyaha ee faro-deero.




 Noomay suurto gelin inaanu helno Saraakiisha Wakaaladda Biyaha oo aanu la xidhiidhnay si aanu arintan wax uga waydiino, gaar ahaan Maareeyaha Wakaaladda biyaha Cabdiraxmaan Cartan oo aanu Khadka telefoonka kula xidhiidhnay.




Xaafadaha ugu daran ee aanay dhawr iyo tobankii sacadood ee la soo dhaafay Biyuhu u soo dhicin waxa ka mid ah Xaafadaha dhinaca Koonfuurta Magaalada, iyadoo dhinaca Barigana laga soo sheegayo biyo la’aantasi.




Biyo la’aantan, ayaa ku soo beegmaysa xili Cimiladda Kulaylka ee Magaaladdu aad u kacsantahay, isla markaana lagu Jiro badhtamaha Xiliga Xagaaga oo ah wakhtiga ay Xeebuhu ugu kululyihiin.




Heerka Kulaylka ayaa Gaadhay labadii maalmood ee la soo dhaafay ilaa 47 Degree, taasoo hadii biyo la’aantani u raacdo Khatar nololeed keenaysa.




Si kastaba ha ahaatee biyo la’aantan ayaa hadii ay sii socoto saamayn ku yeelan doonta dhamaan Nolosha Magaalada, dhaqdhaqaaqa Ganacsi ee ka socda iyo adeegyada aasaasiga ah oo ay Dekedda Magaalada ku taalaa qayb ka tahay.




Gobanimonews




Berbera Office

Duur oo Maanta Xilkii Wareejiyay iyo Waran-cadde oo Waajahaya Mahadhooyinka uu dhigay


Hargeysa(GNA)-Wasiirka Arrimaha Gudaha Dr. Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa Maanta oo Sabtida  ah Wareejiyay Xilka Wasaaraddaasi ka dib sanad iyo Sagaal bilood oo uu la daalaadhacayay Maamulka Amaanka iyo arrimaha daakhiliga oo uu ku noqday layli aan waayo aragnimo badan u lahayn shaqadiisa.




Wuxuu ku wareejin doonaa Cali Maxamed warran-cadde oo xilal kala duwan ka soo qabtay dhamaan Xukuumaddihii Somaliland 22 sanadood ee ay jirtay, ha ugu dambeyo kan uu todobaadkii hore u magacabay Madaxweyne Siilaanyo.




Wasiir Duur, ayaa mudadii uu xilka hayay lagu xasuusan doonaa Gol-dalloolooyin fara badan oo uu dalka u soo hooyay, hadimo ay qaybo ka mid ah Bulshadu ku eedeyso oo dawlada lagu dhaliilo, sida Hawl-galo sifo khaldan loo fuliyay oo Khasaare sababay, Khilaafyo Muxaliyo oo uu siyaasiyan wax uga qaban kari waayay, muran beeleedyo soo noqnoqday intii uu wasaaradda joogay iyo amar ku taaglayn uu kula kacay Saxaafadda iyo Ashkhaas kale oo Mageyno ah.




Inkasta oo dadka qaar u yaqaanaan Masuul aad u hadalo cad-cad, hadana dadka ku xeesha dheer arimaha sirtu, waxay ku dhaliili jireen inuu fashilay arimo badan oo qarin iyo asturaad u baahnaa, halka uu sidoo kale ka dhawaajiyay waxyaabo aan loo baahanayn in dawladu bulshada ogaysiiso oo qarsoon.




Waxa lagu eedeyn jiray inuu Hadal ku dhiirashada ku damqi jiray Tabasho bulsho, halka aanu sidoo kale ku wanaagsanayn nabadeynta iyo u gar qaadista dhinacyada bulshada ee muran ka dhex curto.




Waxa uu wareejinayaa  Khilaafyo badan iyo arimo murugsan oo ay ka mid yihiin xiisadii saylac ka dhacday, sanadkii hore, arinta Gobolka Saraar, Dilalkii Bilaysku ka geystay degmada Axmed Dhagax iyo dibin-daabyooyin kale waxay dadku macneeyaan oo ay ku jiraan sixidda Hawl-galadda ay qaadaan Ciidanka RRU-du.




Wasiir Dr. Maxamed Nuur Caraale Duur, ayaa sidoo kale Xilka Wasaaradda arrimaha Gudaha Wareejiyay xili Calaamatu-su’aal saarantahay Heerka nabad-gelyada Somaliland oo Dawladaha Reer Galbeedku sanadkan horaantiisii Mawaadiniintooda uga dardaar-wariyeen inay u safraan, taasoo loo aanaynayo inay ka dhalatay Kacaa-kufkii dhinaca siyaasadda daakhiliga oo hoos u dhigtay Tayada Hay’ada Wardoonka gudaha iyo kuwa qaranka.




Wasiirka cusub ee xilkaasi la wareegay shaqada uu baneeyay Duur oo ka mid ahaa Siyaasiyiinta Mucaaridka ahaa ee arimaha dusha kala socday, ayaa waajihi doona Xal u helida mushkiladah Duur ku wareejinayo, waxaana laga sugayaa inuu mudo kooban ku soo celiyo Kalsoonidii qaybaha Bulshadu u haysay Xukuumadda, gaar ahaana inuu meesha ka saaro waxyaabaha Khilaafka Gudaha ah salka ku haya.




Gobanimonews




Hargeysa Office




 

10-ka dal ee aduunka ugu qanisan iyo dhaqaalaha halkii sano ay soo saaraan


(GNA) Wadamada ugu qanisan caalamka ayaa waxa lagu qiimeeya dhaqaalaha ay helaan 10kii sanadood iyo kuwa ay bixiyaan sidoo kale wax soosaarkooda iyo nolosha shacabka ku nool dalka qiimeynta hela qaababka ay u noolyihiin hadaba waxaa jira dalal fara badan oo wax soo saar badan leh islamarkaana shirkado waaweyn oo caan ah caalamka ku leh balse GDP ahaan wax qiimeyn kumasoo saaraan , hadaba Liiska 10-ka dal ee ugu qanisan caalamka ayaa dhawaan lasoo saaray waxaana u horeysa dalka Luxembourg oo la sheegay in shacabkiisu ay yihiin dadka ugu farxada badan dunida taas oo la macna ah in ay heli karaan dhaqaale ku filan markii laga jarto canshuurta iyo wixii halmaala.




 




Luxembourg oo caasimadiisu tahay Luxembourg ayaa kamid dalalka ku yaalla qaarada Yurub .




 




LIISKA 10-KA DAL EE UGU QANISAN CAALAMKA




 




Qiimeynta           Dalka     Caasimada          Lacagta laga isticmaalo   US $




 1.            Luxembourg      Luxembourg      Euro       115,809




 2.            Qatar     Doha     Riyal       98,144




 3.            Norway                Oslo       Norwegian krone             97,607




 4.           Switzerland         Swiss franc          Swiss franc (CHF)             83,073




 5.            Australia              Canberra            Australian dollar (AUD)  66,371




 6.            United Arab Emirates     Abu Dhabi           UAE dirham (AED)           63,626




 7.            Denmark             Copenhagen      Danish krone     59,709




 8.            Sweden               Stockholm           Swedish krona (SEK)       57,638




 9.            Canada                 Ottawa                 Canadian dollar                 50,496




 10.          Netherlands       Amsterdam        Euro       50,216




 

10-ka Caasimadood ee ugu dadka badan caalamka iyadoo uu dalka Japan uu kow ka noqday


(GNA) Qiimeynta tobanka Caasimadood ee ugu dadka badan caalamka ayaan ku jirin dalal dhowr ah iyo qaarada Yurub oo gabi ahaan la ogaaday in magaalooyinkooda laga dad badanyahay .




Inkastoo Caasimada Moscow ee dalka Russia ay ku nool yihiin in kabada 16 Million hadana waa ay ka maqantahay liiska hoos ku xusan sidoo kale London ee cariga Ingiriiska ayaa waxa ku nool inkabadan 13 Million.




Sidoo kale waxaan liiskan lagu xusin dalalka Africa oo aan haysanin Caasimad ay tiro shacbiyad badan ku nool yihiin




LIISKA 10-KA CAASIMADOOD EE UGU DADKA BADAN CAAALAMKA




Qiimeynta           Caasimada          Shacabka




1.            Tokyo (Japan)    34,600,000




2.            Guangzhou (China)         26,300,000




3.            March Jakarta (Indonesia)           25.8 million




4.            Shanghai (China)              25.8 million




5.            Seoul (Korea)    25.6 million




6.            City of Mexico   23,500,000




7.            Delhi (India)       23,500,000




8.            Karachi (Pakistan)            22.1 million




9.            Manila (Philippines)        21,800,000




10.          New York (United States)            21,500,000

10-ka Dal ee aduunka ugu musuqmaasuqa badan:


(GNA) Dalalka aduun weynaha aya u aqoonsadeen kadib baadhitaano  la sameeyay in ay ugu musuqmaasuq badan yihiin ayaa waxaa hogaamiye u ah qaarada Africa iyadoo ay ugu horeeyso  dalka Somaliya oo lagusoo saaray kaalinta koowaad taas oo la macno ah in Somaliya ay haatan wali cagaheeda isku taagin dhibaatada Musuqmaasuqa iyo wixii la xidhiidha ay keeneen burburkii dalka soo gaadhay.




Waxaa xusid mudan oo qoraalka lagu cabiray xaqiiqana loo arkay in gabi ahaan dalalka uu ka jiro Musuqmaasuqa heer kuu rabo ha gaarsiisnaade ay dadkoodu ka dhexlaan cadaalad la,aan, xukun kali talis ah, sinaan la,aan dhibaatooyinka Bulashada nooc waliba,Jahli iyo Faqri oo isku bahaysta ay dhibaateeyaan dadyoowga iyagu ku nool dalalka uu ka jiro Musuqmaasuqa.




 




F.G Corruption-ka ama Musuqmaasuqa ma aha in Booliis ama shacab ay laalushyo qaatan ee hay’adda la dirirka Musuqmaasuqa ayaa ku sheegtay in Musuqmaasuqa la qiimeeyo uu yahay kan hogaamiye ama Madaxeyne Ra’isak Wasaare dalka iyo xubnaha ugu sarsareeysa ay lunsadaan miisaniyadda shacabka




 




LIISKA 10-KA DAL EE ADUUNKA UGU MUSUQMAASUQA BADAN




Qiimeeynta        Country




1.            Somalia




2.            North Korea




3.            Myanmar




4.            Afghanistan




5.            Uzbekistan




6.            Turkmenistan




7.            Sudan




8.            Iraq




9.            Haiti




10.          Venezuel








 

Wasiir Xuseen C. Ducaale: Waan soo Dhaweynayaa Waaxda Biyaha ee Wasaaraddayda laga laga saaray"







Hargaysa (GNA):- Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta ee Somaliland Md. Xuseen Cabdi Ducaale ayaa sheegay inuu soo dhawaynayo kala saaristii uu Madaxweyne Siilaanyo ku sameeyay wasaaraddaasi ee Wasiirka loo magacaabay waaxdii biyaha, waxaanu tilmaamay in uu ku qanacsan yahay arrintaasi.




Xuseen Cabdi Ducaale Wasiirka macdanta iyo tamarta oo maanta warbaahinta Dawlada  u waramay waxa uu sheegay inuu soo dhawaynayo wasaarada cusub ee biyaha ee uu madaxweynuhu magacaabay, waxaana uu hoosta ka xariiqay inay tahay hawl fududayn uu u sameeyay madaxweynuhu isla markaana uu kala qaaday hawlo culus oo qaranku lahaa.




Wasiir Ducaale waxa kale oo uu xusay in madaxweynuhu isaga oo ka duulaya fududaynta iyo taabo gelinta dhismaha hay’adaha qaranka uu gartay inuu kala saaro wasaaradda macdanta tamarta iyo biyaha.




Xuseen Cabdi Ducaale, ayaa ahaa Wasiirka Macdanta iyo Biyaha, waxaana laga hoos-saaray Waaxda Biyaha ee Wasaaraddaasi  oo laga dhigay Wasaarad cusub oo wasiir loo magacaabay.




Gobanimonews




Hargeysa Office


10-ka dal ee aduunka ay dadkiisu ugu isticmaalka badanyihiin Mobeylada ama Telfoonada gacanta


(GNA) Marka loo eego qiimeynta rough estimation ans statistics 60% dadyowga ku nool dunida waxa ay isticmaalaan Mobile Phone’s ka /Telfoonada gacanta ,isticmaalka Mobeylada ayaa ah adeega isku xidhka bulshada maanta jirta waxaana warbixintan lagu ogaaday dalalka dadkiisu ay wada isticmaalaan Mobeylada marka laga reebo tiro yar.




Shirkadaha iyagu soo saaro Telfoonada gacanta ayaa waxa ay ku qabaan faa’idooyin fara badan taas oo u sahleysa in shirkad waliba ay si casriyeeysan kusoo saarto naqshad cusub oo ay ku qancineeyso bulshada Isticmaasha Telfoonada gacanta,




Liiska dhawaan lagu qiimeeyay dalalka ay dadkiiisu ugu isticmaalka badan yihiin Mobile Phones ka ayaa waxa ugu horeeya dalka China.




F:G liiska dadka ugu badan ee isticmaala Mobeylada waxa soo saaray dhamaan shirkadaha adeega soo saarista Mobeylada oo ay ugu horeyso Nokia, LG, Samsung Blackberry ,Erickson,iyo IWM




LIISKA 10-KA DAL EE DADKIISU UGU ISTICMAALKA BADANYIHIIN MOBEYLADA




Qiimeynta           Country                tiro ahaan inta Mobile laga isticmaalo




1.             Chine    1,046,510,000




2.             India     908,358,714




3.             United States   327,577,529




4.             Brazil    261,780,000




5.             Russia 256,117,000




6.             Indonesia           236,800,000




7.             Pakistan              122,060,799




8.             Japan   121,246,700




9.             Germany            107,000,000




10.           Nigeria                 101,271,578

10-Ka Dal Ee Aduunka Ugu Qanisan Iyo Dhaqaalaha Halkii Sanadood ay Soo Saaraan”


(GNA)Wadamada ugu qanisan caalamka ayaa waxa lagu qiimeeya dhaqaalaha ay helaan 10kii sanadood iyo kuwa ay bixiyaan sidoo kale wax soosaarkooda iyo nolosha shacabka ku nool dalka qiimeynta hela qaababka ay u noolyihiin hadaba waxaa jira dalal fara badan oo wax soo saar badan leh islamarkaana shirkado waaweyn oo caan ah caalamka ku leh balse GDP ahaan wax qiimeyn kumasoo saaraan , hadaba Liiska 10-ka dal ee ugu qanisan caalamka ayaa dhawaan lasoo saaray waxaana u horeysa dalka Luxembourg oo la sheegay in shacabkiisu ay yihiin dadka ugu farxada badan dunida taas oo la macna ah in ay heli karaan dhaqaale ku filan markii laga jarto canshuurta iyo wixii halmaala.




 




Luxembourg oo caasimadiisu tahay Luxembourg ayaa kamid dalalka ku yaalla qaarada Yurub .




 




LIISKA 10-KA DAL EE UGU QANISAN CAALAMKA




 




Qiimeynta           Dalka     Caasimada          Lacagta laga isticmaalo   US $




 1.            Luxembourg      Luxembourg      Euro       115,809




 2.            Qatar     Doha     Riyal       98,144




 3.            Norway                Oslo       Norwegian krone             97,607




 4.           Switzerland         Swiss franc          Swiss franc (CHF)             83,073




 5.            Australia              Canberra            Australian dollar (AUD)  66,371




 6.            United Arab Emirates     Abu Dhabi           UAE dirham (AED)           63,626




 7.            Denmark             Copenhagen      Danish krone     59,709




 8.            Sweden               Stockholm           Swedish krona (SEK)       57,638




 9.            Canada                 Ottawa                 Canadian dollar                 50,496




 10.          Netherlands       Amsterdam        Euro       50,216




 




Qiimeyta 10-ka dal ee dunida ugu qanisan waxaa soo diyaarisay International Monetary Fund