Wednesday, August 28, 2013

Hargeysa: Dhismaha Wadada Hargeysa iyo Salaxley oo Boqol Foosto oo DAAMUR ah loogu Deeqay


Hargeysa(GNA)-Shirkadda Omar International ayaa boqol foosto oo Daamur ah ku wareejisay Guddida dhisaysa Jidka iska xidha Hargeysa iyo Salaxley, taasoo laga dhisayo Laami, isla markaana qayb badan la dhisay.




Munaasibadda wareejinta Deeqdan oo ka dhacday magaalada Hargeysa, ayaa guddida dhismahaasi wadda kala wareegeen sarkaal ka tirsan shiradda Omar, kaasoo si rasmiya ugu wareejiyay guddoomiye ku-xigeenka Guddida wadada cad Cabdirisaaq Askar.




Sarkaal Shirkaddu u wakiilatay wareejinta Daamurkan oo xafladaasi ka hadlay ayaa sheegay “shirkadda Omar waxay ku wareejisay Guddida dhisaysa Wadada isku xidha Hargeysa iyo Salaxley Boqol Foosto oo Daamur ah, annagoo ku hambalyeynayna Guddida isxilqaantay ee Mashruucan wadda, kuna boorinayna inay halkaasi ka soo wadaan”.ayuu yidhi Maxamed Cali.




Dhanka kale Cabdiqaadir Askar ayaa ka mahad celiyay Taageeradan shirkadda Oomar ku darsatay dhismaha wadadan, waxaanu ku tilmaamay talaabo ku dayasho mudan oo loo baahanyahay in tijaarta kale ee dalkuna ka qayb-qaataan.




Jidka ay Daamurka ugu deeqday Shirkadda Oomar ayaa dhan 60KM oo ilaa 30km oo ka mid ah Laami laga dhigay, halka qaybta dhiman ay xukuuamdda Somaliland balanqaaday inay kaalin mug leh ka qaadan doonto.




Waxaanay ka mid tahay tiro mashaariic waddooyinka ah oo si iskaa wax u qabso ay Bulsahda Reer Somaliland ku bilaabeen oo waddanka ka socda, kuwaasoo u badan waddooyin Caasimada ku xidhaya Goboladda kale, sida waddada dawga cad iyo ta Hargeysa iyo Bali-gubadle oo meel wanaagsan maraya.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com