Monday, August 26, 2013

SLN:Mashruuca Biyo Xidheenka Itoobiya ee GERD waxaanu ku taageernay Dhaqaale ka badan Hal Milyan oo Dollar”


Adis Ababa (GNA)-Dadka Somaliland waxay jecel yihiin in ay taageeraan dhismaha Mashruuc GERD ee biyo xidheenka dalka Ethiopia, waxaana ay fahamsan yihiin in mashruucani kordhinayo doorkooda dhaqaale ee gobolkan”sidaasi waxa laga soo xigtay Wasiirka Wasaaradda madaxtooyada Jamhuuriyada  Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan oo u Waramay Wakaaladda Wararka ee Itoobiya.




Xirsi Cali Xaaji Xasan oo la hadlay wakaalada wararka Ethiopia ee loo soo gaabiyo WIC, intaasi ku daray in ay dadka reer Somaliland mashruuca GERD ku taageereen in ka badan hal million oo dollar.




Wasiir Xirsi ayaa sheegay in mashruucan GERD uu qayb weyn ka ciyaari doono horumarinta iyo xoojinta dhaqaale iyo bulsho ee dadka gobolkan oo dhan.




Waxa kale oo Xirsi intaa ku daray in dawladda Somaliland ay dhiiri gelinayso mashruucan, waxaana ay qabatay shirar iyo doodo lagaga hadlayo faa’iidada uu mashruucan ballaadhani horumar ahaan iyo dhaqaale ahaan u leeyahay gobolka.
Wasiirka madaxtooyadu waxay kale oo uu sheegay in ay isticmaali doonaan dabka mashruucaas biyo xidheenka laga sugayo, dal ahaanna waxay doonayaan in ay arrintaa wada xaajood kala galaan dawladda Ethiopia.




“ Dad Somaliland way sii wadayaan ka qayb qaadashadda mashruucaa, illaa inta ay dawladda Ethiopia soo afjarayso dhismaha biyo xidheenkan dabka laga dhalinayo”, ayuu sheegay Xirsi Cali.




Xubno ka  mid ah Ganacsatada waaweyn ee Reer Somaliland ayaa Lacag adag ku darsaday Mashruuca Biyo-xidheenkan oo rejo laga qabo inay ka faa’idaysan doonaan dadyayowga Reer Somliland iyo kuwa Itoobiya.




Dawlada lafteeda ayaan ka madhayn ka qayb-qaadashada hir-gelinta Mashruucan, waxaana jiray kulamo lagu qabtay Magaalada Hargeysa oo lagu Taageeray mashruucaasi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com