Saturday, August 24, 2013

SL: Xasan Daahir Aweys oo Fursad loo siiyay inuu Taageerayaashiisa kala tashado 3 Sharuuddood oo Dawladdu ku xidhay in la sii daayo iyo Mustaqbalkiisa


Muqdisho(GNA)-Sheekh Xasan Dahir Aweys oo ku jira gacanta dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii la soo dhaafay wada tashiyo la yeelanayay dhinacyo kala duwan oo isugu jiray, xubno ka soo jeeday Beeshiisa, Culumaa'udiin, Saraakiil iyo taageerayaashiisa.





Wada tashiyadan oo ahaa kuwo uu si madaxbanaan ugu qaabilayay la sheegay inay salka ku hayaan go’aan ka gaadhista shuruuddo dawladu ku xidhayb siideyntiisa oo uu qaarkood liqi waayay, ka dibna uu kala tashanayo dadka uu talo-wadaagta la leeyayay.
sida ay ku warantay Mareegta Jowhar.com Warar lagu kalsoonyahay ayaa  sheegaya in wada tashiyadan ay qeyb ka ahaayeen culumaa'udiin caan ah oo ugu tagayay Xarunta Nabadsugida.




Geesta kale,  Ilo wareedyo kale ayaa sheegay in loo sameeyay jadwal  dadka uu la kulmayo iyo ilaa afar xubnood oo Sheekha ka caawinayo wixii uu doono, kuwaasoo isugu jira dad qoyskiisa ah iyo xubno ka tirsan Nabadsugida oo ahaa isku xirayaal ah.




Sheikh Xasan Daahir waxa laga sugayaa go’aan ka gaadhista Shuruudaha horyaala ee ay dawladu ku xidhay oo  kala ah inuu cadeeyo mowqifkiisa Shabaab, inuu aqoonsan yahay  Qaranimada Soomaaliya iyo inuu Siyaasada ka fadhiisto.




Qodobkaasoo uu liqi waayay,ahna  waxyaabaha keenay inuu  gadaal u durko, isla markaana kala  tashado xubaha beeshiisa ee ololaha ugu jira sii deyntiisa, taageerayaasha, Culumaa'udiin iyo Saraakiil.




ka jawaabista qodobadan oo uu mudada Todobaad ah  uu qabsaday Sheekh Xasan Dahir, waxa uga dhiman  labo maalmood, waxaana lagu wadaa in todobaadka soo socda ay dib u bilowdaan wada hadalada saddex geesoodka ee u dhaxeeya Xasan Dahir oo dhinac ah, dowladda iyo Gudi beeshiisa oo isugu jira odayaal, siyaasiyiin iyo saraakiil, kuwaasoo kor joogto ka ah kulanka, balse aanay wax go'aan ku laheyn qodobada.




Sheekh Xasan Dahir ayaa bartamihii bishii June Doon kaga soo baxsaday degmada Baraawe oo in muddo ah saldhig u aheyd, kadib markii iska weerar lagu qaaday isaga iyo saraakiil isbaheysi la ahaa, kuwaasoo iska hor imaad dhacay ku dhintay.




Dadka odorasa siyaasada ayaa isha ku haya Mustaqbalka Wadaadkan oo hadba go'aanka uu qaato ay ku xiran tahay mustaqbalkiisa, waxaana hadii uu aqbalo qodobada qaar laga yaabaa in dalal uu ku jiro Qadar si musaafuris ah lagu geeyo.




Sidaasoo ay tahay waxa go’aaminta waxa laga yeelayo aan ka madhnaan doonin dawlado shisheeye iyo Ururada caalami ah , sida qaramada Midoobay oo uu ugu jiro Liiska dadka loo aqoonsaday argagixisada, kuwaasoo ay dawlada somalidu kala tashan doonto natiijada uga soo baxda go’aanka laga sugayo xagiisa.




Waxa kale oo jira qabaa’il ka mid ah bulshada somalida oo doonaya in Maxkamad la soo taago, kuwaasoo ku andacoonaya inuu ka qayb-qaatay dhibaatooyinkii loogu geystay gudaha dalka.




Si kastaba ha ahaatee Go’aanka ay dawlada Xasan Sheikh Maxamuud ka qaadato Wadaadkan, marka jawaab ka hesho isaga ayaa noqoya kii ugu adkaa ee ay qaadato,waxaanu fariin u noqonayaa Dagaalyahanada Ururka Al-shabaab oo qaar badan oo ka mid ah oo dawlada isu soo dhiibi lahaa ay ka cabsanayaan inay ciqaab la kulmaan.




kuwaas iyo qaar kale oo aanay hada taasi laabtooda ku jirin, ayaa laga yaabaa inay ku soo dhiiradaan isu soo dhiibista dawlada hadii Xasan daahir Aweys Mustaqbal loo sameeyo, taasoo wadada u furaysa so oaf-jarida fikirka Xoogaga al-shabaab.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com