Monday, August 26, 2013

Syria:Eedeynta Isticmaalka Kimikadda oo sababtay Hanjabaaddo USA, UK iyo Iiran Hawada isu mariyeen Saacado gudahood iyo Q.M oo dood kale furtay


Dimishiq(GNA)-Dawlada Suuriya ayaa Ogolaatay in baadhis lagu sameeyo Eedeymo maalmahanba uga Imanayay Qaramada Midoobay iyo qaar ka mid ah waddamada Reer Galbeedka oo ku eedeeyay in weerar loo isticmaalay Kimiko sun ah ay ka fulisay Gobol ku yaala waqooyiga waddankaasi oo ay ku dhinteed dad badan oo Rayid ah.




Go’aanka ay ku ogolaatay baadhistan, ayaa ka dambeeyay Hanjabaado ay hawada isu mariyeen Xulafada la kala safan Dawlada Bashaar al Asad iyo Kooxaha Mucaaridka ah, kuwaasoo kala ah Maraykanka iyo  Ingiriiska oo la jira Mucaaridka, Ciidamada dawladana ku eedeynayo isyicmaalka suntaasi iyo Iiran iyo Ruushka oo dawlada la socda.




War laga soo xigtay Aqalka raysal-wasaaraha Ingiriiska David Cameron, ayaa lagu sheegay in isaga iyo Madaxweyne Obama Xidhiidh dhanka Telefoonka ah oo ay saaka yeesheen, ay ku go’aamiyeen inay faro-gelin ku samayn doonaan hadii ay cadaadto inay Xukuumadda Dimishiq Isticmaashay Sunta halista ah.




Ha yeeshee markii uu soo baxay warkani markii uu soo baxay Suuriya wax jawaab ah kama ay bixin, inkasta oo ay hore u beenisay, balse Sarkaal sare oo u hadlay dawlada Iiraan, ayaa Wakaaladda wararka ee AFP u sheegay inay Washington iyo London Cawaaqib xun kala kulmi doonaan hadii ay hawl-gal miletari ku soo faro-geliyaan arrimaha suuriya.




Geesta kale, war laga soo xigtay Xukuumadda Tahran, ayaa sheegaya in Wasiirka Arrimaha Dibada ee Iran xidhiidh dhanka telefoonka ah oo uu la sameeyay dhigiisa Syria, wax kaga waydiiyay jiritaanka Eedeymaha loo jeedinayo, waxaana la sheegay in Wasiirka arrimaha dibada ee Syria arintaasi beeniyay , kuna tilmaamay Xeelad cusub oo ay kuwa ka soo horjeeda dalkiisu u isticmaalayaan inay bur-buriyaan suuriya.




Ruushka ayaa isaguna hore uga digay talaabo kasta oo  Wadamada reer Galbeedku faro-gelin Milateri iyo mid siyaasadeed oo gudaha ah ka sameeyaan Sryia, waxaanu ku hanjabay inay dawladiisu taasi jawaab aan la mahadin ka bixin doonto.




Ma cadda halka ay cago dhigan doonaan fariimahan is duraya ee ka imanaya dawladaha arimaha suriya ku dhex jira, hase ahaatee Go’aanka ay hada Xukuumadda Bashaar Al Asad ku ogolaatay dalabka Q.M iyo reer Galbeedka ayaa lagu tilmaamay mid lala daahay oo aan lagu Kalsoonaan Karin, taasoo ah arin dood kale abuuraysa.




Hay’ada Dhakhaatiirta aan xuduuda lahayn ee MSF ayaa war ay maanta soo saartay ku sheegtay in Kooxo dhakhaatiir ah oo ka socda Laamaheeda Bariga dhexe oo gaadhay goobta la sheegayo in Kimikada suntan ah lagu isticmaalay, ay la kulmeen Kiisas muujinaya in dad badan oo halkaasi ku dhintay ay dishay Suntaasi, iyadoo dalbatay in si dhakhso ah Khubarro madaxbanaan oo Caalamiya halkaasi loo diro.




MSF ayaad moodaa inay si cad ugu badheedhay inay markhaati ka bixiso arinta muranku ka taaganyahay ee ka dhacday waddanka Qalalaasuhu raadiyay ee Suuriya, wallow aanay dhinacyada isku eedeynaya inay suntan isticmaaleen midkoodna farta ku fiiqi.




Gobanimonews




London Office