Wednesday, August 28, 2013

SLN: Beelaha Habar-magaadle(Isaaq) oo dhawaan Suldaan cusub loogu Caleemo Saarayo Deegaanka Kala-baydh


Gabiley(GNA)-Qabanqaabada Munaasibad lagu Caleemo saarayo Suldaan Guud oo ay yeelanaayan Beelaha Baha-bar magaado (H/awal, Arab, Gar-xajis iyo Ayuub), ayaa si weyn looga dareemayaa Magaalada Gabiley iyo Deegaamada ku hareeraysan ee Gobolka Gabiley, iyadoo dhawaan Suldaankaasi la sheegay in lagu caleemo saarayo Deegaanka Kala-baydh ee Gobolkaasi.




Suldaan Mukhtaar Jibriil Muuse Warsame oo ah Hogaan Dhaqameedka lo caleemo Saarayo, Suldaanka Guud ee Beelaha Isaaq ee laysku yidhaahdo Ba-habar-magaadle oo aan hore u lahayn, ayaa noqonaya   Suldaan Guud oo kulmiya arimaha Dhaqanka ee beelahaasi .




Sida laga soo xigtay Guddoomiyaha Guddida qaban-qaabada Xaflada Caano ku shubka Suldaanka Maxamed Cabdilaahi Jaamac (Bookh) , todobaadyada soo socda ayaa la fllayaa inay Magaalada kala-baydh oo ah Tuulo qadiimiya ka dhacdo munaasibada caleemo saarku, waxaana ka qayb-geli doona marti sharaf tiro badan oo ka kala imanaya dhamaan Goboladda Somaliland, gaar ahaana Deegaamada ay beelahaasi gaarka u degaan oo qaarkood ka baxsanyihiin Xuduudka Somaliland.




Warku wuxuu intaasi ku darayaa in Caleemo saarka Suldaanka cusub ay ka qayb-geli doonaan xubno tiro badan oo ka mid ah siyaasiyiinta  iyo Madaxdhaqameedka Somaliland kuwooda ugu miisaanka culus.




Suldaankan la caleemo Saarayo ayaa ah Nin Dhalinyaro ah oo aqoon iyo Karti loogu xushay Mansabka dhaqan ee loo Caleemo saarayo, waxaanu mudo dheer ka dhex muuqday hawlaha horumarinta Bulshada iyo nabadeynta Deegaamada Somaliland.




Dadka ka shaqeeya arimaha Dhaqanka oo door muhiim ah ka qaata nabadeynta iyo horumarinta bulshada, ayaa ah waxyaaba ay dadka somalidu kaga duwantahay dadyowga kale ee Caalamka, waxaanay inta badan madaxdhaqameedku kaalin wax ku ool ah ka qaataan xalinta Khilaafka Bulshooyinka iyo kobcinta Wada-noolaanshiyaha Qabaa’ilka kala duwan.




 Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com