Monday, March 31, 2014

Bahda Gobanimonews oo Hambalyo u diraya Qoys cusub


Nimco iyo xasanDhamaan Bahda Gobanimo News Agency meel kasta oo ay joogaan waxay Hambalyo u dirayaan Wariye Xasan Xuseen Cabdilaahi (Keef-keef) iyo Nimco Xaaji Cali Yuusuf oo Maanta Meherkoodu ka dhacay Hudheelka Sumer Time ee Magaalada Hargeysa.




isku Waara Aqal galkiinnana ku gaadha bash bash iyo Barwaaqo ayaanu idin leenahay dhamaantayo,noqdana kuwii Ubad kheyr qaba iyo awlaad kala hela.




Alif Mabruuk..........Alif Mabruuk




Aamin ,,,,,,,,,,, Aamin,,,,,,,,,, Aamin.

Maxkamadda Ciidamada Soomaaliya oo Dil ku xukuntay Nin Al-shabaab ah


Muqdisho(GNA)-Maxkamada ciidamada qalabka sida ee dowlada Somalia ayaa xukun dil ah ku riday maanta nin lagu eedeeyey inuu ka tirsanaa kooxda Al-shabaab oo horey u dilay sarkaal ka mid ahaan jiray ciidamada dowlada.




Liibaan Cali Yarow oo ah gudoomiyaha maxkamada ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in gacan ku dhiiglaha lagu xukumay dil ka dib markii uu ku cadaadau dembiga lagu soo eedeeyey, maxkamadduna heshay qiraalka eedeysanaha iyo Markhaatiyo ku filan.




“Maanta oo taariikhdu tahay31/3/2014 Maxkamada ciidamada qalabka sida waxay u fariisatay dacwad ciqaabeedka gacan ku dhiigle Maxamed Isaaq Cabdi Cumar oo 21-jir, kaasoo lagu soo eedeeyay inuu dilay Marxuum la oran jiray Ex-G/dhexe Xuseen Cumar Hilowle Mooja Mooja, labo xabad bastoolad ayuu ku dhuftay taariikhda marke aheyd 27/10/2013 cadeyn iyo markhaati buuxa ka dib waxay maxkamadu ku xukuntay gacan ku dhiiglaha dil toogasho ah"ayuu yiri Liibaan Cali Yarow.




Eeddeysanaha la xukumay ayaa haysta 30 Maalmood oo Rafcaan kaga qaadan karo xukunka lagu riday, sida uu sheegay Gudoomiyaha Maxkamaddu.




Maxaabiis badan oo dil sugeyaal ah ayaa ku jira Xabsiyada Magaalada Muqdisho.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com

Somalia: Military Court sentenced death penalty to an al Shabab One


Somalia Military Court today sentenced death penalty to an al Shabab member who was caught on October last year for murdering military officer in Mogadishu.




Liban Ali Yarow, the Chief Military Tribunal has said the verdict came after having seen the witnesses and the plea of the defendant who was arrested after assassinating government military officer in Mogadishu.




Death penalty is common in Somalia and the country's penal code legalizes to use death penalty for the charges relating to murdering.




It is not the first team to be executed in al-Shabab, but others sentenced yet to implement.




Gobanimonews




Mugdisho Office




 




 

North and South Korea's has starvation Fired Artillery


North Korea has fired artillery shells into South Korean waters, apparently in reaction to military exercises being conducted between the U.S. and South Korea.




Seoul responded immediately on Monday by shelling North Korean waters.  Officials say no shells hit any land areas on either side along the western sea boundary and no one was injured.  South Korean officials said some residents of border islands were evacuated to shelters as a precaution.




A White House official described the actions as "dangerous and provocative'', adding that the country's threats and provocations only isolate it further.




"We remain steadfast in our commitment [to] the defense of our allies and remain in close coordination with both the Republic of Korea and Japan,'' White House National Security Council spokesman Jonathan Lalley said Monday.




US-South Korea exercises




U.S. General Paul Kennedy says the joint exercises taking place about 360 kilometers north of Seoul have no political objectives.




"This exercise is not designed to act with any political situation.  It's not designed to send a message.  This is something that we have to do to interoperate with our allies," said Kennedy.




 The North in recent weeks has increased threatening rhetoric and conducted a series of rocket and ballistic missile launches into waters off the east coast of the Korean peninsula.




 Pyongyang threatened on Sunday to conduct what it called "a new form of nuclear test" after the U.N. Security Council condemned the North's recent ballistic missile launches.




Nuclear capabilities Malcolm Cook, an analyst at the Singapore-based Institute for South Asian Studies, tells VOA this could mean the North has developed the ability to build a nuclear warhead.




"Certainly, if they were able to show the capability of weaponizing, in that sense, their new nuclear capability, that would be a significant change to the inter-regional security picture in a significant way.  The other thing they may do, are more underground tests or more than one test at other times.  I think the range of what they call new nuclear measures is quite broad, but if they were able to show that they've been able to miniaturize a nuclear warhead to put on any of their short, medium or long range missiles, then that would be a significant change," said Cook.




Cook added that Monday's artillery exchange is not as serious as the deadly sinking of a South Korean warship in March 2010, and North Korea's shelling of Yeonpyeong Island in November of that same year that killed four people.




A statement Sunday from the North's Foreign Ministry said it was intolerable that the Security Council would "turn a blind eye" to U.S. nuclear war exercises while denouncing the North Korean army's self-defensive rocket launch exercises.




After North Korea fired two medium-range ballistic missiles into the sea off the east coast of the Korean peninsula Wednesday, the Security Council condemned the launches the next day, saying they violated U.N. resolutions.




Pyongyang routinely calls military drills involving South Korea and the U.S. a rehearsal for invasion.




 

Dhiig baxa Qaadku inagu hayo!!!


Sida aynu ka wada dharagsanahay ama aynu wada ogsoonahay geedka loo yaqaano jaadku waxaa uu inagu hayaa fara baas isaga oo inaga galay dhinacyo muhiim u ah bulshadeena isla markaana inaga khasaarshay dhinacyo badan oo lama taabtaan inoogu qornaa sidaa awgeed ayaa waxaa mudan inaan wax ka taataabano dhinacyadaa aan soo sheegay waana kuwan:




1: Dhinaca kowaad ee uu qaadku inaga weeraray waxaa ka mid ah dhinaca dhaqaalaha oo uu si wayn inooga weeraray meel aad u kharibana inala maraayo waayo markaad eegto dhaqaalaha ama lacagta adag ee maalin iyo habeenba qulqulaysa wadada inaga iyo itoobiya ina xidhiidhisa kuna socota wadanka itoobiya yaab iyo amakaag ayaad u dhimanaysa waxaad is dhahaysa malaha umadani way sameeyaan lacagta intan leeg ee sida bilaa xisaabta ah iskaga socota wax inagaga so noqonayaana majiraan waayo waaban kaga gami lahayn haday itoobiya wax inaga qaadanayso oo tusaale ahaan haday kaluunka ama milixda inaga qaadato balse wax inagaga soo noqdaa ma jiraan cida dhiigbaxa dhaqaale  ku socdaa habeen iyo maalinba waa inaga nasiib daro mana ogin xasuuqa dhaqaale ee uu qaadku inagu hayo.




hadaan arintani fahamkeeda soo yara dhawayno waxaad arkaysaa nin ama wiil soo xamaashay oo laga yaabo inuu kuuli ka soo sheqeeyey isla markaana ay xaas iyo caruuri sugayaan waxaa uu soo qaatay sodonkun oo shilin soomaaliland ah isagoon dhinacaa iyo dhinacaa midna eegin ayuu jaad raadsanayaa waxaanu halkaasi ku cunayaa jaad lacag dhan labaatan kun waxaa u soo hadhay waa toban kun oo waliba laga jaray kharash halkaa markaad eegto waxaad arkaysa xaaskii oo aan waxba u soo hadhin wiilkan oo tacab khasaaray iyo lacagtiisii oo aanu garan karahayn meeshay martay iyo halkay ku danbaysay halkaasana waxaa laga yaabaa inuu khilaaf ka dhasho u dhexeeya qoyska iyana waa midh habaar ah.




2: Dhinaca caafimaadka ayaa iyana waxaa uu si wayn wax u yeelaa ama dhibaateeyaa caafimaadka qof ka cuna taasina wax cadayn ah inoogama baahna waayo waxaad suuqyada magaalada ku aragtaan dad fara badan oo waalwaalan kuwaasi oo maalinba maalinta ka danbaysa soo badanaaya markaad si wayn ugu kuur gashana waxaad ogaanaysaa in jaadku sababo waalida xad dhaafka ah ee inagu soo badanaysa waxaa kale iyana uu sahlaa cuduro fara badan oo wakhtigan xaadirka ah soo badanaysa oo ay kamid yihiin   faalijka iyo dhiigkar ka  macaanka wadana xanuunka iyo kuwa kale oo fara badan dhamaan xanuunaani waxaa aabo iyo hooyo u ah oo sababa dhamaan cuduradan.




 




3:  Dhinaca waxaa uu inaga weeraray   xaga akhlaaqda waayo waxaa uu kow ka yahay dhaqan xumada iyo nidaam darada sidaa awgeed ayaa waxaa arkaysaa bulshadeenii oo shax guurtay dhinaca dhaqakana ka dhimatay markaad is barbardhigto sidii aynu waayadii hore ahaan jirnay iyo sida aynu hada nahay waa laba arimood oo kala fog dhinac aynu u soconana lama garanaayo lamana fahmaayo cid aan nahay waayo dhaqankeenii soomaaliyeed waan ka tagnay kuwii ree galbeedna waan gaadhi waynay dabeeto waxaan soo baxnay wax nooc kale ah oo qaaqaawan kana madhan diin iyo dhaqan intaba.




 




Sidaa awgeed waxaan leenahay intaan dhawnahay aan ka tashano jaadka oo iska dhaafno cunistiisa iyo ka ganacsigiisa intaba waayo waxaa uu inagu hayaa dhiig bax qarsoon oo dad badani u dhinteen kuwa kalena dhabada u hayaan inay u haligmaan.




W/Q: JAMAAL CABDILAAHI MUXUMED ( ABU CIZA)  

Somalia: Government Budget Increased 2013”Statement


Xuseen-Cabdi-XalaneSomalia,Mugdisho,31 March,2014(GNA)-His Excellency Minister of Finance, Hussein Abdi Halane, presented Somalia’s Budget for 2014-2015 to Parliament, setting out how the government will take further action to secure Somalia’s future - re-building the economy and social services.




The Budget total sees a 91% increase from the 2013 Budget of $114.3 million to a total of $218 million for 2014-2015.




The government is taking decisions that will enable and support Somali people to educate their children and care for their families through increased spending on education and health. The Budget begins the job of rebuilding our economy – laying the foundations for sustainable long-term economic growth and job creation throughout Somalia.




Only 11 months ago the government used to raise a mere $2.2 million in tax income per month, the total raised through local taxes is projected to increase to $130m in this year’s Budget.




 The remaining $88m comes through donor projects on health, education, infrastructure and economic development.




This Budget also sets out a comprehensive fiscal system, ensuring everyone contribute fairly to society and a critical step towards eventual economic independence.




The Prime Minister, said: “The Budget for 2014 sees a significant increase in the total budget. All of Somalia will benefit from increased government spending on security, justice, education and health.




 “The Government of Somalia is committed to the continuing reform of our financial institutions and tax systems to increase the income of the state. It is crucial that the government can raise its own revenue to be able to continue to improve security and roll out improved social services across Somalia. Up until now the state’s revenue has relied almost solely on customs collection from Mogadishu airport and port, we must broaden and in many cases introduce new taxes on sectors of our economy. The Ministry of Finance has proposed a number of reforms to our tax system to ensure businesses contribute their fair share to society and the rebuilding of our country.




 “The target for the next year is to raise enough revenue to vastly improve the capacity of the government to deliver for its own people and eventually become self-sufficient. The future prosperity of Somalia is directly linked to peace and stability and we must continue to work to create an environment which is attractive to investors and businesses which will benefit all Somali people.” 

Khilaaf mar kale laga soo wariyay Wasaaradda Warfaafinta.


Maareeyaha tv.ga qaranka Somaliland khaddar cali gaas ayaa sida ilo og ogaal ahi sheegayaan wuxuu dadaal ugu jiraa sidii mar sadexaad khilaaf uga dhex abuuri lahaa wasaaradda warfaafinta,isagoo si cadaalad daro ah u qortay dhalinyaro ay isku jifo yihiin kuwaasi oo uu shaqaale ka dhigtay.




arintan ayaa soo shaacbaxday kadib markii dhawaan ay booqasho kadis ah ay ku timid wasaaradda warfaafinta wasiirka wasaaradda waxbarashada marwo Samsam Cabdi Adan oo uu maareeyuhu had iyo jeer meel kasta ka sheego inay meesha ku hayso,waxayna dad badan oo arimaha maamulka ahi la yaabeen sheegashada maareeyaha tv.ga qaranka ee sheegaya in wasiirka waxbarashadu meesha ku hayso.




Khaddar Cali Gaas oo hore u ahaan jiray taksiile ka shaqeysta magaalada London ee dalka ingiriiska ayaa waxa uu shaqo yimid Somaliland markii la sheegay in uu shil ku galay dalka ingiriiska isla markaana laga qaaday liisankii wadida baabuurta,xukuumada siilaanyo ayaa waxa lagu eedeeyaa inay xilal sarsare u dhiibtay qurbajoog aan wax badan dalka kala socon isla markaana u badan kuwo marka horeba nolosha ka dhacay oo ninka laga qaaday liisankii wadida baabuurta oo hadana maanta maareeye ka ah tv.gii qaranka Somaliland waa arin layaab leh.




Mushkiladaha hada ugu waaweyn ee ka taagan tv.ga uu maareeyaha ka yahay ayaa ah in dhamaan shaqaalihii tv.gu  iyo maareeyaha laftigiisu aysan wax wada shaqayn ahi ka dhaxayn taasi oo keentay in hoos u dhac weyni ku yimaado wararkii iyo barnaamijyadii tv.ga qaranka,maareeyaha ayaa waxa uu noqday nin meesha u soo lacag doonta oo ku jira hanta urursi balaadhan,waxana la sheegay in maareeyaha tv.ga qaranku ku kacay urursiga lacago aad u fara badan kuwaasi oo jeebadiisa oo kaliya ku dhacda oo ilaa hada aysan jirin cid xisaabisa.




Hanta boob ka umada eexda,qabyaalada ayuu ku sifoobay maareeyaha tv.ga qaranku waana nin la degay sumcadii iyo karaamadii tv.ga qaranka,sidaasi daraadeed waxaa wanaasgan in xukuumada madaxweyne siilaanyo talaabo adag ka qaado maareeyahan la moodo inay madaxtooyada Somaliland ku daawanayso sumcada sii xumaanaysa ee tv.ga qaranka uu soo gaadhiiyey maareeyaha tv.ga qaranku.




By: Muna Maxamed Jaamac




Email:muna ladan11@gmail.com




Hargeysa/Somaliland

Burco: Xisbiga Waddani oo waxqabad gacan ka dhiib ah ku hantay reer Shansho cadde



Burco(GNA)-wafti ka tirsan xisbiga wadani ee gobolka Togdheer  oo uu horkacaayey musharaxa golaha baarlamaanka ee xisbigaasi ahna masuuliyiinta sar sare ee xisbiga wadani Yuusuf Barre Cusmaan Iyo Gudoomiyaha degmada Burco ee xisbiga wadani xasan Saleebaan Cadhood ayaa Maanta booqday deegaanka shanshacade oo ka mid ah Gobolka Togdheer, halkaasoo si diiran loogu soo dhaweeyay.





 








soo dhaweynta weftiga Waxa ka dhex muuqaday  odayaasha deegaanka oo aan u kala hadhin maanta iyagoo  lulaayey calanka xusbigaasi wadani




Soo dhawayntaa ka dib waxaa ay masuuliyiintani goob fagaare ah kala hadleen dadkii soo dhawaynaayey ayagoona ugu mahadnaqay soo dhawayntaa balaadhan ee ay u sameeyeen.




Musharaxa golaha baarlamanka, xubina ka ah  madaxda xisbigani ugu saraysa Yuusuf barre oo hadlay ayaa odayaasha iyo dhamaanba dadkii soo dhaweeyey uga mahadnaqay soo dhawayntaasi, waxaanu sidoo kale shaaciyay musharaxnimadiisa Baarlamanka.




 “maanta inbadan baan halkan isugu nimi anigo oo wada cid kale haday tahay gole degaan barlamaan ama madaxwayne maanta lakiin anaa is wada xisbigaan isku wadaana waa wadani”








Waxaa Kale Oo uu sheegay in uu Waxqabad la taaban karo ka gaysan doono deegankani isagoo hadalkiisa sii watta waxa uu yidhi “waxbadan baa halkan la yimi balan qaadyo siyaasadeed laydiin sameeyey rubtii anigu ma ba balan qaadayo lakiin waan bilaabayaa waanan wadayaa, ”




sidoo kale wuxuu qalab ciyaareed ku wareejiyay Dhalinyarada Deegaanka, isagoo sheegay “Halkan waad aragtaan qalabkii sportska oo ka kooban dirays iyo shabag gii biraha Ayaan idiinku wareejinayaa Waxaan kaloo halkan ka balan qaadayaa in aan degmadan keeni doono gaadhi umblace ah oo aan jeclaan lahaa inuu maanta halkan taagnaado balse wadada kusoo jira,Waxaa kale oo aan dhagax dhigi doonaa Garoonka Kubadadda cagta oo aaan dayr taar ah ku wareejin doono sidda ugu dhakhsaha badan”




Gudoomiaya degmadda Burco ee xisbiga wadani Xassan Saleemaan Cadhood Ayaa Isna dhankiisa mahad naq balaadhan u jeediyey dadka ku dhaqan deegaankaasi waxaana uu sheegay inay baahiyaha degaankaasi ay wax ka qaban doonaan isla markaana ay ku hanwayn yihiin haddii ay hantaan taladda dalka inay degmo u magacaabi donaan shan_sha Cadde.












Oday Ibaraahim Baaruud Iyo Faarax Huryo oo goobta iyaguna ka hadlay ayaa sheegay in dadka deegankani ay ahaan jireen xisbul xaafidka Kulmiye Balse Ay Maanta Door Bideen Xisbigan Mucaaradka Ah ee Wadani.








Bile Faarax Cali Oo ka mid ahaa mujaahidiinta SNM ee Dalkan Usoo Halkamy isla markaana ka mid ah odayaasha degaanka ayaa hadal dheer oo uu ka jeediyey goobtaasi ka mid ahaa “Sidaa ay odayaashu idiin sheegeen magaaladu waxay u badnaydxisbiga kulmkye waxaanse aanu halkan ka sheegaynaa xisbiga kumliye kala goosi maahee kala gurasho weeyaan hadii aanu idinka waynay wixii aanu doonaynay waa kala kurasho”




 








Gaba gabdiina waxa ay dhagax dhigeen garoonka kubadda cagta iyo wadada isku xidha gaadlayaal iyo shansha cadde iyagoo sheegay inay garoonka ku wareejin doonaan dayr Taar Ah Wadadaasna Ay caratuul ku Kabisi donaan.




Isku Soo wada duub oo waa markii ugu horaysay ee abid xisbi mucaarad ah uu goobo noocan oo kale ah dhagax dhigo isla markaana sheego inuu ka dhabayn doono inta aanu gaadhinba xiliga doorashada.




Waxaana ay dadka deegaankasi ugu mahadnaqeena balanqaadka ay rabaan inay sida ugu dhakhsaha badan ugu qabtaan deegaankan shansha cadde oo anay xukuumaddu waxba ka qaban.




Axmed Muuse Maxamed




Gobanimonews




Burco Office




 



Somaliland: Wasiirro Shaqaddooda kaga saaqiday Sheekadda Hudheellada


SAMSUNG DIGITAL CAMERA



Hargeysa(GNA)- Wasiirradda Xukuumadda Somaliland qaarkood ayaa caaddeystay inay Hudheeladda waaweyn ee Hargeysa ka sheekeeyaan  gelinka hore ee Shaqada Xafiisyadu socoto, taasoo caqabad ku noqotay habsami u socodsiinta shaqadii loo Igmaday.



Qaar ka mida Wasiirradan ayaad moodaa inay xafiisyadoodii ku beleleen Hudheeladda, iyaddoo markaad xafiisyadooda tagto lagu odhanayo Shirarbay ku maqanyihiin.



Wasiirradan ayaa waxa ka mida Wasiirrada Wasaarradaha Hawlaha Guud, Wershadaha, Waxbarashada, Maaliyadda, Ganacsiga iyo Maal-gashiga iyo xubno ka mida Madaxda Hay’addaha Madaxbanaan ee dawladda, kuwaasoo dhamaantood wakhtigooda shaqo inta ugu badan ku qaata Hudheelka Maansoor, isla markaana aad moodaa inay Xafiisyo uga furanyihiin Hudheelkaasi.



Sidoo kale Wasiirka Caafimaadka ayaa ka mida Wasiirrada fadhiga Hudheellada lumiya Saacadaha Shaqadu socoto, kaasoo todobaadkii inta saacadood ee uu xafiiskiisa joogo tiro aad u yar lagu soo koobayo, sida ay Gobanimo u xaqiijiyeen xubno ka mida Shaqaalaha Wasaarradiisu.



Wariye ka tirsan Gobanimonews oo u kuur galay hab-dhaqanka shaqo ee Wasiirrada, isla markaana wakhtiyo kala duwan xafiisyadooda booqday, ka dibna u kuur galay joogitaankooda Hudheellada, ayaa la kulmay xubno ka mida Masuuliyiintan oo saacaddo dambe sidii wax shaqo ka soo rawaxay ka soo baxaya Hudheelka, xiliyadda qaarna wakhti afar saacadood ka badan Qolaal gaar ah oo Hudheelka ah  ku sheekaysanayay.



“ma garanayno ujeeddada ay halkan isaga fadhiyaan dabeecadbay ka noqotay malaha ku sheekaysiga Hudheelku, waxaanay u baahanyihiin cid kulla xisaabtantanta shaqada loo dirsaday”sidaasi waxa yidhi Mawaadin ka mida dadka Hudheelkaasi joogtada u yimaada.



Wasiirradan ayaa inta badan Jawaab sax ah ka bixin ujeeddada ay Hudheelkan ugu lumiyaan shaqaddooda, kuna doodda inay shirar gaar ah ku lahaayeen, balse waxa halkaasi ka soo baxaya su’aal odhanaysa maxay tahay shirarka ay kala soo dhuunteen xafiisyadooda ee halkan lala yimi?.



Xubnahan caaddeystay inay Tamashle Hudheeladda la fadhiyaan, ayaa marka la barbar dhigo Wasiirrada kale ee dhigooda ah oo qaarkood la tilmaamo inay maalmaha qaar shaqeeyaan 24-ka saacadood, noqonaya saaqidiin u baahan in talaabo laga qaado, taasoo ah hawl u taala madaxweynaha waddanka hogaamiya ee masuuliyadda ugu dhiibay umadda.



Si kastaba ha ahaatee arrintan oo baylah weyn ku keentay shaqaddii loo igmaday Wasiirradan, ayaa ku sii darsantahay hagar daamadii ay Bulshadu hore ugala kulmi jirtay helitaankooda oo marka ay xafiisyada joogaanba aad u adkeyd.



Saleban Cabdi Cali



Gobanimonews



Hargeysa Office



Email: curad1986@hotmail.com

Daawo: Warka BulshoTV 30.3.2014


https://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=xF6mUIPOdeU

Xasan Sheikh oo Waji gabax kala kulmay Baydhabo iyo Jawaari oo u gurmaday


labada Madaxweyne ee Baydhabo lagu  doortay oo mid waliba gaarkiisa uga digay kulan dhex mara Madaxweynaha iyo Jawaari oo gurmad kaga daba tegay




baydhBaydhabo(GNA)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa maanta booqasho ku tegey magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.




Magaalada Baydhabo ayaa waxaa ka jirey bilihii ugu dambeeyay xiisad ka dhalatay Maamul u samaynta Gobolladaasi, taasoo dhalisay maalmihii u danbeeyey dibadbaxyo rabshada wata, kadib markii laba maamul looga wada dhawaaqay shirar halkaasi ka socday.




Madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa la geeyey xero ciidan oo AMISOM ku leedahay Baydhabo.




Safarkiisa ayaa la saadaalinayey inuu dhexdhexaadin ka geli doono xiisada ka taagan Magaaladda, hase ahaatee wali wax talaabo ah muu qaadin.




Kooxda uu Madaxweynaha u doortey Madoobe Nuunow ayaa tan iyo saaka ku sugnaa xarunta ADC ee shirkoodu ka dhacay.




sidoo kale  dhinacaMadaxweynaha u doortey Maxamed Xaaji Cabdinuur ayaa iyaguna ku sugnaa Hotel Bakiin.




Dibadbax looga soo horjeedo Madaxweyne Xasan Shiikh ayaa Baydhabo ka dhacay kaas oo ay dhigeen koox dhalinyaro ah oo taageersan maamulka sheegtey 6-da gobol ee uu Madaxweynaha ka yahay Madoobe Nuunow, kadib markii ay magaalada soo gashey in Madaxweynuhu boqanayo Hotel Bakiin.




Ninka Madaxweyne ku-xigeenka u ah Madoobe Nuunow ee maamulka 6-da gobol oo la yiraahdo Maxamuud Sayid sheegey ayaa sheegay in horey loogu wargeliyey booqashada Madaxweynaha, ayna u diyaar garoobeen tan iyo maantana ay sugayeen laakiin aanu weli soo booqan Madaxweyne Xasan Shiikh.




 Sayid ayaa ka digey in amaanka madaxweynaha aanay damaanad-qaadi karin haddii uu isku dayo in uu boqdo Hotel Bakiin, isagoo la hadlayay VOA.




Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha, kaasoo   faahfaahin ka bixinaya  safarka aan horey loo shaacin ee Madaxweyne Xasan Shiikh maanta oo Axad ah ku tegey Baydhabo.




Madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud ayaa sanadkii hore sidan oo kale booqasho ugu tegay magaalada Kismaayo oo ay ka taagnayd xiisad kulul oo ka dhalatay Maamul u sameynta Jubaland, taasoo uu dejinteeda qayb weyn ka qaatay.




Laakiinse lama saadaalin karo waxa uu safarkiisan Baydhabo ka daaweyn doono muranka xoogan ee ka taagan halkaasi xiligan.




Dhinaca kale, waxa isla Magaalada Baydhabo gaadhay xubno uu hogaaminayo Guddoomiyaha Baarlamanka Somalia Prof. Jawaari, kuwaasoo  aan la caddeyn inay weftiga Madaxweynaha qayb ka noqon doonaan iyo in kale.




Booqashada labada Masuul ee ugu sareeya Hay’addaha Dastuuriga ah ee dalka ayaa imanaysa billo uun ka dib markii ay soo baxday inay labadan masuul isku khilaafeen arrintan haatan taagan.




Khilaafka ayaa sida la sheegay xiligaasi salka ku hayay sidii looga hortegi lahaa Maamul cusub oo lagaga dhawaaqo Baydhabo iyo Gobollada la wadaaga ah, taasoo saameyn ku yeelanaysay Jubaland.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com

Wasiir Cukuse: Ma aqbalayno raalin gelin kasta oo uu bixiyo UNIVERSALTV “.


“Maadaama Oo Labadii Astaamood Ee Qaranku Lahaa Ay Aflagaadaysay Universal TV, Aniga Cayda Ay I-Caayeen Waxyar Ayey Ka Noqonaysaa Dambiga Ay Qaranka Ka Galeen” C/Laahi Cukuse




[caption id="attachment_26650" align="alignleft" width="231"]Wasiir Cukuse ma ku guulaysan doonaa yoolkiisa la shaqaynta Saxaafada? Wasiir Cukuse ma ku guulaysan doonaa yoolkiisa la shaqaynta Saxaafada?[/caption]Hargeysa, March 30, 2014 (GNA) – Wasiirka warfaafinta Somaliland C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa sheegay in aanu arag meel ay raali-galin ku bixiyeen madaxda sare ee telefishanka Universal ee Somaliland hadii ay bixiyaana aanay dambi-dhaaf u noqonayn dambigii ay ka galeen reer Somaliland.




Mr Cukuse ayaa intaa ku daray in aflagaado ay isaga iyo madaxwayne Axmed Siilaanyo kula gal-gasheen Universal aanay u sahli doonin in xukuumadu xayiraadii ay ka saartay dalka in laga qaado, kaas oo tilmaamay in dacwada kiiskooda oo ay maxkamada u gudbiyeen kana war-sugayaan go’aanka kama-danbaysta ah ee ay ka soo saarto.




C/laahi Cukuse waxa uu sidaasi ku sheegay mar uu xalay Haatuf khadka telefoonka ugu waramayey isaga oo xaalad-caafimaad ugu sugan dalka Djibouti, ayaa sidoo kale ku dooday in danbiyada ay qaranka ka galeen sida uu sheegay Universal Tv inuu ka mid yahay uun wararkii ka dhanka ahaa isaga ee uu Telefishankaasi ka baahiyey shilkii uu ku dhaawacmay.




Ugu horayna isaga oo xaaladiisa caafimaad ka waramaya, waxa uu si kooban u yidhi “Alxamdulilaah caafimaadkaygu aad ayuu u wanaagsan yahay, waanan ka soo raynayaa maalinba maalinta ka danbaysa, Insha Allaah marka uu dhakhtarku isoo fasaxo ayaanan dalka ku soo noqon doonaa sida uu qorshuhu yahay”.




Isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka hadlaya waxa uu kala socdo raali-galinta madaxda Universal ee Hargeysa ay bixiyeen ayaa waxa uu yidhi “Ma ogi meel ay raali-galin ku bixiyeen balse arrinta Uiversal waa arrin aanu dariiqii sharciyada marinay oo dacwadooda waxa aanu u gubinay Xeer Ilaalinta, wixii sharcigu gooyo ayuun baanay noqonaysaa oo taasina wakhtigeedii lama gaadhin”.




Wasiirka warfaafinta Somaliland C/laahi Cukuse isaga ka hadlaya wararka ka dhanka ah qaranka ee ay mudooyinkii u danbeeyey baahinaysay Universal, waxa uu yidhi  “Ma jiro wax aan anigu si gaar ah uga tirsanayo Universal TV, dambiga ay gashayna maaha mid ay aniga si gaar ah iiga galeen ee waa dambi ay qaranka ka galeen, Arrintaasi maxkamada ayaanu u gudbinay oo maxkamadiina arrinteedii may dhamaysanin”.




Mr Cukuse isaga oo ka hadlaya sida gaarka ah ee ay u bartilmaameedsadeen maalintii uu shilka galay, waxa hadalkiisa ka mid ahaa “Sida gaarka ah ee ay ii aflagaadeeyeen waxa ay ka mid noqonaysaa uun fadeexada iyo aflagaadada ay madaxda qaranka u gaysanayaan, oo sida aynu ognahay madaxwaynaheenii qaranka iyo calankii qaranka ayey labadaba maageen, markaa maadaama oo labadii astaamood ee qaranku lahaa ay aflagaadaysay Universal TV, aniga cayday in caayeen waxyar ayey ka noqonaysaa dambiga ay qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ka galeen”.




 




Isaga oo hadalkiisa sii watana, waxa uu si cadho leh u yidhi “Telefishankaasi Muqdisho ayaa laga leeyahay oo aad ayaanu uga xunahay inaanay xukuumadda Muqdisho-na talaabo ka qaadin ilaa xiligaas sababta oo ah anagu Somaliland ahaan aad ayaanu u ixtiraamaynaa qodobadii wada-hadaladii u socday labada dhinac iyo in warbaahinta Hargeysa ay aflagaado cad u dirto madaxda Xamar”.




Wasiirka warfaafinta C/laahi Cukuse mar aanu waydiinay waxa uu kala socdo in agaasimaha Universal ee Somaliland Maxamed Caabi inuu raaligalin bixiyey, isla markaana uu sheegay in madaxda ka tirsan wasaaradda warfaafintu ay arintaasi ka wadahadleen ayuu Wasiir Cukuse sheegay in aanu ka warhayn meel Masuuliyiinta Universal ay raaligalin ku bixiyeen hadii ay bixiyaana aanay dambi-dhaaf u noqonayn dambigii ay ka galeen Somaliland. Waxaanu ku dooday Wasiir Cukuse ku dooday inaanu waxba ka ogayn cida ka danbaysay in warbaahinta dawladu baahiso raaligalintaasi la sheegay.




Sidoo kale soo afjarida khilaafka u dhaxeeya Universal Tv iyo xukuumadda ayaa maalmihii u danbeeyey sida ay wargayska Haatuf u sheegeen ilo-wareedo xogogaal ahi ay dabada ka riixayeen wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdi Xamiid iyo maareeyaha telefishanka qaranka Khadar Cali Gaas, kuwaas oo iyagu sida ay xogahaasi tilmaameen arrinta Universal kaga aragti duwan wasiirkooda C/laahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo isagu ku jira cusbitaal ku yaala magaaladda Djibouti.

Somaliland: Doorashooyin is-gaadhay!


Ma Komishanka,Ma Wakiilada mise waxaynu  Soo horaysiinaa doorashadii Madaxweynaha?by: Xuseen Badmaax.



Somaliland waxa iyana dhinacooda ka wiiqay doora-shooyinkan isdaba taxan ee aan dhaqaalana loo hayn sida ay xukuumadu tidhaa,dadkuna aanay weli u bislaan.Waana dhibaato taagan oo u baahan in xal loo helo,shacabkana lagu wacyi geliyo hawlahooda oo si deggan u socda inay codeeyaan,lagana baxo ololayaasha waalida huwan.



Aan taabto halkuu qalinku tebayo,maanta waxa innagu soo fool leh:



1.Komishanka oo waqtigoodu ku egyahay bisha Sept 2014.



2.Wakiilada oo iyana waqtigu kaga dhanyahay isla Sept 2014.



3.Doorashadii Madaxweynaha oo iyana la filayo June 2015.



Intaba waxa ka horaysa in dalka laga sameeyo diiwaan-gelin,



Si loo qabto 3daa doorasho ee taxanaha ah.Welina ma ogin waqtiga ay xukuumadu bilaabi doonto diiwaan-gelinta.



Hadaba ayaan darrada jirtaa waxay tahay xukuumadii loo igmaday inay hawlahan sidooda u fuliso waynu aragnaayoo waxaabay ka dhamaan la’adahay:



a)Qabashada Shirweynahii Kulmiye.



b)Olole ay xukuumadu ku muujinayso waxqabad-keeda,lana ogayn



ula jeedada ka dambaysa,balse male-awaalka shacabku ku



  tilmaa-mayo muddo kordhin muddada madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa.



Mar hadii ay arrimahani ku jiraan mad-madaw waxa aan soo jeedinayaa:



1.Diiwaan-gelinta in la bilaabo bisha April,lana dhamaystiro July   2014.



 



2.Komishan cusub la magacaabo 25-30July 2014.



 



3.Qaabka xulidana la bedelo,loona daayo 3da xisbi qaran ee



 



    tartamaya,xisbi waliba 3xubnood keeno,tiraduna komishankana



 



    ay noqoto 9xubnood.



 



 Marka 2daa arrin la dhamays tiro waxaynu uga gudbi karnaa diyaarinta doorashadii wakiilada oo iyana aynu qaban karno bisha December 2014.Wakiilada cusub waxa la dhaarin karaa,qabsana karaan fadhigooda ugu horeeya 20-30January 2015.Haday taasina sidaa inoogu suurta gasho,waqti wanaagsan ayaynu haysanaa oo aynu ku qabsan karno doorashadii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa oo ku beegan bisha June 2015.



Horta doorashooyinka innagu soo fool leh ee la filayo xukuumadu inay diyaariso waxan rumaysanahay inaynu sidooda u qaban karno balse wax-yaabaha hada xukuumada ka muuqda lama garanayo inay diyaar u tahay iyo inay hoombro libaax soo wado oo ay muddo kordhin diyaarinayso.



Waxa taa garab taal oo ay arrimahaasi inoogu qabsoomi karaan waa dhaqaale.Markaynu xukuumada arragti-deeda eegnana waxay xadhig uga dhigtaa doorashooyinka in dhaqaale laga raadiyo reer galbeedka.Hadaynu dib u xasuusano heerkan maanta aynu marayno ku soo gaadhnay waxay ahaayeen ismaqal,kala danbayn,wada-tashi iyo waxii dhaqaale ah ee faraqeena ku jira inaynu u hurro.



Waxa hadaba lama huraan ah inay xukuumadu ku xisaabtanto waxa faraqeeda ku jira iyo sharkadaha wadaniga ah oo iyana ka qayb qaata dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka afka innaga saaran innaga oo aan isu kala saarin muxaafid iyo mucaarid.



Waxa aan ku soo afjarayaa hawlahii doorashada ayaa inna sugaya,waqtina inooma hadhin,markaa kulmiye waa shirkiisa muddo dhaafka ah soo afjaraa oo uu dhakhso u qabsado.Xukuumadana waxa ku waajib ah oo shacabku dhegta u taagayaa tallow ma kumishanka ayay qaban,ma doorashada wakiilada ayay qaban mise doorashada madaxtinimada dalka ayay soo horaysiin.



Xuseen Xasan Badmaax



Hargeysa/JSL

Maydh: Waxgarad Maamulka Kastamka Gobolka Sanaag ku eeddeeyay Musuqmaasuq


OdayadaMaydh (GNA) Madaxdhaqmeedka iyo Waayeelka magaalo xeebeeda maydh ayaa baaq xoogan kasoo saaray dakhliga kasoo xerooda Magaaladdaasi ee ku xerooda kastamka gobolka Sanaag ee Magaalo Ceergaabo, kaaso bay yiraahdeen aan xagayagana ku baaqan, khasnada dawladana aan gaadhin balse maamulaha Kastamka Gobolka Sanaag ahna isuduwaha wasaarada maaliyada Maxamed Jamac Bugaaxiye uu si dadban u leexsado.




Magaalo xeebeeda Maydh oo ah xeebaha gobolka Sanaag tan keliya ee Dawlada uga soo xeroodo dakhliga ayaa waxaa dhibaato xoogani ka taagan tahay mudooyinkanba inaan dakhligaasi soo gaadhin khasnada dawlada.




Cabashada waayeelka, waxgaradka iyo dadweynaha reer maydh ayaa ka dambaysay kadib markii ay ku war heleen inaan dakhligii kasoo xerooday degmada Maydh 80% aanu ku xeroon khasnada dawlada , Ayay  Maamulaha kastamka Gobolka Sanaag ahna Isuduwaha Wasaarada MaaliyadaMaxamed Jaamac Bugaaxiye ay waydiiyeen halka uu maray dakhligaasi waxana  isuduwuhu waayeelka ku qanciyey in gaadhi dhawaan Wasaarada Maaliyadu gobolka soo siisay uu lacagtaasi ku bixiyey islamarkaana gaadhiga uu sheegay inuu wasaarad dayn ahaan ugu soo qaaday oo uu lacagtaasi sitoos ah iyadoo aan khasnada dawlada sii marin ugu diray wasaarada si loogu bixiyo gaadhigaasi.




Waayeelka ayaa sida ay noo sheegeen waxa ay isuduwaha ka codsadeen inuu arintaasi u xaqiijiyo lana xidhiidhsiiyo Wasiirka Wasaarada Maaliyada balse isuduwuhu taasi bedelkeedi si'uu u daboolo ama u cabsi geliyo bulshada waxa uu habeen hore gudoodi ku tegay Magaalada Maydh isla shalay subaxna waxa uu bulshada reer Maydh u sheegay in wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaarada Maaliyada lagu kordhiyey cashuurihii hore looga qaadi jirey boqolkiiba boqol 100%, taaso siweyn bulshadu uga soo horjeedasatay.




Madax dhaqameedka iyo waayeelka oo shir jaraa'id ay ku qabteen Magaalada Maydh waxay si'adag u canbaareyeen boobka iyo musuqmaasuqa aan xadka lahayn ee isuduwahani ku lunsaday hantidii umada taaso bay yiraahdeen ah mida xukuumadu wax noogu qaban lahayd degmooyinka kalena aanu kula tartami lahayn.




Waxaa kaloo waayeelka reer Maydh ay siweyn uga hadleen dakhliga kasoo xerooda Maydh oo ah bay yiraahdeen doonyaha yar yar ee kaluumaysiga in Wasiirka Maaliyada oo horeba aanu uga balanay in aanu anaguna dakhli soo xerayno isaguna uu wax noo qabto inaanu oofinay balankiisi balse dakhligii anagana naga yimi isagana aanu gaadhin oo halaq jidka u galay,




Iyagoona  Wasiirka ka codsadeen in uu odhad usoo dirsado kastamka lana dabagalo sadexdaa bilood ee u dambeeyey dakhligii xeebaha Maydh kasoo xerooday, tirada doonyaha iyo lacagta la sheegayo in ay khasnada gaadhay




Wayeelkani hoos ku saxeexan ee reer Maydh ay Wasiirka ka codsadeen inuu uga soo jawaabo tacriifada isuduwihiisu sheegay inay maydh gaar u tahay lana kordhiyey boqolkiiba boqol.




1- Colaad Siciid Caraale,




2-Jaamac Dhunkaal Cabdi




 3-Cali Maxamed Cabdi




4-Cabdi Maxamed Daamur




5- Guuleed Yuusuf Cabdi




6-Siciid Bare Maxamed




7-Sheikh Guuleed Cali Jaamac,




8-Chief Caaqil Cabdiqaadir Calqame "Ayax",




9-Chief Caaqil Saalax Maxamed Xirsi.

Mid ka mida Ayax Hargeysa socod ku sii maray oo ka xog waramay Ujeedada Safarkooda.


Hargaysa  (GNA) Iyadoo Maalintii doraad magaalada hargaysa ee caasimada Somaliland uu ku Habsaday Ayax Farabadan oo Guutoguuto u Soconaya uu Duufaan ku Miray Dhamaanba Dhirta Doogan ee uu Ubax U Arko Ayaa Sidoo Kale la sheegay in uu U Gudbay Dhankaas Iyo Dalka  itoobiya Isagoo Sidoo Kale Sheegay inuu Dhowaan ku Soo Laabanayo Somaliland.




Ayax Lab oo Dhaawac kazoo gaadhay dhinaca Lugta Midig Isla Markaana Lagu Daawaynayo Xabsiga Dhexe ee magaalada Hargaysa ayaa ka warbixiyay Sidii Ay Wax ugu Dhaceen,Meesha Ay ka yimaadeen iyo Ujeedada Safarkooda oo uu ku Sheegay Mid Nabaadguurka ku Sal Lahaa Isla Markaana Ay ku Doonayeen Saamigoodii Oo Ay Ka Waayeen Xukuumadan Talada Dalka Haysa Maadaama Ay yihiin Beel Aad u fara Badan oo Waxna Yeeli Karta Xukuumada Waxna Tari Karta.




Ayaxan Dhaawaca lagu waraystay ayaa Waxaa ay Su’aalo kala duwan isku Maqiiqeen Weriye ay markaasi isku barteen halkaasi waxaana uu halkaasi ku siiyay xog waran dheer oo dhinacyo kala duwan daaranaa




Ugu Horeyn Waxaanu Ku Waydiinay Xagee Ayaad Ka Timaadeen Ayaxoow?




Waxaanu ka nimi dalalka carabta oo aad noo cuna hilib ahaana noo shiisha waxaanuna maqalnay dalka Somaliland nabad ayaa Jirta,Cid Kastaana ku Nabad gasho waxaana Jooga Beeldaajiye Naloo Sheegay Inaan Cidi Ku Ag Qadin,




Oo Maxaad Dhulalka kale Ee Afrika U Tagi Waydeen?




Nabada Taala Tan Ayaa nooga wanaagsan inaan meelo kale u Dhuyaalno maxaa yeelay Nabada Macaankeeda Waa la wada garanayaa




Markaas Hada Ma Somaliland Ayaad Doorbideen Inaad Xamaamadiina U Soo Gurataan?




Haayoo Somaliland Ma Laha Diyaaradaha Ayaxa Lagu Buufiyo Ama Looga Hortago Dhagax,Daasado Iyo Waxyaabo Kalena Anaga Waxba nagama Qaadaan,Suntana Hadalkeedaba Daa oo Jabuuti Ayaaba Ugu Dhow?




Fadhigiinu Iminka Waa Halkee Ayaxoow?




Fadhigayagii ugu horeeyey waxaanu kusoo degnay Xeebaha Somaliland oo aan mudo Fadhinay Waxaana Halkaas Nagu soo maray Madaxweynaha,Waxaana aanu kusoo dhoweynay Caleemo Qalalan oo aanu Diiranay,intaas ka Bacdina Boqorkayaga ayaa nagu amray inaanu meeshan ka dhuyaalno.




Oo Hada Tiradiinu Waa Imisa?




Tiradayada hada waxaa aanu nahay 3 milyan




Imisaa La idinka Dilay,Imisaa Dhaawac Idinka Ah Maxaase Ayaxoow Nolol La Idinkaga qabtay ?




 




Garan maayee  waxaa kolay la ii sheegay in laba boqol ay shinbiro naga dileen,tira kalena dhaawac ayay ahayd waxaana nolol lagu qabtay aniga oo keliya oo idiin waramaya




Xilkaad U Haysay Ayaxa Muxuu Ahaa Adiga,Dakhligase Xagaad Ka Keentaan Aad Qaabilsan Tahay ?




Waxaan Ahaa Aniga U Qaybsanaha Maaliyada ee Dhamaanba Ayaxaas Soo Duulay,Dakhligana waxaanu ka keenaa Hadba meeshii Naq Leh Anaguna Kayd Ma Lihinba Markiiba Wixii Soo Baxa Dakhli Dalag Ah Waa La Budliyaa Aniguna Qalinkaan ku duugaa,Hadhaagana Lama Muujiyo.




Hada Maxaad Hargaysa Kasoo Doonteen Ayaxoow Bal arintaas Noo Yara Iftiimi?




Walaal Horta Hargaysa dee Waa Caasimadii Dalkaanu soo Aadnay Waxaana Haboon In La Fahmo Inaanu taraag Ku Ahayn Oo Xataa Dhal iyo Ugxan Maanu Dhigan Maxaa Yeelay Waxaanu doonaynaa Inaanu Kasoo Laabano Itoobiya oo Aanu iyada Ka Cabsi Qabno Maadaama Ay Leedahay Diyaaradaha Sunta buufiya,Horena u Gudbi Maynee Waxaanu Yare Ruugaynaa Kililka Shanaad Si Aanu U Soo Laabano ?




Hadalkaagaas Waxbaa Iiga Biniixaye Waa Halkee Meeshaad Leedahay Waanu Kusoo Laabanaynaa Miyaanad Na Dhaafin Anaga ?




Dee Waa Somaliland Iyo Hargaysa oo aanu ka Maqnaanayno inta uu Bilaabmayo Shirka Xisbiga kulmiye oo in badan dib loo dhigdhigay,Waxaana aanu filaynaa inaanu maadaama aanu badanahay Wax ku Kordhin Doono.




Calaashaan Sidee Wax Ugu Kordhinaysaan Idinka Ma Cidbaa Cod Idiinka Baahan Ayaxoow?




Oo Walaal qaar badan oo aan Cod iyo Cid lahayn ayaa meelo Muhiim Ah Joogee anaga xagaad Noola Yaabaysaa Wadamo Carbeed Ayaanuba Ka Nimiyoo Waanu Nimcaysanahaye Ta Kale Dee Walaahay Waxaanu Degaynaa Deegaankayagii La Odhan Jiray AYAXA oo Xukuumadana Saamigayagii Ayaanu Ka Doonaynaa ?




Waayahay Waxaad Ka Warantaa Heestii Jaamac Riyo Qaaday Ma Waxay ahayd Mid uu Idiinku Yeedhayay Mise Xidhiidh KJale Ayaa idinka Dhexeeya ?




Waar Ninkaas Iga Daayoo Wuu Iska Hadloo Kolay Waa Dhadhamaan Filayaaye,Isagaaba Anaga naga Waalan Shalay Waa Amaanayay Baa La Yidhi Kan uu Maanta Caayayee




Waxaan Ku Waydiiyay Adigu Imisa jirbaad Tahay Horta Goormaadse Dhalatay Ayaxoow?




Waar Suaal Badanidaa Waanu Gaajoonaynaaye Biyo Iyo Baad Nasii Horta.




By: Maxamed Aadan Dirir




 




LASOCO QAYBTA LABAAD EE WARAYSIGAN DHEER EE AANU LA YEELANAY MID KA MID AH AYAXII HARGAYSA SOO WEERARAY OO MID KA MID AH LAGU QABTAY WASAARADA MAALIYADA

Sunday, March 30, 2014

“Dr. Macow wuxuu doonayey inuu 40-Kii Ill-Bidhiqsiba ku baadho 1 Hal Qof Oo Bukaan Socod”


Madaxa Maaraynta Qashinka Iyo Ka Hortaga Khatarta Deegaanka Ee W/Caafimaadka Maxamed Faarax Qoti




 Hargeysa, March 30, 2014 (Gobanimonews) – Madaxa maaraynta qashinka iyo ka hortaga khatarta deegaanka ee wasaarada caafimaadka Somaliland Maxamed Faarax Qoti ayaa sheegay in talaabada lagaga joojiyay Dr. Macow hawshii baadhitaanka bukaan socodka ee lacagaha farabadan uu kaga qaaday la kulankiisa ay tahay arrin saxa, isla markaana Dhakhtarkaasi hanaanka uu u agaasimay Baadhitaanada caafimaad ee bukaan socodkii loo sii diiwaangaliyay ay baalmarsan tahay sharciga Caafimaadka. Maxamed Faarax Qoti waxa uu intaa ku daray in kharashka baadhitaan ee uu ka qaaday bukaan socodka qofkiiba tahay $40, halka muwaadinka dhakhtarka ah ee Somaliland baadhitaanka bukaan socodka ay ka qaadaan qofkiiba 5000 ilaa 2000/Shilinka Somaliland, isla markaana dhakhtarka ugu qaalisan la kulanka bukaan socodka uu qaado $20, ayaa Dr Macow kharash aanay u taag hayn ummada reer Somaliland uu ugu soo shaqo tagay, waxaanu tilmaamay in sharciga la mariyo isaga iyo cidii u fududaysay hawshaasi. Sidaana waxa uu ku sheegay Maxamed Faarax qoraal uu shalay soo gaadhsiyay wargeyska Haatuf, isla markaana uu kaga hadlay shuruucda caafimaadka u taala iyo habka baadhitaanada bukaan socodka ee dalka u yaala inuu ku gafay Dr Cali Macow. Madaxa maaraynta qaashinka iyo hortaga khataraha deegaanku isagoo arrinkaasi oo dhinacyo badan taabanaya kaga hadlay waxa uu u dhignaa qoraalkiisu:- “Horta talaabadan ay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadka Nimco Xuseen Qowdhan iyo Agaasimaha guud ee Wasaarada caafimaadka Dr. Cusmaan ay shaaciyaan waa arrin waafaqsan qaynuunka siyaasada wasaaraDda caafimaadka sababtoo ah haddaynu si cilmiyaysan u yara qeexno waxaynu u kala saari karnaa dhowr siyaabood 1. Dal ku gal:- marka hayad ama cid kale ay doonayso in qof ajanabi ahi uu soo gallo dalka, waxay la xidhiidhaan wasaarada markaas xirfadiisa shaqo ay khusayso, waxaanay u soo gudbiyaan warqad codsiya oo ay ku lifaaqan tahay baasaaboorkiisu si loogu ogolaado warqada ogolaanshaha ee dal ku soo galida taasoo ku socota wasaarada arrimaha gudddaha, ka dibna sidaas bay wasaarada arrimaha gudduhu ay ugu samaysaa fiisaha dal ku soo galida. markaas Dr. Macow wuxuu ku soo galay ogaalnsho dalxiis, waa siday ka dhawaajisay wasiir ku xigeenka wasaarada caafimaadkuye. 2. Ku shaqeysiga xirfadda shaqo: marka ynu eegno dhinaca caafimaadka waxa uu qaynuunka dhigayaa in Dhakhtarkastaa uu u soo gudbiyo codsi ogolaansho ah in uu ka shaqeyn karro dalka iyo shahaadadaha aqooneed ee uu sito inuu u soo gudbiyo wasaaradda caafimaadka iyo guddida mihnadlayaasha caafimaadka qaranka (NHPC) marka ay wasaaradda caafimaadka u gudbiso Guddidaasi Mihnadlayaasha caafimaadka Qaranka ee ay iyaguna hubiyaan, ka dib ayey siiyaan warqad ogolaansho ah inuu ka shaqeyn karro dalka si waafaqsan siyaasada wasaarada caafimaadka. taasi may dhicin inuu soo marro Dr. macow. 3. Baadhitaanka bukaan socodka : Wasaaradda caafimaadka xeerka nidaamka shaqo ee u dajisan wuxuu tilmaamayaa in Doctorku eegi karro ama baadhi karro halkii saacba ama saacaddiiba inuu baadhi karro 2-3 qof oo bukaan socodka ah, Habkani waa habka hawl-maalmeedka Dhakhaatiirta dalku ay u gutaan wajibaatkooda xil-gudasho iyagoo oo maalintii eegaya ama 12 saacadoodba 40 qof oo ah bukaan socodka, markaas halka Dr. macow uu maalintii ama 12 saacadood uu doonayey inuu baadho 490 qof oo bukaan socodka ah saacadiiba wuxuu doonayey inuu eego 62 qof oo bukaan socodka ah, taasoo noqonaysa in 40 ill bidhiqsi uu baadho 1 qof oo bukaan socod ah, qof bukaan ah lagagama bogan karro 40 ill-bidhiqsi in lagu baadhi karro taasina waxay halis ku tahay bukaan socodka in la siiyo ama uu u qoro daawo khalad ah oo caafimaadkooda khatar ku keeni karta, iyagoo markoodii horaba la il-darnaa/la Il-dareyd xaalad caafimaad darro, markaas taasi ma waafaqsana qaynuunka xeerka eegitaanka bukaan socodka ee u dajisan wasaarada caafimaadka iyo guud ahaanba Hay’adda caafimaadka Aduunka WHO, waana danbiile Qaran waa in sharciga lagu abaal mariyaa. 4. Dhinaca kharash: waynu ognahay mar-xaladaha wakhtigan xaadirka ah ee dalkeenu marayo iyo baahiyaha dhaqaale ee ku gadaaman bulshadda reer Somaliland in aanay awoodi karrin qadarka lacageed ee Dr. macow kaadhadhka aragtida loogu jarayey $40 qofkiiba , waxaynu odhan karnaa dhinaca booqashada Dhakhaatiirta dalka jamhuuriyadda Somaliland waxa ugu yar oo lagu booqdaa Dakhtarka kaardhka eegitaanka lacag dhan 5000 Illaa 20,000 oo shillin Somaliland ah oo u dhiganta $1 illaa $3 dollarka mareynkanka ah, waxa kaliyaatee maanta la odhan karaa dhkhtarka kaliyaata ee eegitaankiisu u qaalisan yahay Somaliland waa Doctor gaboose oo bukaan socodka ku eega 130,000 oo Somaliland shillin ah oo dhiganta $20 dollarka mareynkanka ah, markaas Dr. Macow wuxuu bukaan socodka ku eegayey lacag dhan 260,000 shillinka Somaliland ah oo u dhiganta $40 dollarka Maraykanka ah inuu kula kulmo bukaan socodka qadar 40 illbidhiqsi ku kooban, lacagta Jeebada ugu dhacday Dr. macow ee uu ka urursaday dadka bukaan socodka ee somalialnd waxay dhan tahay 80.000 oo dollarka mareynkaka ah, taasi tilmaanteedu dadka aqoon yahanka ah muhmal kama gali karro, rabitaanka Dr. Macow iyo kuwa ku xeeran ee shirqoolkan ka waday dalka jamhuuriyada Somaliland. Hadaba waxaan tallo ahaan ku soo jeedin lahaa in talaabo laga qaado ciddii u fududeysay iyo dadkii bukaan socodka ahaa ee laga qaaday lacagta kuwii ka qaaday iyagana in la soo qabto, si dadkaasi lacagtoodii dib loogu celiyo, isla markaana talaabo sharciga waafaqsan laga qaado”




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 

Maayirkii hore ee Gabiley oo la xidhay


 




aadan-bade-225x300Gabiley -(GNA)- Maayarka Degmada Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa maanta xabsiga u taxaabay maayarkii ugu mudada dheeraa golihii deegaanka Gabiley ee hore Aadan Muxumed Badde, kadib markii uu Aadan isku dayay inuu kala hadlo Wariye C/raxmaan Aadan Badde oo maayarka Gabiley ku diray koox dhalinyaro budhcad ah oo la sheegay inuu maayarku u Adeegsado Saxaafada wax ka qorta. Maayarkii hore ee golaha deegaanka Gabiley ayaa la laayahay meel uu ku xidhan yahay iyadoo wararku intaa ku darayaan in la geeyay xabsi ku yaala magaalada Arabsiyo oo maayarku Gabiley u isticmaalo dadka isaga siyaasad ahaan ay iskasoo horjeedaan.




Xadhiga maayarkii hore ee Gabiley ayay dadka siyaasada gobolka ka faaloodaa la xidhiidhinayaan in maayar Shucayb ay adeegsanayaan wasiirada madaxtooyada iyo maaliyada Xirsi iyo Samaale iyadoo ay wasiiradaasi hore u qorsheeyay siyaasad qaawan oo masuuliyiin reer Gabiley ah sharafta iyo karaamada lagaga rifayo .




Dhawaanbay ahayd markii dhalinyarta maayarku adeegsaday koomo galiyeen taliye ku xigeenkii Saldhiga Gabiley isla markaana ahaa ku simaha taliyaha Saldhiga Gabiley, kaasi oo lagu khasbay inuu inamadii dhaawaca gaadhsiiyay cafiyo taasi oo keentay in Aakhirkii Shaqada laga eryo taliyihii la dilay oo ahaa nin daacad ah oo shaqadiisana ka Adkaa .




Maayarka Gabiley Shucayb Maxamed Muuse ayaa lagu eeddeynayaa dhamaan arrimahan oo dhan.

Daawo . Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Xadhiga Ka Jaray Wado Cusub Oo Laga Hirgeliyey Magaalada Borama


Borama(GNA) Madaxweyne ku xigeenka jamhuuriyada Somaliland eng.c/raxmaan c/laahi ismaaciil saylici ayaa waxa uu maanta xadhiga ka jaray wadada isku xidha istaanka hargaysa iyo guriga martida ee magaalada borama oo dhareerkeedu dhan yahay 1km iyo badh




http://youtu.be/38Jn46U4vK8




Mustafe caraale




Gobanimo news




Borama office

Damqashadii, Dareen-naxdineedkii iyo Daruurihii Hooray 03/May/2002da!‏


Qormooyinkani waxa ay hordhac u yihiin diiwaan-taariikheed la yidhaahdo oo xambaarsan Guul-sooyaaleedka Geesigii Geeska Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal. Si wadajir ah waxa gacanta ugu haya labada qoraa ee hoosta kaga saxeexan. Haddii Eebbe waxa aanu si joogto ah u soo tebin doonnaa illaa 03/Mey/2014ka: Sannad-guuradii laba iyo tobnaad ee ka soo wareegtay geerida Madaxweynihii Labaad ee Jamhuuriyadda Somaliland.




Sida uu Xaramku uga sharfan yahay dhulka intiisa ayay ayaamuhu u kala boqran yihiin, waaga beryay waa arooyo Jimce ah, saddexdii bishii Meey, sannadkii 2002da. Dhegaha iyo indhaha dadka Somaliland waxa ay si weyn maqal iyo aragba ku baalla-daymaayeen jihada Koonfureed gaar ahaanna cusbitaal ku yaallay magaalada Biritooriya oo daaweyn iyo xaalad caafimaad ay u tageen Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal, Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland iyo wefdi la socday.




War iyo wacaalba waa loo oommanaa. Waxa aan maalintaa dhegaysanayay Idaacadda Radio Hargeysa, gaar ahaanna barnaamijka xulashada oo uu gu’yaalkaas soo-saare ka ahaa Suxufiga weyn ee Maxamed Xasan Cali (Weji), xilliga uu soo geli jiray waa goorsheegtu marka ay dul-taagan tahay 02:15-02;45 duhurnimo. Warka duhurnimada ayaa ka horreeyay oo aan dhegta u raariciyay. Labada midkoodna duco mooyaane, dayro kama maqal.




 




Fallaadh ayaa igu taagnayad. Dhiiggaygaygu xawaare ayuu ku qulqulayay, been-abuur laba cisho ka hor la faafiyay ayaa digtooni i geliyay. Habaar aan ka xumaaday oo lagu sheegay geerida Madaxweyne Cigaal dhaayaha qudhaanjada iyo didmada tukadaha ii yeelay.




Waa xaq geeridu. Mawdku mahuraan aan la gees-marin. Inkasta oo aynu noolaanno da’ kasta dhammaanteenba wedka Alle ayaa inoo xaqiijiyay. Abbaaro 03:30 galabnimo aan dibadda uga baxay guriga waxa aan la kulmay dhallinyaro aanu jaal iyo deris nahay, judhiiba waxa ay ii sheegeen inuu xijaabtay Madaxweyne Cigaal. Isha ay warkaas ka maqleenna waxa ay ahayd Idaacadda Itoobiya iyo Laanta Afka Ingiriisiga ku hadasha ee BBCda.




Haddii aan cabbaar magaalada sii dhex-galayna waxa aan arkay ummaddii Somaliland oo wada-maqlay geerida Madaxweynihii Jamhuuriyadda Somaliland. Murugo ayaa xadhkaha goosastay. Dadkii welwel iyo walbahaar ayaa wehel u noqday. Guud-caddaa iyo gadh-madoobe, cuqaal iyo caruur, rag iyo dumar, aqoonyahan iyo indhow-garad, idil waa laga wada naxay dhambaalka ka yimi Koonfur Afrika. Farta ayaa wadnaha lagu qabtay. Daruuro murugo ah iyo dawanno oohineed ayaa yeedhay.




 




 




 




 Yaa halkiisii buuxin doona? Miyaa la is-dili?. Soohdimaha dalka min Lawyacaddo illaa Yoocada waxa is-weydaarsaday farriimo dhiillo xambaarsan. “Ilaahay ha u naxariisto. Godka lagu jannee, geesi naga baxoo, guul-dhashuu ahaa. Qabriga Eebbe ha u nuuro”.




 




 




 




Barbaartii aan maalmahaa arkay ee hadalkoodu saamaynta igu reebay waxa ka mid ahaa wiil aanu deris ahayn, aniga oo ka xun in aan magaciisa hilmaamay, weedhiisu maankayga kama tirmin. Waxa uu yidhi “haddii xagga Alle laga yeelayo oo qofka dhintaa dib u noolaanayo, maanta waxa aan naftayda u bixin lahaa nolosha Cigaal!.




 




 




 




Qoys ahaan waa la iga weynaa, waxa sannadkaas noolaa adoogay Marxuum Maxamuud Gahayr Warfaa (Kabadheere). Xilli gabbal-dhac ku dhow ayaan isugu nimi guriga, korkiisa waxa laga dheehanahay tiiraanyo. Sannadkaas waxa uu jiray afar iyo lixdan gu’. Guurtidii doorka ka qaatay nabadda Somaliland ayuu ahaa, ee demisay colaadihii ka aloosmay caasimadda Hargeysa 1994-1996kii. Annaga oo wadna faallo iyo falanqo uu waalidku nagu hoga-tusayo ayaa waxa erey-guurtiyeed yidhi gaban markaas toddoba gu’ noolaa!. Malaha waa ilhaan xagga Alle uga yimi!. “Aabbo, hadduu Madaxweyne Cigaal geeriyooday, halkiisa miyaa lagu beddelo ku-xigeenkiisa?” ayuu yidhi Abuubakar Maxamuud Gahayr.




 




 




 




Markiiba waanu is-eegnay. Yaa hadlay? Intee da’da iyo hadalkani isu jiraan! Gu’ga iyo garaadku waa kala laba. “Rag badan ayuu dhaamaa” ayuu Marxuum Maxamuud Gahayr ku bogaadiyay wiilkiisa. Lama koobi karo intii hadal iyo hawraar laga yidhi geerida Hoggaamiye Cigaal.




 




 




In aan baroor-diiq curiyo dharaartaas waan jeclaa! Maanso aan ka xasuusto meerisyadan ayaan qoray




“Mar hadduu dalluun galay




Geesigii dalkeenniyo




 




Daaddihiyay qarankani




Daruur murugo oo madaw




Ayaa ina dul-joogtoo




Naxdin baynu derisnee




Daayinow Allahayow




Darka xawdka ka cabsi




Haddii aynu u gudubno sidii dadweynaha, dawladda, baarlamaanka iyo saaxiibbada Somaliland uga jawaabeen geerida naxdinta leh ee dalka ku habsatay .........................




 




 




 




La soco haddii Alle idmo




 




 




 




Wixii talo, taariikh, suugaan iyo xog aad ka haysaan Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahin Cigaal fadlan ku soo hagaajiya




 




 




 




Siciid Maxamuud Gahayr (Hargeysaawi) iyo Cabdirisaaq Cabdillaahi Aadan (Keyd




 




Tell: 0634428604/0634435149/

Waxa Aan Cambaaraynayaa Xadhiga Lagula Kacay Wariye Darwiish Iyo Tacadiyada Ka Dhanka Ah Saxaafadda Madaxa Banaan


Waxa Aan Aad Uga Xumahay oo Aan Cabaaraynayaa Guud Ahaan Waxayaabahan Maalmihii Ugu Dambee




Lagula Kacaayay Hawlwadeenada Saxaafadda Madaxabanaan ee S/land Iyadoo Maalintii Arbacadii Fal




Gacan Kahadala Ah Lagu Gacan Saaray Tafatirihii Wargayska Madaxbanan ee Ogaal Ayaa Imikana Wararku Sheegayaan In Si Sharciga Baalmarsan Xabsiga Loogu Taxaabay Weriye C/laahi Xuseen Darwiish Hadaba Waxan Usoo Jeedinayaa Cidkasta oo Ku Lugleha Falalka Noocaasa ee Cabudhinta Iyo Caga Juglayntaa Inay Ka Waantoobaan Waayo Waa Arin Meel Kadhac Wayn KU ah Karaamadda Saxaafada Iyo Xoriyatul Qawlka Sidoo Kale Dimuqraadiyadda Ma Waxaynu Uqaadanay Inta Doorashooyinka Khusayasa oo




Keliya Waxa Jirta In Weli Ay Xanibantahay Jariiraddii Hubaal oo Aan Ilaa Hada Xukumaddu Jawaab Cad Iyo Mid Maldahan Toonna Aanay Kabixin Waxan Ugu Baaqayaa Masuuliyiinta Arimahan Samaynaysaa Ay Ka Waantoobaan oo Hadii Weriyayaashu Ay Masuul Wax Ay Ka Qoreen Ku Ciil Beello Xadhig Iyo Cabudhin Dee Saxaafaddi Shaqayn Mayso Xoriyadina Jiri Mayso Hadaba Hadaa Madaxda Tihiin Waa Inaad Ogaataan In Saxaafaddu Idinka Wanaagiina Kashaqayso Waayo Waxa Wanaagsan ee Aad Qabataan Waxa Umadda Idiinka Gudbisa Warbaahinta Taa Dhigeedda Marka Dhalishiina Lasheegana Waa Wanaagiina oo Way Idin Saxaysaa




 




Hadaba Anigoo Ku Hadlaaya Afka Qoraaga S/land Waxaan Cod Dheer Kuleeyahay Waa In Si Deg Dega Xoriyadiisa Loogu Soo Celiyaa Weriye Darwiish Sidoo Kalena Talaabo Cad Laga Qaadaaa Cidii Ku Kacday Falkii Waxashnimada Ahaa ee Suuqa Lagu Fara Saaray Tafatiraha Wargayska Ogaal




 




Qalinkii Qoraa Sacad Cali Kaahin Raamalay {Sacad PLUCKY]

Madaxdhaqameedyada Beesha Warsangeli Oo Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Garoowe Ku Amray Inuu 48 Saacadood Kaga Baxo Badhan


Hargeysa(GNA) – Madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka beesha bariga Sanaag ayaa la sheegay in taliyaha ciidanka daraawiishta maamul gobolleedka Puntland Cabdillaahi Cumar Cashuur oo ku sugan degmada Badhan oo xaalado colaadeed iyo kala qaybin ah ka wada bariga Sanaag ku amray inuu muddo 48 saacadood gudahood kaga baxo magaalada Badhan, kaas oo la sheegay in ay ku eedeeyeen inuu xaalado iska horkeen iyo amaan daro uu ka abuurayo deegaanada bariga Sanaag, isla markaana ay talaabadaasi si weyn u soo dhaweeyeen shacbiga ku dhaqan degmada Badhan ee xarunta bariga Sanaag.




Sida ay Haatuf u xaqiijiyeen dad goob joog ku ah degmada Badhan ayaa sheegay in madaxdhaqameedyada iyo waxgaradka deegaanka bariga Sanaag ee ku sugan degmada Badhan ay shalay ku amreen taliyaha ciidanka daraawiishta Mr Cashuur inuu si dhakhso ah uga baxo magaalada Badhan, kaas oo ilo wareedyadu tibaaxeen in shacbiga ku nool degmada Badhan aqlabiyadoodu ay soo dhaweeyeen go’aanka ay madaxdhaqameedka bariga Sanaag ay ku fareen sarkaalkaasi iyo maleeshiyada maamul goboleedka Puntland ee uu wato, isla markaana todobaadkan u dambeeyey ku suganaa degmada Badhan inay ka baxaan.




Madaxdhaqameedyada, waxgaradka iyo aqoonyahanada Beesha Warsangeli ayaa muddooyinkan dambe aqalabiyadooda la sheegay inay xilligan taageeradooda u soo jiheeyeen Somaliland, waxaanay ilo wareedyadu intaa ku dareen in wafti balaadhan oo iskugu jira madaxdhaqameedyada, waxgaradka iyo cuqaasha Warsangali ee deegaanka Badhan ee bariga Sanaag la filayo inay dhawaan ka soo kicitimaan degmada Badhan, isla markaana socdaal ku iman doona caasimada Hargeysa, isla markaana kulamo la yeelan doonaan madaxweynaha iyo masuuliyiinta sare xukuumada Somaliland.




Xigasho. Haatuf

Qodobka ugu qaalisan qodobada jacaylka ee lamaanaha


lamaahan




Qodobkan oo ah ka uu qoraalkani  ku socd ayaa ah : “Naftaada waan kaa jeclahay”.

Waxaa hubaal ah in maanta aduunyada dhan walbaa horumar laga gaadhay, oo is badal weyni ku yimid dhinacyo badan oo ku salaysan nolosha aadmaha.




Haddaba jacaylku waa shayga ugu qaalisan ama cilmiga ugu macaa ee uu Eeba aduunyada inagu siiyay.




Waxaase mudooyin kii danbe isa so taraaya, in gabi ahaanba uu mustaqbalkii jacaylku ka sii dhamaanaayo shaashadaha aduunyada oo uu noqonaayo shay aan xiiso lahayn. islamarkaasina uu mutaystay dib usocodnimo.




In kastoo uu cilmiga jacaylku balaadhan yahay haddana waxa an filayaa qeybtan aan ka hadlaayo waa ta ugu culus, uguna fahanka adag ee ugu mihiimsan. Waa tan ay wadaagaan lamaanuhu.




Sidda qaldan ee jacaylka loo isticmaalay maanta aduunka iyo dhalan-roga lagu sameeyay, ee aan diin iyo dhaqan toona shaqo ku lahayn, cilmiga jacaylka, waa kii hadraawi lahaa sagaashanadi isaga oo og wax yaabaha halista badan ee aduun ka soosocda.




Cilmigan dalandoolka badan

Damiirku ka meydka yahay

Ragg iyo dumarkii furfuray

Intuu dumarkii is baday

Ragii qaar dumar ka dhigay!




Diin iyo dhaqan waa lagu kala duwan yahay. Inagu dad kalaynu nahay darkii nabigaynu nahay csw islaam xalan baynu nahay.

Muslim ayaanu nahay oo jacaylka sidda loogu tala galay ayaan u isticmaalnaa. Lakiin waxaa jirta in cilmigii jacaylku uu dibusocdnimo mutaystay ama la majro habaabiyay oo lagu soo kordhiyay wax aan ku jirin oo wax aan ku tiriyo aan garan waayay iyo dib iyo horay toona midka uu u socdo. Haddaba soomalida iyo waxyaabaha ay jacaylka ku so kordhiyeen akhristoo ila arag bal waan u bogee!




1. Amaantii oo noqotay cay lakiin la isku turqaayo aakhirkeeda!




Waxa aad tahay tuug weyn, waayo wadnaheyga aad xaday.  Tuducdan danbe ee odhanaysa (waayo wadnahaygaad xaday) waxaan anigu u arkaa amaan, waayo qof qof kale wadnihii wuu qaadan karaa. Adiga ayaaba og in uu xadee! Balse in qof hadal go’an oo hakad lehayn lagu dhaho sidda; tuug ayaad tahay. waxaan u arka ka badbadis aan cilmi iyo aqli toona ku fadhiyin, amaana aan raad ku lahayn.




2. Amaantii oo laga bad badiyay deetana danbaab dhashay




Haddaba labadan qodob ee aan kor ku sheegay kiisa labaad waan ka gaabsaday. Ujeedada oo ah aniga oon rabin in aan qof ama abwaan ka daba danbaabo. Sida oo kale, waan ka  gaabsaday in aan tusaale ka bixiyo, taasi raali galin ayaan kaa siinaya akhristoow.




Cilmiga jacaylku waa shay qaaliya, isla markaasina ku haboon in sidiisa loogu dhaqmo loona barto.




Waxaa qurux badan in si fudud oo diin iyo dhaqan leh loo isticmaalo, intii laga badbadin lahaa, islamarkaana uu noqon lahaa jacaylku shay aan macno lahayn ama aan xiiso lahayn.




Haddii aan u soo noqdo ujeedada koobaad ee igu dhalisay maqalkan aan ugu magac daray “Qodobka ugu qaalisan qodobada jacaylka lamaanaha” u jeedadiisu waa in aan soo bandhigo xikmad jacayl ama qodob jacayl oo cajiib ah, oo aad u bogi doontaan marka aad maqashaan isla markaasina ah qodobo aan dhagihiinu wali horay u maqal.




Runtii horay waan u maqalnay, qof qof ku leh naftayda waan kaa jeclahay, Badse wali ma maqashay qof qof kale ku leh “Naftaada waan kaa jecelahay”




Waa qof qof-naftiisa ka jeclaaday, hadda akhristoow fahamku waa shay qaaliyee maahan in uu qofkan uu lamaanihiisa naftiisa ka jeclaaday. laakiin uu iyada teeda ka jeclaaday. Tani waxa ay ka dhigan tahay jacayl aad u qaado gabadh nafteeda ood ku leedahay – adiga iyo aniga-  aniga ayaa naftaada kaa jecel. Sidee?




Sidee ayay ku dhici kartaa inuu qof, qof kale naftiisa ka jeclaado?

Sidee qof naftayda iiga jeclaan karaa?

Taas oo jawaabtu tahay in uu qofku la jecel yahay lamaanhiisa wanaag badan, kana dhowrayo dhib oo dhan.




Balse jacaylka nuucan oo kale ah qofka uu helay ama erayadan isticmaalya, waxaan odhan karnaa waa qof jacayl dhab ah hayo, soo arkay, gaadhayna heer jacayl laga gaadho ka ugu sareeya.




Runtii qodobkan jacayl ee aan sida sahlan loo fahmi karin ama loo isticmaali karin ayaa ah mid cusub oo yimid sanadkan 2011, isla markaasina aan u hibeeyay dhamaan lamaanaha soomaaliyeed ee jacayl wadaaga ah. ( I love your life more then you love it ama Naftaada wan kaa jeclahay )




Anigu lama yaabani, sobobta uu qof naftayda iiga jeclaan karo, balse waxaa la yaabanahay jacaylka haya qofkaan. Way adag tahay sidda naagtu/ninku ay ku fahmaan qodobkan jacayl.




Badse waxa hubaal ah marka ay fahamto naftu in ay dareemi doonto jacayl iyo is badal weyn oo nolosheeda ku yimaada. Waxayna dareemi naftu qiimaha uu iyada agteeda ka leeyahay qof iyada nafteeda ka jecel. Qofkaasi waa qof abaal kugu leh, meel weyna ka dagay laabtaada.




Lama soo koobi karo qiimaha aan u hayo qof naftayda iga jecel iska daa tiisee. Laakiin waxaa jirta in jacaylku uuna ahayn wax gali kara kaftan ama iska yeel-yeel ama dhalanteed. Runtii waxaa aan odhan karnaa waa shay ku abuurma maskaxda aadmaha, isla markaana uu fahmo qofka uu Alle fahansiiyo.




Xikmadan jacayl ee cajiibka ah ee odhanaysa “Naftaada waan kaa jeclahay” waa mid kuu fudaydinaysa nafta wax jecel sidda ay ku hanan karto qalbiga qofka ay jeclaatay.




Waxaa kale oo jira xikmado jacayl oo layaab leh isla markaasina ah kuwo uu jacayl ka buuxo oo dhuuxa qofka kala daadinaaya, naftu marka ay maqashana ay la daaq tagi doonto ama ay gali doonto mawjado fikir oo jacayl iyo layaab badan. Kadibna ay dareemi doonto jacaylka iyo nolosha dhabta ah, qiimayn weyna ku samayn doonta. Meel muhiim ahna ka dhegi doonta laabtaa qofka naftaada kaa jeclaaday.




Sababtii igu dhalisay in aan keeno xikmadan, una curiyay sheekada  ku saabsan jacaylka ee ah “Naftaada waan kaa jeclahay” ayaa ah in aan uga digo akhristaha in uu si fudud ugu dhahdo lamaanahiisa “Naftaada waan kaa jeclahay” asag oonan dareen kaas qabin ama ayna dhab ka ahayn. Hana fududaysan xikmadan jacayl




Gobonimonews 




Yacquub Shirbaaye 

Waa kuwan hababka ugu sahlan ee Qof Horumar ku gaadhi karo


improve your life




Hordhac 




Allaah ayaa mahad oo idil iska leh,nabadgalyo iyo naxariisina Nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. 




Qoraalkan oo taxane ahandoona haduu Alle idmo, kuna saabsanaandoona “Habka ugu sahlan ee is-hormarinta qofeed”. Sababaha igu kalifay in aan wax ka qoro mowduucan ayaa ah, kadib marki aan u kuur galay qoraalada loogu faa’iideeyo bahweeynta soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa is-hormarinta ku salaysan, ayaan arkay in eey aad u yaryihin shacabkuna u baahanyahay in badan oo wacyi galin ah. Sidoo kale waxaa badatay kuwo ku wajahan dhanka siyaasadda. Waxaa kaloo soo badanaya da’ yarta rabta inay ku tilaabsato mustaqbal fiican, una baahan hagid joogta ah iyo tusaaleyn wacan. Sidoo kale, in badan oo bulshadda ka tirsan ayaa si joogta ah u isticmaasha internetka, akhriyana qoraaladda lasoo qoro. Intaas iyo in kasii badan ayaa igu dhiira galisey in aan wax ka idhaahdo/qoro mowduucaan kaas oo aan ugu tala galay in aan kaga qeyb qaato dhiira galinta cid kasta oo daneyneysa in eey is hormariso. 




Qeybta 1-aad ee maanta aan rabo in aan usoo gudbiyo akhristayaasha waxay tahay: Waa maxay is-hormarin qofeed? Maxayse tahay muhiimadda ay leedahay? Waa maxayse tiirarka ay ku qotonto ama ku taagantahay? 




Muddo dheer oo aan u kuur galay hormarinta qofka (Personal development) iyo hormarinta maamulka (Administration development), waxaa iiga soo baxday in macnaha rasmiga ah ee hormarinta qofeed aysan laheyn qeexid laysku waafaqsan yahay ama heshiis lagu wada yahay. Qoraa kastana si buu u qeexaa, in kastoo isku dayo badan ay sameeyeen khubaradda maamulka, tababarayaasha, iyo kuwa xiiseeya Is-hormarinta qofeed, ayey ku sheegeen sida tan: Is-hormarinta qofeed: waa hannaan shareecada islaamka waafaqsan, qofkuna ku hormarinayo ama ku raadinayo xirfad, cilmi, dhaqaale, hab-dhaqan toosan, iyo xeriir bulsho, taas oo gaarsiinaysa inuu dareemo raali ahaansho(personal satisfaction) iyo nabad gudaha ah, kuna kaalmeyneysa inuu diiradda saaro sida uu ugaari lahaa hadafyadiisa nololeed, iyo sida uu ugu guulaysan lahaa culaysyada soo wajaha, ee hakinaya horusocodkiisa. 




Qeexitaankaan wuxuu ku dhisan yahay qodobo muhiim ah oo kala ah: 




Hadafka/Yoolka guud ee qofka muslimka ahi uu nolosha ka leeyahay ayaa waxeey tahay in uu gaaro raali ahaanshaha Alle, galana Janadiisa. Sidaa daraadeed, waa inuu udhaqmaa qofku hab gaarsiinkara Yoolkaa, una camal falaa si uu u gaaro hadafkaas. Intaas waxaa dheer dhamaan Ahdaafta kale waxay kaalmeynayaan hadafkaas nololeed ee guud. Tusaale ahaan Ahdaafta kale ee qofka waxaa ka mid ah inuu hanti tabco. Hadaba waa in lagu tabcaa wado Xalaal ah si ay u kaalmeeyso hadafka guud ee nolosha. 




Isku soo wada duuboo Is-hormarinta waa in ay tahay mid ku salaysan ama waafaqsan diinta Islaamka. Qofka loogama baahna inuu ka raadiyo Is-hormarintiisa waxyaabo aan waa faqsaneeyn shareecadda Islaamka. Is-horamrinta waxaa sal u ah xoojinta sidii uu u dahiri lahaa qofku nafsadiisa si uu u gaaro dhameystirnaanta Iimaanka ama sare ugu qaado. isla markaana uu ka fogaado wax kasta oo hoos u dhigaya Iimaankiisa. Sidoo kale Is-hormarintu kuma xirna da’ ama xili go’an, ee waa hawl joogta ah oo looga baahanyahay qofka. Isla markaana uu ku dadaalo wax kasta oo ka qeyb qaadanaya hormarkiisa, ha ahaato Cibaado fara badan, cilmi kororsi, abuuris xeriir fiican oo bulshada dhexdeeda ah. 




Muhiimadda ay leedahay Is-hormarintu waxa ka mid ah: 




* Ugu horeyn ma jiraan aduunkaan wax sugan, ee isbedel joogta ah ayaynu ku jirnaa, sidaa darteed waxaa loo baahanyahay sidii loola qabsan lahaa isbadaladaas, uuna qofku si joogta ah isu hormarinlahaa si uusan uga harin Tareenka nolosha. 




* Waxaa kaloo jirta baahi joogta ah oo ah dhinaca xirfada iyo macluumaadka intaba, qof kastana wuxuu u baahan yahay si joogta ah inuu u baadi goobo. 




* Suuqyadda shaqadda ma naxariistaan ee waxay u baahanyihiin xirfado cusub iyo macluumaad dheeri ah. Hadii aadan aheyn qof si joogta ah isku hormariya, tartanka shaqadda waad ka hareysaa, wayna kugu adkaaneysaa in aad la qabsatid shaqadda. 




* Culaysyadda nolosha soo wajaha weey badan yihiin sidaa daraadeed waxaad u baahan tahay in aad markasta baratid tabaha iyo sidii aad ula dhaqmi laheed ama uga gudbi laheed Culeeysyadaas. 




  




Tiirarka eey ku taagan tahay Is-hormarinta 




Wax kasta sal iyo asaas ayey leeyihiin, hadaba halkan waxaan si kooban ugu sharxi doonaa Shanta Tiir ee Is-hormarintu ku taagantahay. Waxayna kala yihiin sidan hoos ku qoran: 




1. Waa in aad istaqaano 




Qofku waa in uu isweydiiyaa kumaa tahay? Maxeyse tahay awoodaada iyo xirfadda aad leedahay? Hadii uusan qofku su’aalahaas jawaab rasmi ah u helin, waxaa ku adkaan doonta inuu Is-hormariyo. 




2. Waa in eey kuu cadahay waxa aad ka damacsantahay noloshaada




Waxaa loola jeedaa qofku waa in uu leeyahay qoraal cad oo cadeynaya hadafka uu leeyahay kuwo dhow (Short term goals) iyo kuwo fogba (Long term goals). Hadafyada fogi waa kuwa lagu higsado gaaritankooda mudo ka badan sanad sida in uu qaato degree jaamacadeed iwm. Hadafyada dhawi waa kuwa lagu higsado gaaritaankooda mudo sand ama ka yar ah,waxeeyna u adeegaan sidii lagu gaari lahaa hadafyada fog sida barasho loqadeed iwm. Taasi macnaheedu waa in qofku leeyahay meel uu ka duulayo, ogyahayna meesha uu u socdo, laakiin hadii uusan ogeyn meesha uu u socdo iyo meesha uu hada joogo waxaa cad in uu ku fashilmayo is-hormarintiisa. 




3. Waa in aad taqaanid sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo dadka kale intaba 




Waa in aad taqaanid waxa aad ka rabtid ama ka damacsantahay nafsadaada iyo tan dadka kaleba, aadna ka dhaadhicin kartid waxa aad damacsantahay, weydiin kartidna waxa aadan fahmin, adigoo adeegsanaya qaabka iyo sida ugu wacan ee lagula xeriiro dadka kale. Hadaba waa lama huraan in aad hormarisid xirfadaha kaa kaalmeynaya xeriirka iyo bulshanimadda, isla markaana aad ogaatid in ay lama huraantahay in aad xeriir fiican la yeelatid dadka kale, ogowna waxa kula saxani, qof kale waa ay la qaldanaan karaan. Tusaale ahaan 20 qofood hadii aad weydiisid “Maxaa la dhahaa GUUL?” mid kasta sib uyuu kuugu sheegayaa taasoo ah sida uu u arko inay tahay guusha macnaheeda. Sidaa darted waa in aad taqaanaa sida aad ula dhaqmi laheyd naftaada iyo tan dadka kale intaba. 




4. Waa in aad leedahay xirfad aad kaga faa’iideysankartid hantidaada 




Waxaa loola jeedaa in aad leedahay hanti aad uga maarmi kartid in aad dad kale wax weydiisatid.Soomaalida ayaa tiraahda “Bukto badan iyo Baryo badan waa la isku nacaa” Taasi waxay kugu dhiiri galinaysaa in aad abuuratid illo dhaqaaleed. Maxaa yeelay hadii aadan heysan lacag aad isku hormarisid ama aad isku maal galisid Is-hormarintu wey adag tahay in ay sidii la rabay noqoto. 




5. Waa in aad leedahay Xirfado aad wax isku bari kartid 




Tani waxay tilmaameysaa awooda aad u leedahay in aad si fudud ama dhaqso ah ku heli kartid kuna kobcin kartid macluumaadka iyo cilmigaagaba, adigoo adeegsanaya marba xirfadda aad u baahantahay ee kaa kaalmeyneysa waxa aad ubaahantahay. Tusaale ahaan maanta oo caalamkii uu noqday tuulo oo kale (Global village), oo macluumaad kasta aad ku heli kartid muddo kooban, bal kawaran hadii aadan aqoonin sida loo adeegsado internet-ka. Sidaa daraadeed waa in aad abuurtaa amaba kordhisaa xirfadaha kugu saacidaya kororsiga cilmiga. 




Shantaan tiir ee aan soo sheegay, ayaa u ah jiridka ay ku taagantahay Is-hormarinta, la’aantoodna ay adagtahay inuu qofku Is-hormariyo. 




Gabagabo iyo Gunaanad 




Qormadeenan 1-aad waxaan si kooban uga hadalnay “waa maxay Is-hormarinta qofeed? Muhiimadda eey leedahay iyo Tiirarka eey ku qotonto. Kulankeena xiga ayaan kusii lafo guri doonaa qeybaha kale ee mawduucaan. isku daygaan aan sameeyey ee ku aadan sida aan ugu faa’iideyn lahaa qofkasta oo jecel inuu Is-hormariyo




Gobonimonews 




Yacquub Shirbaaye 

Daawo Jaamacadda Horn International University Oo Xarun Cusub Ka Furatay Gobolka Awdal Caasimadiisa Boorama.


Borama(GNA)  Jamacada Horn International University Oo Xarunteeda Weyn Ku Taal Dalka Ethiopia Qaybteedii Koowaad Ee Somaliland maalintii shalay ahayd Laga Furay Magaalada Borama.




http://youtu.be/BKCogtJCnkk




Gobanimo news




Mustafe caraale




Borama office

Daawo Maamulka Dawlada Hoose Ee Boorama Oo Agab Ciyaareed Gudoonsiisay Kooxda Kuubka Sodonle Ugu Ciyaaraysa Magaca Dawlada Hoose Ee Boorama


Boorama-(GNA)- Maamulka Dawlada Hoose Ee Boorama Oo Agac Ciyaareed Gudoonsiisay Kooxda Kuubka Sodonle Ugu Ciyaaraysa Magaca Dawlada Hoose Ee Boorama.




http://youtu.be/lT2gKU32pO8




Gobanimo news




Mustafe caraale




Borama office




 

Hal hoggaamiye lagu ogaan karo !!! (W/Q Xasan Maal)


 



hasan maalHoggaamintu waa udub dhexaadka horummarka. Waana lafdhabara jiritaanka siiyaalka mustaqbalka uumanaha.  Sida laga yaabo in laga wada warqabo bulsho waxay tanaadaa oo ay tisqaadaa marka hogaan sani tubta iyo toobiyaha toosan u jiheeyo.



 



Hoggaaminta  waa eray faciisa ama waynidiisa leh, adagtahay in la qeexo ama la asteeyo. Hoggaamiyuha sida Qaamuuska Af-soomaligu wuxu ku qeexay ama ku astaynay ‘’ dad hor kicid ama meel tusid’’.



Af- ahaan hadii haybtiisa erayga hoggaamin aynu u abtirino waa eray ku abtirsanaya erayga hoggaan, hoggaanku waa xadhigga awrta la rarto luqunta iyo madaxa lagaga xidho ee lagu wado. Halkaa waxan ka dhaansan karnaa in hoggaanku yahay shaqsi koobsaday masuuliyad, huwan ummad mustaqbal keed, koox iyo wlm, horkaca, u haga kob lagu tanaado.



 



Hoggaamita wanaagsani waa tub iyo toobiye toomoon, tusmo iyo tilmaan, tab iyo xeelad san isla jeerkaas ay tlimaameen ambiyadii Allah SWT, kuna hageen  kuna hoggaamiyeen. bulshada lagu hagaa waxa dhaba oo dhalanteed ka dheer in badhaadhaha ay dheefi doonto. Hanaankani wuxuu huwanyahay diimaha samawaaiga ah ee Allah SWT uu u soo dajiyay adoomihiisa kuna waajib yeelay inay ku dhaqmaan iskuna xugumaan. Inta hogaamiye cadli ah bulsho hagayo ka dheer dhiibaatooyinka dhabar jabka ku ah qof iyo qarnba.



Hoggaamiyaha wanaagsani waa shaqsi huwan masuuliyad ogsoona inuu xamil culus sido, il dheer saadaalin kara siiyaalka mustaqbal isagoo hareer marinaya hogaga iyo haadamaaha hadimooyinka ku ah inay bulsho hanaqaado, u haga himilo Dheer, oo hilinka toosan qaada, hantana horummar waara, habqanka iyo cadaalad xumadiisa ka leexiya. Ummada uu hagayona ku qora machadka taariikhda. Hoggaamiyaha wanaagsani waa waa kan koobsada wanaag oo dhan Qiyam, cadli, wanaag, run, daacad, aqoon, maamul wanaag.



 



Bulsho yahay yaa ku heeray ?



Waa weydiin kal sugan, sidoo kalena jawaab quman oo u qalanta leh. Bulsho waxay heerantaa marka hogaan aan hoggaaminta dirsooceeda haba yaraatee aan hadaafin Karin. Dr. Siciid Cali shire wuxu ku asteeyay buugiisa “Hoggaamiye isbadal horsed” “Ummad waxa gabalkeed dhacaa markay hilmaanto shalay, waayo muuqaalka maantu, shar iyo khayrba, waa tacabkii shalay. Hummaaga beritona, waa sii socodka Maanta . Way adagtahay in la oddorso helinka beri la qaadi doono iyadoon la garanayn sida halkan lagu soo gaadhay.”



Hoggaamiye xum waa qof xumaan oo dhan idlaysta, garsoor xumo, maamul xumo, musuqmaasuq, beenta iyo nifaaqa, qabyaalada, quudhsiga , qadaf iyo qallooc aan laga waayin hanaan kasta oo uu u suubiyo hogaamintiisa.



 



 



Haduu qaran ku doortoo



Dadku uu ku aamino



Ku yidhaa na daadihi



Dulmi laguma maamulo



-          Cabdishakuur Maxamed Xuseen (MEECAAD)



 



Dabcan waa hoggaamiye lagu hungoobay aan hanan Karin kalsoonida ummadi ay si hagaagsan ula handaafiso hawsha inta waqtigiisa u hadhsan. Inuu yahay hoggaamiye hawshiisu damac iyo hunguri tahay waa mid in uu hagaasiye yahay lagu aqoonsan karo.



 



Mar haduu hoggaamiye



Loo wada han waynaa



Haramaha latuuriyo



Huubaha lasaydhiyo



Hebelada cambaarta leh



Isasoo hareer tubo



Hunga iyo inuu yahay



Niman hawsha wadi Karin



Waa hal lagu ogaan karo



-          Xasab Daahir Ismaaciil (Weedhsan)



 



Ujeedada qormadi waxay si saamigal qumana isku barbar dhigaysaa laba hoggaamiye, Dabcan waa kaaf iyo kala dheeri, dhul iyo cir, buur iyo banan, runtiina Kun iyo kow mid waliba kaalintiisa joogo.
 



Garo masuuliyadaada



Hadii lahelo hoggaamin wanaagsan isla markaana hoggaamiye hanaankiisa iyo habsamidiisa ay heemsanayso horumar gidigii. Dabcan hadii lahelo hoggaamiye dawga toosan ku duwa dadkiisa laasim qaran dhanbuu qaab iyo qorshe u dhigi karaa. Wuxuu yidhi nabigeenii Maxamed CSW hanuunsama oo u hogaansama hoggmiyaashiina. In hoggaamiyuhu bulshadiisa cadaalad ku darwadaajiyo waa asaaska jiritaanka siiyaalka umadeed waana masuuliyad lagu waajib yeelay qofkasta oo isbida inuu hoggaamiye ummad u noqdo, in hir marka lagaadhoba hirkale u hilaadsho ummadiisa, koboca iyo korriinka qiyamka dadkiisa, hayeeshee si guud mara masuuliyada hoggaamiye saran waa tu mugweyn meelkastana taabanaysa.



 



 



Heerbaa lagaadhaa



Habhaybta reerkiyo



Hindisaha qabiilkaba



Hankuba kaaga dhaartoo



Himilada dan guudiyo



Dadka horumarkiisiyo



Hilan toosan raaciyo



Ifku waa habeenee



Halhays fiican reeb



Halgankuba kaa yahay



-           Xasab Daahir Ismaaciil (Weedhsan)



 



Gunaanad



Hoggaamintu kuma tarando madi, waxay ku tarantaa midnimo hoggaan iyo ummadiisba, waxaanan ku soo afmeerayaa yaan gobannimada lagu dumin garaadkeena. Qoraalkan waxaan u hibaynayaa inta aan hogaamiye hayb qabiil  aan ku qiimayn, ku qiimeeya inta uu qumaniyo hogaaminta dirsooceeda. Sidoo kale waxaan u hibaynayaa Hooyaday oon halganka nololeed had walba, heerwalba, hoodo iyo ayaanba, hore iyo dambeetaba hiil iyo hoo ila hareer taagan. Waxaan leeyahay “ hooyo inaad nuurkii aduunkiyo, nimciyo naxariist tahay, naq iyo neecaw udgoon tahay, marna ku iloobi maayee, naxariista eebiyo, ku waar janooyinkiisa.



 



 









Xasan Maal



Kampala, Uganda 



 



Gobonimo News 



Yacquub Shirbaaye