Friday, February 28, 2014

Lampard: Premier League Waa Inay Caawiyaan Kooxaha Ka Qeybgalaya Champions League.


364117_heroaCiyaaryahanka khadka dhexe ee Chelsea Frank Lampard ay ku baaqay in dib looga fekero waqtiga la ciyaarayo horyaalka Premier League marka ay soo dhawdahay kulamada Champions League, waxaana uu jeclaan lahaa inay helaan taageero la mid ah mida loo muujiyo kooxaha kale ee Yurub.




KooxdA Jose Mourinho ee Chelsea oo hogaanka u heysa Premier League ayaa isku diyaarineysa kulanka West London Derby ee Fulham berrito, kaliya 72 saacadood ka dib markii ay barbaro 1-1 la galeen Galatasaray kulankii ka dhacay Istanbul.




Waxaana nasasiino la’aanta heysata Blues uu aaminsan yahay Lampard in Premier League ay tahay inuu raaco nidaamka horyaalada kale ee Yurub kuwaasoo dhaqaajiya kulamada horyaalka si ay ugu oglaadaan kooxaha Champions League ka qeybgala waqti ay ku nastaan oo ay ku soo kabsadaan.




 




 




“Ma ahan wax fiican nidaamka hadda” ayuu yiri Lampard sida ay qortay Daily Mail.




“Ma fileyno in wax axsaan ah oo na loo sameeyo, waana ognahay inaanan heleynin. Waxaan dooneyno waa nasasiino iyo inaan diyaargarowno.




“Ma aqaano Premier League laakiin wadamada kale waxa ay u muuqdaan kuwa ilaaliya kooxahooda u matalaya Champions League. Ma hubo inaan halkaan ku helno taas.”

Man United Oo U Hanjabtay Jamaahiirteeda Aan Dooneynin Inay Iibsadaan Tikidhada Kulanka Olympiakos.


United-SupportersKooxda Man United ayaa war rasmi ah kasoo saartay taageerayaasheeda ana doonayn inay iibsadaan tikidhada kulanka Olympiakos ee lugta labaad ee ka dhici doona garoonka Old Trafford.




Warka Man United ayaa u muuqday mid hanjabaad ah kadib markii la saadaaliyay in taageerayaasha kooxda aysan doonayn inay iibsadaan tikidhada kulanka lugta labaad ee Champions League.




 




 




Kooxda ayaa ku sheegtay Web-keeda rasmiga ah in qofkii aan doonayn inuu iibsado tikidhada kulanka lugta labaad ee Olympiakos aan isna laga iibin doonin tikidhada kulanka Man City ee kadhici doona Old Trafford 25 bisha March.




Warkaan ay soo saartay kooxda ayaa ka danbeeyay kadib markii kooxda ay ka baqday in taageerayaasha soo xaadiri doona garoonka ay yaraadaan.

Cesc Fabregas Oo Beeniyay Wararka Xanta Ah Ee Laga Baahiyay Xidigaha Barcelona & Lionel Messi


Messi-and-CescKubad sameeyaha kooxda Barca iyo Xulka Spain ayaa aaminsan in Lionel Messi uu wax walba u sameeyo hormarka kooxda isla markaana kooxda ay dib uga soo kabsan doonto guuldaradii sabtidii kasoo gaartay Real Sociedad.




Fabregas ayaa beeniyay wararka xanta ah ee ay faafiyeen saxaafada Spain oo la xiriira in qaar ka mid ah xidigaha kooxda Barcelona aysan ku qancin qaab ciyaareedka Messi ee kulankii Real Sociedad, wararkaan ayaana imaanaya kadib guuldaradii 3-1ka aheyd ee kasoo gaartay Sociedad.




Si Kastaba Fabregas ayaa shaaca ka qaaday in dhamaan xididgaha Barcelona ay ku faraxsan yihiin shaqada adag oo uu qabto Lionel Messi, isla markaana guuldaradi ay soo wada gaartay naadiga oo dhan oo aysan ku wajahneen qof qaas ah.




“Hadii uu joro qof qaadi kara culeska sharafta kooxda waa Lionel Messi oo kaliya, wax badan ayaana la I weydiiyay waxaana ku cel-celiyay sadex jeer” ayuu Fabregas u sheegay AS.




“Gabi ahaanba waa been abuur wararka la xiriira Leo, wuxuu u ekaa qof fiican, Leo waa shaqsiga ugu wanaagsan kubada cagta xiligaan, wuxuu sameyn karaa wax walba oo uu u baahdo wuuna ku faraxsan yahay naadiga”




“Sabtidii ma uusan faraxsaneen waayo guuldaro ayaa naadiga soo gaartay, balse Axada ayuu farxad sameyn doonaa marka aan dib kaga soo rogaal celino guuldaraas, waxaa noo haray wax badan waana wadi doonaa dadaalkeena 100%”




Messi ayaa dhaliyay 14-gool, 18-kulan oo uu saftay horyaalka La Liga xili ciyaareedkaan.

Hay’ada Qarnul-Ifriiqiya Oo Dhismayaal Cusub Ka Hirgalisay Boorama


Boorama-(GNA)-Munaasabad balaadhan oo xadhiga lagaga jaray dhismayaal cusub oo lagu kordhiyay Dugsiga Sare Ee Ubaya-Ibnu Ka’ab Ee magaalada Boorama ayna hirgalisay hay’ada Qarnul Ifriiqiya ayaa maanta lagu qabtay isla dugsigaas.




Munaasabadan oo ahayd mid si heer sare loo soo agaasimay ayaa waxaa ka soo qayb galay mas’uuliyiinta sarsare ee hay’adan Qarnul ifriiqiya oo fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa,Maamulka heer gobol iyo degmo, maamulka macallimiinta ,ardayda iyo waalidiinta Dugsigan iyo marti sharaf kale.




Furitaankii munaasabadan ka dib ayaa ugu horeyn waxaa ka hadlay maamulaha Dugsiga sare ee Ubaya Ibnu Ka’ab Sheekh Mustafe Muxumad Alabari waxa uuna ugu horeyn u mahadnaqay  hay’adan hirgalisay dhismayaashan cusub ee lagu kordhiyay dugsigan ee qarnul ifriiqiya sidoo kale waxa uu mahadnaq balaadhan u soo jeediyay  Baytul Zakaatul Kuwait oo uu sheegay in ay maalgaliyeen dhismayaashan cusub ee lagu kordhiyay Dugsigan  taas oo uu sheegay in ay qaybtii hore iyo qaybtan cusuba ay iyagu maalgaliyeen taas oo guud ahaan ka kooban 26 Fasal 8Fasal oo ka mid ahna haatan la dhamaystiray.




Maamule Sheekh Mustafe ayaa sheegay in Dugsigan lagu dhisay Magaca Dugsiga Sare Ee Kuwait uu yahay  oo qudha magacii mashruuca lagu hirgaliyay dugsigan uuse yahay Dugsiga Sare Ee Ubaya Ibnu Ka’ab  lagana dhisay  Baytul Zakaatul Kuwait taas oo uu sheegay in ay lacagtii lagu dhisay ay soo bixiyeen dad muxsiniin ah allena ugu baryayaan in alle ka aqbalo miisaanka xasanaadkana ugu daro.




Maamulaha ayaa sidoo kale si qoto dheer uga warbixiyay heerarkii kala duwanaa ee uu soo maray dugsigan Sare dhismihiisu isaga oo sheegay in dhismihii ugu horeeyay ee uu yeesho dugsigani hirgaliyeen 2002-2003 taas oo ay dhismihii hore iyo kan lagu kordhiayay ay dhan yihiin 26 Fasal oo 8 Fasal oo ka mid ah haatan la dhamaystira  2 Office hal laab hal library iyo dayr ka kooban 60-70 Mitir taas oo uu sheegay in qaybtan Cusub ay ka koobantahay 8 Fasal iyo dayrka, ardayda guud ahaan Dugsiga dhigata ayaa waxa uu maamule Mustafe ku sheegay 1200 oo arday kuwaas oo iskugu jira Gabdho iyo wiilal ,580 Gabdho Iyo 620 Gabdhood kuwaas oo si kala sooc ah wax u barta gabdhuhuna si gaar ah ayay u barteen wiilashuna gaarkood ayay u bartaan.




Gabogabadii Maamulaha ayaa sheegay in dhismahan lagu wareejiyay  Jimcyatul Al-wafaa oo fadhigeedu yahay Magaalada Boorama taas oo maamusha guud ahaand dugsiyada hoos yimaada Ubaya Ibnu Ka’ab waxa kale oo uu sheegay in ay dugsigan waxa ka dhigaan  24 Macallin iyo maamulka oo ah 3 Maamule .




Sidoo kale waxaa isna halkaas ka hadlay  gudoomiyaha ururka Qarnul Ifriiqiya Sheekh Maxamed Cali Geedi mahadnaq ka dib waxa uu alle uga baryay dadkaas muxsiniinta ah ee la soo baxay maalkooda ee lagu hirgaliyay dhismayaashan dugsigan laga hirgaliyay,waxa kale oo halkaas ka jeediyay hadalo wacdi iyo waano u adan oo ku socday ardayda wax ka barata dugsigan waxa uuna kula dardaarmay in ay muhiimada siiyaan diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda taa soo uu sheegay In waxa ugu qiima badan ee alla ina siiyay in uu yahay islaanimo.




Gabogabadii munaasabadan ayaa waxaa halkaas hadalo mahadnaq u badan ka soo jeediyay ,Maayorka Degmada Boorama,Saleebaan Xasan Xaddi, Mas’uuliyiin ka socday Jaamacaddaha Camuud Iyo Eelo, Culumwadiin iyo mas’uuliyiin ka socotay wasaarada tacliinta Sare ee Gobolka Awdal waxa ayna dhamaantood alle uga baryeen in miisaanka xasanaadka maalinta qiyaamaha ugu daro dadkaas kuwaitiyaanka ah ee muxsiniinta ah ee soo dhisay dugsigan sidoo kale waxa ay mahadnaq iyo bogaadin u direen hay’adan hirgalinasay ee Qarnul ifriiqiya taas oo ay sheegeen in ay wax wanaagan oo bulshada wax u taraya ay hirgaliyeen.




Si kastaba ha ahaatee dugsigan oo ka mid ah dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ka hawlgala Somaliland Gaar ahaan Gobolka Awdal ayaa ka mid ah dugsiyada Tacliintoodu ay aad u sarayso sannadwalbana soo saara da’yar dhinac walba ka dhisan aqoon iyo akhlaaq diimeed, waana dugsiga qudha ee dhisme uu leeyahay oo isaga u gaar ah oo intaas le’eg ku leh Boorama.”




Gobanimo news




Borama office-somaliland




 




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (4)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (3)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (2)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (1)




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (8)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (7)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (6)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (5)




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (12)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (11)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (10)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (9)




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (16)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (15)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (14)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (13)




Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (34)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (33)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (31)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (30)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (29)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (28)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (27)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (26)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (25)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (24)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (23)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (22)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (21)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (20)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (19)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (18)Dugsiga Ubaya Ibnu Ka'ab (17)




 

Madaxwaynaha Dawlada Killinka Shanaad Ee Soomaalida Itoobiya Oo Isku Shaandhayn Xukuumaddiisa


Jig-jiga-(GNA)-Waxaa la isku shaandheeyay Goihii Wasiirada iyo Maareeyayaashii Xafiisyada Heer Deegaan Caawa ka dib makii ay Shir isugu yimaadeen Golaha Capinetka DDS oo uu shirgudoominayay Madaxwaynaha DDSI. Halkan ka akhriso Isku shaandhaynta Xukuumada iyo Magacaabida Cusub ee Xukuumada hoos ka akhriso Liiska.




1-C/risaaq saxane oo hore u ahaa Mayorka Maamulka Magaalada Jigjiga wuxuu noqday Komishineerka Booliska DDSI




2-C/wahaab Rashiid oo ahaa Maareeyaha Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka wuxuu noqday Maareeyaha Kuliyada Cabdulmajiid(TTC)




3-Cabdi Xuseen(Sonkor) oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Shabeele Wuxuu noqday wasiirka Cadaalada 4-Guleed Aw Cali oo ahaa Maareeyaha Xafiiska Naqshada iyo Dabagalka Biyaha wuxuu noqday kuxigeenka Beeraha




5-Yaasiin Cumar oo ahaa kuxigeenka Dakhliga kuxigeenka Beeraha




6-Maxamed Cabdi Xasan(Dhoodhe) oo Hore u ahaan jiray Gudoomiyaha Degmada wardheer wuxuu noqday kuxigeenka Hogaanka N/galyada iyo Cadaalada




7-Cumar Siyaad oo ahaa Wasiirka Dakhliga wuxuu noqday Maareeyaha Wakaalada Naqshada iyo Dabagalka Biyaha




8-Maxamed Cabdi Mawsar oo ahaa Gudoomiyaha Gobolka Nogob wuxuu Noqday Gudiga Dabagalka Xafiiska Madaxwaynaha




9-Cabdi Geedi oo ahaa Gud Deg Jigjiga wuxuu noqday maareeyaha Wakaalada Dakhliga




10-C/casiis maxamed cumar oo ahaa madaxa Maaliyada deg raaso wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga




11-c/fataax sheekh cali caafi oo ahaa madaxa dabagalka Xafiiska maamulka wuxuu noqday kuxigeenka Dakhliga




12-Mudane Wacay xasan oo ahaa Hormuudka Kuliyada TTC waxaa loo bedelay kuxigeenka TTC Qaybta Academic




13-ilyaas abiib oo ahaa kuxigeenka hormuudka TTC wuxuu noqday kuxigeenka TTC Dhinaca mmaamulka Maaliyada




14-maxamed Ibraahin C/laahi Dabagalka Maamulka kuxigeenka N/galyada iyo Cadaalada




15-Guleed Muxumed hore u ahaa kuxigeenka waxbarashada kuxigeenka wakaalada Dhismaha arimaha biyaha




16- axmed maxamed shukri lataliyaha madaxa arimaha xidhiidhka dadwaynaha kuxigeenka waxabarashada




17-Bashiir axmeed aadan waxaa la geeyay Madaxa Horumarinta Wabiyada iyo Dooxooyinka




18-Irshaad Cali Nuur agaasinka Wakaalada cabashooyinka kuxigeenka cadaalada




19-Inj.Subeer C/lahi axmed Proces owner maamulka madaxa Wakaalada Iibka iyo Dhismaha Adeega Gaarka ah




20-amiin Daahir Dabagalka Maamulka lataliyaha wakaalada Warbaahinta




21-c/kuus c/laahi saleebaan kuxigeenka lataliyaha madaxwaynaha Xidhiidhka dadwaynaha




22-cali ugaas cabdi kuxigeenka wakaalada dakhliga wuxuu noqday kuxigeenka iskaashatooyinka




23-faarax jaamaca oo hore u haan jiray gudoomiyaha afdher waxaa loo badalay ku xigeenka xafiiska xidhiidhka arimaha dawlada dhaqanka iyo dalxiiska




24- c/risaaq dayib hor xafiiska xeer ilaalinta iyo cadaalda waxaa loo badalay ku xigeenka wakaalda ilaalinta deegaanka macdanta iyo tamarta




Gobolada:-




1-Maxamuud xaaji cumar oo ahaa Gud Deg Iimay Galbeed wuxuunoqday gudoomiyaha Gobolka shabeele




2-Maxamed axmed Badhcun oo ahaa Gud Deg dh/buur wuxuu noqday Gud Gobolka Afdheer




3-cabdi Cali Mataan(Cabdi ganay) oo ahaa Gud Deg awaare wuxuu noqday Gudoomiyaha Gobolka Nogob.”




Gobanimo news




Borama office

Dibad-baxyo ka socda Venezuela


Dibad-baxyo ayaa dib uga bilaamay Magaalada Caasimada ah iyo Magaalooyinka kale ee dalka Venezuela Maanta oo Jimce ah.Venezuela




Dadka ayaa ka cabanaya cunto yaraan iyo Sicir barar xad dhaaf ah.




Kumanaan Dibad-baxayaal ayaa Bilaysku kaga hortageen Waddooyinka waaweyn iyagoo u isticmaalaya suntan gaasta Dadka kaga ilmaysiiso ah.




Ma jirto cid ku waxyeeloobay Dibad-baxyada oo wali u muuqda kuwo bilow ah oo isa soo taraya.




Dadka ayaa doonaya in la rido dawladda waddanka ka talisa oo ay ku eedeynayaan inay waxba ka qaban wayday arimaha dhaqaalaha waddanka ee sii xumaanaya.




Salaasadii la soo dhaafay ayay hayd markii boqolaal Mudaharaadeyaal ahi isugu soo baxeen waddooyinka Caasimadda Venezuela.




Waddanka ku yaala Latin Amerika ayaa siyaasiyan ku dhisan nidaamka Shuuciga ah.




 




 

Daawo:Soomaali ka soo baxsaday CANADA oo lagu qabtay Maraykanka


Booliiska dalka Mareykanka ayaa waxaa la sheegay inay qabteen Wiil Soomaaliyeed oo baxsaday dalka CANADA.




 Wiilkan Soomaaliga ah oo lagu magacaabo Cabadinaasir Cabdi oo 27 sano jir ah islamarkaana ka mid ah ama ku jira liiska 10ka qofood ee ay booliiska dalka Canada ku raad joogaan, ayaa lagu qabtay dalka Maraykanka.




Halkan ka Daawo Warbixin laga diyaariyay qabashada wiilkan:


http://www.youtube.com/watch?feature=player_embedded&v=f_Cc0jalfds


 

Hambalyo Dhalasho Farxad Leh


Anigoo ah Cabdirisaaq Sh. Cilmi Mixile iyo Dhamaan Reer Sheekh Cilmi Mixile Waxay Hambalyo dhalasho farxad Leh u dirayaan ( Abdi Nasir Xaaji Daaud Warsame)Oo Wiil ugu dhashay Magalada Hargeysa.




 waxan leenahay wiil iyo caano Gabadh iyo caano bash bash iyo barwaaqo ilhay ha kaa dhigo kii Diintiisa, dalkiisa  iyo dadkiisa anfaca .




aamiin aamiin

Su'aalbaa ka taagaan Qaadhaanka Waddooyinka iyo Qarashka baxaya


Shacbiga oo ku jahawareeray qadarka lacagta qaadhaanka ah ee loo hayo Jidka Sanaag iyo Su’aasha  ka taagan meesha laga bixiyo kharashka xad dhaafka ah ee Wasiir Xirsi amaanta ku Iibsado..




M. Xasan: “ Xafladaha la qabtay waxa ka mid ahayd xaflad lagu soo casuumay boqolaal qof oo Cashadoodu qofkiiba ahayd $15..




Akhri warbixin xogo badan Iftiiminayso oo Gobanimonews idiinka diyaarisay Mugdiga iyo Maamul xumadda Curdin dhadhisay Himiladii reer Sanaag durb..




Waddooyinka Hargeysa:28-02-2014(GNA)Waa maalin Khamiis ah oo habeen jimce soo galayso, waxaanay ku beegantahay dhamaadka bisha Feberaury Mawduucyo badan oo siyaasi ah aad loogu mashquulay.




Waxa dhawr maalmood ka soo wareegtay xal u helida Khilaafkii Xisbiga talada haya ka dhex aloosnaa oo go’aamo soo jeedin ah laga soo saaray dhexdhexaadin xukuumaddu door weyn ku lahayd arrimihii lagu muransanaa muddada dheer.




Soo afjarida Xurguftaasina waxay waxaan todobaad iyo badh ka badnayn ka dambeysay dejinta Xiisaddii siyaasaddeed bishii January ee 2014-ka ka holcaysay Aqalka Wakiillada,taasoo u dhaxaysay saddexda xubnood ee Shir-guddoonka oo hogaaminayay garabyo Mucaarid iyo muxaafid u kala raacay.




Ergo ka socota Golaha Guurtida Somaliland ayaa Shimbir looga dhigay daminta duufaano siyaasaddeed oo ay Xukuumadda iyo isbahaysigeedii wakiilladu kaga dibaaqayeen daafad hoos loogu riixay Awoodda labada ku-xigeen ee Shir-guddoonka Wakiillada, kuwaasoo Mooshin aqlabiyad ku ansaxay lagu go’aamiyay in xilka lagaga qaadi karo 42 cod, halka Guddoomiye Cirro loogu sad-buriyay 55 cod maamus ka xayuubintiisa.




Tani waxay ahayd arrin xumad badan iyo xasarad abuurtay,balse aakhirataankii Ergada u gurmatay  si xal iyo xasilin ah ku dhameeyeen, iyadoo dhinacyada oo dhami tanaasul sameeyay.




Goortu waa gelin dambe oo dadka badankiisu shaqooyinka ka soo rawaxeen, goobtuna waa mid ka mida Majlisyada  ay xiliga gelinka dambe ku kulmaan dadka arrimaha siyaasadda ku foogan iyo kuwa hadal dhaadhiga ahi ku kulmaan.




Waxa ka socota dood aad u adag oo hadba mawduuc diiradda lagu saarayo,taasoo u dhaxaysa akhayaar badankooda xogogaalnimo qoto dheer  lagu tuhmayo, kuwaasoo aan wax badan ku kala aragti duwanayn mawduucyada horyaala ee ay isla falanqeynayaan, oo aanay ku hadal hayn badnayn arrimaha aynu xagan sare ku soo iftiiminay.




Hadaba waxay  sheekaddu gabi dhaclaysaba goor laga gaadhay gabagabadii kulanka goobta, ayaa garoonka ka soo dhigay gorfeyn ku saabsan Mashruuca muddada kooban dalka ka socday ee Dhismaha Laamiga isku xidha Burco iyo Ceerigaabo, taasoo lagu soo gunaanadka kulanka  si weyn loogu raftay goofaadhigeeda iyo gal-gaal bixinta gurac badan oo Mashruucan ku jira.




Waxaanay akhayaarta halkaasi ku munaaqishootay isku waafaqeen gorfeyn badan ka dib, in mugdi badan iyo Maamulo xumo bariinsatay qorshaha Xukuumaddu hormuudka ka tahay ee  Qaadhaanka loogu  uruurinayo sidii laamigaa loo yagleeli lahaa.




Bilowgii Mashruuca waddada Ceerigaabo – Burco iyo horumarinta Waddooyinka




16 Bishii September ayuu Madaxweynaha Somaliland dhagax-dhigay goobta la qoondeeyay in waddada laga bilaabo, xili uu ku guddo jiray Safar uu ku marayay Gobollada Saaxil, Togdheer iyo Daad-madheedh.




Waa Mashruucii ugu balaadhnaa ee Madaxweyne Somaliland soo maray dhagax dhigo, una badheedhay inuu yagleelo xili  xaaladaha dhaqaale ee isbed-bedelayaa wakhtiba heer joogeen, walina dalku la daalaa dhacayo.




Hase ahaatee rejo aan sidaa u sii ridnayn oo abaabul hoose lagu dhiiri gelinayay iyo rabitaan si laab la kac ah uga soo burqaday Bulshada ku dhaqan Gobolka Gaddoonsan ee Sanaag ayaa gogol xaadh wanaagsan u muujiyay dad badan oo riyo u arkayay hir-gelinta hawshaasi.




Sidaasoo ay tahay waxa muuqata in Hindisahani waji kale iyo wadiiqooyin siyaasaddeed oo wiiqaya wanaagii loogu wan qalay loo duway, isla markaana laga dhigayo madadaalo iyo wax maaweelo casri ah lagu tilmaami karo.




Raadad musuqmaasuq iyo Mugdi hadoodilan




Labadan qodob waa kuwa ugu daran ee uu ku curdin dhadhayo mashruucan ilaa heer hoose dadka lagu abaabulay, waxaana la aaminsanyahay hada oo ay dadka badankiisu aad u hadal hayaan inay labadaa arrimoodba siyaabo kala duwan uga muuqdaan hawsha qaadhaan uruurinta ee socota, xili aan wali xaajadu gonda dhigan, dadkuna aanay u bislaan.




durba waxa soo baxaya ifafaale sawiraya inay saameyn ku yeeshee dhaliilaha jiraa habsami u socodka bixinta qaadhaanka, iyadoo ay haatan dad badan hadal hayntooda ka muuqato shaki faro badani.




 “Waxaan u arkaa inay tahay Maamul xumo cad, waayo xaflada shanta boqol ee qof lagu soo casuumayo ee Kirada Hudheelka, Cuntada iyo waxyaabaha kale oo dhami dheeryihiin Kaadhadhka la sameeyay, waa la garan karaa lacagta ku baxaysaa inaanay toban kun oo Dollar ka yarayn ee ay ka badantahay “sidan waxa yidhi mid ka mida dadka aqoonyahanka ah ee reer Somaliland oo magaciisa in la soo xigto ka cudur daartay.




Xafladdeyn laga dareemayo buun-buunin, olole filiqsan oo bulshadu ku kala qaybsantahay iyo hal-qabsi loogu jawaab celiyay dareenkii ay Mashruuca ku qaabileen xisbiyadda mucaaridka iyo bulshada qaybo ka mid ahi ayaa dhaliyay shaki sii laba jibaarmay iyo in dad badani candhuuftoodda dib u liqaan.




 



Xirsi Sha



Hase ahaatee doodda ugu badani hada waxay ka taagantahay meesha laga bixinayo kharashka xad-dhaafka ah ee ay luminayaan  guddida hawshan  loo xilsaaray ee Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan  hormuudka u yahay.




Sida uu mar kale ku doodayo Aqoonyahanka Magaciisa qariyay oo Gobanimonews la hadlay“lacagta Xafladdaha lagu qabanayo ee xad dhaafka ah waxay ahayd in lagu dhiso Laamiga”.




Kharashka la bixinayo ee Dooca dhaliyay waxa ka mida lacagta ku baxaysa Safaradda dibada iyo kuwa gudaha ee aan kala joogsiga lahayn, munaasibadaha la buun-buuninayo iyo gacan laabka loo dhiibayo dadka Taageerada Dhuuni ku bedelashada ah mashruuca u fidiya.




 




Maxamuud Axmed Ismaaciil waa dadka u dhuunta daloola arrimaha Bulshada iyo Siyaasadda waddanka.




 waxaanu isagoo gobanimonews waramaya  sheegay “Guddida dibadda qabatay intii ay wareegayeen lacagtii ay safarka u isticmaaleen halkee laga bixiyay, intaasoo dal ayay soo mareen, markaa waxa la odhan karaa kharashkooda ayaaba ka badnaa waxay soo uruuriyeen”




Waxaanu intaasi ku daray “Markaa waxa loo baahanyahay in la soo bandhigo lacagtaas iyo tan xafladaha ku baxday meesha laga bixiyay”.




Munaasibad Habeenkii Axaddu soo gelaysay ee Usbuucii la soo dhaafay lagu qabtay Hudheelka Maansoor, taasoo ay la soo qayb-galeen dad laba boqol oo qof kor u dhaafayaa, ayaa lagaga dhawaaqay  qadar lacageed oo aad uga hooseeya intii laga filayay qaadhaanka u soo xarooday waddooyinka.




Waxaana xafladaasi lagu shaaciyay tirooyin lacago kala duwan ah oo ay qadar kala duwan ku kala sheegeen Masuuliyiinta bandhiga sameynayay oo qaarkood u hadlayeen sidii wax daacadnimo ka dheertahay.




Maxamed Xasan waa Nin qoraa ah, waxaanu daraaseeyaa arrimaha Bulshada iyo dhaqaalaha.




Waxa uu Kaaf iyo kala dheeri ku tilmaamay Baahada loo gurayo Dhismaha waddooyinka iyo lacagaha ay faraqayaan Masuuliyiinta Dawladda ee arrinta gacanta ku hayaa.




“ Xafladaha la qabtay waxa ka mid ahayd xaflad lagu soo casuumay boqolaal qof oo Cashadoodu qofkiiba ahayd $15.




Taas waxa ka daran iminka qofka Hees yar u sameeya ama amaan yar ula taga Wasiirka waxa loo soo dhiibayaa Labaatan kun oo Dollar, markaa ninka Qaadhaan uruurinayaa deeqsisanaa”ayuu yidhi  Maxamed Xasan aragtida la wadaaga in badan oo ka mida sida aanu ku ogaanay ra’yi uruurin muddo socotay.




Su’aalbaa ka taagan qadarka lacagta lagu dhawaaqay iyo kharashka baxay.




Guddi hawleedka Mashruuca ayaa ku dhawaaqay inay gacanta ku hayaan xadi lacageed oo dhan (= $500,352.34), hase ahaatee Boqolkiiba shan iyo sagaashan ka mida Bulshada somaliland waxa muuqata inaanay  si tafaftiran u fahmin lacagtan iyo qaabka loo hayo.




 Waxa kale oo aan cadeyn waxa kharash uga baxay qaadhaanka, inta ka soo xarootay Dakhligii Cashuuraha Takaalifaatka ah ee loo saaray Gaadiidka, baddeecadaha iyo  xoolaha nool iyo waliba sidoo kale xadiga qaadhaanka noolka ama xoolaha noola ee la hayo.




Maamul daadejin la’aan




Inkasta oo Hay’adda Waddooyinka Qaranka la hoos geeyay Wasaaradda Madaxtooyada, hadana waxay ahayd  inay hawlaheeda farsamo u gudato si madaxbanaan, wasaaraduna siyaasad ahaan hagto hanaanka shaqadu u soconayso.




Hase ahaatee tan iyo markii Digreetada Madaxweyne Hay’adda lagu bedelay siyaasaddeeda iyo awooddeeda Maamul, waxa muuqata in Wasiirka Madaxtooyadu noqday Maareeyaha Hay’adda Waddooyinka, isla markaana maroorsaday dhamaan awooddii Maamulka Hay’adda .Guddid




 



Kormeero joogto ah iyo shir-hawleedyo hawlaha waddooyinka la xidhiidha la sameeyay tobankii bilood ee ugu dambeeyay, ayaa daliil muuqda ka bixinaya luminta doorkii farsamo ee ay Hay’addu u lahayd shaqaddeeda, kuwaasoo Wasiirka Madaxtooyaddu si laab la kac siyaasaddeed ka muuqdo u hor kacayay  Masuuliyiin  iyo ashkhaas muuq xoojin u raacay oo deegaamo kala duwan booqday.




Ku dhawaad afar jeer ayaa wefti noocaas ah, isla markaana marba marka ka dambeysay Rakaabku ka badnaa doorkii ka horeeyay,  booqdeen jidka isku xidha Gabiley iyo Wajaale, halkaasoo inta subax uun loo kalaho la soo yara indho indheeyo, ka dibna duhurka laga soo dheemaalo, iyadoon wax la soo qabtay jirin.




Sidoo kale Dayac-tirka lagu samaynayo Laamiga Berbera iyo Hargeysa  ayaa sidaasoo kale ugu yaraan lix jeer Wasiiro, Agaasimeyaal iyo Masuuliyiin kale oo uu Xirsi horkacayaa kormeer ugu tageen, halka Jidadka kale ee Dhismahoodu socdo, sida kan Wadadda cad-na uu Kolanyo lagu tegay.




Dhamaan hawl-qabadyadan farsamo iyo shirarka kale ee gudaha Magaalada ka dhaca,ayaa ah kuwo sidan aan soo sheegnay Wasiirka Madaxtooyadu ka yahay isuduwaha Barmaamujyada ilaa heer farsamo gaadhsiisan, halka Maareeyaha iyo masuuliyiinta kale ee Hay’addu  gudbinta warbixinaha iyo dar-dar gelinta mashriicda socota xus mooyaane xay uga qayb qaadan.




Taasi waxay ka mid tahay Maamul xumadda iyo ku takri falka awooddeed ee Wasaaradda Madaxtooyadu ku liciifisay Maamulka Hay’adda, iyadoo dhinaca kalena sawir ka bixinaysa rejo xumadda ka soo fool leh.




Hase ahaatee lama dafiri karo in dadka qaarkii aaminsanyihiin in ka qayb qaadashada dar-dar gelinta hawlaha Hay’adda Wasiirku xaq u leeyahay, taase laguma cabiri karo dareen qudha ee waa arrin ku xidhan hadba sida ay shuruucda hay’addu tahay.




Arrinkase meesha ku jira ee fiiradda u baahan ayaa ah in luminta Shidaalka joogtada ah, kaga mashquulida hawlaha kale ee daruuriga ah qayb ka tahay dhaliilaha Maamul ee muuqda.




Olole Siyaasaddeed.




Mashruuca horumarinta Waddooyinku waa qorshe siyaasaddeed oo aan wali loo gondo daadegin ujeedada ka dambeysa iyo hindisaha laga damacsanyahay, waxaanay dadka qaarkii aaminsanyihiin inuu ka mid yahay wajiyadda Siyaasaddeed madaxweynaha waddanka.




“Abwaanka weyn ee …. Waxaan ka hayaa adeer Madaxweyne Siilaanyo wuxuu leeyahay boqol  bayj oo siyaasad, maanta wuxuu ina tusay hal mid oo ah kaa dadka waddooyinka lagu jeedinayo, markaa hadii mucaaridada lagu adkeeyo 99 kale ayuu maalinba mid inoo rogayaa”sidaasi waxa Gobanimo u sheegay Cabdirisaaq oo ah Nin reer Burco ah.




Sidaasoo ay dadka qaar dareen ahaan qabaan , hadana laguma tilmaami karo xirfad siyaasaddeed oo xarago leh Xawaaraha iyo xiqdiga lagu waddo hawsha socota, waana mid lagu sarifi karo ujeedo ka leexatay habkii loogu talo galay oo laga dhadhansanayo raad-barasho siyaasaddeed.




“Sabtida ayaanu soo bandhigaynaa qof kasta oo lacagta qaadhaanka bixiyay, kii been moodaya iyo kii balo sheegayowba, ku busko ayaanu leenahay”sidaasi waxa si Kalsooni daro ka muuqato uga tiraabay Munaasibad Wasiirka Ololaha waddooyinka u xadhko xidhan, kaasoo aan xataa magac dhabin ileen bulshadu way simantahaye kuwa uu uga hal celinayo dhaliil uga timi.




Dharaar kalena Wasiirku wuxuu hadal si weyn loo dhibsaday oo dhagaraysan  ka jeediyay munaasibad waddada wajaale loogu qabtay meel u dhaxaysa wajaale iyo Kala-baydh, waxaanu yidhi.




“Dhego weyne waxaan leeyahay Madaxweyne Siilaanyo shalay markii Hogaamiyaha SNM ahaa waxaad u geli jirtay waddooyinka si aad u disho, xukuumaddii Cigaalbaad lahayd dawladdi ma jirto, Daahir Rayaale ayaad shalay lahayd kaalay ridnee, Maantana madaxweyne Siilaanyo u soo dhigatay, kuu suurto geli mayso waxaad raadinaysaa”.




Dhawaaqyadan iyo kuwo badan oo uu Wasiirku ka jeediyo munaasibad kasta oo uu mikirifoonka  qabsado, waxay iftiiminayaan in mashruucani noqday god siyaasaddeedka Madaxtooyaddu ka weerarto mucaaridka, waayo ninka samo fal samaynaya ee hawlahan oo kale gacanta ku hayaa waa qof laga filan karo ama looga baahanyahay dhawrsanaan iyo soo jiidasho wanaagsan.




Waxaanay dadka qaarkii  isweydiinayaan Mucaaridka Dhismaha waddooyinka loogu booteeyaa miyaanay ka mid ahayn Mawaadiniinta dalka u dhashay ee Qaadhaanka laga doonayo?, miyaanse dareenka ay ka qataan aflagaada loo geysanayo Taageerayaashoodu la wadaagin aragtida ka dhalanaysa.




Dhamaan Arrimahani waa kuwo Mugdi weyn  geliyay natiijada Mustaqbal ee uu Mashruucani xambaarsanyahay oo sida muuqata ku ibbo furtay Asaraar, afar qaadayn iyo indho adeyg wada socda.




Wariye: Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




 Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Dekedda Berbera oo loo soo Iibiyay Gaadiid Wakaalad ah. Daawo


Maareeye ku-xigeebka Dekedda Berbera ayaa ka warbixiyay Gaadiid toos Wershaddii samaysay looga soo iibiyay oo Dekedda Berbera loogu talo galay.




Gaadiidkan oo Dekedda soo gaadhay ayaa waxa ku jira Xaajiyaddo nooca dheereeya ah iyo baabuur kale.




Halkan ka Daawo:


https://www.youtube.com/watch?v=TuQyGlojmJM

Sharafta Islaamku siiyey Bino-adamka.Daawo Muxaadiro qiimo leh

http://www.youtube.com/watch?feature=player_detailpage&v=5LSYlWpkaQE

Reysal-wasaarihii Al-shabaab Muqdisho ka sifeeyay oo ka damqaday weerrarada cusub


fammajo Muqdisho(GNA)-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan dalka Mareykanka ayaa ka damqaday amaan darada  Soomaaliya iyo qaabka ugu habboon ee wax looga qaban karo amniga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, kaddib weerarkii lagu qaaday madaxtooyada Soomaaliya.




Maxamed Cabdilaahi Farmaajo, oo reysal-wasaare dalka ka ahaa markii Kooxda Al-shabaab laga saaray Muqdisho, si weyna loogu xasuusto xasilintii qaybo ka mid ah dalka, ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya looga baahan yahay inay kalsoonida shacabka kasbato, taasoo uu ku sheegay inay tahay dariiqa ugu wanaagsan ee u sahli kara inay nabadda dalka sugto.




Farmaajo ayaa sheegay inay amni darada qayb ka tahay fulin la’aanta balanqaadyada madaxda dawladu samayso “Deggenaasho la’aanta dalka iyo horay u socod la’aanta dowladda federaalka waxaa qayb ka ah ballanqaadyada madaxdu sameeyaan oo aan laga dhabeyn ama sidii loo qaaday aan loo fulin,”ayuu yidhi.




Sidoo kale, wuxuu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya kalsooni lagu siiyo in marka ay dagaalka la galayaan Al-shabaab ay yihiin askar u dhintay Qarankooda, balse aysan ahayn kuwo u dhintay qabiil iyo wax la mid ah, askarigii dhintana xuquuqdiisa meel la saaro wadaniyaduna ay noqoto tan lagu howlgalayo.




Farmaajo ayaa xusay in uu ka codsanayo dowladda Soomaaliya iyo shacabkeeda inay ammaanka ka wada-shaqeeyaan, gaar ahaan midka caasimadda Soomaaliya.




Reysal-wasaarihii hore ayaa isagoo ka walaacsan xaalada Muqdisho  wax laga xumaado ku tilmaamay in saddex sano kaddib ay Al-shabaaba ku dhiirato inay maalin cad weeraraan xaruntii ugu weynayd ee dalka looga talinayay ayna kordhiyaan weerarradooda Muqdisho.




 



Farmaajo



Al-shabaab ayaa ka baxday magaalada Muqdisho bishii Ogoosto ee 2011-kii, ka dib culays milateri oo soo foodsaaray, iyadoo markaas ay dowladda Somalia si rasmi ah ula wareegtay gacan ku haynta magaalada.




Hase ahaatee dhawrkii bilood ee ugu dambeeyay ayaa waxa muuqata in Dagaalyahanada Al-shabaab si xawli ah weeraro uga fulinayaan Deegaanadii ay ka caageen.




Gobanimonews




Muqdisho Office




 

Dekedda Berbera uma baahna Shirkaddo Ajaanib ah.By: Sacad


Waxa beryahan-ba laysla dhex maraayay in xukumadu  dekeda magaaladda Berbera iyo haamaha kaydka shidaalka-ba ay ku wareejinayso laba shirkadood oo Kasoo kala jeeda wadamada ingriiska iyo faransiiska laguna kala magacaabo Detol iyo Bollor isla marakaana ay labadaas shirkadood dib u habayn iyo casriyan ku samayn doonaan.Bolore




hadaba waxa iswaydiin iyo Ka faaloodba mudan sababta dekeda berbera loogu wareejinayaa shirkad Ajaaniba waa maxay ma waxay ka soo rogaysaa shixiinad tii hore kabadan ma Shirkada lafteeda ayaa alaabooyin ay gaar uleedahay kala soo degaysa oo Dhaqaale ayay inoo soo kordhinaysa mise waxa loo waa Harumarin lagu sameeyo dekeda oo laga dhigo deked casriya oo la jaan qaada Dekedaha caalamka siday xukumadu sheegayso.




 hadaba markaad waxaas oo Dhan isku soo duubto waxaynu wada ognahay inay jawaabta saxda ahi tahay Dekeda waxaa lala rabaa in cid aan inaga ahayni inoo hagaajiso taasna Macanaheedu yahay inaynaan waxba qabsan karin ama aynaan waxba Hagaajisan karin iyadoo cidkale inoo timaado mooyaane tasina waa qadaf Xukumaddu u gaysatay umudda reer s/land aqoontooda iyo wax qabsigoodaba.




anigu waxaan leeyahay taasi sax maaha oo hadii aanay xukumaddu Iskeed aanay waxba u qaban karin oo aanay isku kalsoonayn dadkeedana aanay aaminsanayn inay wax hagaajin karaan cidkalena waxba u qabanmayso




Hadaba waxa dhab ah oo aan laga murmi karin in ay dekeda berbera u Baahantahay maamul daacad ah oo xilkas ah oo muwaadin-mo ku jirto




Tusaale hadii aan u soo qaato maareeyihii dhawaan shaqada laga qaaday ee Eng Axmed Yuusuf Dirir oo xukumadani magacawday markii ay talada la wareegtay wuxuu dekeda gaadhsiiyay harumar aan la inkiri karin oo dayactir Ayuu ku sameeyay hadii uu maanta hayn lahaana waxaan hubaa inay dekedu Ahaan lahayd mid caalami ah oo kuwan lagu dhadhabaayo ee caalamka ay Gaadhi lahayd .xukumadana waxaan kula talinayaa inay qiimayso masuulka Qaranka wax uqabanaaya oo ay




by sacad cali kaahin raamalay sacad plucky




 Lasco-----------------------------------------------

Xukumadda Siilaanyo u Kordhinteeda Dadku Abateed Uma Hayo?


XUKUMADII HORE MUDO KORDHINTOODII DADKU RAALIBAY KA AHAAYEENE, TAN(KULMIYE) ABATEED CIDI UMA HAYSO.




Dadwaynaha sharafta leh ee Somaliland oo dhan waan salaamayaa gude iyo dibadba: Asalaamu Calaykum. Waxaan raacinayaa, walee libta shacbiga Somaliland u soo hooyay baarlamanka ayaanan cidkale ku sheegin. Waxa sababay in baarlamaanka Faraha lagala baxo waa cududa iyo feejignaanta shacabka Somaliland. Guurtiduna way ku mahadsanyihiin siday xaajada u galeen, laakiin laftoodu shacbiga qaylo-dhaantiisii meelkasta ka imanaysay ayay meel ay ka maraan waayeen.




Waxa ii raaca, niman aanu udub-tii isku ahayn, oo aan islahaa marhadii ay xagii hore ka muxaafidoobi waayeen waxay ku ekaanayaan Mucaaridnimo, ayaa iminka hanqalka u taagaya Xil!




 




Oo yay ka doonayaan? Waxay ka doonayaan Dawladan loo tirinayo maalmaha u hadhay! Dadku abateed uma hayaan maamulkan maanta jira. Arintan waxaan ku cadaynayaa, hadii ale yidhaa marka xukumadan kulmiye galbato, waxa hal-hays noqon doonta su’aal lays waydiiyo oo ah: Ma garanaysaan Barigii aynu Kulmiye dooranay, ee Somalilandtu jaan-jaantay!!?




 




Oo maxay la jaanjaantay!!? Dee waxay la jaan-jaantay: madaxwayne siilaanyo ayaa gudi miidhan arlada ka dhigay. Markaasii haba Gudi badnaadee, sidii Signal/Guluubka marna kala diraa marna yidhaa waar way magacaabantay. Sida tan Kulmiye ee iminka tidhi waanu turxaan saarnay Kulmiye, Sawkii M/Wayne Siilaanyo kala diray ka hor safarkiisii u dambeeyay!




 




Waxa kale oo ay la jaanjaantay, maxaweyne siilaanyo ayaa lagu yidhi: M/wayne xagee u socdaalaysaan? M/waynii wuxuu waydiiyay nin WaftiRaace ah oo uu ku yidhi: Horta halkaynu ku soconay !!!?? intaanu kii jawaabin ayaa ku kale yidhi: Eeyaahe ee Jabuuti dheh!!!!!




 




Waxa la xusi iyana oo la odhan: miyaydaan garanayn barigii ciyaal madaxtooyada joogaa Hablaha xidhxidhi jireen, ee markii dambe ay baarlamaan, beelo iyo odayaalba u hanjabi jireen, ee aanay hadana Ri Gees ka ridin markii shacbigii kusoo jeestay!!!




 




Hadaanay ilaawin Ilma-Iswanaaje: Madaxwaynuu Qudbadsanadeedkii ayuu Baarlamanka ka hor cadeeyay inaanu doonay in maalin loogu daro.




 




Hadaba Saaxiibaday waxaan leeyay: Xilku in laguu garto ayuu xurmo iyo sharaf ku leeyahay. Laakiin waa karaamo guurteene, dalku uma baahna Xukumadan aydin hanqalka u taagaysaan in loo kordhiyo. Mudo kordhintii Cigaal ama Riyaale bahal cilmiyaysan oo laga raali yahay ayay ahayd, Dawlad la nacay mudo kordhinteedu waa Fowdo hor leh. Ina dhoola yare wasiirkii horee udub oo malaa XIL DOON LA IL-GO’AY (isagoo dhuubtay ayaan arkee) iyo Cismaan Hindi oo laga dhigay sidii Raysal Wasaarenimadii Cumar Carte ee Siyaadoo sii dhacaya xilka loo dhiibay, ayaa ninkii siyaasiga ahaa ee Cismaan Hindina la yidhi: Shini Caydha soo qabqabo!




F/Gaara: Shaqsi uma jawaabo, Afxumana Umada uma horseedo, taasaynu isku ognay Akhristayaal.




SANWAA CUMAR YARE




E-Mail Address:muwadin01@hotmail.com

Muuqaal Sidee Ah Ayuu Leeyahay Arooska Miyiga Maantu? Warbixin



 W/Q: Wariye Maxamed Addis




Qormadan oo aan uga dan leeyahay inaan ku iftiimiyo muqaalka guud ee uu leeyahay arooska reer miyiga ee maantu, maaha mid aan isku barbar dhig ku samaynayo arooskii miyigee soo jireenka ahaa iyo aroos miyiga maanta.Maxamed Addis




Waxaanay ku salaysan tahay oo ay ka turjumaysaa muuqaal aan kasoo dheehday dhawaan munaasabad aroos oo aan ka qayb galay oo ka dhacday deegaanka Lafta Tiinka, oo dhanka Koonfureed kaga beegan Gabiley.




Hindisaha guriga cusub ee miyiga kusoo biiraya maanta waxa uu ka dhashaa, Latagis. Latagistaas oo ah in wiilku gabadha uu calmooday ee ay ku kulmaan munaasabad—oo badanaa ah meelaha kaliyah ee ay dhalinyaradu iskugu timaado—inuu kaxeeyo oo uu geeyo guri ay habeenka u hoyoto.




 




Nidaamka ‘Latagista’ oo ah nidaamyada dhawaan soo kordhay ee sida badana reeraha maantu ku abuurmaan, ayaa wiil-ka iyo gabadha oo ay weheliyaan labo qof oo kale—oo kala ah wiil iyo gabadh—uu gaystaa habeenkaas guri ka baxsan labadooda reer.




 




Kadib waxaa maalinta xilta, intaanay cadeedu dhicin, gabaatigii oo ay ku doonayaan in gabadhaas wiilkooda lagu daro, u imanaya qoyska wiilku ka dhashay qoyskii gabadha. Hadii ay cadeedu ka dhacdana Aabihii dhalay gabadha amaba qoyskeedu waxay dalbanayaan in gabadhoodii loo soo celiyo.




 




Waxaanay reerka wiilka dhalay markay waydiisanayaan reerka gabadha dhalay, ay u gaynayaan 1-2 million oo shilinka Somaliland ah iyo 10-20 marduuf oo qaad ah.




 




Badanaana sida dhacda, nidaamkan Latagista oo lagu qiyaaso 70% inay reeruhu ku dhismaan maanta ayaanu wiilku reerkooda sii ogaysiinin inay ku jirto damac guur iyo inkale oo reerku waxay ka warhelaan uun markuu wiilkoodu gabadh la baxsado oo ay isku yaac yaacaan.




 




Markuu Aabaha dhalay gabadhu kadisadaas ugu meheriyo kulan reerka gabadha ka dhacay, waxaa habeenka xiga la iskugu imanayaa munaasabadii meher-ka oo ka dhacaysa gurigii uu wiilku gabadha geeyay. Inkastoon halkaas reerka gabadhu ka dhalatay ayna wax adduun ah ku gudoomin—maadaama oo ay shalay qaateen.




 




Gabadhu waxay ilaa intuu munaasabada dadab galkeedu dhacayso ee ay reerka wiilku u diyaar garoobayaan ku sugnaanaysaa guriga gacalkeed.




 




Waxaa mudo cel celis ahaan ah bil kadib bilaabma munaasabada arooska (Aqal galka) oo socota 7 maalmood, kana bilaabanta habeenka aynu u naqaan hoynta oo ay reer miyigu u yaqaanaan Galbis.




 




Reerka gabadhu ay u dhaxday waxay munaasabada habeenkaas kusoo dhawaynayaan guri aqal Somali ah oo ay u dhiseen qoysku reerka cusub. Gurigan oo sida ay ii sheegeen dadka deegaanku ah mid ka dhaxeeya reeraha meesha wada dagan oo aroos walba lagu soo dhaweeyo ayay reerka cusubi daganaanayaan mudo kooban oo ah ilaa intuu aroosku dhamaanayo(7 cisho).




 




Waxaa habeenkaas munaasabadaas isku arka dhamaan qacal iyo xigaalo. Raga meesha iskugu yimi way qaylaan dumar iyo dhalinyaraduna waxay ula kala baxaan ciyaarihii dhaqanka ee ay kamidka ahaayeen Jafle iyo Botor oo ilaa waabariga la ciyaaraa.




 




Habeenkaas casuumada oo dhan waxaa leh qoyska wiilku ka dhashay oo waxay keenaan baagag qaad ah oo uu reerba karaankii ah.




 




Aroosku wuxuu gala nasasho ilaa habeenka habeenkiis (7-daa cisho), waxaana socda galin hore iyo galindanbeba ciyaaraha ay ciyaarayaan dhalinyaradu. Dadka deegaanku waxay ii sheegeen inay dhawaan ay kusoo biireen ciyaaraha dhalinyaradu ciyaarayso ciyaarta Jaaska(Qoobka ka ciyaarka casriga ah).




 




Habeenka habeenkiis marka lasoo gaadho, waxay taagan tahay habeenkii Gaafka, oo munaasabad tii Galbiskii oo kale matasha ayaa u dhacda lamaanaha is calmaday.




 




Sodohdu habeenka Gaafka ah maalinta ka horeysa waxay bilawdaa dhismihii gurigii rasmiga ahaa ee reerka cusubi dagi lahaayeen. Gurigan oo sida dadka deegaanku noo sheegeen 70% maanta ah Jiingad labo qol ah ayay sodohdu ka dhistaa duleedka reerkay gabadheedu u dhaxday. Sidoo kale waxay keenta dhamaan agabkii guriga, sida weelkii, wixii lagu fadhiisanayay, wixii lagu seexanayay, raashinkii, iwm, oo dhamaantood iyadu soo iibiso.




 




Munaasabada Gaafku waxay caadiyan bilaabantaa fiidkii, waxaana loo dhisaa waab way oo weegaarsan. Halkaasna waxaa iskugu yimaada ragii deegaanka iskugu jira, qacal, xigaalo iyo jaarka oo qaylaad halkaas camira. Waxaa sidoo kale muda dhexe kusoo biiya dumarka oo iyaguna banaanka isku uruursada.




 




Labada dhinac ee wiilka iyo gabadhu kasoo kala jeedaan waxay soo qaataan labo sameecadood oo la waabka la iska soo hor jeediyo oo midba dhankeeda ka heesayso. Waxaana ka dhacda foorjo lagu foorjaynayo kolba qoloday sameecadu ka bakhtido amaba codkeedu ka gaabto qoloda kale.




 




Habeenka Gaafku Galbiskii wuu ka duwan yahay oo dadka meesha iskugu yimaadaa ma casuunee, iyagaaba looga fadhiyaa dhaqaale inay reerka usoo xareeyaan. Qof kasta oo kasoo qayb gala wuxuu kusoo talo gala adduun uu reerka cusub ugu deeqo.




 




Waxaa bilaabanta goor saqbadh ku dhawaadka ah munaasabadii Gaafka oo kolba qof ayaa magiciisa iyo lacagta uu ku deeqay laga dhawaaqayaa sameecada. Marka qofka magiciisa iyo lacagta uu bixiyay lagu dhawaaqo dumarka oo waabka badhtankiisa taagan ayaa mashxarada.




 




Lacagtan deeqda ah ayay dumar iyo ragu ka siman yihiin oo qof kastaaba wuxuu soo qaadaa inta karaankiis—10 kun, 15 kun, 20kun…. 50 kun, iyo wixii la hal maala. Markii ay dhamaatay ee la isku geeyay, arooskaan joogay waxaa usoo xarootay lacag 4 million oo shilinka Somaliland ah oo u dhiganta $650.




 




Iskastoo lacagtaas ay reerka cusubi leeyihiin, hadana waxay ii sheegeen dadka deegaanku inuu badanaa caruusku ku ambo bixiyo sodohda iyo martida kale.




 




Waxaa habeenkaas ilaa waabariga socda ciyaaraha dhaqanka ee dhalinyaradu ku ciyaarayso banaanka, waankii arooskana waxaa halkii laga sii ambo qaadaa—markay qaadhaan ururintu bilaabanto—qaylaadii iyo dhawaqii labada sameecadood ee iska soo hor jeeda.




 




Markuu waagu baryo, waxaa sodohda loo dareeriyaa xoolo ninba karaankiis ah—5 neef, 6 neef, ….—oo ay sodohdu leedahay, waxaana la dumiyaa gurigii caruusku todobaadkaas ku jiray oo reerku gurigii Jiingadee cusbaa ee loo dhisay ayay habeenkaas wixii ka danbeeya ku wareegayaan.




 




Waxaa hadaba xusib mudan, inkastoo gurigan Aqal Somali –ga ah ee kumeel gaadhka ahaa loo dhisay reerka cusub, hadana badanaa waxaa la dumiyaa qoyskaas oo aan dhinac wada dhigin. Arooska waxaa todobaad kaas oo dhan haysta saxmad iyo asxaab oo habeen oo dhan wuu qaylayaa. Sidoo kale gabadha aroosada ah ayaa iyada lafteedu la mid ah oo asxaabtaas todobaadkaas la damaashaadaysa, inkastoo iyada ay u dheertahay waliba shaqo ay ka shaqaynayso xafladeeda.




W/Q: Wariye Maxamed Xasan Cabdi(Addis)




Email: moaddis@gmail.com




Hargeysa, Somaliland  


Somaliland: Saraakiil Boolis ah oo la xidhay


Hargeysa(GNA)-Gaashaanle Muuse Axmed oo sida la sheegay ka mida Ciidanka Bilayska Somaliland ayaa xalay  xabsiga loo taxaabay, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen saraakiisha Bilaysku.




Sarkaalkan ayaa lagu eedeeyay inuu Damiintay Gabadh ka mida dadkii ku daymoobay Mashruucii Jiif oo Jaq oo baxsatay, taasoo markii la waayay Sarkaalkan loo xidhay.




Gaashaanlaha ayaa laga soo qabtay Xaafadda New Hargeysa, iyadoo lagu xidhay Taliska Qaybta Bilaska ee Magaalada Hargeysa.




Inkasta oo ay qaar ka mida Saraakiisha Ciidanku noo xaqiijiyeen xadhiga Askarigan, hadana Taliska Ciidanka Bilayska oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino, ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii Taliyaha Ciidanka Cabdilaahi Fadal Taleefoonkiisa gacanta oo Wariyeyaashu garaaceen uu  ka jawaabi waayay.




Xadhiga Saraakiisha Ciidanka




Dhinaca kale, xadhiga Sarkaalkan ayaa xili sida warar aanu ka helnay Taliska Guud tibaaxayaan in Afar Sarkaal oo kale halkaasi ku xidhanyihiin, kuwaasoo loo heysto Amar diido iyo eedeymo maamul xumo.




Saraakiishan ayaa la sheegay in Taliye Cabdilaahi Fadal Iimaan amray Xadhigooda, isagoo ku eedeynaya arrimaha aynu kor ku soo xusnay.Gashanle




Laba todobaad ka hor ayuunbay ahayd markii xabsiga laga sii daayay Hogaanka caafimaadka ciidanka booliska Gaashaanle Sare Maxamed Cali Oday oo tan iyo horaantii bishii November ee sanadkii hore Xidhnaa.




Gaashaanle Maxamed Cali Oday oo intaan la sii deyn  todobaadyo ka hor laga soo wareejiyey xabsi guri uu ku jiray,loona soo wareejiyay Taliska Ciidanka Birmadka, ayaa xadhigiisu sida la sheegay ka danbeeyey khilaaf soo kala dhex galay taliska guud ee ciidanka Booliska Sareeyo guuto Cabdilaahi Fadal Iimaan, in kastoo aan la cadeyn  khilaafkaas nooca uu yahay.




Saraakiisha xidhan ayaa sida la sheegay qaarkood hogaano ciidan ahaayeen.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com




 




 




 

R/wasaare C/wali oo weerrarkii Al-shabaab kaga jawaabay Af iyo Addin aan is-lahayn


Xil ka qaadis Tarsan waxa ka muhiimsan in la eryo Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Nabad-sugida.Akhri warbixin




Muqdisho(GNA)-Xukuumadda federaalka Somalia ayaa mar kale hanjabaad kaga jawaabtay weerarada qorsheysan ee Kooxda Al-shabaab ka bilaabeen Muqdisho.




Reysal-wasaare C/wali  Sheikh oo Janjabay.




Cabdiweli-Sheekh2Reysal-wasaaraha Xukuumadda Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed oo warbaahinta la hadlay saacado yar ka dib weerarkii maanta ka dhacay xarunta nabad-sugida ayaa ku tilmaamay falalka joogtada uga dhacaya caasimadda kuwo kooxdu ku sii maca salaamaynayso Daadinta Dhiiga Shacbiga, isagoo ku dooday in la soo afjarayo xili dhaw dhaqdhaqaaqyada nabadda ka soo hor jeeda.




 “Beegsida argagixisada ee goobaha shacabka, waxaa ay astaan u tahay dhamaadka waqtiga kooxdan caadaysatay daadinta dhiiga shacabka, dawladduna wey u diyaar garowday sidii loo siffeyn lahaa nabad-diidka, loona baajin lahaa dhiiga shacabka Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo ka hadlay falkii qaraxa ahaa ee saaka lala beegsaday maqaaxida ku taala isgoyska KM-Zero.




C/wali sheikh ayaa intaasi ku daray “Waxay cadowgu ka warhayaan in la gaaray xilligii la soo afjari lahaa, waxayna go’aansadeen in ay sii daadiyaan dhiiga shacabka Soomaaliyeed. Waxaan u sheegeynaa kuwa soo maleegay iyo kuwa fuliyay fal dembiyeedkan in lala xisaabtami doono, falalka noocan oo kale ah marnaba nagama hakin doonaan talaabooyinka aan ku cirib tireyno nabadiidka.”ayuu yiri.labada sheikh




Laakiinse hadalkiiisa ayaa ku soo aadaya xili wax laga qabtay ama natiijo laga soo saaray jirin weerarkii hore ee Jimcihii ka dhacay Qasriga Madaxtooyada, waxaanay taasi muujinaysaa inaanay Hanjabaada dawladda iyo dhiiranaanta Xoogaga Al-shabaab islahayn, kana dhigantahay qowda Maqashii oo waxba ha u qaban.




Hanjabadii hore ee Xasan Sheikh




 




Madaxweynaha Dawladda Federaalka ah Xasan Sheikh Maxamuud iyo Saraakiisha kale ee dawladda ayaa dhawr jeer shaaciyay inay qorsheeyeen weeraro lagu soo afjarayo Dagaalka Al-shabaab.IMG_0496




Hase ahaatee filashada fulinta dawladda ee arrintaasi waxa shiiqiyay weerarada joogtada ah ee lagu soo qaadayo goobaha xaasaasiga ah ee amni darada ka caagan.




Tani waxay bulshada Somalida ku abuurtay dareen kale iyo dood odhanaysa dawladdu ma waxay noqotay Waraabihii Ciyaartegay ee la soo Kuday isaga, dagaalkii ay sheegaysana wuxuu isu bedelay mid laga soo abaabulay dhinaca Al-shabaab oo dawladnimada iyo amaanka Muqdisho lagu baabiinayo.




Al-shabaab oo Bedeshay qaabka Dagaal




Sida ay xogo hoose ku heshay Gobanimonews kooxda Al-shabaab ayaa bedeshay Istaraatiijiyada Dagaal, si ay u tayeeyaan weerarada.




Saraakiil iyo khubaro dhinaca amaanka ku takhasusay ayaa sheegay inay xarakadu markii Ciidamada Itoobiya soo galeen gudaha Somalia ee Amisom loo ogolaaday, ay isku soo shubeen dhinaca Magaalooyinka si ay gabood uga dhigtaan Bulshada Rayidka ah.




Talaabada ayaa waxa ku kalifay dhawr arrimood oo ay ka mid tahay dhismaha Milateri ee kooxda oo aan dhamaystirnayn iyo Kacdoon shacbiga iyo Ciidanka AMISOM  ee Itoobiya ka dhex qarxa si ay halkaasi uga helaan Taageero balaadhan.




Ciidamada Itoobiya ayaa la aaminsanyahay inay kuwa kale ee AMISOM uga cadowsanyihiin Shabaabka, isla markaana iyagu isku deyayaan inay weeraraan Saldhigyada Ururka.




Sidoo kale Shacbiga Somaalida ayaa Ciidanka Itoobiya ka heysta Fikrado la xidhiidha waxyaabihii hore  u dhex maray labada dal iyo Dhibaatooyinkii ay 2006-dii ka geysteen Muqdisho iyo Gobollada kale ee Koonfurta.




Guddoomiyaha Muqdisho Bedelay




Bedelka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Maxamed Tarsan ayaa u muuqata mid lala daahay oo wakhti xeedho iyo fandhaal kala dhaceen oo meel wax laga qabtaa jirin.Qarax




Hase ahaatee waxa tan ka muhiimsanayd in xilka laga qaado Wasiirka Amniga Qaranka iyo Taliyaha Ciidanka Nabad-sugida, kuwaasoo aanay ilaa hada caddeyn istaraatiijiyadda ay u dejiyeen sugida amniga dalka, isla markaana shaqadooda ay ka timi gol-daloolada amni ee Caasimadda ku soo korodhay.




Xalku wuu kala dhantaalanyahay




Si kastaba ha ahaatee hadii amaan darada Muqdisho ay tahay mid ka timi dhinaca Maamulka, waxa iska cad inaan Guddoomiye Tarsan bedelkiisu wax badan ka bedelayn xaalada, isla markaana aanu isugu ahayn kuwii fulinayay Weerarada.




Sidaasi darteed waxa muhiim ah si loo dhamaystiro habacsanaanta Maamul ee jirta in Masuuliyiinta kale ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo amniga xilalka laga qaado, isla markaana baadhis dhamaystiran lagu sameeyo qaabkii loo fuliyay weerarkii Jimcihii la soo dhaafay ka dhacay Madaxtooyada.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com

10 Arday oo ku dhaawacmay Shil Baabuur oo Boorame ka dhacay


Borama:-(GNA)- Shil gaadhi Abaaro 5:30 tii galabnimo  ka dhacay  duleedka magada Borama kaasi oo sababay  dhaawacyo  10 qof oo ay 4 dhaawac halis ah yihiin.




Shilkan ayaan cid ku dhimatay jirin,
baabuurka oo ku dhacay shilkani ayaa waxa la socday Arday soo dhawaynaysay arday uga soo socotay berbera  oo dhigooda ah.




Ardayda ayaa dhiganaysay Dugsiga sare ee ADAN ISAQ SECONDRY SCHOOL Magaalada Borama.




Ardayda ayaa Weftiga Berbera uga yimi kaga hortegay  Degmada Goroyo cawl, balse markii loo soo galbinyay dhinaca gudaha magalada borama ayaa shilkani uu dhacay.




Dadka Shilka ku dhaawacmay ayaa loola soo cararay dhakhtarka wayn ee magalada borama halkaasi oo xaaladooda caafimaad hada lagu dabiibayo




Gobanimo news




Borama office




Image0012 Image0011 Image0008