Saturday, August 31, 2013

SL:Raxan Wasiirro ah oo loo Ansixiyay Xilalka loo magacaabay iyo Cukuse oo Cadeeyay Doorkiisa Maamul ee Telefishanka Qaranka


Hargeysa(GNA)-Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Ansixiyay xubno ka mid ah Wasiirro uu dhawaan Madaxweynaha Somaliland Magacaabay.




Wasiirrada Arrimaha Dibada, Warfaafinta iyo Dhaqanka, Dib u dejinta, Boosaha iyo Isgaadhsiinta, Xidhiidhka Golaayasha, Wasiir u dawlada Madaxtooyada, Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo Maal-gashig, Wasiir ku-xigeenka Qorsheynta Qaranka iyo Wasiir ku-xigeenka Gaashaan-dhiga, ayaa Maanta Golaha horyimi si loogu ansixiyo Xilalka cusub ee loo magacaabay.




Wasiirradan oo kala ah Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Maxamed Jaamac Abgaal, Dib u dejinta Axmed Cabdi Casood, iyo xubnaha wasiir ku xigeenadda ah ee kor ku xusan, ayaa ka hor intaanay mudaneyaashu cod u qaadin Golaha ka horjeediyay Khudbaddo koob-kooban oo ay ka waramayaan waxyaabaha u qorsheysan iyo waxay ilaa hada qabteen, muddadii ay wasaaradaha loo magcaabay joogeen.




Wasiirka Arrimaha Dibada Maxamed Biixi Yoonis, oo halkaasi hadal ka jeediyay, ayaa Mudaneyaasha u sheegay in uu doonayo in kor loo qaado Hanaanka ay ku socdaan Wada-hadalada Somaliland iyo Somaliya oo ku dooday in Miisaankooda kor loo qaadayo, lagana soo qayb-geliyo Mujtamaca Caalamka ee arrimaha Somaliland daneeya.




Sidoo Kale Wasiirka Warfaafinta iyo wacyi-gelinta Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo mudaneyaasha hadal ka hor-jeediyay, ayaa sheegay inuu Maamulo dhamaan waaxyaha Wasaradda, sida Telefishanka Qaranka, Radio Hargeysa, Wargeyska Dawan, Wakaalada Wararka ee Dawlada, qaybta Online-ka wasaaradda, kuwaasoo dhamaantood hoos yimaada Waaxda Warfaafinta, halka uu dhinaca kale tilmaamay in Waaxda Dhaqanka oo fanka iyo Fanaaniintu ku jiraana wasaarada ka tirsanyihiin.




“Telefishanka Qaranka Somaliland anigaa Maamula,waxaanu ka mid yahay Hay’adaha Warbaahinta Qaranku leeyahay, waxaanan doonayaa in mudada aamn xilka hayo Walaaleeyo oo meel isugu keeno Warbaahinta Dawlada iyo ta Madaxbanaan, anigoo ah Wasiirka qudha ee Fahansan shaqada uu hayo ee loo magacaabay”ayuu yidhi.




Dhamaantood Warbixinta goluhu ka dhegeystay ayaa cod aqlabiyad ah lagu Ansixiyay ,waxaana fadhiga golaha ku sugnaa 50 Mudane, kuwaasoo tiro isku dhadhow ku ansixiyay Wasiirradan.




Halkan Guji siday Codayntu dhacday:




 




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com