Saturday, August 31, 2013

Foosiya Yuusuf:Dawlada shiinaha waxaanu ku Heshiinay inay dib u dhis ku sameeyaan jidka isku Xidha Burco ilaa Muqdisho”.


[caption id="attachment_29526" align="alignleft" width="275"] Foosiya Y. Aadan: Kenya waxaanu u haynaa Abaal weyn ee yaan nalaga dhex Faa’idaysan”.[/caption]Muqdisho(GNA)-Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliya Fawziya Yuusuf Xaaji Aadam, ayaa sheegtay inay dowladda China la soo saxiixatay heshiis dhinacyo badan taabanaya , kaasoo ay qeyb yihiin dib u dhiska wadada xidhiidhisa Magaalooyinka Burco, Gaalkacyo iyo Muqdisho, garoonka weyn ee Stadiom Muqdisho,Isbitaalka Banaadir, Tiyaatarka iyo goobo kale.




Sidan waxay sheegtay ka dib markii ay Maanta ka soo laabatay Safar muddo ka badan hal todobaad oo ay ku joogtay wadanka China iyada iyo wafdi ay hogaamineysay oo ay ka mid ahaayeen Wasiiru dowlaha Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka Mahdi Maxamuud Cali iyo Wasiir kuxigeenka howlaha guud ,dib u dhiska ,gaadiidka badda,dekedaha iyo tamarta Nadiifa Maxamed Cismaan.




Fawziya Yuusuf Xaaji Aadan, oo Shir jaraa’id ku qabatay Madaarka Diyaaradaha ee Aden Abdulle ee Muqdisho oo lagu soo dhaweeyay, ayaa sidoo kale sheegtay inay dawlado badan oo ay dad Somali ahi ku xidh-xidhanyihiin kala hadashay sidii loo ilaalin lahaa xuquuqda dadka somalida  ah.




“Wasaaradeydu waxa ay ku howlan tahay, kalana hadashay dowlaha ay ku xiran yihiin muwaadiniinta Soomaaliyeed , sida Maldives , Seychelles , Kenya , Ethiopia, Yemen , Libya ,India iyo wadamo kale ,si loo siiyo xuquuqdooda sharci , lana suura-geliyo siideysmadooda, waxaa naga go’aan ah ilaalinta sumcadda iyo xuquuqda muwaadinka Soomaaliyeed ee dibadda ku nool”ayay tidhi Marwo Foosiya.




Dowladaha Soomaaliya iyo China ayaa waxa ka dhaxeeya xidhiidh soo jireen ah oo soo taxnaa muddo 1000 sano ah , iyadoo Soomaaliya ay uga horeysay wadamada bariga Afrika ee xiriir diblomaasiyadeed la sameeya China ,iyadoo la xasuusan yahay in Soomaaliya ay u ololeysay ,una codeysay China si ay u hesho xubinimada joogtada ee golaha amniga .

Ra’iisul wasaare kuxigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda  somaliya intii ay ku sugnayd waddanka Shiinaha waxay halkaasi kula kulantay Mas’uuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Ra’iisul wasaare kuxigeenka China Wang Yang , Wasiirka Arrimaha Dibadda Wang Yi, madax ka socoto dawlada Qadar oo booqasho dalkaasi ku joogay  iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowladda dhexe ee Shiinaha.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com