Monday, August 26, 2013

SLN:Dadka la Nool Cudurka AIDS-ka oo Dawlada ku Eedeeyay inay ka Jartay Raashin la siin jiray, Daryeel la’aan-na u Dhintaan. Dhagayso


Hargeysa(GNA)Boqolaal ka mid ah dadka la Nool Cudurka HIV Aids-ka ee ku dhaqan Magaalada Hargeysa, ayaa cabasho ka muujiyay Daryeel la’aan soo foodsaartay labadii sanadood ee ugu dambeeyay, ka dib markii sida ay sheegeen laga jaray Cuntooyinkii nafaqada lahaa iyo raashin Adag oo ay qaadan jireen.




Xubno ka mid ah Haweenka la Nool Cudurkaasi, isla markaan sheegay inay haystaan ubadda tiro badan oo Agoon ah, ayaa sheegay inaanay helin mudo lix bilood ah Raashin qalalan oo ay hay’ada WFP siin jirtay, Buskud iyo Cuntooyin kale oo fudud oo ay ka heli jireen Hay’ado kale iyo Komishanka xakameynta HIV AIDS-ka, taasoo sababteeda ay dusha ka saareen Xukuumadda Somaliland oo ay sheegeen inay Hay’adihii mucaawimadan siin jiray Laaluush waydiisatay, ka dib sidaa lagaga jaray.




Hooyooyinkan oo todobaadkii hore Cabasho daryeel la’aan la hor tegay xarunta Wasaarada Caafimaadka, ayaa sidoo kale ka waramay dhibaatooyinka ay kala kulmaan Bulshada dhexdeeda oo ay sheegeen inay u dheertahay Daryeel la’aanta haysata.




Ilaa tobaneeyo Dumar ah oo ka mid ah dadkaasi,oo Gobanimonews la hadlay  ayaa sheegay inay duruuftan nololeed la wadaagaan Qoys oo ka mid ah dadka la Nool xanuunka halista badan ee AIDs-ka, kuwaasoo sida ay sheegeen maalin walba qaar ka mid ahi u dhintaan Dar xumo iyo daryeel la’aan.




Waxa ay sheegeen in cidi ka hoos qaadi wayday cabasho kasta oo ay dawlada iyo Hay’adaha gargaarka u bandhigeen, helina cid kale oo gacan u fidisa, isla markaana qaarkood Daawada ku liqaan nafaqo la’aan.




Halkan Riix oo ka dhegeyso: cabashada dumarka la nool Aids  




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com