Wednesday, August 28, 2013

madaxwayne silanyo oo Borama kaga qayb galay xaflad loo qabtay arday ka qalin jabisay jamacada Camuud


  (GNA) Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa maanta soo gaadhay Borama,Waftiga Siilaanyo waxaa ku wahelinaya Wasiirada,Madaxtooyada,Arimaha Dibada,Warfaafinta,Boosaha Iyo Isgaadhsiinta Iyo Masuuliyiinta Gobolkaasi ugu jirta golayaasha guurtida iyo Barlamanka. Madaxweyne Siilaanyo oo Jaamacada Camuud kaga qaybgalay xaflada boqolaal arday ah oo ka qalin jabisay Jaamacadaasi ayaa ka hadlay goobta ardaydana ku booriyay waxbarashada. Sida wararku nagu soo gaadhayaan  waxaa la filayaa in caawa waftiga Siilaanyo u hoydo Borama,isla markaana kulamo la yeesho waxgaradka iyo salaadiinta Gobolka