Saturday, May 31, 2014

Taageerayaal ka baxay Xisbiga khilaafku hadheeyey oo Waddani ku biiray


 




Taageerayaashii Wasiir Samaale ee Kulmiye oo u digo-rogtay Xisbiga Waddani..Hoos ka daawo Sawirro




CITOHargeysa (GNA)-Xisbiga  mucaaridka ah ee wadani ayaa maanta xaflad soo dhaween ah u samyeey tageerayaal ku soo biiray.




Taageerayaashan ayaa hore uga tirsanaa Xisbiga Talada haya ee Kulmiye, waxaana hogaaminayay xubno udub-dhexaadka Kulmiye ka tirsanaa.




Xafaldan oo ka dhacaday hotel maansoor ee magalada hargeisa  waxa ka  qayb galay  gudoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee wadani C/raxmaan Maxamed Cabdilahi (ciro) iyo xubno tiro badan oo ka mid ah Madaxda Xisbiga.




“Siyaasadda Waddani waxay u taagan tahay inuu dalka ka saaro Dawlad ninkaliya ah iyo Dawlad Madaxtooyo kaliya ah”sidaas waxa sheegay xoghayah arrimaha  qorsheenta  xisbiga waddani  Cabdirashiid Riyo Raac oo halkaa ka hadlay




Waxaanu intaas ku daray “rag wax uu walaalw ku dhaamo waa lawaayey markaa waxaan  leeyahya kalagarqaata”ayuu yidhi.




Mukhtaar Warsame Mire oo hogaaminayay Taageerayaashan, kana tirsanaa xisbiga khilaafku hadheeyey Kulmiye ayaa halkaa ka hadlay waxaanu ka waramay sababta ku keliftay inay Kulmiye ku biiraan.




 “markii  aanu eegnay af gaabinida iyo anshax wanaagga Gudoomiyaha xisbiga Waddani ayaanu go’aannsanay inyar ayaan doonayaa inaan u dhaadhaco  xisbiga Kulmiye waxaana u habnoon inay si dagdega ah isku casilaan5 sano oo dambe iskaba daayoo haday taagan tahay inay ku habnoon tahay inay meesha baneeyaan oo ay is casilaan”




Daa’uud Xuseen Jaamac [Foodcade] oo ka mid ahaa Masuuliyiinta kale ee garabkan Waddani ku soo biiray oo hadlay ayaa sheegay  “anigu makhraati baan ka ahay oo xisbiga Kulmiye isagaa igu wacan waana ayaan darro inuu Kulmiye yahay hogaan qaloocday” ayuu yidhi Mr Foodcade “taageerayaashayda halkaa soo fadhiya waxaan  ku qancinayaa inaan  niqon doono nin xagooda iyo xagga umadda kaleba u xaglindoona"ayuu yidhi Mr Foodcade.




"tii oo uu nin ba doonayo inuu ninka kale khayaameeyo ayaa lala kala jeedsaday waxa Kulmiye dhexyaalaan waa digadaa iyo dambaskii ay labadaa nin la kalajeedsadeen”




Xildhinbaan Rayte oo Ka mid ah xildhibnaada golaha wakiilada somaliland ayaa isna ka waramay sooyaalkii ay soo martay soo dhaweynta Taageerayaashan, isagoo dhinaca kalena dhaliilo kala duwan u soo jeediyay xukuumadda talada haysa.




Xildhibaanka ayaa yidhi “waxaan maanta aad ugu faraxsanahay  inaan halkan ku soo dhaweeyo taageerayaal farabadan oo ku soo biiray xisbiga Waddani ee waxaad ku soo biirteen xisbigii dimoqoraadiyadda,xibiga Waddani.




waxaanu sheegay inaanay rabin inay maanta xafladoodan kaga hadlaan khilaafaadka kulmiuye balse ay ku qasabtay inay ka aamusi kariwaayeen ceebta meesha taala “aduunyada way ka jiraan fikrado kaladuwan oo hadana halxisbi dhexdiisa ah xisbiga Kulmiye waxa uu necebyahay sharciga waa tan 1aad hadaad is tidhaado sharciga ka hadlana budhkaa ku saaran oo sababtii aan uga soo baxay 2aad waa qabyaaladda xisbiyadana waxaan u samaysaay inaan reeraha iyo qabiilka kaga baxno qabyaaladaasina waa waxay bulshadeenu ku qabsantahay halka ay umadaha kale ku qaybsan yihiin diimaha ay kala aaminsan yihiin iyo luuqada kaladuwan ee ay  ku hadlaan sidii aad arkayseen Madaxweyne Siilaanyo waxa uu liiskii golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ku soo galay isaga oo ah Madaxweynihii qaranka Liiska beeshiisa” ayuu yidhi




“qodobka 3aad waa dimoqoraadiyad la’anta ka jirta xisbiga dhexdiisa taasina waa yaanu tartan jirin oo yaal la tartamin sideebaan ku aamini karaa xukuumadda xisbgeedii sidaa ula dhaqmaysa madoorasho xor iyo xalaal ahbaan ka sugaynaa hogaankii dhawr wiig uun ka hor golihii dhexe ee shirweynihii la doortay meesha waa laga saaray taasina waa sharcidarro marka  makaasaan sharciyad iyo dimoqoraadiyad ka sugaynaa”




sidoo kale waxaa uu ka hadlay hadalo dhawaan ka soo yeedhay wasiirka arimaha gudaha somaliland cali waran cade “Cali Waran Cade waxa uu xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeeyaan qaraxyadan iyo waxa dahcaya m iyaanu ogeyn inuu yahay wasiir Kulmiye ah mase wali waxa uu isku haystaa inuu UDUB yahay" .




“RRU-dana waa in masuuliyadeeda cid lasaaro raggbaa ku dhintay oo nafbaa ku go’day oo caruurbaan waligood ilaawi doonin maskaxdoodana aysan ka baxayn wixii ku dhacay” ayuu yidhi Xill.  Rayte.




Doorasho wakhtigeedii ka soo hormarta




Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo ka hadlay munaasibada xisbigiisu ku soo dhaweeyay Taageeeraal cusub, ayaa sheegay in Khilaafka Kulmiye saameyn ku yeelanayo Doorashooyinka soo socda.wadanisax1 wadanisax2 Waddani Waddanisax




Guddoomiye Cirro ayaa Golaha Guurtida, gaar ahaan Guddida loo saaray dhexdhexaadinta Xisbiga Kulmiye, ugu baaqay inaanay xalka Khilaafka xisbiga ka raadin muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha, balse laga shaqeeyo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho badbaado qaran ah.




“khilaafka xisbiga Kulmiye waxa uu saamayn ku yeelanayaa doorashooyinka soo socda,xidhiidhka waddamada jaarka ah,Golaha guurtidana waxaan ka codsanayaa inaanay dhexdhexaadintooda dawo uga dhigin wax muddo kordhin, layidhaado waxaanu soo jeedinaynaa in doorashada wakhtigeedii laga soo hormariyo si dalka loo badbaadiyo taas oo ah xalka kaliya ee meesha yaala”ayuu yidhi.




Cirro ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “Kulmiye markii hore taageero farabadan buu helay balse hadda waxaa soo baxay midabkiisii dhabta ahaa  nin maalintii oo dhan makhaayadda fadhiya oo suuqyada maraya yaa habeenkii saqda dhexe gurigiisa loogu dhacayaa maxaa keenaya sababtaas? “qoladayada mucaaradka ahi waxaanu ka sii baqaynaa waxa dhicidoona waayo xildhibaano ayaa la xidh-xidhay tartankii doorashooyinkuna suu soo dhawyahay”




Taageerayaal hore




Xisbiga Waddani ayaa hore Magaalada Burco ugu soo dhaweeyay Taageerayaal ka baxay Xisbiga kulmiye, iyadoo dhinaca kalena dhawr degmo oo Gobolka Togdheer ah oo Kulmiye Taageero miisaan leh ku lahaa haatan waddani laga soo dhaweeyay.




Taageerayaasha Maanta ku biiray ayaa waxay ka soo jeedaan deegaanka Wasiirka Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale ka dhashay, kaasoo Xisbiga kulmiye xubnaha Miisaanka ku leh ka mid ah.




Cabdicasiis Samaale iyo Cabdiraxmaan Cirro oo horey Shir-guddoonka Golaha Wakiillada u ahaa muddo sideed sanadood ah, ayaa dhinaca kalena ah laba xubnood oo aad isugu dhow xaga siyaasadda.









































 

























Khaalid Xamdi Maxamed




Gobanimonews




Hargeysa Office




 

Guddoomiye Cirro oo ku baaqay in la qabto Doorasho wakhtigeedii ka soo hormarta


"Golaha Guurtia waxaan ka codsanayaa inaanay dhexdhexaadintooda dawo uga dhigin wax muddo kordhin, ee la qabto doorasho wakhtigii laga soo hormariyo"Gudoomiyaha Waddani




CITOHargeysa(GNA)-Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) Maanta ka hadlayay munaasibad xisbigiisu ku soo dhaweeyay Taageeeraal cusub, ayaa sheegay in Khilaafka Kulmiye saameyn ku yeelanayo Doorashooyinka soo socda.




Guddoomiye Cirro ayaa Golaha Guurtida, gaar ahaan Guddida loo saaray dhexdhexaadinta Xisbiga Kulmiye, ugu baaqay inaanay xalka Khilaafka xisbiga ka raadin muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha, balse laga shaqeeyo sidii dalka looga qaban lahaa doorasho badbaado qaran ah.




“khilaafka xisbiga Kulmiye waxa uu saamayn ku yeelanayaa doorashooyinka soo socda,xidhiidhka waddamada jaarka ah,Golaha guurtidana waxaan ka codsanayaa inaanay dhexdhexaadintooda dawo uga dhigin wax muddo kordhin, layidhaado waxaanu soo jeedinaynaa in doorashada wakhtigeedii laga soo hormariyo si dalka loo badbaadiyo taas oo ah xalka kaliya ee meesha yaala”ayuu yidhi.




Cirro ayaa isagoo hadalkiisa sii wata yidhi “Kulmiye markii hore taageero farabadan buu helay balse hadda waxaa soo baxay midabkiisii dhabta ahaa  nin maalintii oo dhan makhaayadda fadhiya oo suuqyada maraya yaa habeenkii saqda dhexe gurigiisa loogu dhacayaa maxaa keenaya sababtaas? “qoladayada mucaaradka ahi waxaanu ka sii baqaynaa waxa dhicidoona waayo xildhibaano ayaa la xidh-xidhay tartankii doorashooyinkuna suu soo dhawyahay”




Digniin hore




Cirro ayaa horaantiisa sanadkan ka digay dib u dhac ku yimaadda doorashada madaxweynaha.




“Ma yeelayno Dib u dhac ku yimaada Doorashada, muddo kordhin maya maya maya”ayuu ku yidhi bishii March ee sanadkan kulan uu la yeeshay  Ardayda Jaamacadaha hargeysa.




Khaalid Xamdi Maxamed




Gobanimonews




Hargeysa Office

Madaxweyne Siilaanyo oo ku dhawaaqay inuu Musharax Madaxweyne u taaganyahay.Daawo


“Aniga iyo shacbigu toona noqon mayno kuwo Bombo Shaani loogu hanjabo”Daawo…




Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa(GNA)-Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo, ayaa ku dhawaaqay inuu Musharax madaxweyne u taaganyahay Xisbiga Kulmiye ee Khilaafku hadheeyey, waxaanu hadalkiisa ahaa mid la wada sugayay.




Madaxweyne Siilaanyo, ayaa sidaasi ku sheegay Cajalad Muuqaal ah oo lagaga soo duubay qasriga Madaxtooyada, kaasoo Xafiiska Afhayeenkiisu warbaahinta u qabiyay, iyadoo lagu sheegayo shir jaraa’id.




Hadalkan ka soo yeedhay ayaa waxa uu si kulul ugu ladhay hanjabaad uu sheegay inaanay isaga iyo shacbigu toona cabsi gelin doonin “waxaan halkan ka caddeynayaa inaanan cidna uga dulqaadan doonin wixii amni daro ah, aniga iyo shacbiguna ma nihin dad shaani lagu qabsi gelin karo”ayuu yidhi Siilaanyo.




Halkan ka Daawo:




Hogaamiye Macangag ah




Madaxweyne Siilaanyo oo hadalkiisa laga dheehanayay macangagnimo siyaasaddeed, hadana isu muujinayay inuu gutay masuuliyad ka saarnayd xalinta khilaafka Xisbigiisa, ayaa yidhi“Waxaa maalmahan soo baxayey khilaaf xisbiga kulmiye dhexdiisa ah, waan kaxumahay manaan filayn wakhtigan, oo waxaan u haystay in aan kala reebay intii is haysay, oo weliba guddi turxaan-bixineed u saaray, taa soo suurta gelisay in shirwaynihii loo soo gebagebeeyo siquruxbadan, waxaana halkaa lagu doortay shirgudoonkii maamulayey shirka, Hogaankii Xisbiga iyadoo layslaqaatay in Golihii dhexe iyo fulintii lagu soo ururiyo shirgudoonka shirka. Waa lagu soo ururiyey waanay soo saareen.




Hadiiba uu soobaxo is-fahmi-waa, waxay ahayd in si hoose loo dhameeyo, hogaanka xisbigu wadafadhiisto, Kaadirka xisbiga loo yeedho,Xildhibaanada la talogeliyo, hadiii taasi dhamayn waayaan xisbigu sharci buuleeyahay dalkuna sharci buu leeyahay. Buuq iyo qaylo toona looma baahnayn”.




Madaxweynahan Macangagnimada Siyaasaddeed muujiyay, ayaa afartii sanadood ee uu  talada hayay  markii labaad fariin lagaga soo duubay Xafiiskiisa Bulshada kula hadlay, iyadoo aanu ilaa wakhtigaasi qaban shir saxaafadda loo ogolyahay inay wax kaga waydiiyaan xaaladaha waddanka ee siyaasaddeed, dhaqaalaha iyo arrimaha doorashooyinka muddo dhaafay.




Tanina waa habdhaqanka hogaamiyeyaasha keli-taliska ah.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: curad1986@hotmail.com

Hadhaagii SNM ee 31 May 1988-kii Hargeysa qabsaday oo xabsiga lagu guray 26 sanno kaddib


Somaliland: Xuska sanad-guuradii 26-aad ee ka soo wareegtay guda-galkiin Hargeysa oo ku soo beegmay maalin rejo beel ku ah kuwii qoriga sitay iyo Hogaamiyeyaashooda  + xogwaranka xaalada ay ku timi Taariikhdani…




Maxay ka Dagaalameen , maxayse u dagaalameen?




Magacyada xubno ka mid ah Ragii habeen hore Guryahooda lagala baxay




Muj saloHargeysa(GNA)-“Habeenkii aanu soo galnay Hargeysa ee 31-kii May 1988-kii rajadii aanu qabnay , ayaa ka wanaagsanayd rejada aan qabo caawa oo 26 sanaddood oo nabad iyo xoriyad aynu ku jirnay”sidaasi waxa hadal  xambaarsan dareen shucuubtiisu taabanayso quluubta qofka indhaha ku haya ku yidhi mid ka mid ah Dagaalyahanadii SNM ee 31-kii bishii May ee sanadkii 1988-kii gulufka dagaal ee mire weerka ah ku soo galay Magaalada Hargeysa oo ahayd saldhiga ugu weyn ee Ciidamadii Milteriga ahaa ee nidaamkii Siyaad Barre ka degenaa gobollada waqooyi galbeed (Maroodi-jeex).




31 Bisha  May, ayaa  ka mid ah Maalmaha ugu  muhiimsan, uguna mudan dharaarihii Ururka Dhaqdhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM ku dhiiradeen dhaqan gelinta go’aankii lagaga dhiidhiyey dhafoor taabashada iyo daadinta dhiiga shacbigii halkan ku dhaqanaa oo ay dhibaatooyin aan xisaab lahayn ku haysay dawladdii Milaterigu.




Waa maalintii afaraad ee  ay SNM libinta dagaal iyo guusha ka gaadhay iska hor-imaadyadii xeelad ku dagaalanka ahaa ee ay aakhirkii xididdada ugu siibtay cududdii ciidan ee Hargeysa fadhiyey ka hor intii aan laga xoreyn, sida ay isku raacsanyihiin Taariikhyahanada wax ka qoray Dagaaladii SNM gudaha dalka ku soo gashay.




Waa maalintii labaad ee Gudaha galka dalka, waxaanay saddex casho ka dambeysay weerarkii  ismiidaaminta ahaa ee Burco lagu soo galay 27 bisha May isla sanadkaas.




Siday ku timi




Bishii May 1988, waxa heshiis wada galay labadii nin ee madaxda ka ahaa talisyadii Soomaaliya iyo Itoobiya - Siyaad Barre iyo Mengistu - oo tummaati ku noqday geeddi-socodkii halgankii dagaal ee ururkii SNM, kadib markii hoggaamiyayaashii SNM lagu wargaliyey mid ka mid ah qodobaddii ay ku heshiiyeen laba talis, kaas oo dhigayey in fadhiisimadii ciidan ee SNM loo raro gudaha dambe ee dalka Itoobiya, lagana fogeeyo goobaha u dhow ciidammadii Siyaad Barre.




Hase ahaatee, hoggaamiyayaashii SNM oo si weyn uga biyo-diiday tallaabadan ayaa qaatay go’aan lagu tilmaami karo mid argagax leh, marka loo eego duruufahii siyaasadeed ee ku xeernaa SNM, taas oo ay jawaab uga dhigeen xaaladdii afar-jaho-eegga ahayd ee soo waajahday guluf dagaal oo ay ku ekeeyeen gudaha dalka, gaar ahaan magaalooyinka waaweyn.




27-kii May 1988kii, ayaa markii u horreysay ciidammadii dagaalyahannada SNM weerar dhacay hiirtii waaberi ee maalinimadii Jimcaha ku galeen magaalada Burco ee xarunta Gobolka Togdheer.




30-kii May 1988, waxa iyaguna weerar ku qaaday jiidka Cadaadlay cutubyo ka tirsan dagaalyahannadii SNM oo uu taliye ka ahaa Allaah ha u naxariistee marxmuum mujaahid Xuseen Dheere. Sidoo kale, 31-kii May 1988 ayaa ciidan tiradiisa lagu qiyaasay ilaa 1,400 oo dagaalyahan saq dhexe weerar ku mireen saldhigyadii iyo talisyadii millateri ee qaybtii la odhan jiray 26-aad oo ahayd mid ka mid ah saldhigyadii ciidan ee ugu awoodda badnaa ciidammadii Siyaad Barre ka hor intii aanay dagaalyahannada SNM ku soo hoyan gudaha Hargaysa.




Sidaa awgeed, wxa isweydiin leh sidee buu u ekaa jewigii diyaargarow ee Hargaysa, sidee buuse ahaa isu dhiganka ciidan ee labada dhinac ee kala ahaa SNM iyo ciidammadii Siyaad Barre?




Waatan xog kooban oo muujinaysa cududii ciidan ee labada dhinac. “Ciidammadii SNM ee ku soo beegnaa aagga Hargaysa oo uu taliye ka ahaa Muj. Ibraahim Cabdillaahi Xuseen (Dhaga-weyne). Waxay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali ka dagaal galeen aagga dhexe ee Cadaadlay, waxana hoggaaminayey mujaahid Xuseen-dheere. Guutada Sayid Cali waxa taliye ka ahaa mujaahid Maxamed Cilmi Samatar, Guutada Sancaani waxa horkacayey Aadan Cadde, Guutada 20-aadna waxa taliye ka ahaa marxuum mujaahid Axmed Dhagax. Sidoo kale, taliska ciidanka iyo hoggaamintiisaba waxa joogay saraakiil door ah oo magac leh. Ciidanku guud ahaan wuxuu ka koobnaa tiro gaadhaysa 1,400 mujaahid. Qoryaha tiknikada ah waxay ka koobnaayeen ugu badnaan 12 xabbo oo kala ah: 1 Zuu 23, 2 xabbo oo ZGU ah (lidka diyaaradaha), 2 jiib, 1 beebee, 1 SK43, 1 BM21, 1 baroon, 3 xabbo oo nooca Grand B loo yaqaan ah iyo 1 xabbo oo Anti- tank 57 ah.




Dhinaca kale, cadowga ama ciidammadii Siyaad Barre markaad eegto, gaar ahaan Gaaskii 2aad oo fadhigoodu ahaa Hargaysa, kuwaas oo ahaa aagga ay ku soo beegan yihiin ama ku soo jeedaan mujaajidiintii SNM ee jiidda Makka waxay kala ahaayeen: Guuto 5-aad oo fadhigoodu ahaa Gabiley, Guutada 50-aad oo fadhigoodu ahaa Gumburaha, Guutada 87-aad oo fadhigeedu ahaa Balli-shirre iyo Guutada 661-aad oo ahayd madaafiicda goobta, kuna kala filiqsanaayeen fadhiisimooyinka guutooyinka oo dhan.




Gaaska 2aad waxa taageerayey urur taangiyo ah oo fadhiyay Gabiley iyo hurinta lidka diyaaradaha oo fadhiday Hargaysa. Gaaskan waxa kaloo kayd xoojin ah u ahaa 6 baabuur oo BM13 ah, 3 gaadhi oo BM21 ah, Ururka 16aad oo ka koobnaa 24 taangi oo noocoodu kala ahaayeen 55 iyo 54, kuwaas oo ku kala diyaarsanaa Gabiley iyo Dararweyne. Ciidammadii Taliska Qaybta 26aad oo ka koobnaa Ururka Daraawiishta, Ururka Koofiyad-casta, Ururka Miinada, Ururka Isgaadhsiinta, Ururka Saadka, Ururka Dhismaha, hurinta warshadaha kabidda, cutubyadii Dugsiga Tababarka Madaafiicda, Guutada 4aad ee Gantaalaha oo kala fadhiday; Masallaha, Waraabe-salaan iyo Berbera. Ciidankii Guul-wadayaasha, Daraawiishta iyo Booliska iyo ciidanka Asluubta.




Waxa kaloo kayd ahaan u diyaarsanaa ciidanka cirka oo haystay 3 diyaaradood oo hawlgal ah, duuliyayaashii u diyaarsanaa waxa ka mid ahaa; Xirsi, Mursal Muufo, Yuusuf-wraabe iyo rag kale. Guutada 24aad waxay haysatay tikniko ka koobnayd 23 beebee iyo 24 madfac (106). Taliyaha Gaaska 2aad wuxuu ahaa Cabdillaahi Mukhtaar, Abbaanduulahuna waxa uu ahaa Maxamed Maxamuud. Sidoo kale Taliyaha Qaybta 26aad wuxuu ahaa Maxamed Saciid Xirsi (Moorgan), Abbaanduulahiisuna Cabdicasiis Cali Barre, Hawlgaliyaha qaybtuna waxa uu ahaa Cabdillaahi Xuseen Soobbe.




 




Ciidammadii SNM ee aagga Makka waxay markii hore kala fadhiyeen goobaha kala ah; Kaba-qorray iyo Caraancaray, balse waxay xiligii diyaargarowga isugu yimaaddeen meesha la yidhaa Balli-samatar oo 40km ka xigta dhinaca koonfureed magaalada Hargaysa, waxaanay halkaasi ka soo dhaqaaqeen1:00 duhurnimo. Isla markaa waxa dagaalku uu Hargaysa ka bilaabmay abbaaro 2:30 habeenimo ee saqdii dhexe, waxayna ciidammadii SNM weerareen markii u horreysay Taliska Qaybta 26aad iyo fadhiisimadii kale ee muhiimka ahaaba. Ciidammadii SNM waxay ku guureen ilaa 20-neeyo baabuur oo kuwa dadweynaha ah, waxana gaadiidleyda laga xusi karaa Haybe Jeeni iyo Xasan-waraabe oo ka mid ahaa odayaashii hormoodka ahaa.




Guddo-galka Hargeysa  iyo xogwaranka hogaamiyeyaasha




Mujaahid Cali Maxamed Yuusuf (Cali-gurey) oo ka mid ahaa koox sahan ah oo 18 xubnood ka koobnaa oo magaalada Hargeysa ku soo hoyday habeenimadii Sabtida ee 28 May 1988, ayaa isagoo ka warramayey sidii habeenkaas dareenka Hargeysa ahaa ka hor intii aanay gelin ciidammadii SNM waxa uu yidhi; “Magaalada waxaannu soo galnay fiidnimadii, waxaanuna ka koobnayn 18 xubnood, hawgalkana waxa madax ka ahaa Allaah ha u naxiistee mujaahid Gacma-dheere. 12 xubnood waxay ka hawlgaleen hareeraha magaalada, 6 xubnood oo aan ka mid ahaana waxay ka hawlgaleen gudaha. Markii uu dhacay dagaalkii Burco ee May 27-keedii 1988kii waxa isbeddeley qaabkii iyo dhaqdhaqaaqii ciidammadii Siyaad Barre ee Hargaysa fadhiyey, waxana si xoog leh magaalada ugu socday xadhig iyo qabqabasho dadka muhiimka ah lagu beegsanayey.




Magaalada bandoo casar dheere ah ayaa lagu soo rogay. Dadka waxa ka muuqday dareen argagax leh, mana saadaalin karayn sida xaaladud u dhaci doonto. Cudud ahaan labada ciidan ee SNM iyo kuwii Siyaad Barre ma ahayn wax la isku qiyaasi karo, haddana markii weerarku dhacay natiijadii guushu ma noqon mid raacda dhinaca cududda weyn ee waxay noqotay mid raacda dhinacii cududda yaraa. Waayo dagaalyahankii SNM waxay xambaarsanaayeen niyad sare oo ay ku soo dagaal-galeen. Lama qiyaasi karo dareenkii Hargaysa ee qaraxa dagaalka kadib, waxayna noqotay waxii maalintaasi ka dambeeyay goob dagaal ilaa 1991 markii la qabsaday.”




Maalmihii guda-galka ee ciidammadii SNM iyo maalmihii ka horreeyayba waxa ururka SNM hadheeyey waayahii ugu adkaa geeddi-socodka jiritaankiisa, haseyeeshee waxa la odhan karaa gulufkii dagaal ee ay ku ekeeyeen gudaha dalku wuxuu ahaa mid ay kaga fara muruxsadeen duruufo badan oo ka mid ahaayeen, heshiiskii labada talis ee mar qudha ka dul dhacay oo saamayn weyn ku yeeshay, isla markaana ku noqday laba daran kala dooro!




Mujaahid Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa hoggaamiyayaashii milletari ee SNM, haatanna ah Guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE, ayaa isaga oo sharrax ka bixinayey waayahii SNM ee maalmahii heshiiska (Siyaad Barre iyo Mengistu) iyo guda-galkii 31 May, 1988 ee aagga Hargaysa waxa uu yidhi; “Sababta degdegga ah ee kelliftay in la soo qaado dagaal gudaha ah waxay ahayd mid siyaasi ah oo ka dhalatay heshiiskii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya hoggaamiyayaashoodii, kaas oo dhigayey in ciidammada SNM iyo SSDF oo aan markaa cudud weyn lahayn dib looga qaado xuduudaha agtooda, maadama labada dal nabad wada gaadheen, kadibna waxa go’aan lagu gaadhay in gudaha la soo galo oo laga samaysto saldhigyo. Sidaa awgeed, waayo-aragnimadii dagaal ee SNM ka dhaxashay duullaankii buuraha ee 1984-kii oo lagala kulmay dayac iyo dhib badan ayaa la isla gartay in cadowga madaxa laga gaagaabiyo oo la weeraro goobaha iyo taliska ciidanka cadowga, waxaanay xoogaggii SNM go’aansadeen in marka hore la beegsado labad barood ee Hargaysa oo ahayd fadhigii Qaybta 26aad iyo Burco oo uu deggenaa gaas xoog badan.”




Mujaahid Muuse Biixi, isagoo markale ka hadlayey waayahii maalintii 31 May ee 1988kii waxa uu markale yidhi; “Runtii maaha wax laga sheekayn karo. Ciidanku waxa ay ahaayeen ilaa 1400 askari oo u badan dhallinyaro rag ah, dumarna waa ku jireen. Waxay ahaayeen naftood-hurayaal doonayey in ay u badheedhaan cudud ka mid ah ciidammadii ugu xoogga badnaa Afrika. Runtii waxay ahayd mucjiso ciidammadii SNM ee Hargaysa ku wajahnaa duruufo jiray awgood oo ay ugu badnayd dhinaca shidaalka iyo saadka ayaa sababay in ay soo kala hor dhaqaaqaan.




Markaa 28kii May waxa soo dhaqaaqay Guutooyinka Barkhad iyo Sayid Cali oo weerar ku qaaday aagga Cadaadlay. 31kii May, waxa Hargaysa soo galay guutooyinka kala ah: Sancaani, Sayid Cali iyo Sayid Cumar. Sidoo kale, Guutada 5aad waxay ku aadanayd aagga Gabilay. Ciidanku wuxuu ka soo dhaqaaqay Balli-samatar 1:00 maalinimo, waxaannu soo maray waddo aad u dhib badan oo la yidhaa Daba-taxan. Intii aannu soo soconnay waxa la nagu soo riday madaafiic, waxana la noo galay jidgooyo taag daran, has yeeshee umaannu joogsan marnba. Masallaha markii aannu maraynay ayaannu ciidankii u horreeyay ee cadowga is qabsanay, kaas oo ahaa ciidan xoojin ah oo ka yimi dhinaca Boorama, gabbalka ayaana isugu kaaya dhacay.




Habeenimadii waxay noqotay in ciidanku lug ku soo dhaqaaqo, gaadiidkuna soo maro Waddo-geel oo Xagal u dhow. Markii aannu isa soo taagnay buurta yar ee u dhow qaybta waxa xabbadii u horreysay ku riday Taliska Qaybta faadhi uu saarnaa qori Grand B ah oo uu waday nin la odhan jiray Caqaar, kadib na weerarkii ayaa ballaadhay. Runtii habeenkaas ciidammadii Siyaad Barre waa laga qabsaday meelihii muhiimka ahaa ilaa Birjeex, laakiin mushkiladda ugu weyn ee nagu dhacday waxay ahayd annagu maannu haysan isgaadhsiin, taasina waxay keentay in aannu kala lunno.




Intaa gurmad baa nagu soo qulqulayey. Habqan dagaal baa dhacay, ciidammadii cadowguna garoonka diyaaradaha ayey isku urursadeen. Annaga dadka ayaa na hoggaaminaayey oo is-gaadhsiin noo ahaa, iyagana raadyowga ayaa hoggaaminaayey. Lagama sheekayn karo habeenkaas iyo maalintii siddi xaaladdu ahayd, waxana naga geeriyooday rag badan. Shicib badan baa dhintay. Wax waliba way dhaceen, jewigii magaaladuna si degdeg ah ayuu isu baddelay.”




Allaah ha u naxariistee marxuum Mujaahid Adaan Dhamac Diiriye oo isna ka tirsanaa saraakiishii millateri ee SNM, xilligaasna ahaa madaxa madaafiicda oo intii uu noolaa ka hadlayey dareenkiisa habeenkaas waxa uu yidhi; “Heshiiskii Itoobiya iyo Somaaliya wada gaadheen wuxuu dhaawac ku ahaa halgankii SNM, waxana la gartay in dagaal lagu qaado gudaha, waxana abuurmay mooral mideeyay ciidammadii SNM, wuxuuna naga furtay dagaalkii aannu gudaha ku soo qaadnay duruufo jiray waqtigaa awgood. Ilaa markii aannu ka soo dhaqaaqnnay Balli-samatar ilaa markii aannu soo gaadhnay Masallaha oo xabbaddu nagaga bilaabmatay sacab iyo farxad ayey ciidammadu ku soo jireen.




Weerarkan ay SNM gudaha ku soo gashay waxa kaloo uu joojiyay xasuuq ka socday gudaha oo lagu laynayey nin kastoo qiime leh. Arrimahaas ayaa dedejiyey weerarkii lagu soo qaaday gudaha. Awoodda ciidammada naga soo horjeeday iyo awoodayadu ma ahayn laba la isbar-bar dhigi karo, magaaladana waxaannu soo galnay 2:00 habeenimo, kadibna Qaybta 26aad ayay ku bilaabantay xabbaddii u horreysay, magaaladuna waxa ay gashay xaalad jaha-wareersan oo aan muuqaalkeeda laga sheekayn karin.”




Mujaahid Cali Maxamed oo isna ka mid ahaa masuuliyiintii hoose ee ciidammadii SNM ee Hargaysa ka hawlgalay, ayaa isaga oo muujinayey dareenkii habeenkaa waxa uu yidhi; “11:00 habeenimo anagga oo joogna Sheekh Cumar dushiisa, ayaa nala siiyay waajibaadkii dagaal, ka dib na habeen-badhkii, ayaanu so galnay Hargaysa. Markii aannu dhismaha Qaybta 26aad u soo jirnay wax ka yar 1km, ayaa rasaastu nagu bilaabantay, annaguna weerar ayaannu u soo kala baxnay, waxaanuna qabsanay Qaybtii oo waagii ayaa noogu baryay halkaasi.




Maalintaasi waxan ku tilmaami karaa maalintii ugu dhibaatada badnayd, uguna mooraalka saraysay, dadweynaha ayaa si la yaab leh noo caawinayey, waxayna nagula soo yaacayeen cunto iyo biyo.”




Dhinaca kale, Cabdifataax Caydiid oo ka mid ah dhalinyaradii Maalintaasi Hargeysa uga gacan haadinayay, isla markaana rejada ka qabay isbedelkii SNM raadinaysay, ayaa ka waramay dareenkiisa iyo riyadii ay maalintaa isaga iyo faciisu ku cabirayeen SNM.




Cabdifataax oo isagu habeenkii la soo galay Hargeysa ku sugnaa gurigoodda ka fogaa goobta dagaalku ka bilaabay, ayaa dhinaca kale ka waramay marxaladii wakhtigaasi Magaaladani ku sugnayd oo ahayd mid ay ku sii korodhay gabood faladii sababay dagaal doonka SNM, isla markaana la saaray bandow saddexda galabnimo (3:00PM) ka bilaamaysay.




 “ maalintaa da’daydu waxay 15 Jir, caruurtayada anigaa ugu weynaa oo dhamaan inta kale way iga yaryarayd, waxaan degenayn xaafadaha Jeelka Hargeysa ka dambeeya, Magaalada waxa ka jiray Bandow saddexda galabnimo ka bilaamayay. dabadeed maalintaa aniga iyo dhalinyaro kale ayaa galabnimadii meel jeelka dabadiisa ah kaga sheekaysanayn hawl-galkan SNM ku soo galayso Hargeysa, waxaana nooga sheekaynayay Nin dhalinyartaydii ka mid ah oo Mustafe la odhan jiray.




Wuxuu nagu yidhi SNM ayaa Hargeysa soo gelaysa, laakiinse sawir kamaanu haysan sida wax noqon doonaan iyo sida ay ku soo gelayaan, SNM waxa nalugu odhan jiray intaasoo dawladdoodbaa caawiya oo dagaalka waxba umaanu arkayn.




Waxaan xasuustaa Maalintii Burco la galay oo ahayd 27-kii maalintii ka dambeysay oo ahayd 28-kii ayaa waxa la aroostay Gabadh caruurtayda ugu weyn oo Halkan xaafadda gol-jano ku aqal gashay, markaa Magaalada saddexda galabnimo wax ka dambeeya cidi socon mayso, kaddib arrooskii wuxuu dhacay casarkii, saddexdii wakhti yar markay dhaaftay ayaa lagu kala dareeray ,warqad dhaqdhaqaaq ayaanu u soo qaadnay baabuurta,markaa gaadhi kasta waxa raacayey Nin C.I.D-da ka mid ah oo dhaafinayay askarta”ayuu yidhi Cabdifataax oo Gobanimo u waramay.




Waxaanii yidhi “habeenkaa la soo galay Magaalada, shantii annagoo meel fadh fadhina ayaa iyadoo nala doon doonayo oo waalidkii na doon doonayaan naloogu yimi annagoo fadhina meel kaabad ah, intii dhalinyarada ahayd ee xaafadda. Runtii waanu badnayn, dabadeed waanu iska kala hooyanay shantii.




Labadii Habeennimo markay ahayd ayay ka bilaabantay Birjeex, waxaan shitay Iddaacadii Radio Halkan, habeenkaa waxaan seexday qol bilaa daaqaddo ah oo gurigayaga ka mid ahaa, si aan Ideecada u dhegeysto, waayo madnuuc ayay ahayd dhegeysiga radio halgan, daaqadaha ayaa laga dhegeysan jiray dadka markaa waa la gaabin jiray codka”




Markaa markii ay bilaabantay waxaannu maqlaynay Hubka cul culus ee dhacaya, hal mar ayaa jawigu isbedelay oo ay goob dagaal isku bedeshay Magaaladu” – “annaga jibbo ayaa noo haysay in mar uun nidaamkan meesha joogay la bedelo oo wax cusub yimaaddo, markaa aadbaanu ugu faraxsanayn, in SNM Hargeysa soo gasho”ayuu yidhi Cabdifataax.




Isagoo ka waramay wixii xigay 31 May waxa uu mar kale yidhi “isla maalintii xigtay ee bilowgii June, waxa bilaabantay Duqeyntii Guryaha iyo xasuuqii dadka shacbiga ah, waxa mid mid dhulka loola simay guryihii aanu jaarka ahayn oo dhan, kuwaasoo ay beeybeey la dhaceen Ciidankii faqashtu. Dabadeed maalintii ay dumiyeen Gurigii kaayaga ku xignay ayaanu isnidhi dee idinkuna waad ku xigtaan, dabadeed maalin labaadii ayaannu shan subaxnimo ka qaxnay, waxaanan maydkii ugu horeeyey ee qof shicib ah oo la dilay ku soo dhaafnay xaafadda Xisbiga. Sidaas ayuu ku bilaabmay dagaalku ilaa 1991-kii markii dalka la xoreeyey”.




 Sanad-guurada 26-aad ee 31 May oo ku beegan Maanta oo Sabti ah waxay ku beegantahay tirsiga guga 23-aad ee madaxbanaanida Somaliland, taasoo ay dalka ka taagantahay xiisad siyaasaddeed oo u dhaxaysa garabyo ka mid ahaa hogaamiyeyaashii SNM ee hormuudka ka ahaa Taarikhda ku suntan 31 May.




Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo xiligaasi ahaa guddoomiyihii Ururka SNM iyo Muuse Biixi Cabdi oo ka mid ahaa Saraakiishii guda galka Hargeysa horkacayay,labadaa Nin oo mid madaxweyne ka yahay dalkii SNM xoraysay waa Axmed Siilaanyo, Muuse Biixina Guddoomiye ka yahay xisbiga xukuumadda dhalay,  ayaa loolan ay ku kala hororsanayaan musharaxnimada Xisbigooda Kulmiye gaadhay inay xukuumaddu ku talaabsato gabood fallo u eeg tii ay 26 sanno ka hor Caasimadan ka xoraynayeen.




Xiisad aan wali xal loo helin oo u dhaxaysa labada masuul, ayaa sababtay in xabsiga loo taxaabo tobaneeyo ka mid ah hadhaaga dhalinyaradii 26 sano ka hor Maalintan oo kale xabadda laabta u dhigay si ay maamulkii bahalnimada ku xukumayay uga dul kiciyaan.




Nimankan ayaa qaarkood lagu eeddeeyay inay ku lug lahaayeen Qaraxyo bombo shaani loo adeegsaday oo laba habeen oo is xigta laga fuliyay Hargeysa , kuwaasoo aan wax khasaare ah oo ay sababeen jirin, kuna soo aaday habeenno khilaafka Xisbiga Xukuumaddu marxalad adag gaadhay, cabsi badan iyo jahawareer siyaasaddeedna uu waddanka u horseeday.




Qaar kale oo ka mid ah waxa lagu qabsaday Sawirro ay ku qoranyihiin hal ku dhigyo loogu ololeynayo in Musharax Madaxweynaha ee xisbigaasi shanta sanadood ee soo socda loo doorto Muj Muuse Biixi Cabdi, oo Madaxweyne Siilaanyo dagaal adag kula jiro tan iyo markii uu dhawaan shaaciyey hankiisa siyaasiga ah.




Muuse Biixi ayaa maalmo kaddib shirweynihii Xisbiga Kulmiye ku dhawaaqay inuu Musharax Madaxweyne kula tartami doono Madaxweyne Siilaanyo, marka la dooranayo Musharixiinta Xibsiga uga qayb gelaya Doorashada Madaxtinimada ee 2015-ka.




Madaxweyne Siilaanyo, oo damacsan  inuu mar saddexaad isu soo taago Musharax Madaxweynaha ee Xisbiga Kulmiye, kana biyo diidsan in lagula tartamo xisbiga dhexdiisa, ayaa guluf siyaasaddeed ku kiciyey Guddoomiye Muuse Biixi  bil wax ka yar Kursiga guddoomiyaha Xisbiga si kalsooni leh ugu nastay, isla markaana hankiisa caddeeyay.




Koox Wasiirro ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo musdambeedka ugu jiro, kuwaasoo qaarkood ahaayeen Shir-guddoonkii shirweynaha Saddexaad ee Xisbiga, ayaa  talaabo inqilaab lagu fasiray ku sameeyay todobaadkii hore hogaanka Xisbiga oo ay isaga hooseeyaan Muuse Biixi Cabdi iyo Maxamed Kaahin Axmed oo sida xusan ka mid ahaa Saraakiishii hogaaminayay Dagaaladii SNM Burco iyo Hargeysa ku soo kala gashay 27 May iyo 31 May oo afar casho u dhaxaysay.




Wasiirradaas ayaa si lama filaan ah Khamiistii hore u magacaabay Guddida fulinta ee Xisbiga Kulmiye iyo xubnha Golaha dhexe oo tiro ahaan lagu ansixiyay Shirweynihii Xisbiga, balse magacaabistooda hogaanka Xisbiga loo xilsaaray marka laysku soo dubo rido, inkasta oo ay ahayd in shirweynaha laga hor shaaciyo, hase ahaatee qabyo u noqday caqabaddo khilaafyo hore ka dhashay oo shirweynaha xisbiga habsaamiyey.




Taas Muuse Biixi iyo Taageerayaashiisu way ku gacan saydheen, xaalka xisbigu wuxuu isu bedelay xiisad mindi mindi ku taag ah, waxaana laysku caddeysay wax kasta oo laysu hambeynayay, ilaa taageerayaasha Garabka Muuse ay boodhadh ku xardheen inay Madaxweynahooda shanta sanadood ee soo socdaa u caleemo saarayaan Guddoomiye Muuse Biixi.




Talaabadaas ayay dhawr ka mid ah raga xidhan ee Taariikhda Maanta ku suntani ku muteysteen ciqaabta, iyadoo taasi dhalisay bulshada dhexdeeda dareen cadho leh iyo sawir kale oo laga qaatay dawladda uu hogaaminayo Axmed Siilaanyo.




Ragan ayaa mid walba gurigiisa lagala baxay Habeen hore saqdii dhexe, xili uu socday hawl-gal lagu qabqabtay dadka kale oo uu ku jiro Wasiir ku-xigeenkii hore ee ammaanka Cabdilaahi Abokor Cismaan oo isaga iyo saddex Nin oo lala xidhay gurigooda loogu dhacay 2:10 Habeenimo.




“Maanta waxaan ka rejo wanaagsanayn maalintii aanu xaska iyo xabad u badheedhnay ee aannu dagaalka kala hor nimi Ciidankii Siyaad Barri ee Afrika ugu xoogga weynaa, waayo bino aadamku waxa ugu wanaagsan waa rajada rajadu haday kaa dhimato waxba ma jiraan, markaa maanta wax hadhay ma jiraan mar hadii ragii 31 May Nafhurida ku soo galay Hargeysa inta suuqa laga qab qabtay oo xabsiga lagu guray, wax alaaale waxaan u soo dagaalanay garan mayno”sidaas waxa yidhi Xubin ka mid ah Muj. SNM oo magaciisa aanu u qarinay xiisada taagan iyo xurgufta dhex miranaysa garabyada SNM ee kale awgeed.




Hadalka Ninkan ayaa muujinaya walaac haysta saaxiibeyaashiisa kale ee la nool doogtii ka soo gaadhay dagaaladii wacyiga adag soo maray iyo waxa maanta dhacaya ee loogu abaal guday oo ay u dheertahay dayac iyo abaal daro ay hore u tirsanayeen dhamaan intii halganka ka qayb qaadatay.




Waxaanay taasi faashil siyaasaddeed iyo hogaamin xumo ku noqonaysaa Madaxweynaha talada haya oo ah Nin ka waayo iyo war qaba wixii ay soo mareen raga Maanta Mandheera ku xidhan iyo kumanaan kale oo duruufo nololeed iyo dayac la nool.




Laakiinse dadku waxay maanta isweydiinayaan dareen ahaan waxay ku sugan yihiin tirada Nimanka Mujaahidiinta ah ee labadii maalmood ee ugu dambeeyay xabsiga loo taxaabay, kuwaasoo xukun deg deg ah loogu taxaabay jeelka Mandheera, iyadoo aan wax Maxkamad ah la marin.




Arrinta kale ee Maanta taagan ayaa waxay, sababta loo xusi waayay maalintan oo qiimo weyn oo u gaar ah ugu fadhida dadka reer Somaliland, gaar ahaan kuwa reer Hargeysa.




Su'aashaasi jawaabteedu waxay u baahantahay in lagu qiimeeyo duruufta dalka taala, lana bar bar dhigo dareenka kuwii maalintaas qoriga siday ay qabaan oo ah mid murugo iyo hiil huwan, isla markaana xaalad ay maanta wanaag dib ugu xusuustaan aan ku sugnayn.




Magacyada xubno ka mid ah Ragii habeen hore Guryahooda lagala baxay




1-Cumar Yuusuf Ibraahim (Dharab),




2-Mujaahid Quraysh Xassan




3-Mawliid Ibraahim Aadan (Malo)




4-Saleebaan Xuseen Dheere (Salo).




 




 




Saleban Cabdi Cali (Kalshaale)




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Siyaasi c.rashiid jamac yusuf( dhari) ayaa sheegay inaan xisbiyada qaranka aan loo samaysan hab qabiil balse loo samaystay inuu ka soo baxo qof dalka hogaamin lahaa” afhayeenkii hore ururkii xaqsoor


rashiid-1




siyaasi c.rashid jaamac yusuf oo  hore  u ahaa jiray afhayeenkii urursiyaasideedkii xaqsoor oo maanta la hadalay warbaahinta ayaa ka hadal xaaladaha siyaaasadeed ee ka jiray   dalka isagoo oo ugu baaqay shacab iyo siyaasiyiinta  Somaliland in ka qayb qaata ilaaalinta iyo dhowrista nabada galiyada dalka  ee u dalka ku caano maalay sida darteeda ay mihiim tahay in qofkasta iska xilsaaro dhowrista nabadgalada  dalka




Geeskale waxa u ka hadal muran iyo khilaaf  xibsiga  kulmiye  isagoo sheegay inaan fiican in xisbiga laga dhigo mid shaqsi ama  qabiil gaar leeyahay xisbiga balse ay wanaagsan tahay in lagu tartaramo  xisbiga dhexdiisa  waxa ugu baaqay  masuuliyinta iyo madaxda xisbiga in ilaaliyaan karaamada iyo sharaf xisbinmo oo ka fogaada hadal laysku marinyo warbaahinta dalka iyo mid caalamigaba




Dhankale waxa siyaasi c.rashiid dhari u soo jeediyey xisbiyada mucaaridka ahi inay iyagu ka qaybqaata dhaminta khilaafka kulmiye waayo  waa inuu guuldaro hadii u baabo xisbiga ulmiye




Gabagabidii waxa siyaasi c.rashid jamac yusuf dhari hambalyey doorka qaaliga ahi ee ay golaha guurtidu kagga jiraan dhexdhexaadinta khilaafka kulmiye

Hoggaan dhaqameed cusub oo Burco lagu caleemo saarayo


Suldaan Maxamed IsmaaciilBurco(GNA)-Magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer waxa maalmahii ugu danbeeyay si weyn looga dareemaayay xaflada qabanqabada caleemasaarka Suldaanka Beelaha Cabdale Arab .




Caleemasarka Suldaankan Cusub waxa uu ka danbeeyay shirar mudooyinkii ugu danbeeyay beesha uga socday  Magalada Burco iyo Degmada Kalbare oo ka tirsan gobolka togdheer shirarkaas oo ay isugu yimaadeen Cuqaasha Waxgaradka Culima awdiinka Siyaasiyinta  haweenka iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee bulsahda ay ka kooban tahay Beesha Cabdale Arab aya waxay beeshu goaansadeen in  uu Suldaanak Beesha hogaamin donaa noqdo  Suldaan Maxcamed Ismaacil Jaamac ( Foolgaawe).




waa Kuma Suldaanka Cusubi




Suldaan Maxamed Ismaacil Jaamac (Foolgaawe)   Waxa uu ku dhashay Magalaada Berbera  ee xarunta gobolka  Saaxil  Sanadkii 1958  waxbarashadiisa dugsiga hoose waxa uu ku qaatay  Berbera Entermediate School  dugsigii sare waxa uu ka baxay dugisga Sare ee Sheekh  waxbrashadiisa heer  Jaamacadeed waxa uu ku qaatay Wadanka Isutaga Emaraatka Carabta  isagoo  bartay Culuunta  Maamulka iyo Maareynta .




Wakhtigiisa intii ugu badnaa waxa uu ku qaatay oo uu deganaan Magalaada Abu  Dubai  inkastoo uu wakhtiyada fasaxa ku qaadan jiray dalka Hooyo.




Suldaan Maxamed Ismaacil Jaamac ( Foolgaawe) waxa uu ka soo shaqeeyay Wasarada Difaaca ee Emaraatka waxa kale oo uu  mudo dheer ka soo shaqaynaayay  shirkada Ednoc isagoo  Wakhti xadirkan  u shaqaynaayay   Sheekha Emaarada Abu Dubai .




Suldaanku waxa uu leeyahay Xaas   10 Caruura iyo  2 caruura oo caruutisu dhaleen




Suldaankan Cusub ee ay doorteen Beelaha Cabdale Arab waxa uu noqonayaa Suldaankii uga horeeyay ee ay yeelato Beeshani  Suldaanka ayaa waxa uu ka mid noqonyaaa Salaadiinta  xaga dhaqanka ee ku soo biirtay sanadahi uu danbeeyay  Salaadiinta Gobolada Saaxil iyo Togdheer waxaana  laga rajaynayaa Suldaankani in uu ka hawlgalidoono hawlaha dhaqanka ee dadweynaha ku dhaqan Gobolada Saaxil iyo Togdheer .




Khadar Cabdi Salebaan




Burco/Office

Cismaan Firix firix:Khilaafka Kulmiye waa Dhuxul dambas huwan”.


fasssssssHargeysa(GNA)-Siyaasiga Cismaan Yuusuf Xuseen (Cismaan Firix firix) oo Maanta shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa ayaa si kulul u naqdiyay khilaafka ka dhex jira Xisbiga Muxaafidka ah ee Kulmiye, Xaalada Dalku uu marayo, Wasiir ku xigeenkii hore ee Amniga ee Wasaarada Arimaha Guduhu oo la xidhay, Shirarka ay qabanayaan labada garab ee isla Xisbiga Kulmiye iyo aragtidiisa la xidhiidha Xalka ugu wanaagsan ee Khilaafkaasi laga gaadhi karo.




 Cismaan Yuusuf Xuseen (Firix firix) oo ka hadlaya khilaafka kulmiye ayaa sheegay in khilaafka ka dhex qarxa Xisbiga Talada hayaa aanu la mid ahayn khilaafyada kale ee Xisbiyada Mucaaridka ah oo uu ka wayn yahay isla markaana ka saamayn badan yahay,Xisbiga Kulmiyena uu yahay Xisbi tacab badan iyo Maal badani uu ka galay oo aanay marnaba u dul qaadan doonin in Xisbiga la burburiyo, waxaanu u soo jeediyay dhinacyada khilaafku ka dhaxeeyaa in ay si deg deg ah xal uga gaadhaan khilaafkaasi.




 Isaga oo arimahaasi ka hadlayaana waxa uu yidhi “Khilaafka soo dhex gala Xisbul Xaakimku waa ka wayn yahay kana saamayn badan yahay khilaafka Xisbiyada Mucaaridka ah, Cidda kaliya ee Maanta ay sida gaarka ah u taabanaysaa waa Ragayagii ugu dambeeyey ee Xisbiga Tacabka wayn galiyay ee Hantidoodii, Muruqoodii iyo Maskaxdoodiiba galiyay”.




 Sidoo kale, Siyaasiga Cismaan Yuusuf Xuseen (Cismaan Firix firix) oo ka mid ah Xisbiga Kulmiye isla markaana ka tirsanaa Musharaxiinta Golaha Deegaanka  Gabiley uga sharaxnaa Xisbiga Kulmiye ee aan ku soo bixin Doorashadu, waxa uu si adag ugu jawaabay Xubno Wasiiro iyo  Xildhibaan Cabdillaahi Black kuwaasi oo dhawaan sheegay in lagu kala bixi doono Xeer No.14 isla markaana eedeeyey Hogaanka sare ee Xisbiga Kulmiye.




“ Ninka indhaha ka lalilanaya Xeerkii Xisbiga Kulmiye, waxaan u arkaa, Qoladii Reer Bani’israa’iil ee Quraanka qarin jiray inta iyaga khusaysa, inta kalena akhriyi jiray. Xildhibaan Cabdillaahi Black-na waxaan leeyahay kuumaanu dooran in aad Madaxwaynaha qodoxda ka gurtid ee waxaanu kuu dooranay in aad ka shaqayso danta Qaranka iyo ta gaarka ah ee Reerka” ayuu yidhi.




 Ugu dambayn Siyaasi Cismaan Firix firix ayaa hoosta ka xariiqay hadii ay qabsoomaan Labada shirwayne ee ay labada dhinacba ku kala baaqeen in ay keeni karto Burbur Dalka ku yimaada, waxaanu Madaxwayne Siilaanyo iyo Guddoomiye Muuse biixi u soo jeediyay in ay si fool ka fool ah isku soo hor fadhiistaan si deg deg ahna xal uga gaadhaan khilaafkaasi.




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Maraxalada Maanta Somaliland Marayso.Q.4aad


Maraxalada Maanta Somaliland Marayso Waxa la Odhan Karaa Cadceedii Timaadaba Noole uu Ku Cimro Qaataa, Xidigahan Casaaday iyo Dayaxan Caadka Lagu Meershay,Caammadu waxay,moodayaan curasho Dayreede,Anigaase,Moorada cakiran kuu caddayn kara.




Qormadii 4aad:




suudi nuur yy.jpgHadii aynu dib u raacno taariikhda ,waxaynu xasuusanaynaa xiligii dawladii milateriga ahayd ee uu hogaamin jiray Maxamed Siyaad Barre waxaa danbi ahayd taageerada SNM qof kasta oo loo arko in uu taageersan yahay ama gacan saar la leeyahay jabhadii SNM wuxuu mudan jiray ciqaab xadhig ah ama dil ah.




 




Hadaba saaxiibayaal  maanta waxa muuqata in xukuumadda siilaanyo ay danbi ka dhigtay taageerada gudoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo shalay ahaa qolofta ku dahaadhan siilaanyo iyo xukuumadiisa ,hadii aynu is bar bar dhig ku sameyno Siyaad Barre iyo Siilaanyo-na waxaynu ogaanaynaa in uu xaqiiqada u dhawaa Maxamed Siyaad Barre sababtoo ah,Siyaad Barre wuxuu sheegay in dalka uu ka jiro xisbi kali ah oo la yidhaahdo xisbiga Hanti-wadaaga Kacaanka Soomaaliyeed ,xisbiga gudihiisana cid kula tartami kartaana aysan jirin dalkuna uu ku jiro xukun milateri.




 




Siilaanyo wuxuu sheegay in Somaliland ay tahay dal dimuqoraadi ah oo ay ka jiraan saddex xisbi qaran iyo in xisbiga KULMIYE uu yahay xisbi ay gudihiisa ay dimuqoraadiyadi ka jirto oo lagu tartami karo,halkaasi waxa ka muuqata in uu siyaad barre umadda run uu sheegay Siilaanyo-na uu been u sheegay sidoo kalena waxaa muuqata in Maxamed Siyaad Barre uu xidhi jiray ama uu dili jiray dad hubaysan oo ka soo horjeeda ,halka siilaanyo-na uu maanta danbi ka dhigay in la xidho qof kasta oo lagu arko sawirka Muuse Biixi oo ah gudoomiyaha xisbiga KULMIYE.




 




Ma jirto cid isaga dhaw hooyada iyo ilmaheeda ,waxaana aynu og nahay in hooyadu ay ilmaheeda xanbaarto,hasa yeeshee xanbaarkaasi wuxuu ku siman yahay waqti la yaqaano, oo ilmuhu marka uu koro hooyadu ma xanbaarto ee iskii ayuu u socdaa ,siilaanyo-na Muuse Biixi iyo beshiisu waxay xanbaarsanaayeen in ka badan 15 sanno ,maanta waxa la isku hayaa waad cuslaatay oo intii aynu ku sidi karnay waanu ku sidnay ee soo deg ,isaguna waxa uu taagan yahay xanbaarkaan la qabsadee xageen u dagaa.




 




 




Halka marka ay marayso ee aynu habsuugaaneed ku cabirno ,waxa muuqata in uu siilaanyo taagan yahay qaban qabadaan wadayeey qormadaan lahaa oodeey sowtan la iga kala qubayeey, waa qaali kurisguye way I khasaarinaayaan,




Jawaab celinta Muuse Biixina hadii hab suugaaneed lagu cabiro waxay noqonaysa ma dhamaado waqtigaad soo dhaweysataye dheeraa mudadu ,warqadahaan is dhaafinayeen la dhacaayey tigidhada dhanka ay maraayaan dhakafaar ka qaadee dhexda waxaa u joogee dhufsadaa la yaab leh.




 




Maah maah soomaaliyeedba jirta oo tidhaahda reer magaalku arinkiisa kaftanku ku dhamaystaaye lama arag lamana maqal nin qabiil dhan khimaayeeya siilaanyo ka horow ,Siilaanyo inta uu heshiis la galay beesha Subeer Awal oo uu kula heshiiyey in 5 sanno ee hore ay isaga doortaan 5 sanno ee danbana isaga iyo beeshiisuba ya taageeraan Muuse Biixi,ayaa markii uu kursiga ku fadhiistay wuxuu noqday rahii danta lagu lahaa ee markii hore dhoobada ku dhagsanaa ee ninkii danta ku lahaa la balabay marka uu roobku da’o , markii uu roobkii da’ay ee uu ninkii raha danta ku lahaana u yimid ,iyadoo rahii qaylinayo ayuu ninkii isa soo dul taagay markaasu ninkii rahii ku yidhi waynagii balan sanayn roobkiina waakan da’ay ee dantaydii I sii wuxuu rahii ninkii ugu jawaabay wixii miyi qaban ee aad aragtaba la hadal.




 




 




 




Maah maah soomaaliyeedba jirta oo tidhaahda xaajo nin aan ogeynin indhuhu ka ridaa cid kasta oo arintan gashay ha ahaato guurtida ama cdii kale ee ay ahaataba waxaa muhiim ah in ay ogaadaan xaqiiqada jirta iyo waxa la isku hayo,si dawada loo helo ,waxaynu naqaanaa had iyo jeer hadii uu qof xanuusado marka uu dhakhtarka uu u tago waxaa muhiim ah , in uu dhakhtarku waraysi la yeesho qofka bukaanka ah ka dibna uu sameeyo shay baadh marka uu ogaado xanuunka hayana wuxuu dhakhtarku u qoraa dawada u haboon ee uu qofkaasi ku bogsan karo.




 




Fariinta ugu danbaysa waxaa u dirayaa Gudoomiyaha Guutida Saleebaan Gaal oo hadii uu kala saari waayo xaqiiqada jirta iyo waxa uu jecel yahay in arintani ay gaadhi doonto meel adag oo laga soo qaban kari waayo.




 




Hadaba saaxiibayaal waxaan idinku dhaafayaa maansadii Cirsan-ka Yeesh ee uu tiriyey Alaha ha u naxariistee Abwaankii   Axmed Ismail Dirie "Qaasim"




 




 




Cashadii gashaba waagu waa caynad gooniyahe




 Cadceedii Timaadaba Noole uu Ku Cimro Qaataa,




 Xidigahan Casaaday iyo Dayaxan Caadka Lagu Meershay




Caammadu waxay moodayaan curasho Dayreede




Cilmi Felegga way garan raggii Caalimka ahaaye




Anigaase Moorada cakiran kuu caddayn kara'e




Cirsan-ka-yeedhkii maantana warbuu sheegay Caliyo'e




Wuxu yidhi halkuu ku cuyubnaa cirirki soo dhaafye




Carruuraha la dhacay Awliyada laga cadhaysiiyey




Carshigaaba laga soo aqbalay cabashadoodiiye




Caawaa la kala soocayaa Caabud iyo Gaal'e




Casha aan fogeyn waxays beddeli ciidan fara weyne




Caaddaa rag koraybuu nabsigu hoos u soo celinne




Caanuhu dhawaan way ka quban ciil dar loo qabaye




Inay Curaddo khayr lihi kacaan ciiddan la arkeeye




Ceeryaamo Subaxeed nin nool curadka roob moodye




Marse haddii cadceed lagu dhexdaro wayska cidinciide




Caloolyow aan kugu raagihayn ciidda haw qodin'e




Cagta ii dhig waakaa nabsigi soo cadceedsadaye




Qalinkii:C/risaaq Suudi Nuur




Tel:4425243




Email:suudi88@gmail.com




Hargeysa/Somaliland




 

Daawo: Warka Bulshotv 30.5.2014

Illaahow nimaan waxba ogayn ha cadaabin!!!


kulmiyahanWaxaa la yidhi waraabe ilkihiisa uma roona laf dudo taalna uma roona waxa ka dhigan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed




Waxaa la yidhi waraabe ilkihiisa uma roona laf dudo taalna uma roona waxa ka dhigan Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin Axmed




Waayo guuddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa xisbiga Kulmiye naftooda waxba uguma jila, dalkana  waxba uguma jila xisbigana waxba uguma jila, waayo waxaa cadayn u ah xisbigu waa xisbi Xaakimkii dawlada waa baalashii xukuumadda waa xisbigii waxkasta dabooli lahaa ee ma aha kii wax dumin lahaa ee jahwareer, buuq iyo qax samayn laha laakiin waxa uu noqday xisbi fowdo,xisbigu maalintii uu mucaaradka ahaa waxa uu ka xoog badnaa labadii xisbi ee kale Udub iyo Ucid waxaana wacay ruugcadaa siyaasiya ayaa raarta ugu jiray oo hogaaminaayey laakiin nasiib daro maanta xisbigu waa naafo ka timi hoggaanka, laakiin waxaan ku talin lahaa hala sameeyo hogaan xisbi xaakin kulmiye ah, xukuumada iyo shicibkeedaba waxay u dhaqaaqeen waxqabad iyo horumar, xisbigii kulmiyana waxa uu dhabar jab ku yahay horumarkii xukuumada oo maalin walba waxa uu keenayaa is qabqabsi iyo qaylo dhaan joogto ah, markaa Muuse iyo Maxamadow Madaxweynuhu waxa uu idin dhiibay oo dhan xisbi qaran ee idiinmuu dhiibin buuq iyo qaylo iyo fowdo ee idiin garnaqo waxaan ogahay shirweynihii labaad ee Kulmiye todobo bilood ayuu dhaqaaqi waayay, ergaduna joogtay oo ku jirtay hudheelada oo ka qabsoomi waayay, Muuse Biixi ahaan isagoo danta xisbiga ka jecel tiisa gaar ahaaneed , markaas khilaafkani waa ma dhalays aan dhamaanayn ee halasoo afjaro oo Mujaahidiintana meel halagu xanaaneeyo xisbigana cid ka dabacsan haloo dhiibo oo xisbiga kusoo celisa  karaamadii xisbinimo iyo is garabtaaga xukuumada waxqabadka ah, gebogebo iyo gunaanadkayga waxa weeye madaxweynaha waxaa doortay shacabka reer Somaliland manta ma doonayaan inuu madaxweynuhu ka dego waxaa hubaal ah hadduu manta Axmed Siilaanyo yidhaahdo waa ka degayaa iyo masharaxni waxaa dhacaya mudaharaad ama kacdoon shacab dalbanaya inuu madaxweynaha sii haysto,  heerbaynu gaadhnay ee yaan la wareerin




Mahadsanidiin




 




Qalinkii Xuseen Aadan Caraale (Xuseen Jiib)




 




4310738

Wasiir Waran-cadde Waxan Leeyahay Is Casil Intaan Ceebtu Intaa Kasii Badan


Cali Maxamed warancadde Waa Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga guud ahaan geyiga Somaliland waxaynuna wada ognahay in labadii habeen ee ugu danbeeyey gudaha magaalada Hargeysa ee uu ku sugan yahay ay ka dhacayeen qaraxyo aan isaga xilligiisan ka hor noocooda looga baran Somaliland.




Arrintaasi waxay muujinaysaa iska daa Somaliland oo dhan ee wasiirku inuu ogaan kari waayey in ay jirto cid ku hawllan sidii qaraxyo ay uga samayn lahaayeen Hargeysa gudeheeda. Waxana isweydiinteeda mudan Ereyga “Qaraxyo Somaliland ka dhacay” saamayn intee le’eg ayuu xagga caalamka iyo sumcaddaba ku yeelan karaa Somaliland mase dhici kartaa in waddannada America iyo Europe muwaaddiniintooda uga digaan inay Somaliland u safraan kuwa gudaha ku jiraana si deg deg ah uga baxaan iyadoo uu innakusoo fool leeyahay xilligii Xagaaga ee dadweynaha tirada badani fasaxyadooda kaga iman jireen waddanno badan oo adduunka dacalladiisa ah.




Wasiir-Warancadde wuxu saxaafadda u sheegay in qaraxyadan ay ka danbeeyaan rag ka tirsan Xisbiga haya talada dalka Somaliland ee KULMIYE Xisbigan oo ah kan xataa Madaxweyne-Siilaanyo iyo in badan oo wasiirrada xukuumadda ahi ka mid yihiin.




Waxay ahayd haddiiba arrintu sidaas tahay in hadalkan qaawan sidaas si ka hufan uu u yidhaahdo Waayo waxa cid kastaa is weydiinaysaa hadalkan wasiirku inuu yahay dawladda iyo xisbigeeda ayaa gudohooda qaraxyadan samaynaya markaa waxan leeyahay wasiirkan ceeb bay ku tahay dawlad iyadu is qarxinaysa inuu wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga kasii ahaado.




Waxa kale oo jirta Wasiir-Warancadde dagaalkii ciidammada RRU-du saqdii dhexe ee xalayto ku qaadeen wasiirkuxigeenkii hore ee Amniga iyo gurigiisa ninkii Ilaalada wasiirka ahaa ee ciidammada RRU-du dhaawaceen inuu saaka saxaafadda ka sheegay in dhaawaciisu mid fudud yahay haddana isla gelinkii danbe ee maanta ninkaasi uu u geeryoodey dhaawacii ciidammada RRU-du u geysteen.




Waxa hadalkan wasiirka ee arrintaasi kazoo dhex bixi kara fasiraado badan oo la odhan karo wasiirku miyuu qarinayey dhaawaca geerida sababay ee ninkan ciidammada RRU-du u geysteen mise ninka dhaawaciisa waa la daawayn waayey sideese dhaqan ahaan beesha ninkani kazoo jeedey u qaadanaysaa hadalkan wasiirka arrimaha gudaha kazoo yeedhay mase lagu kala samri karayaa hadalkaas iyo geerida ninkan mase ku yeelan kartaa ciidanka RU-da iyo shacabka dhexdooda saamayn la mid ah tan ka dhexaysa ciidanka Puntland ka jira ee loo yaqaanno PS-ta iyo bulshada degaannadaas ku dhaqan




Sikastaba ha ahaatee waxan leeyahay Wasiir-Warancaddow waad aragtaa xaaladdu maanta halkay maraysee intaan ceebtu intaas kasii badan iska casil xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland.




Qalinkii:Sugulle Waabberi




cadde2012@hotmail.co.uk

Dhacdadii Faransiiska Gilgishay‏! Maxamedshakir


Maalin maalmaha ka mid ah anigoo dhex mushaaxaya Aalada internetka  ee ay maanta uumiyuhu wax isku waydaarsadaan,ayaan isha la helay sheeko  gaaban se mugwayn leh,  waxa ciwaan looga dhigay ‘’Dhacdadii faransiiska Gilgishay’’ af-carbeed ayay ku qornayd, kadibna waxan qalinka u qaatay bal inaan sida ugu fudud luuqadeena ugu turjumo.




Waxay ahayd 1930 xili uu faransiisku ka abaabulayay xaflado waawayn wadanka Jasaa’ir kuwaas oo uu ugu dabaal dagayo 100-guuradii ka soo wareegtay goortii uu xoog ku qabsaday wadanka jazaa’ir.




Isagoo reer galbeedka u sheegay inay xafladani tahay Geeridii Islaamka, iyo inay reer jasaa’ir noqdeen qaar  Is dhiibay isla markaana ogolaaday oo u dabacsan  isku milanka labada umadood,waa ta la haysto oo jasaa’ir ah iyo ta wax haysata oo faransiiska ahe.




Hadaba si uu arintaas cadaymo la taaban karo  ugu helo  ayuu soo ururiyay hablo Jasaa’iriyiin ah, oo uu ka hawl galay siduu dhaqankiisa ugu kalifi lahaa inay qaataan  kadibna uu madasha ku soo bandhigo oo loo arko,wuxuu sheegayay inay dhab yihiin.wuxuuna arintaa u wakiishay nin diinta masiixiga ku xeel dheeraa oo la odhan jiray Lakoosti.




Xaflada waxa lagu marti qaaday wakiilo ka socda guumaystayaasha kale ee reer yurub ee  haysta dhulalka carabta,si ay u qaataan aragtida faransiiska ee ku wajahan Jasaa’irtan cusub ee uu sameeyay faransiisku ,oo ay ugu  dabaqaan goobaha ay haysteen ee islaamka ah . Masrax wayn  oo aad loo  abaabulay ayaa dadkii la iskugu soo ururiyay iyadoo la dhawrayo waxa meesha ka dhici doona. muddo kooban kadib ayaa meesha waxa ka dhacay oo soo muuqday sawir aanu filanayn oo ah dumarku ugu talo-galay iyagoo faransiis la moodo inay soo baxaan,ayaa iyagoo Xijaaban una labisan dharkii muslimiinta meesha soo maray!!.




Arintaasi oo buuq iyo sawaxan ka dhalisay warbaahinta faransiiska iyo dawladihii kale iyagoo is waydiinaya mudada halkaa qarni ahayd  wuxuu qabanayay faransiisku mar haday wali dadkii rer Jasaa’ir diintoodii haystaan?




Hadaba lakoost markii su’aashaas la waydiiyay ayuu ku jawaabay weedhiisii caanka noqotay ee ahayd




 ‘’ Maxaan sameeyaa haduu Qur’aanku ka awood badanyahay  Faransiiska’’ !!




Qalinkii: Maxamedshakir Siciid Cabdi (Shaakir)




Hargaysa

Wasiir-Warancadde Waxan Leeyahay waar Is Casil Intaan Ceebtu Intaas Kasii Badan. Qalinkii:Sugulle Waabberi


Cali Maxamed warancadde Waa Wasiirkii Arrimaha Gudaha iyo Amniga guud ahaan geyiga Somaliland waxaynuna wada ognahay in labadii habeen ee ugu danbeeyey gudaha magaalada Hargeysa ee uu ku sugan yahay ay ka dhacayeen qaraxyo aan isaga xilligiisan ka hor noocooda looga baran Somaliland.




Arrintaasi waxay muujinaysaa iska daa Somaliland oo dhan ee wasiirku inuu ogaan kari waayey in ay jirto cid ku hawllan sidii qaraxyo ay uga samayn lahaayeen Hargeysa gudeheeda. Waxana isweydiinteeda mudan Ereyga “Qaraxyo Somaliland ka dhacay” saamayn intee le’eg ayuu xagga caalamka iyo sumcaddaba ku yeelan karaa Somaliland mase dhici kartaa in waddannada America iyo Europe muwaaddiniintooda uga digaan inay Somaliland u safraan kuwa gudaha ku jiraana si deg deg ah uga baxaan iyadoo uu innakusoo fool leeyahay xilligii Xagaaga ee dadweynaha tirada badani fasaxyadooda kaga iman jireen waddanno badan oo adduunka dacalladiisa ah.




Wasiir-Warancadde wuxu saxaafadda u sheegay in qaraxyadan ay ka danbeeyaan rag ka tirsan Xisbiga haya talada dalka Somaliland ee KULMIYE Xisbigan oo ah kan xataa Madaxweyne-Siilaanyo iyo in badan oo wasiirrada xukuumadda ahi ka mid yihiin.




Waxay ahayd haddiiba arrintu sidaas tahay in hadalkan qaawan sidaas si ka hufan uu u yidhaahdo Waayo waxa cid kastaa is weydiinaysaa hadalkan wasiirku inuu yahay dawladda iyo xisbigeeda ayaa gudohooda qaraxyadan samaynaya markaa waxan leeyahay wasiirkan ceeb bay ku tahay dawlad iyadu is qarxinaysa inuu wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga kasii ahaado.




Waxa kale oo jirta Wasiir-Warancadde dagaalkii ciidammada RRU-du saqdii dhexe ee xalayto ku qaadeen wasiirkuxigeenkii hore ee Amniga iyo gurigiisa ninkii Ilaalada wasiirka ahaa ee ciidammada RRU-du dhaawaceen inuu saaka saxaafadda ka sheegay in dhaawaciisu mid fudud yahay haddana isla gelinkii danbe ee maanta ninkaasi uu u geeryoodey dhaawacii ciidammada RRU-du u geysteen.




Waxa hadalkan wasiirka ee arrintaasi kazoo dhex bixi kara fasiraado badan oo la odhan karo wasiirku miyuu qarinayey dhaawaca geerida sababay ee ninkan ciidammada RRU-du u geysteen mise ninka dhaawaciisa waa la daawayn waayey sideese dhaqan ahaan beesha ninkani kazoo jeedey u qaadanaysaa hadalkan wasiirka arrimaha gudaha kazoo yeedhay mase lagu kala samri karayaa hadalkaas iyo geerida ninkan mase ku yeelan kartaa ciidanka RU-da iyo shacabka dhexdooda saamayn la mid ah tan ka dhexaysa ciidanka Puntland ka jira ee loo yaqaanno PS-ta iyo bulshada degaannadaas ku dhaqan




Sikastaba ha ahaatee waxan leeyahay Wasiir-Warancaddow waad aragtaa xaaladdu maanta halkay maraysee intaan ceebtu intaas kasii badan iska casil xilka wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Somaliland.




 




Qalinkii:Sugulle Waabberi

Askari ku dhintay Qarax ka dhacay agagaarka Taliska Nabad-sugida Muqdisho


Muqdisho(GNA)-Ugu yaraan Hal Askari oo ka tirsanaa ciidanka Nabad-sugida Soomaaliya ayaa ku dhintay Qarax caawa ka dhacay agagaarka Taliska ciidanka Nabad-sugida ee Muqdisho.




Qaraxa ayaa loo adeegsaday Gaadhi Miinaysan oo la dhigay meel banaan ah oo wax yar u jirta Hudheelka City PALACE oo uu shir uga socday saraakiil ciidamada ka tirsan.




Gaadhiga qarxay ayaa horyaalay Dhisme burbursan oo halkaasi ku yaala, waxaana sida la aaminsanyahay ku xidhnayd miinada masaafada laga hago ama rumuudka lagu qarxiyo.




Sida uu sheegay Afhayeenka Ciidanka Bilayska Soomaalia Askariga dhintay ayaa dhaawac culus ka soo gaadhay qaraxaas, kaasoo uu markii dambe u dhintay.




Sidoo kale saraakiisha Ciidanka amnigu waxay sheegeen in qof kale oo rayid ah oo meesha marayay waxyeelo ka soo gaadhay qaraxan.




ma jirto cid loo qabtay qaraxan iyo cid sheegatay toona, hase ahaatee Kooxda Alshabaab ayaa hore weerar ismiidaamin ah billo ka hor ugu qaaday xarunta ciidanka nabad sugida ee Muqdisho.




Weerarkaas ayaa khasaare badan geystay, waxaana looga shakiyay inay ku lug lahaayeen rag ururka Al-shabaab ka tirsan oo Ciidanka Nabad-sugida ku soo dhex dhuuntay, kuwaasoo aqoonsiyo ciidan loo sameeyey.




Ammaanka Caasimada Soomaaliya ee Muqdisho ayaa muddooyinkii u dambeeyay aad looga dayrinayay, taasoo ay ku soo bateen weerrarada Ururka Alshabaab ka fuliyo ee kala duwan.




Gobanimonews




Muqdisho Office




Email: editor@gobanimonews.com  

Xidhiidhka Kubbada cagta ee UEFA Oo xidhaya qayb ka mid ah Garoonka Realmadrid


Xidhiidhka  Kubada Cagta UEFA ayaa amray in qeyb ka mid ah la xidho Santiago Bernabeu hal kulan, kaddib markii taageerayaasha Real Madrid lagu eedeeyay in fal cusurinimo ah ay sameeyeen intii lagu jiray kulankii 1-0 ay Real uga adkaatay kooxda Bayern Munich 23kii bishii April.




realmadrid stadium




Kooxda hada ku guuleystay Champions League ayaa guul dirqi ah ka gaadhay kooxda ka dhisan Bundesliga kulankii ka dhacay Bernabeu, laakiin waxaa la soo waramiyay in qeyb ka mid ah taageerayasha kooxda Cad-Cadka ay sameeyeen fal cusirnimo ah “Guddiga Anshaxa Uefa waxa uu ganaax hal kulan ah dul-dhigay Real Madrid taasi oo la macno ah in qeyb ka mid ah garoonkooda la xidhi doona, kaddib markii jamaahiirta kooxdan ay sameeyeen fal cusuriyadeed kulankii semi finalka lugtii koowaad oo ay la ciyaareen Bayern Munich.”




Sidaasi waxaa lagu sheegay war ka soo baxay UEFA. Si kastaba, ganaaxan ayaa dhaqangali doona kulanka ugu soo horeeya ee Real Madrid ay gurigeeda ku ciyaari doonto Champions League xilli ciyaareedkan soo aadan.

Xisbiga WADDANI Muxuu Ka Yidhi Khilaafka KULMIYE‏


Hargeysa(GNA) Xog-Hayaha Hidaha Iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradaka ah ee WADDANI Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Jamac ayaa ka hadlay khilaafka murugsan ee Xisbiga Muxaafadka ah ee KULMIYE,waxaana uu sheegay in khilaafka xisbiga KULMIYE  ka taagani uu yahay mid salka ku haya nin wax dheeraad ah doonaya,waxaana uu tibaaxay in mujaahid Muuse Biixi Cabdi uu taageero iyo tacaba u soo huray Xisbiga, kana doortay in uu Xil dawladeed uu qabto,balse ay niman kale Xisbiga ku haystaan oo dhadhama raac ahi sida u hadalka u dhigay ay ku qabsadeen Xibiga.




Xog-Hayaha Xisbiga Mucaaradka  Ah ee WADDANI ayaa hadalkan ka sheegay Shir-jaa’id oo uu ku qabtay Magaalada Hargeysa,waxaana ka mid ah hadaladiisii isaga oo arimahaasi ka hadlaaya. “Waxaynu maqli jirney kulmiyaa is haysta iyo hadana wey dhameysteen laakiin waxa lagu dhameeyey mey ahayn wax sharci iyo distoorkooda toona. xeer jajab odayaal sida RRU da saqda dhexe gurguurta dhoodhoobeen ayaa xal laga dhigaayey. Dhibkuse waxaad moodaa inu ka taagan yahay dheeraad nin dooney iyo nin ku dhagey xaqqiisii. Waar waateynu ogeyn ee nimankii tacab iyo taageeraba uhurey X.kulmiye markuu guusha heley la yidh dawlada iyo xisbiga kala toorta ay xisbigii doorteen, dawladey dhaliyeena rag kale ku dul maalayey ee maanta markey tii xisbigu timid maxaa loogu haystaa. Waa gardaro garab og waxaabey maraysaa rag leh anagaa xisbiga iska leh , dhadhama-raacna weyska jiraa. Tanuse waxay daba socotaa markii cagta la mariyey hantidii qarankani lahaa oo ahayd”




Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Gaboobe waxaa uu sida oo kale isaga oo hadalkiisii sii wata uu sheegay in Xukuumada Siilaanyo ay Iska laashay Shuruucdii uu dhigaayey distoorka qaranka Jamhuuriyada Somaliland,waxaana uu tibaaxay in ay samaysatay Xisbi afaraad “Qaranimadii oo la kala yeeshey, Distoorkii oo noqdey kitaabkii CUMAR IID oo maalinba qodoka aan la rabin inta xagga danbe laga tuuro aayar uun layska leeyey kana goormey ku Dareen, Xisbiyadii qaranka waxa loo sameystey xisbi afraad oo madaxdii qaranku ka wada muuqdaan maayaradii iyo badhasaabadii iyo xataa shaqaalihii dawladu u wada ololeynayaan seddexdii xisbina ka dhigay mid ay burburiyaan midey taayiro gubis iyo mudaharaad kal hor yimaadaan midey caabudla jidgooyo ugu sameeyaan waxaan dawladba waligeed lagu arag laguna maqlin,waxaasoo dhami waa uu diidmo axsaabta tirada ah iyo dimuqraadiyada iyo malaa kalitalisnimo iyo dib ugu noqosho filim umadani hore u soo eedey”.Ayuu yidhi Xog-Hayaha iyo Dhaqanka ee Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI.




Ugu danbayntii xog-haya hidaha iyo dhaqanka ee xisbiga muxaafadka ah ee WADDANI waxaa uu ku eedeeyey Xukuumada Siilaanyo in aanay doonayn in ay ilaaliso Xuquuqul insaanka iyo sida oo kale in ay doorasho dalka ka dhacdo “Adeer saxaafad xor ah la dooni maayo xoriyatuqawl iyo xuquuqal insaan lama rabo doorasho iney dhicina allaa og waayo markaad eegto warbaahinta kacaanka doorashdu waa dooro madaxweynahaaga adoo DOORAN DOONA Kulmiye waa xisbi qaran waxaanu ugu danbeeyey hantimihii qaran cagta la maryey ee alow hanti qaran wynaye halis qaran naga hay”Ayuu yidhi Jiif Caaqil Cabdi Guuleed Jaamac.

Koox sabab la Yaab leh loogu diiday ka qaybgalka Europa League & Mulkiilaha kooxda Oo furka tuuray


Parma ayaa ku khasaartay rafcaan ay ka qaadatay go’aankii uu xidhiidhka Talyaaniga ee FIGC uu ugu diiday liisankii  ay kaga  qaybgeli lahayd ciyaaraha UEFA xilli-ciyaareedka soo aadan.




 




Maxkamadda sare ayaa maanta ku dhawaaqday inuu xukunku sidiisii u taagnaan doono iyadoo Parma lagu qabsaday inay lasoo daahday oo aysan waqtigii loogu tala galay bixinin biilasha ku aadan qaadashada laysinka UEFA. Sidaa darteed Torino oo kaalinta ku xigta joogtay, isla markaana koobka seegtay isla laadkii ugu dambeeyay ee horyaalka Talyaaniga oo ay rigoore iska khasaariyeen ayaa booskaasi qaadanaysa “Waxaa aad ii murugo gelinaya hanaanka isboorti ee dalka iyo go’aanka laftiisa lagana yaabee inay iga dhaadhiciyeen inaan ciyaarahaba iskaga tago.” Ayuu yidhi gudoomiya Parma ee Tommaso Ghirardi oo aad uga xanaaqsan go’aanka.

Khilaafka Kulmiye: 18 qof oo Jeelka Mandheera loo dhaadhiciyey iyo Shirrar la hakiyay


Magacyada 11 maxbuus oo uu ku jiro Wasiir ku xigeenkii hore, Shirarkii 31 May iyo 1june oo la hakiyay iyo Saleeban Gaal oo ka hadlay dhexdhexaadinta guurtida...




Waran cadde oo dadka la xidhay ku eeddeeyey qaraxyadii Hargeysa iyo Kulmiye oo jawaab adag ka bixiyo.Warbixin GNA




MandheeeraHargeysa(GNA)-Ciidamada Bilayska Somaliland ayaa 24-kii saacaddood ee la soo dhaafay Magaalada Hargeysa ka qabqabtay dad lagu eedeeyey inay ka mid yihiin Taageerayaasha Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye ee loolanku ka dhexeeyo Xukuumadda, kuwaasoo tiradooda lagu sheegay 18 Nin oo isugu jira Dhalinyaro iyo Rag waaweyn oo qaarkood Muj. SNM ka mid ahaayeen.




Sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Laamaha ammaanka Somaliland, 18 qof ayaa Maanta loo taxaabay xabsiga Mandheera, saacaddo yar kaddib markii qabtay, iyadoo aan wax Maxkamad ah la horgeyn, xukunna ku dhicin.




Dadka la qabqabtay ee xabsiga Mandheera loo dhaaciyay waxa ka mid ah Wasiir ku-xigeenkii hore ee Amniga Cabdilaahi Abokor Cismaan iyo saddex Nin oo lala soo qabtay oo midkood dhaawac halis ah qabo.




Sidoo kale, waxa ku jira dad lagu xidhay sawirrada Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ay ku dhejiyeen Gawaadhi ay wateen, kuwaasoo Istiikaro lagu daabacay qoraallo lagu taageerayo Guddoomiyaha sitay.




Xukuumadda oo ku eeddeysay Qaraxyadii  Hargeysa ka dhacay




Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed Waran-cadde oo ka hadlay xadhiga dadka la qabqabtay, ayaa ku eeddeeyey laba qarax loo addeegsaday walxo gacan ku samays ah oo labadii habeen ee la soo dhaafay lagu qarxiyay goobo Magaalada ka mid ah.




Wasiir Waran-cadde ayaa qaraxyadaas ku xidhiidhiyey khilaafka Xisbiga talada haya ee Kulmiye




"Waxaad la socotaan in laba habeen uu ka dhacay ama ladhigay Magaalada meelo gooni ah bahashan layidhaahdo shaanida oo runtii sababteedu ay tahay in caruurta iyo Maatida hurdada lagaga khalkhal galiyo oo runtii Xalay iyo habeen horeba ka dhacday Magaalada oo xalayn meel ku dhaw wasaarada Ganacsiga,habeen horena Hindiya Line-ka ahayd.




 “Arintaasi oo sida aad ka wada warqabtaan waxaa ay bilaaban tay markii khilaafka KULMIYE soo shaac baxay,waxaana aad layaab u leh in rag waaweyn oo mudakara in khilaafkii maamul ee u dhaxeeyey KULMIYE dhexdiisa in ay gaadho ama loo isticmaalo ama raga qaarkii ay ku fakeraan in raga qaarkii ay nabad galyada qarankan ay isku dayaan”ayuu yidhi Wasiir Cali Maxamed Waran Cadde




Waran cadde oo sii hadlay ayaa ku hanjabay “cid kasta oo isku dayda ama cadaw gudaha ah ha ahaado ama mid dibada ahba ee in aanay u suurta galin in hantida umadan haysato ee ah Nabada la khalkhal galiyo,makraa in rag noocaas ahi ay isku dayaan wax yaabahaa sidaasi oo kale ah iyaga oo aan u tudhayn umadooda iyaga oo aan u tudhayn qarankooda iyaga oo aan u tudhayn naftooda in ay sameeyaan.Markaa runtii waxaanu ka hawl galnay cidii ka danbaysay ilaa xalayto qarax yadaa,waxaana ay cidamada amnigu ay gacanta ku dhigeen Rag dhawra oo loo tuhunsan yahay qaar kalena waa lagu daba jiraa,waxaana ay wajihi doonaan hadii ALLEH yidhaahdo Cadaalada iyaga iyo cida ka danbaysaaba”ayuu yidhi.




Kulmiye oo ka jawaabay eeddeynta Mawaadiniinta xidhan




Sida lagu sheegay War ka soo baxay Xisbiga Kulmiye garabkiisa hogaanka , eeddeynta loo jeediyay dadka xidh xidhan, ayuu waxba kama jiraan ku tilmaamay xisbigu, iyagoo dhanka kalena cambaareeyey xadhiga mawaadiniintaas xisbiga Taageersanaa iyo xubnaha kale ee Masuuliyiinta ah.




Xisbiga ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay xadhiga ku-xigeenkii hore ee amniga iyo qaabka uu u dhacay hawl-galkii lagu qabtay.




“Waxaannu ka xunnahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe  loo weeraray Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Amniga  Cabdillaahi Abbokor.




Waxa kale oo aannu ka xunnahay hadalkii ka soo yeedhay Wasiirka Wasaaradda arrimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in KULMIYE ka danbeeyey, waxaannu Marwalba dhiirri-gelinaynaa amniga iyo xasilloonida dalka, waxaannu leenahay cid alla ciddii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa.




Waxaannu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan  nabaddooda, wada-jirkooda iyo xasilloonidooda. ALLAH MAHAD LEH.”ayaa lagu yidhi bayaanka ka soo baxay Xisbiga.




Hase ahaatee wasiirka arrimaha Gudaha Cali Warancadde oo ka hadlay xadhiga masuulkan hore, ayaa sheegay inay dhacday arrin aan ku talo gal ahayn oo ka dhalatay talaabadii uu qaaday markii gurigiisa loogu tegay.




Waran-cadde ayaa sheegay in Cabdilaahi Abokor iska caabin kala horyimi yeedhmo Hay’addaha baadhistu su’aalo ku waydiinayeen, taasoo laga dheehanayo inaanu xogogaal u ahayn soo qabashadiisa oo ay fuliyeen ciidanka RRU-da iyo SPU-du abaarro labadii habeenimo.




Waxaanu yidhi “Anoo aad iyo aad uga xun wasiir ku xigeen kaygii hore ee Amniga oo runtii aanu muddo wada shaqaynay oo aan layaabay sida ay wax uga dhaceen oo runtii ku kacay arimo khalkhal galin kara nabad galyada iyo sumcada qarankan Somaliland oo aynu wada ogsoonahay halka aynu ka taaganahay horumarkeena iyo wanaaga aynu ku wadno in hadalo tashuush iyo sumcad xumo galin kara maaha uun qof laakiin qaranka guud ahaanba in ay ka dhacday Wasiir ku xigeenkaygii hore sidaa awgeedna la damcay in wax laga waydiiyo  wax laga waydiiyo waxaa uu dunida u bandhigay,hase yeeshee markii la isyidhi wax ka qorana uu kala horyimi iska caabi hubaysan oo runtii naftiisa iyo nafta ciidamada Amnigaba uu khatar ku galiyey dee markaa waxaa aynu ognahay qaran ayaa aynu nahay sharcigana nin ka wayni ma jiro,waxii khalkhal galinaya amnigana ciidamadu waxaa ay awood u leeyihiin in ay gacan adag ku qabtaan waxii khal khal wada si loo badbaadiyo nabad galyada iyo jiritaanka qaranka kan.




sidaa awgeedna xalay intas ayaa dhacday ragii kale ee hadhayna waanu ku daba jirnaa,waxaanan jecel nahay insha alaahu in aanu dhakhso aanu gacanta ugu dhigno”ayuu hadalkiisa raaciyay




Shirkii 31 May iyo 1 June ee laga walaacsanaa oo la hakiyey




Hogaanka Xisbiga Kulmiye ayaa hakiyay shirka Golaha dhexe ee garabkoodu soo dhisay u qorsheeyey 31 May oo ku beegan Sabtida soo socota.




Talaabadan ayaa ka dambeysay  baaq u uga yimi Guddida Guurtida  ee dhexdhexaadinaya labada garab ee xisbigu u kala jabay.




Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo maalintii Isniinta shir jaraa’id ku qabtay Xarunta dhexe ee xisbiga ayaa ku wargeliyay xubnaha Golaha dhexe ee shalay la magacaabay inay Maalinta sabtida ee 31 isugu yimaadaan shirkooda koowaad si ay u doortaan hogaan cusub.




Shirkan ayaa garabka hogaanka xisbigu ku shiiqinayeen, mid kale oo ay xukuumaddu doonaysay inay qabato Maalinta Axadda, kaasoo laysugu yeedhay Golihii dhexe ee ay Jimcihii la soo dhaafay ku dhawaaqday.




War ka soo baxay Xarunta dhexe  ee xisbiga, ayaa lagu sheegay inay shirkaas u hakiyeen codsi uga yimi Guddida dhexdhexaadinta, kaasoo dhinaca kale lagu bayaamiyay dhaleecayn xisbigu ka soo jeediyay xadhiga Taageerayaal labadii maalmood ee la soo dhaafay dawladdu xidhay.




 “REF: XK/XGX/004121/2014                                                                           Date: 30/05/2014. Ujeeddo: Jawaaab-celin baaqii Guddiga Golaha Guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka Xisbiga KULMIYE.




Anagoo ka jawaabayna baaqii Guddiga dhex-dhexaadinta ee Golaha Guurtida, waxaannu halkan ku caddaynaynaa inaannu aqbalnay baaqaas,  isla markaana aannu hakinnay shirkii Golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta Sabtida”ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay Xisbiga.




Dhinaca kale, sida ay Gobanimonews u xaqiijiyeen ilo-wareedyo Khilaafka Xisbiga u dhuun daloolaa dhinaca Xukuumadda ayaa hakiyay Shirka kale ee ay u qorsheeyeen 1 June, kaasoo ay joojintiisa ka aqbaleen Guurtida dhex dhexaadinta wada.




Labadan shir ayaa ahaa kuwo iska soo horjeeda oo laga cabsi qabay inay xiisada Khilaafka sii huriyaan.




Waxa weeye kuwo la doonayey in loo qabto laba Golle dhexe oo xisbigu ku kala dhawaaqay ilaa Khamiistii la soo dhaafay, kuwaasoo ay kala hogaaminayaan guddiyo fulineed oo labada dhinac kala magacaabeen.




Magacyada qaar ka mid ah dadka la xidhan




1-Saleban usen salo




2-Mawliid Galbeedi




3-Cumar Cabdi Buushi




4-Muj Qureesh




5-Muj Xasan




6-Ahmed Qadha




7-Cumar Dharab




8- Cabdilaahi Abokor Cismaan (Wasiir ku-xigeenka hore)




9- Saleban Cumar Guuleed oo ah Ninka Dhawacu soo gaadhay




10- Ismaaciil Cumar Aw-cismaan




11-Cabdi Cumar Aw-cismaan




Dad kale oo ku xidhan Berbera




Dhinaca kale, tiro dad ah oo aan la xaqiijin ayaa arrimahan loogu xidhay Magaalada Berbera, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen Guddoomiyaha Xisbiga ee Gobolka Saaxil Halac-dhegoole iyo laba xildhibaan oo Golaha deegaanka ka tirsan.




Inkasta oo Masuuliyiintaas la soo daayay maanta gelinkii hore, hadana waxa wararku intaasi ku darayaan inay jiraan dad dhalinyaro ah oo wali xabsiga ku sii jiraa.




Xubnaha Xisbiga ee la soo daayay, ayaa lagu amray inaanay ka bixin Magalada Berbera, taasoo lagu xadidayo dhaqdhaqaaqooda.




Loolan laba u dhexeeya oo Laba Milyan saameeyey




siilaanyo iyo muuseSi kastaba ha ahaatee xiisada ka taagan Khilaafka Xisbul xaakimka Somaliland oo salka ku haysa loolan Madaxweyne Siilaanyo ku difaacanayo Kursiga Madaxweynaha ee uu ku fadhiyo oo uu Guddoomiyaha Xisbigu sheegay inuu isu sharaxayo.




Loolankan oo marka la eego miisaan ahaan iyo saameynta nabad-gelyo ee uu keenay ay kala culusyihiin, ayaan wali labada dhan midkoodna tanaasul la iman, jirina meel dhexe oo laysugu yimaado oo heshiis lagu geli karaa.




Guddida dhexdhexaadinta ah oo war cusub sheegay




Guddida Guurtida ah ee dhexdhexaadinaysa ayaa haatan ku guulaystay inay xabad joojin dhex dhigaan labada dhan, oo ay ka baajiyaan Shirarkii weerarka iyo weerar celiska ahaa ee maalmahan socday.




Guddoomiyaha Golaha Guurtida oo hogaaminaya Guddida ayaa sheegay inay labada dhinacba ku qanciyeen in xaalada la soo dabaalo, lana joojiyo shirarkii xaasaasiyada laga qabay.




Saleeban Maxamuud Aadan ayaa BBC-da u sheegay “Madaxweynaha iyo dhinaca kaleba waanu ka wada hadalnay arimahan, waanan is aragnay madaxweynaha, berina waanu la balansanahay, waxaanan rajeynayaa in afgarad lagu dhameeyo hawsha”ayuu yidhi.




Saleban Cabdi Cali




Gobanimonews




Hargeysa Office




Email: editor@gobanimonews.com

Friday, May 30, 2014

Daawo:“Hargaysa Inay Muqdisho Noqoto Raali kama NIhin ” Maayir Ku Xigeenkii Hore Degmada Borama.


Borama(GNA) Maayir Ku Xigeenkii Hore Degmada Borama Muumin Gadiid Oo Maanta warbaahinta La Hadlay Ayaa Waxa Uu Sheegay In La Kala Saaro Qaranka Iyo Qabiilka




http://youtu.be/CXSHzsU9B_Q




Mustafe caraale




Gobanimo news




Borama office

Suuq Ganacsi oo ku gubtay Xaafadda Islii ee Soomaalida


gaarNairobi(GNA)-Dab xoogan oo saacado qatay in ladamiyo ayaa ka kacey xafada somalidu degto ee islii magalada Nairobi.




Dabkan ayaa markii hore qabsadey hotel ku yaal jidka 11 street ee xaafada islii.




 si dhaba looma shaacin sababta ka danbaysay dabkan xoogan oo gaystay khasaare baahsan balse waxa lagu mashquulsan yahay oo la baadhayaa sababta keentay dabkan.




Sido kale waxa goobta soo gaarey ciidamada amaanka Kenya gaar ahaan baabuurta dam damiska.




Goobta dabka xoogan qabsadey ayaa u dhow hotel Curmal ee xafada islii waxaan tirokoob lagu ogayn khasara ka dhashay dabkan, inkastoo waxyeelo badan uu geystay.




Cabdiraxmaan Buurdhaab




Gobanimonews




kitale Kenya Office




 

Daawo:Dhalinyarada Reer Borama Ee Xiiseeya Ciyaaraha Oo Soo Dhaweeyay Mashruuc Lagu Harumarinayo Garoonada Ciyaaraha Ee Boorama+Maayirka Borama Oo Ay Hambalyo Uu Direen.


Borama(GNA) Qaar ka mid ah Dhalinyarada magaalada Boorama gaar ahaan ciyaartoyga ayaa maanta hambalyo u diray Meeyarka Magaalada Boorama Md:Saleebaan xasan xadi waxanay sheegeen inay soo dhawaynayaan mashaariicda qiimaha leh ee uu soo wado ee uu rabo in uu ku hormariyo Sportiga.




http://youtu.be/vWonn1nbTXQ




Mustafe caraale




Gobanimo news




Borama office

Warsaxaafadeed Ku Suntan Baaqii Guddida Golaha Guurtida Ee Dhexdhexaadinta Kulmiye Oo Goordhaweyd Ay Soo Saareen Garabka Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye


Warsaxaafadeedkan oo ka soo baxay garabka uu hogaaminayo guddoomiyaha xisbiga Kulmiye iyo ku xigeenkiisa Maxamed Kaahin ayaa u dhignaa sidan:




REF: XK/XGX/004121/2014                                                                           Date: 30/05/2014 




 




Uj : jawaaab celin baaqii guddida golaha guurtida ee dhexdhexaadinta khilaafka xisbiga kulmiye




 




 Anagoo ka jawaabayna baaqii gudida dhexdhexaadinta ee golaha guurtida waxaanu halkan ku cadaynaynaa inaanu aqbalnay baaqaa  isla markaana aanu hakinay shirkii golaha dhexe ee qabsoomayey 31/5/2014 maalinta sabtida .




 




Waxaanu ka xunahay dhacdadii iyo qaabkii xalayto saqdii dhexe  loo weeraray wasiir ku xigeenkii hore ee amniga  c/laahi abokor.




Waxaa kaloonu ka xunahay hadalkii ka soo yeedhay wasiirka wasaarada arimaha gudaha ee qaraxyadii dhacay ku tilmaamay in kulmiye ka danbeeyey , waxaanu marwalba dhiiri galinaynaa amniga iyo xasiloonida dalka waxaanu leenahay cid alla cidii ka danbaysayna way iska soo bixi doontaa .




 




Waxaanu shacbiga Somaliland ugu baaqaynaa inay ilaashadaan  nabadooda ,wada jirkooda iyo xasiloonidooda .




 




ALLAH                 MAHAD             LEH




 




Xildhibaan : siciid cilmi rooble 

Daawo Video naxdin leh: Ciidanka RRU-da oo Gabood fal ka geystay Guriga W. ku-xigeenkii amniga


Guriga Wasiir ku-xigeenkii hore ee amniga Somaliland, ayaa Cabdilaahi Abokor Cismaan ayaa Ciidanka RRU-d ka geysteen gabood fal aad u fool xun oo argagax ku abuuray Bulshada.




Muuqaal aanu idiinka soo diyaarinay iyo waraysiyo ayaanu galkan idiinku soo gudbinaynaaye daawasho wacan:


UN: Somalia and Somaliland Find Peaceful solutions in line with the Provisional Federal Constitution


Statements of UN Council that was release by the 28 May 2014, said such us on:




United Nations S/2014/377




Security Council Provisional 28 May 2014




United Kingdom of Great Britain and Northern ireland: draft resolution




The Security Council,




Recalling all its previous resolutions and statements of its President on the situation in Somalia,




Reqffirming its respect for the sovereignty, political independence, territorial integrity and unity of Somalia,




Commending the United Nations Assistance Mission in Somalia (UNSOM) for its first twelve months of operation, and noting with appreciation UNSOM’s positive impact in supporting the Federal Government of Somalia (FGS) in the peace and reconciliation process,




Underlining the need for urgent progress in the development of a federal system, the review and implementation of the Somali Provisional Federal Constitution and preparations ['or elections in 2016,




Expressing concern around the heightened tension in Baidoa and the potential for confl'ontation between Puntland and "Somaliland", and encouraging in this regard the FGS to strengthen dialogue with PuntIand and resume talks with "Somaliland" in order to find peaceful solutions in line with the Provisional Federal Constitution,




Recognizing the primary responsibility of the FGS, with the support of the African Union in Somalia (AMISOM), UNSOM and international partners, in consolidating security and establishing basic governance and the rule of law, as well as providing humanitarian access and basic social services, in areas secured by AMISOM and the Somali Security Forces,




Recalling the need for all parties to respect the relevant provisions of international humanitarian law and the United Nations Guiding Principles of humanitarian assistance,




Welcoming the positive relationship between UNSOM and the African Union Mission in Somalia (AMISOM), underlining the fundamental importance of both Missions working closely together in accordance with their respective Security Council mandates, and noting the need for continuing collaboration with the United Nations Support Office for AMISOM (UNSOA),




Underlining the importance of UNSOM working closely with the Federal Government of Somalia, and in that context welcoming UNSOM's plans to relocate




S/2014/377




2/4




outside of Mogadishu International Airport as well as expanding its presence and work into the regions as security conditions permit,




Welcoming the achievements of the current joint Somali National Army (SNA) and AMISOM operations, underlining its expectation that these operations will continue, and commending the extraordinary bravery and sacrifices made by AMISOM and SNA personnel in pursuit of peace and stability in Somalia,




Expressing concern that AMISOM has not yet established a Civilian Casualty Tracking Analysis and Response cell, the importance of which was stressed by Security Council resolutions 2124 (2013) and 2093 (2013),




Expressing concern at the reports of violations of human rights, including extrajudicial killings, violence against women, children and journalists, arbitrary detention and pervasive sexual violence in Somalia, including in camps for internally displaced persons, and underscoring the need to end impunity, uphold human rights and to hold accountable those who commit such crimes,




1. Decides to extend UNSOM's mandate for a period of 12 months as follows:




(a) To provide United Nations "good offices" functions, supporting the Federal Government of Somalia's peace and reconciliation process;




(b) To support the Federal Government of Somalia, and AMISOM as appropriate, by providing strategic policy advice on peacebuilding and State- building, including on:




(i) Governance, including public financial management;




(ii) Security sector reform, rule of law (including police, justice and corrections within the framework of the United Nations Global Focal Point), disengagement of combatants, disarmament, demobilisation and reintegration, maritime security and mine action;




(iii) The development of a federal system; the constitutional review process and subsequent referendum on the constitution; and preparations for elections in 2016;




(c) To assist the Federal Government of Somalia in coordinating international donor support, working with bilateral and multilateral partners, in full respect of the sovereignty of Somalia, in particular on:




(i) Security sector assistance including with the Government's requirements under the terms of the partial suspension of the arms embargo; and




(ii) y? Maritime security;




(d) To help build the capacity of the Federal Government of Somalia to:




(i) Promote and protect human rights and women's empowerment, including through the provision of Gender Advisers and Human Rights Advisers;




(ii) Promote child protection and to implement the relevant Somali Government action plans on children and armed conflict, including through the provision of Child Protection Advisers;




(iii) Prevent conflict-related sexual and gender-based violence, including through the provision of Women's Protection Advisers;




(iv) Strengthen Somalia's justice institutions and to help ensure accountability in particular with respect to crimes against women and children;




(e) To monitor, help investigate and report to the Council on, and help prevent:




(i) Any abuses or violations of human rights or violations of international humanitarian law committed in Somalia, including through the deployment of human rights observers;




(ii) Any violations or abuses committed against children in Somalia;




(iii) Any violations or abuses committed against women, including all forms of sexual and gender-based violence in armed conflict;




2. Welcomes the establishment of UNSOM as an integrated Mission under the strategic direction of the SRSG, welcomes also the re-opening of the United Nations Common Compound in Mogadishu on 24 April 2014, encoy?lrages the United Nations Country Team to continue relocating to Mogadishu as security conditions permit, and reiterates' paragraph 5 of resolution 2102 (2013) and paragraph 17 of resolution 2124 (2013) regarding UNSOM's structures and reporting lines;




3. Stresses the importance it attaches to UNSOM working with the Federal Government of Somalia in supporting the Government's stabilisation efforts and coordinating international assistance, in particular in areas recovered fi'oln A1 Shabaab;




4. Encourages UNSOM, AMISOM and the lntergovernmenta! Authority on Development (IGAD) to continue developing and implementing joint activities, in accordance with their respective mandates, in support of peacebuilding and State- building in Somalia and in this regard, requests the SRSG to align closely United Nations Country Team activities in Somalia with the priorities of UNSOM and to coordinate United Nations activities with the FGS as well as the African Union (including AMISOM), IGAD, European Union and other regional, bilateral and multilateral partners;




5. Highlights that tile long-term security of Somalia']s dependent on the development of the SNA, zlnderliHes the importance of continued coordinated and transparent support from the international community to develop the SNA, fzlrtDer Hnderlines the leadership role for the FGS in this process, and encore’ages Member States to support, as requested by the Security Council in paragraph 14 of resolution 2124 (2013), the SNA including through donations to the United Nations Trust Fund to provide non-lethal logistical support to the SNA when they are on joint operations with AMISOM and which are part of AMISOM’s overall Strategic Concept;




6. Reiterates the importance of UNSOM adhering to the Secretary- General’s Human Rights and Due Diligence Policy and tile United Nations Zero= Tolerance Policy on Sexual Exploitation and Abuse;




7. Condemns in the strongest terms recent terrorist attacks perpetrated by A1-Shabaab in Somalia and the region, notes with concern the number of attacks in Mogadishu, expresses further concern that AI-Shabaab continue to carry out terrorist




S/2014/377




3/4




S/2014/377




4/4




acts in Somalia, underlines the importance of holding perpetrators to account (in full compliance with international law), and reiterates that terrorist attacks will not lessen its resolve to support the peace and reconciliation process in Somalia;




8. Welcomes the recent deployment of a United Nations Guard Unit to strengthen security at UNSOM compounds;




9. Calls on the Federal Government of Somalia to develop a clear plan towards elections in 2016, including achieving key milestones such as a referendum on the constitution and the formation of interim state administrations expresses its willingness to support such a plan, and in this context encourages close dialogue between the Federal Government of Somalia and appropriate regional administrations;




10. Expresses deep concern at the humanitarian situation in Somalia, highlights in particular that 2.9m Somali people require humanitarian assistance, underlines the risk of further deterioration, highlights the urgent need for funding for the United Nation’s Consolidated Appeal for Somalia which is only 19% funded, and reiterates its demand that all parties allow and facilitate full, safe and unhindered access for the timely delivery of aid to persons in need across Somalia;




11. Stresses the need for the FGS to ensure that all perpetrators of serious violations of international humanitarian law are held accountable, and emphasizes the importance of UNSOM supporting the FGS in developing and implementing a national strategy for preventing and responding to sexual and gender-based violence;




12. Calls on UNSOM to implement its mandate consistent with, inter alia, resolution 1325 (2000), deplores the ongoing incidences of sexual violence in Somalia, welcomes the Federal Government of Somalia’s development of a National Action Plan to end sexual violence as well as the Implementation Plan of the Joint Communiqud of the Federal Government of Somalia and the United Nations on the Prevention of Sexual Violence, and encourages the United Nations, Member States and regional and international organisations to support implementation;




13. Strongly condemns reports of grave violations against children, welcomes the Federal Government of Somalia’s signing of the Standard Operating Procedures for the reception and hand-over of children separated fi’om armed groups, and urges the Federal Government of Somalia to continue to implement the action plans on children and armed conflict, including bringing perpetrators of such acts to justice;




14. Expresses concern at the reports of human rights violations received by UNSOM and its partners, some of which were allegedly perpetrated in relation to the continuing military campaign, and at the forced evictions of internally displaced persons, stresses the need for the Federal Government of Somalia to ensure that all perpetrators of such violations are held accountable, and calls upon the Federal Government of Somalia to promote respect for and actively protect human rights, including of persons in detention centres;




15. Requests the Secretary-General to keep the Security Council regularly informed of the implementation of UNSOM’s mandate, including through oral updates and no fewer than three written reports, with the first written report by 25 September, and every 120 days thereafter;




16. Decides to remain actively seized of the matter.