Hargeysa(GNA)-Dadweyne Danyarta Xaafaddaha Magaalada Hargeysa ka mid ah, ayaa maanta cabasho la hortegay Wasaaradda Caafimaadka Somaliland,taasoo ay kaga cabanayaan xarun Caafimaad oo loo dhisi lahaa oo sida ay sheegeen uu iska hortaagay Isuduwaha Caafimaadka ee Gobolka Maroodi-jeex.
dadweynahan oo degen Xaafadda Sheikh Cumar oo beryahanba Cabashooyin dhinaca nolosha ah ka soo yeedhayeen , ayaa cabashadoodu ka dambeysay, baahi dhanka adeega caafimaadka ah oo mudo laba sanadood ah haystay, ka dib markii ay Hay’ada CARITAS u ogolaatay inay xaafadooda uga dhisayso Xanaano Hooyada iyo Dhalaanka lagu daaweeyo, dabadeed Ogolaanshiyihii Wasaaradda Caafimaadka mudo bilo ah lagu war-wareejinayo.
Sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay xubno ka mid ah Odayaasha Xaafadda iyo Dumar is-xambaarsan oo Wariyeyaasha ugu waramay xarunta Wasaaradda caafimaadka ee Hargeysa oo ay cabasho la hortaagnaayeen.
“waxaanu nahay dadka danyarta ah ee degen Xaafada Sheikh Cumar Yuusuf, waxaanu ka cabanaynaa Wasaaradda Caafimaadka oo noo diidan inay noo ogolaato in naloo dhiso Xanaano ay Hay’ada CARITAS noo dhisi lahayd oo mashruucii ka dhamaanayo iyadoo aan wali la bilaabin, taasoo sababteeda uu leeyahay Ninka isuduwaha Caafimaadka gobolka oo Laaluush ku xidhay inuu Ruqsadii Ogolaanshiyaha na siiyo, noona diidan ilaa hada oo aanu afar bilood daba wareegaynay”sidaasi waxa Gobanimonews u sheegay Faysal Maxamed Xaashi oo ka mid ah dadka u dhaqdhaqaaqa Bulshada Xaafadda Sheikh Cumar.
Faysal ayaa intaasi ku daray “waxa aanu ka cabanaynaa waa wasaaradii Caafimaadka ee iyada Masuuliyadu ka saarnayd caafimaadka Bulshada, dadkan waxa laba sanadood ka hor laga raray meelo kala duwan oo magaalada ah, waxa la geeyay meesha ay degenyihiin oo aan wax adeeg ah lahayn, ma haystaan dhamaan adeegyadii aasaasiga ahaa oo caafimaadku ku jiro.
Markaa markii ay Hay’adu qandaraaskii soo bixisay ayuu si badheedh ah isu hortaagay inuu Ogolaanshiyihii siiyo Isuduwaha wasaaradda Caafimaadka ee Gobolka Ninka la yidhaahdo Sayid, isagoo eexaysanaya arimo dhaqaale, waxaanu nagu xidhay inaanu Laaluush bixino, markaa wasaaradda waxaanu leenahay kuwa Caqliga yar ee aad shaqada u dirsateen,inaanay ahayn kuwo wax arkaya, dadka ay sidaa u gelayaanaa waa dadkii Aabbeyaashood ku dhinteen Halkii”ayuu yidhi Faysal.
Aamina Maxamuud Cumar oo ka mid ahayd Hooyooyinka halkaasi cabashada u joogay ayaa iyaduna ka warantay sida ay wax u jiraan iyo cabashadooda “laba sanadood ayaanu meesha degenayn, laba Kun oo qoys ayaanu nahay,ma haysano xarun caafimaad oo Caruurtayada iyo dumarka Uurka leh eexanuusada iyagoo halis ku sugan ayaa Magaalada la soo gaadhsiiyaa, markaa hada xanaanada yar ee ay hay’adu noo ogolaatay ayaa nalaga hortaaganyahay”yay tidhi.
Muuna Cabdilaahi Iidaan oo sheegtay in adeeg la’aanta Caafimaadka ee deegaankaasi ka jirta solansiisay khatar Nololeed oo ay ka bad-baaday, ka dib markii u dhiig-baxday Ilmo ku dilaacay, ayaa Hay’adaha dawlada ka codsatay in loo dhiso dhamaan adeegyada Aasaasiga ah ee a maqan.
Waxaanay tidhi, “meesha aanu degenahay kuma haysano adeeg caafimaad, waxa dhacday wakhti hore inaan Xaafadaa ka soo lugeeyay anigoo foolanaya, oo aan imi Xanaanada Faluuja, hadana markii aan umulay dib ula lugeeyay Imihii yaraa, waxa kale oo jirtay mar ka dambeysay oo Ilmo igu dilaacay anigoo Gurigayga jooga, dabadeed aan halkii ku dhiig-baxay, ka dib dhiig-bixii halkaa laygaga soo qaaday anigoo aan waxba ku noolayn, waxa kale oo iyana jirta caruurtayada oo aan haysan dhakhtar hadii nabar ku dhaco aanu kiniin uga iibino, markaa waxaanu codsanynaa in arimahaa wax nalagala qabto, Ninkan naga hor-istaagayna Xanaanada naloo dhisayana nalaga qabto”ayay tidhi Hooto Muuna oo dhawr Caruur ah oo aad u yar-yar wadatay.
Xubno kale oo iyaguna halkaasi Warbaahinta Gobanimonews kula hadlay ayaa xukuumadda u diray codsi la xidhiidha in laga saacido Baahiyaha ku geedaaman Deegaanka ay ku noolyihiin oo aan lahayn goobo waxbarasho, rug Boolis, xarumo Caafimaad iyo adeegyo biyood toona.
Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka oo uu ku jiro sarkaalkan eedaymaha loo soo jeediyay oo aanu isku daynay inaanu wax ka waydiino tabashada dadweynahan iyo eedeymaha loo soo jeediyay ayaanay noo suurto gelin, ka dib markii aanu Xafiisyadooda ka waynay, qaarkoodna Telefoonadooda gacanta oo aanu ka wacnay ka jawaabi waayeen.
Sidaasoo ay tahay dhawaaqa ka soo yeedhaya Qoysaskan danyarta ah ayaa ah mid u baahan inay dhakhso uga jawaabta Wasaaradda Caafimaadku, una fuliso waxa ay dalbanayaan oo ah adeegyo lagama maarmaana, hadiise laga dhego adaygo oo ay hoos u eegi waayaan Masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadku, taasi waxay ka turjumaysaa arxan la’aan dawladu
Gobanimonews
Hargeysa Office
Email: editor@gobanimonews.com